Radio Marko

Radio Marko

Share

Warar Sugan oo Xaqiiqo ah ugu hir Radio Marko.📻

08/10/2026

Abshirow oo markale la saftay siyaasadda wiilka abtiga u yahay ee Cumareey Cali iyo Koonfur bari waxaa kale uu digniin adag u jeediyay Ibraahim Cali Xaaji iyo Abdullahi Awyare.

Nabadoonka beesha Ismiin ahna aabaha dhalay Gudoomiye Abdullahi Omar Abshirow
ayaa dhahay Tareenka Koonfur bari waa dhaqaaqay qofkii ka hera waa duqan, wuxuuna digniin adag siiyay Kooxda Ibraahim Cali Xaaji iyo Gudoomiye Abshirow wuxuuna ugu digay in Maamulka Koonfur bari jalaafo u dhigaan.

Wuxuu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ugu baaqay in maamulkan koonfur bari aqoonsado sababta wuxuu ku sheegay in maamulkan yahay maamul ilaahey soo diray aan cid bini-aadan ah hor is taagi karin ayuu dhahay nabadoon Awyare nabadoonka Beesha ismiin ee biimaal.

07/10/2026

Khilaafkii u dhaxeeyay shacabka koonfur bari iyo ciidanka dowladda faderalka ee Magaalada Marko lageeyay oo lasoo gabagabeeyay sida ay sheegeen odiyaasha Maamulka Koonfur bari state.

07/10/2026

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo xildhibaanadda
beesha xawaadle ku matala baladweyne oo
laga wareysanaayay Barnaamijka geedfadhi
Ayaa yiri madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Sida maanta Magaalada Marko ugu daabulaayo
Ciidanka gorgor uga ma soo daabuli karo Magaalada Baladweyne wallhi hadduu keenana Xaduudka Itaabiya ayaan dhaafsineynaa ayuu dhahay xildhibaanka beesha Xawaadle ku matala
Baarlamaanka JFS.

07/10/2026

Abdiwahab Moalim Omar ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.

Gudoomiye Abdiwahaab ayaa maalmahan ku sugnaa deegaanka Shalambod.

07/10/2026

Taliyaha guutada 14-ka octoober gaashaanle
Cismaan Muuse ayaa hadalkiisa ku soo celceliyay
Inaysan Dowladda Faderaalka Magaalada Marko
Duulaan ku eheyn balse dadka deegaanka waxay is waydinayaan magaalo nabad ah oo cadowga dhowr sano ka hor laga xoreeyay sababta intaan
Ciidan iyo intaan dabaabaad loo keenay su,aashaas ilaa iyo hadda ma jiro cid ka jawaabtay ama jawaab u haayso aysan jir maanta.

Dhanka kale taliye cusman muuse wuxuu afkiisa ka qiray in magaalada marko cabsi dagaal oo ka jiro aaweed qoysas badan ka qaxeen isku socodka iyo iskuuladda ay xirmeen, sababtana ay tahay ciidan tirada badan ee dowladda ay keentay Magaalada Marko.

06/10/2026

Dowladda Faderaalka ayaa maanta markale waxay Magaalada Marko keentay ciidan hor leh oo ka Tirsan gorgor, Dowladda ayaa u muuqato in ay Rabto in awood ay ku muquuniso maamulka Koonfur bari.

Photos from Radio Marko's post 06/10/2026

Sida aan h**ey idinku sheegnay in Cabdullaahi Wacays qadyadda koonfur bari ku raadinaayay safiir ayaa dhab noqotay, maanta xirada xalane wuxuu ugu qeybgelay tababar ay bixinaayeen safaaradaha Reer Yurub ee ku yaala xeyndhaabka
Xalane Magaalada Muqdisho.

06/10/2026

Kooxda Gudoomiye Abshirow iyo Ibraahim Cali Xaaji oo si la yaab leh u qiyaantay masuulyiinta koonfur bari stste.

Wasiir Maxamed Somaali oo h**e Reer Marko ballanqaaday in Dowladda Faderaalka aysan marko duulaan ku eheyn balse ballantaas been noqotay maanta dowladda faderaalka ciidankii ugu badnaa bay keentay halka kuwii 14-ka octoober Magaalada Marko joogay 8 sano ayaa ayagana laga qaaday Magaalada Marko.

dhanka kale waxaan la xariirnay
Xildhibaanadda Dowladda Faderaalka ku matala
Magaalada Marko si aan wax ugu weydiino sababta dowladda faderaalka ugu soo daabushay Ciidankan tirada badan balse dhamaantooda way ka gaabsadeen su,aasha aan waydiinay.

06/10/2026

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood Dowlad Gobaleedka Koonfur bari Cabdi Wahaab Maclim Cumar ayaa maalintii labaad ka wada deegaanka
Shalambood dhaq dhaqaaq ciidan.

06/10/2026

Odiyaashii xalay ka hadlay Magaalada Marko
Ayaa sheegay maamulka koonfur bari in uu Prank yahay xil lagu raadinaayo sababta waxay ku sheegeen in uusan laheyn golo wasiiro iyo golo xildhibaan ayay tahay cidda aqoonsaneyso.

Waraysi uu h**e u bixiyay madaxweynaha. Koofur bari wuxuu ku sheegay in golaha wasiiradda maamulkiisa lagu soo magacaabaayo muddo 6 bil gudaheed mudadaas wax yar baa ka dhiman waxay ku eg tahay 14-ka octoober ee bishan asiga waxaa la doortay 14-kii May ee sanadkan 2026.

Dastuurka Faderaalka iyo kan maamul gobaleedyadda dalka ka jira wuxuu dhigaa in Golaha wasiiradda lagu soo magacaabo mudo bil gudaheeda ah halka kan koonfur bari uu dhigaayo 6 bil gudaheeda in lagu magacaabo golaha wasiiradda maamulka.

Website

Address


Merca

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Marko posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Merca.