Awjeele Media

Awjeele Media

Share

Magaceygo Waa Bashiir Maxamed Awjeele Waxaan Ahay Wariye Madax Banaan igala Soco Halkaan

28/04/2026

Dhacdo cabsi leh 🚨 Rookie Muqdisho kaday sacad........semore

28/04/2026

Fafiif,

Mar walba ma jecli inaan ka hadlo qabyaalad iyo qurunkeeda, balse dantu ayaa igu khasbeysa inaan arrintan taabto.

Odeygaan waxa uu ku doodayaa in Hawiye ay xaq u leeyihiin Madaxweyne ku-xigeen, Koonfurgalbeed halka qabiilada Digil iyo Mirifle wax lala yaabo ay noqon la heyd hadii agaasime, x Galmudug ama Hirshabelle ka doonan la hayeen .

Taasi waa arrin runtii la yaab leh oo muujinaysa eex cad.

Sababta ugu weyn ee arrintan ka dambeysa waa faquuq iyo aqli xumo salka ku haysa qabyaalad.

Run ahaantii, dalkaan waxaa ka jira dhaqan ah in qof kasta uu dulmiyo kan uu ka awood badan yahay.

Xalka ugu habboon ee dalkeena lagu badbaadin karo waa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, maadaama ay tahay nidaam caddaalad ku dhisan oo aan cidna dulminayn.

Xalka dhabta ah waa cadaalad iyo ku dhaqanka shareecada, si qof walba uu u helo xaqiisa.

28/04/2026

: Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa goordhow lagu dilay tababarihii kooxda Daarusalaam, Cabdi Soomaali, waxaana dilka geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo la sheegay in rasaastu si kama’ ah uga fakatey.

Dhacdadan murugada leh ayaa kusoo biireysa falal dil iyo dhac isugu jira oo muddooyinkii dambe ka dhacay Baydhabo tan iyo markii maamulka Lafta Gareen talada laga tuuray.

Dad badan ayaa xusuusan maamulka h**e, xilli la sheegi jiray in qofkii dil geysta si degdeg ah sharciga loo marsiin jiray maalinta xigta.

Su’aasha taagan ayaa ah: cadaalad darradii Muqdisho ka jirtay ma Baydhabo ayay ka bilaaban doontaa?

Bulshada waxay sugayaan baaritaan hufan iyo in caddaalad degdeg ah la helo

28/04/2026

Dhacdo yaab leh ayaa ka dhacday gobolka Odisha ee dalka Hindiya, kadib markii nin uu qabrigii kala soo baxay meydka walaashiis oo geeriyootay 2-da Janaayo 2026.

Ninkan ayaa la sheegay inuu meydka u waday bangi, si uu u helo lacag ay walaashiis lahayd oo uu doonayay inuu kala baxo. Bangiga ayaa ku adkeystay in aan lacagta la bixin karin ilaa la xaqiijiyo geerida, taas oo ku qasabtay inuu soo saaro meydka oo muddo ku dhow afar bilood aasnaa.

Markii uu meydka la tagay bangiga, shaqaalihii ayaa ka argagaxay goobtana ka cararay. Booliska ayaa markii dambe soo farageliyay, iyagoo dib u aasay gabadha.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday shalay, waxaana si weyn looga hadal hayaa gudaha gobolka Odisha.

Photos from Awjeele Media's post 27/04/2026

Hambalyo diirran ayaan u dirayaa Iman Jama oo ku guuleystay Abaalmarinta Media & Journalism Award.

Runtii waa saxafi mudan iyo mid ka qaali ahba
waan ku daydaa 50 k Asoo mara la soojan qaaday ilaa hadana waararkisa ima dhaafo , dadaalkiisa iyo wararkiisa tayo lehna waa kuwo si weyn loo jecel yahay, anigana si joogto ah ayaan ula socdaa.

Hambalyo Ustaad, guulo badan ayaan kuu rajaynayaa.

27/04/2026

Lacagtaan Ayaanu Iska Leenahay Anagu....Semore

27/04/2026

Ninka ugu taajirsan Afrika ee Aliko Dangote ayay hantidiisu gaadhey 37 Billion oo Dollar isaga oo noqday shakhsiga ugu hodsan qaaradda Afrika.

Waa 69 jir u dhashay Nigeria oo wax ku bartay Jaamacadda Azhar ee dalka Masar, waana nin ka dhashay qoys hanti lahaa oo caanka ahaa Nigeria.

Waxa uu lee yahay wershadda Sibidhka ee ugu weyn Afrika taas oo waraabisa 10 dal oo qaaradda ku yaalla, waxana ganacsigiisu uu ka gudbay gudaha dalka Nigeria.

27/04/2026

"Qurux dhalanteed ah yaan lagu....See More

27/04/2026

Degmada Afgooye Waalagu Nimcestayđź’¦

27/04/2026

Galgaduuud laba beelood ayaa sidan isku dagaalaya Soomaalidu iyaga iska adag ...see more

27/04/2026

Nabadon Kuusaneey Oo Ka Jawaabay Hadalkii Malaaq Deerow.
Nabadoon Kuusaneey ayaa si adag uga falceliyay hadalkii uu dhawaan jeediyay Malaaq Deerow, kaasoo sheegay in beesha Hawiye ay xuquuq ka maqan tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

26/04/2026

La-taliyihii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Hada ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in go’aankiisa uu la xiriiro caqabadaha iyo is mariwaaga siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo keeni kara xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni. Wuxuu sidoo kale xusay inuu si dhow ula wadaagi doono shacabka aragtidiisa ku aaddan xal u helidda xaaladda siyaasadeed, iyadoo la tixraacayo in muddada xilhaynta hay’adaha dowladda ay ku eg tahay 15-ka May 2026.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Afgoi
Mogadishu
252