B6ENG

B6ENG

Share

students

01/10/2022

Engineering Ethics- What is Engineering Ethics and the Importance,
Fundamental Principle and Applications and Enhancement of Engineering Ethics

A. What is Engineering Ethic?

1. Engineering ethic is a system of moral principle to be applied to practice of engineering.

2. It is a set of obligations by engineers to society, to the clients and to his profession.

3. It is related to moral issues, ideas, character and engineering matters

B. Importance of engineering ethic?

1. Engineering Ethics will increase the ability of engineers to respond and confront moral issues raised from technical, financial and legal responsibility

2. To ensure design, supervision and safety , etc to follow standards and specification

C. Fundamental principle of engineering ethic?

1. Knowledge and conviction of professional and moral responsibility to themselves and human beings

2. To uphold and advance the integrity, honour and dignity of the engineering professions.

3. Using kowledge and skill for the enhancement of human welfare

4. Being honest and impartial

5. Striving to increase the competency and prestige of the emgineering profession

6. Supporting the profession and technical societies of their disipline

7. To continue their professional development throughout their career

8. To provide opportunities for the professional development of those engineers under their supervision

D Application of engineering ethics

1. Engineers shoukd hold paramount the safety, health and welfare of the public in the performance of their professional duties

2. Engineers should perform services only in the areas of their discipline and competence

3. Engineers should issue public statement in objective and truthful manner

4. Engineers shall act in professional matter as faithful agents and shall avoid conflict of interest.

E. Enhancement of engineering ethic

1. Better training for engineers

2. Better exposure

3. Provide guidance

4. Improve awareness

5. Improve understanding

6. Emphasis of ethics

7. Improve capacity and competency

8. From lessons learnt

9. Not afraid to say what they think

F. Some exmaple of Bad engineering ethics

1. Improper procedure

2. Do comply codes

3. Not using resources efficiently and effectively

4. Use of Wrong materials or specification

5. Mislead client and publics

6. Misinterpretation of formulae

7. Dispute fact or wrong prediction, liability especially the cost of redesign and reconstruct is too high

8. Change of design but calculation was not done or check what redesign and construction change would do etc

B6ENG🎬

03/09/2022

Kulliyada Injineerinka (Faculty of Engineering).

Injineeriyadu waa aqoon lagu naqshadeeyo wax cusub, laguna horrumariyo wixii h**e, iyada oo la adeegsanayo xeerarka sentiifigga. Injineerku waa qofka isku xira Saynisyahanka iyo farsamoyaqaanka oo waxaan dhihi karnaa waa qofka u kala afnaqa saynisyahanada iyo farsamoyaqaanada, marka loo baahdo in la dhaqangaliyo aragti uu saynisyahan ka sheekeeyay ama xeer-xisaabeed ahaan u sharxay waxaa lama huraan ah in la helo Injineer aragtidaas nolosha ku dhaqangaliya, kuna sima oo ka dhaadhiciya farsamoyaqaanka.

Sooyaalka aqoonta Injineeriyada waa qayb kamid ah sooyaalka ilbaxnimada Iinsaanka. Labada laamood ee ugu cimriga dheer aqoonta Injineeriyada waa; Injineeriyada ciidanka xoogga 'Military Engineering' iyo Injineeriyada rayidka 'Civil Engineering', oo si loo kala saaro Injineeriyada ciidanka iyo tan rayidka ayaa labadaas magac lagu kala asteeyay.

Si guud marka laga yimaado dhowrka laamood ee ugu waawayn injineeriyada (sida Injineeriyada rayidka 'Civil Engineering', Injineeriyada korontada 'Electrical Engineering', Injineeriyada miikaanigga 'Mechanical Engineering', Injineeriyada kiimikada 'Chemical Engineering') waxaa jiro faracyo badan oo uu qofku ku takhasusi karo.

Sida aynu ognahay rayidka waxa uu u baahanyahay guryo uu degaan ka dhigto oo uu seexdo. Waxa uu u baahanyahay goobo caafimaad. Waxa uu u baahanyahay goobo cibaado. Waxa uu u baahanyahay waddooyin iyo garoomo uu isaga goosho. Waxa uu u baahanyahay biyo nadiif ah oo uu cabbo. Baahiduna waa hooyada hal-abuurka. Injineerka aqoontiisa tahay Injineeriyada rayidka waa qofka intaas oo meelood rayidka u buuxinaya. Waa kan dhisaya guryaha, garoomada, laamiyada Iwm.

Marka uu ardayga dhameeyo heerka koobaad ee aqoonta Injineeriyada rayidka, waxa uu ku takhasusi karaa qaybaha kasii farcama aqoontaas (sida Construction engineering, Environmental engineering, Geotechnical engineering, Structural engineering, Surveying,Transportation engineering, Water resources engineering)

Maadaama tirikoob sax ah uusan jirin dalkeenna, haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano Maraykanka; tirada Injineerada rayidka 'Civil engineers' ee dalkaas ka shaqeenyay 2017-koi waxa ay kor usii dhaafayeen 350,000 oo Injineer. Sanadkii 2017-kii waxaa lagu kharaj gareeyay dhismayaal cusub lacag dhan $780 Billion. Sidoo kale dayactirka dhismayaashi h**e ayeey ku baxday lacag dhan $315 Billion. Ballanqaad uu sameeyay Trump 2018-kii ayuu ku sheegay in Kaabayaasha dhaqaale (Laamiyada, ayraboorada, dekedaha) uu ku kharaj garayn doono lacag dhan $1.5 trillion.

Sidoo kale marka la eego dhaqaalaha dalalka soo koraya injineeriyada rayidka waa isha labaad ee ugu dakhliga badan. Waa aqoon dhinac walba iyo si kastaba u nacfi badan. In badan ayay bulshadeena u baahantahay Injineerro rayid ah oo aqoontooda ku garab istaagga dadkooda. In badan ayeey guri la'aani jirtaa. In badan ayeey kaabayaashi dhaqaale burbursanyihiin.

Guddida aqoonsiga Injineeriyada iyo Tiknoolajiyada,kana dhisan dal-weynaha Maraykanka (Accreditation Board for Engineering and Technology) ee loo soo gaabiya
"ABET" Waxa ay boorka sare qabaan Ardaygaa doonaya in uu barto laan kamid ah laamahaas Injineerinka in la qiimeeyo awoodda ardaygaas ee uu u leeyahay fahanka maadooyinka sayniska siiba xisaabta, fiisikiska, iyo kamistariga. Waxaa ay qabaan gudidaas in ardayga la qiimeeyo afarta bil ee ugu horrayso natiijada ardayga kasoo noqoto, sida uu ula qabsado xallinta xujooyinka xisaabta. Haddii aynu soo koobno waa in ardayga xariif ku yahay xisaabta iyo isticmaalka aaladda koombiyuutarka.

W/Q: Khaalid Axmed Cali.

31/07/2022

Halkani B6ENG waa boga rasmiga ah ee dufcada 6aad ee kulliyada Injineeriyada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ,
waa xarun cilmi baadhiseed oo kulmin doonta engineero, aqoonyahano iyo xirfadlayaal badan, insha alah waxan rajeynaynaa in ay noqoto madal wax nacfi leh kusoo kordhisa Ardayda ku xidhan iyo dhaman bulshadaba🔥

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Afgoye-road
Mogadishu
00000