Gooldhalin
Nagu Xirnow goor walba oo Hel Macluumaad Sport iyo Midadaalo
04/07/2025
Ninkan Nico Williams ah ma waxaa loosoo diray inuu qalbiga jebiyo Barcelona iyo Taageerayaasheeda.
Laacibkan ayaa heshiiska u kordhiyay Athletic Club wuxuuna saxiixay ilaa 2035.
Heshiiska cusub waxaa ku jira in qiimaha lagu fasaqi karo uu kii h**e ka badanyahay +50% iyadoo markii h**e uu ahaa qiimaha lagu iibsan karay €58m, sidoo kale mushaarka ayaa loo kordhinayaa.
Muuse Hoshow
03/07/2025
Xiriirka UEFA ee qaadadda Yurub ayaa ku dhawaaqay daqiiqado aamusnaan ah oo loogu baroor diiqayo weeraryahan Diogo Jota iyo Walaalkii oo shil gaari ku dhintay, waxaana daqiadahaas ay dhacayaan ka hor ciyaar walba oo ka mid ah kulamada UEFA Women's EURO 2025 ee maanta iyo berri dhacaya.
Weeraryahankii Portugal iyo Liverpool FC, Diogo Jota iyo walaalkii André Silva ayaa shil gaari oo ka dhacay Spain ku geeriyooday.
Shilka waxaa uu dhacay 12:30am waqtiga Spain, xilli gaari nuuciisu yagay Lamborghini uu Taarirku ka baxay isla markaana uu gaariga oo dhan dab qabsaday.
Sida Boolisku sheegay wuxuu shilku ka dhacay Cernadilla oo ka tirsan deegaanka Zamora 2-da qof ayaana ku dhimatay.
Toddobaad ka hor ayuu la aqal galay hooyada carruurtiisa oo 3 ah Rute Cardoso, June 22, 2025, ka hor inta uusan maanta shil ku dhiman.
Muuse Hoshow
02/07/2025
Liverpool ayaa ku gacan seyrtay dalab u muuqda Rasmi oo FC Bayern Munich ay usoo dirtay Luis Díaz maanta 🚫.
Liverpool ayaa ku adkeysatay iney sii heysan doonto Luis Díaz waxayna maya uga jawaabtay Qorshaha Bayern.
Weli kooxda horyaalka England wax qandaraas kordhin ah kalama heshiin Luis Díaz, balse haddana ma jiraan wax albaabo ah oo u furan in laacibku ka tago Liverpool.
Muuse Hoshow
26/06/2025
Milos Kerkez ayaa heshiiska rasmiga ah u saxiixay Liverpool keddib markii uu Bournemouth uga soo dhaqaaqay £40m 🇭🇺.
Jimcihii h**e ayey kooxdu si rasmi ah ugu dhawaaqay saxiixa Wirtz.
Muuse Hoshow
24/06/2025
Milos Kerkez wuxuu si buuxda uga gudbay tijaabada caafimaadka ee Liverpool wuxuuna heshiis £40m ah uga dhaqaaqay Bournemouth.
Xiddigga dalka Hungary ayaa bil ka hor yiri waan doonayaa ka mid noqoshada Liverpool iyo shaqaalaha tababare Arne Slot.
Maamulka kooxda ayaa intaas wixii ka dambeeyay dardar geliyay qorshaha saxiixa laacibkan difaaca adag.
Hadda Kerkez waa Liverpool waana saxiixii 3aad ee ay suuqan kula wareegto, keddib Wirtz iyo Frimpong.
Muuse Hoshow
21/06/2025
Jarell Quansah ayaa ka dhaqaaqaya Liverpool si uu ugu wareego Bayer Leverkusen saacadaha soo socda.
Muddo 2 maalin ah gudaheed waxay labada kooxood la kala wareegi karaan laacibkan difaaca adag ah.
Qiimaha horay ayaa la isaga Afgartay in £35m ay bixiso Bayer sidoo kalena ay Gunnooyin waxqabadka la xiriira ku darto marka uu laacibku guulo la gaaro kooxda.
Muuse Hoshow
21/06/2025
Florian Wirtz ayaa diiday kooxaha Manchester City iyo FC Bayern oo mushaar ahaan uga fiicnaan lahaa Liverpool.
Wax walba oo ku saabsan dhaqaaqiisa ayuu sheegay iney sabab u ahaayeen keddib markii uu taleefanka kula hadlay tababare Arne Slot.
Kani wuxuu noqonayaa saxiixa suuqan ugu fiican.
Muuse Hoshow
18/06/2025
Safka rasmiga ah ee Real Madrid ay kaga hortegeyso kooxda Al Hilal, Sacuudi ciyaarta Koobka kooxaha dunida.
Xabi Alonso ayaa safkiisa h**e kusoo Daray Trent Alexander-Arnold iyo Dean Huijsen oo labaduba Premier League ka yimid.
Hala arko bal waxa uu kooxda kusoo kordhiyay tababare Alonso.
Muuse Hoshow
18/06/2025
Kulamada Liverpool ee Horyaalka Premier League 2025-26, jadwalka oo dhammeystiran.
Ka billow bisha August oo ay 3 ciyaarood dheeli doonto ilaa bisha May 2026 oo 4 kulan ugu jiraan maxaa laga filan karaa Liverpool fasalka dambe.
Muuse Hoshow
15/06/2025
14/06/2025
In kastoo uusan heli karin ciyaartoydii shaxdiisa ku habboonaa ee wada dagaalka ahaa, haddana isaga ayaa abuuran doona Jabhaddiisa, macallinka cusub ee Talyaaniba Gennaro Gattuso.
Heshiiska waa dhacay Gattuso ayaana toddobaadka dambe lasoo bandhigi doonaa, isagoo xulka hoggaamin doona.
Saf ay isaga, Canavaro, Vieri iyo rag kale ku jiraan in hoggaami la dhaho ahey aheyd.
Muuse Hoshow
Click here to claim your Sponsored Listing.
Gooldhalin.com
Gooldhalin.com waxay u Heellantahay in ay kuuso Gudbiso Wararkii u dambeeyay ee Ciyaaraha Somalia iyo Caalamka kale.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Juba
02/07/2025