MIID

MIID

Share

Bogga MIID waxa aad ka heli doontaa buugaag,sheekooyin,qisooyin IWM.

13/11/2024

Doorashadii waa loo dareeerey saaka Aroortii horeba,Eebbe nabad qab iyo shakhsiga u kheyrka lehba ha u dooro Bulshada Somaliland.

30/07/2023

ADUUNKA QIIMIHIISA !

23/07/2023

Sideen uga faa'ideystaa fasaxeyga xagaaga?
-----------------------------------------------------‐-------------------

Amminta (waqtiga) aynu fasaxa ku jirno waxa muhiim ah qofku nafsad ahaan iyo maan ahaanba in uu is dhiso,halkan waxa aynu ku soo gudbinayaa inshallaaah dhowr qodob oo aad kaga faa'iideysan karto waqtiyada aad firaaqada haysato sida fasaxyada oo kale waxayna kala yihiin :

1.samayso ama yeelo xirfad.
-Inta badan ee aad xirfad Lee dahay waa inta badan ee aad baahida bini'aadamka iska dabooli karto ama ka maarmi karto iyaguna aaney kaa maarmi karin.
-TUSAALE :baro graphic design,Web development, Video editing...

2.Booqo Goobo ama meelo cusub,waayo socodka waxa uu fure u yahay in ay badato cabsida alle aad ka cabsanayso iyo inaad aqoon iyo cibro aad kaa dheefeysid.
Tusaale marka aad aragto Buuraha,Mawjadaha Badda,Kala duwanaansha Dhirta.IWM

قال الله تعالى - { قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَ ۚ ثُمَّ اللَّهُ يُنشِئُ النَّشْأَةَ الْآخِرَةَ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ }
[ العنكبوت: 20]

Sido kale qodobkan waxa soo hoos Gelaya booqashadaa aad soo booqaneyso qaraabada ama ehelkaaga kaa fog ama kuu dhowba.
Qofka aad hayaan dheer u soo martaa waxa uu ogaanayaa qiimaha uu agtaada ka leeyahay sido kalena waxa ay ku noqonaysaa In uu cimrigaaga lagu kordhiyo ،Risqigana laguu barakeeyo.

ويقول ﷺ: " مَن أحبَّ أن يُبْسَط له في رزقه، وأن يُنسأ له في أثره فليصل رحمه "

3.Kordhi oo kobci mihnadaada aqooneed ha ahaato mid Diini ama maadi.

Mar walba oo aqoontaada aad kor u qaado waa mar walba oo aad mugdiga aad ku dhex jirtey ka soo dhex baxdo wax badanna kuu iftiimaan.

Ka qeyb gal Dawrooyinka masaajidada ka socdo waayo waxad ka faaideysa Aqoon,Qiyam ama akhlaaqda dadka loola dhaqmo....

4.Akhri wax badan oo ka baxsan Duruusta aad ku dhigato goobtaada wax Barasho .
"The more you read the more you know "
Wax badan akhri si aad wax badan u ogaatid.

5. La fadhiiso dadka aqoonta u saaxiibka ah waayo wax badan ayaad ka ogaan doontaa ha ahaadan dhanka aqoonta,dhaqanka, Hadalka,Akhris ka IWM.

● MIID .
● 5-1-1445
● Laamin.

16/07/2023

WAKHTIGA | Miid Media

Want your business to be the top-listed Media Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa

Opening Hours

09:00 - 17:00