NADIR Institute Of Safety
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from NADIR Institute Of Safety, School, Berbera.
NADIR Institute of Safety waa xarun waxbarsho oo e-learning ah, oo lagu barto qaybaha kala duwan ee culuumta Safety-ga, waana machadkii ugu h**eeyey soomaalida ee soo bandhiga culuumta safety-ga oo lagu bixinayo Af-somali.
29/11/2025
๐๐๐ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ค๐๐๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ช ๐๐จ๐ง๐ ๐๐จ๐ง๐ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐๐๐ฅ
Dab xoogan ayaa ka kacay guri deganaansho ah oo dabaqa, kana kooban sideed dabaq oo ku yaalla Hong Kong, dabku waxa uu ka dhashay cillad koronto (Electrical Fault), waxa uu sababay dhimashada 128 qof oo uu ku jiro qof dabdemiye ah, dhaawaca 79 qof oo dadkii goobta deganaa iyo dabdemiyeyaal ah, barakicinta 4,600 ilaa 4,800 oo qof oo dhismaha deganaa.
Khasaaraha dabka waxa sii kordhiyey, Dhismaha oo duug ahaa, jaranjarooyinka oo alaab lagu xannibay/xadhay, iyo nidaamyada dabka sheega (Fire alarms) oo aan shaqaynayn, nidaamka qiiq saarista guriga (Smoke extraction) oo aan shaqaynayn, jidka gurmadku usoo maraayey oo cidhiidhi ahaa (Access difficulties).
Baadhista hor dhacaha ah ayaa sheegaysa, in dhismaha uu ka socday dayactir, sidoo kale la isticmaalay shabag (Green mesh), Iyo walxo kale oo ah nooca sida fudud u gubta.
Laamaha amaanka, iyo haayadda la dagalaanka musuq maasuqa ayaa ilaa hadda xidhay 11 qof oo ay kamid yihiin, maamulka shirkaddii dhismaha, la-taliyeyaashii dhismaha, iyo qandaraaslayaashii.
19/11/2025
๐๐๐ซ๐๐ฎ๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐จ๐ซ๐ซ๐ก๐๐ ๐ข๐ ๐
๐๐ฏ๐๐ซ
Xanuunka Marburg Hemorrhagic Fever ayaa ka dilaacay dalka Ethipia, waxaanay wasaaradda caafimadka dalkaasi shaacisay in ay ilaa hadda u dhinteen saddex qof, waxaanay karantiishay 129 qof oo looga shakisan yahay in ay la macaamileen, waxaana ku socota baadhis.
Xanuunkan ayaa ah mid si fudud loo kala qaadi karo, sida taabashada iyo wadaagista dharka ama walxaha kale. Xanuunkan ayaa leh astaamaha Ebola sida xumad badan, madax hanuun, muruq xanuun matag iyo daal badan.
Goobaha waxbarashada ayaa la fasaxay goobaha qaar dhanka Ethiopia.
๐๐๐๐๐ญ๐ฒ ๐
๐ข๐ซ๐ฌ๐ญ!
๐๐ ๐ซ๐๐ฌ๐ฌ
E-gress-waxaa loola jeedaa dariiq socdaal oo joogto ah oo aan cidhiidhi ahayn kana bilaabmaya meel kasta oo dhisme ah ilaa meel nabdoon oo ka baxsan. Waxa kamid ah ka bixista iyo gelista dhismayaasha.
Egress waxa uu ka kooban saddex qaybood oo kala ah: -
โข ๐๐ฑ๐ข๐ญ ๐๐๐๐๐ฌ๐ฌ- (Dariiqa baxsadka)โ Waa dariiqa kugu hagaaya inaad ka baxdo goobta sida wadooyin ama marino(luuq).
โข ๐๐ฑ๐ข๐ญ โ Jidka ilaashan sida jaranjarooyinka iyo albaabada bixista (e.g., stairwells, exit doors) taas oo qofka dibadda uga saaraysa dhismaha.
โข ๐๐ฑ๐ข๐ญ ๐๐ข๐ฌ๐๐ก๐๐ซ๐ ๐-Qaybta u dhaxaysa ka bixitaanka dhismaha iyo dariiqa dadweynaha ama meel bannaan oo badbaado leh.
๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐ ๐ซ๐๐ฌ๐ฌ, ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฌ๐จ๐๐จ ๐ช๐จ๐ซ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐.
โ Ahmiyadda uu u leeyahay dhismayaasha
โ Sidee loo xisaabiyaa inta loo baahanyahay.
โ Shuruucda la xidhiidha isticmaalkiisa.
โ Shuruudaha Albaabada Baxsad.
11/01/2025
๐๐ข๐ง๐ค๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ข๐ฅ ๐๐ก๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐ฒ๐๐๐ง ๐๐๐ซ๐๐ง.
____________________________________________
Los angeles waxa h**e loo saadaaliyey in ay dhibaato wayn ka dhici doonto maalin maalmaha kamid ah, oo haddii dabayli la kulanto dab ka dhasha dhirta qalalan ee magaalada ku xeeran ay ololi doonto ilaa badda.
Marka laga yimaaddo imtixaanka rabaaniga ah ee alle tusay, hadana waxa jiray xogo la saadaaliyey iyada oo la cuskanaayo khatarta goobta ka jirtay (Risk assessment), sidoo kale shirkadaha caymiska ayaa ka guuray oo diiday in ay caymiyaan guryaha goobta ku yaal, maadaama oo aan khatarta waxba laga qaban.
Madaxa dab-damiska Los angeles Kristin Crowley ayaa uga digay duqa magaalada Karen Bass (D) bishii h**e $17+ milyan oo ay ka jartay miisaaniyadda waaxda "waxay si adag u xaddidday awoodda waaxda si ay ugu diyaargarowdo, u tababarto, ku wacyi geliso bulshada ugana jawaabto xaaladaha degdegga ah ee baaxadda leh, oo ay ku jiraan dabka.
Taasina waxa ay sababtay in maxaabiis la shaqaalaysiiyo maanta si ay ula dagaalamaan dabkan baaxadda leh sidoo kale ay ku burburaan dhaqaale xad dhaaf ah.
Maxaynu ka baran karnaa.
๐๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐๐๐ ๐ข๐ง ๐ฆ๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ฅ๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐จ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ, ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐๐ฆ๐๐๐ง ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐ญ๐ข๐ซ๐จ ๐๐๐๐๐ง, ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ซ๐ค๐จ๐จ๐ ๐๐ก๐๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐จ ๐ก๐๐ฅ๐ข๐ฌ ๐๐ก ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐๐ก๐๐๐ง.
____________________________________________
"Shaqaalaha waxa jiray qaar ku dhaawacmay, qaar daanku jabay, qaar cagaf dul martay, goob shaqo weyn ka socoto waad qiyaasi kartaa" Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa-Max'ed Cali Darood.
______________________________________________
Dhibaato weyn ayaa ka jirta goobaha shaqada ee wadanka, lamana dareensana. Waxa jira kumanaan qof oo goobaha shaqada ku dhibaatooba, caafimaad darro ka qaada, shilal kala kulma, ama dhimashaba kasoo gaadho, haddana inooma tirsana.
Dhanka shilalka gaadiidka waxa jira haayado tira-kooba, baadhis ku sameeya, ganaaxyo saara cidda qaldan, laakiin goobaha shaqada cidna ma xisaabiso.
In aynu maqalno mashruuc laba sano oo kali ah socday, kana yar lacag 3 Million ah, ayey dhaawacyo culus soo gaadheen shaqaale badan, waa war aan lagu farxayn. Inta badan waxa lagu qiyaasaa mashruuca hal Million oo saacadood oo shaqo (1,000,000 hrs) inta dhibaato ee dhacday sida, dhimashada (Fatality), dhaawacyo culus( series injury), dhaawacyada fudud (Firs aid injury), dhaawacyada caafimaad ee dhakhar loo galo (medical treatment), inta saacadood ee qof kaga maqnaado xanuun (Lost time injury), taasina waxa ay muujisaa hab dhaqanka bedbaado ee mashruucaas ama shirkaddaas.
โSida uu qeexayo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee JSL, Xr 31/2020 " loo shaqeeyuhu waa in uu sameeyo deegaan ku habboon shaqada oo aan wax dhibaato ah u lahayn nabadgelyada iyo caafimaadka qofka shaqaalaha ah, sidoo kale waa in uu sameeyo wax kasta oo suurto gal ah ee lagaga hortagi karo khatar ka timaadda goobta shaqada".
โ Waa daryeel masulliyadeed (Reasonable care) in la ilaaliyo bedqabka qofka soo shaqo tagay, oo uu goobta shaqada ka noqdo isagoo nabadqaba.
โWaa in wax laga bartaa shil kasta oo dhaca, la qoraa warbixintiisa, lana baadhaa, wixii laga bartana la saxaa si looga hor tago in uu mar kale dhaco shilkan oo kale.
โWaa in ay jiraan haayado qaranka u qaabilsan ilaalinta, daba galka iyo daryeelka bedqabka iyo caafimaadka shaqaalaha, loona gudbiyaa dhib kasta oo ka dhaca goobaha shaqada.
08/10/2024
Saddex Sababood oo aynu u Maareynno Caafimaadka iyo Badbaadada goobaha shaqada:-
1.Employee moral-Mooraalka shaqaalaha
Loo-shaqeeyayaashu waxay leeyihiin masuuliyadda ilaalinta mooraalka si ay u ilaaliyaan caafimaadka iyo wanaagga shaqaalahooda. Xaqiijinta jawi shaqo oo badbaado leh, hubinta daryeelka shaqaalaha jidh ahaan iyo maskax ahaanba, iyo in shaqaalaha loo abuuro goob shaqo oo leh dhaqan bedbaado oo togan.taasina waxa ay keenaysaa in shaqaaluhu ku niyad samaadaan goobta shaqada, wax soo saarkooduna sare u kaco.
2.Legal obligations-Waajibaadka Sharci
Maareynta badbaadada goobta shaqadu waxay lama huraan u tahay u hoggaansanaanta sharciyada iyo xeerarka. Ku guuldareysiga in la buuxiyo heerarka badbaadada waxay keeni kartaa cawaaqib sharci, sida ganaaxyo, xadhig, ama tallaabooyin sharci oo kale, taas oo dhaawici karta sumcadda iyo hawlaha shirkadda.
4. Financial benefits-Faa'iidooyinka maaliyadeed
Goob shaqo oo badbaado leh waxay caawisaa dhimista kharashyada la xidhiidha shilalka, sida kharashyada caafimaadka, sheegashada magdhowga, dhaawaca qalabka, iyo wax soo saarka oo yaraada. Maareynta badbaadada wax ku oolka ah waxay sidoo kale hoos u dhigtaa halista carqaladaynta hawlaha shaqo.
08/08/2024
Subax wanaagsan
Qof kasta waxa uu ka fikirayaa in uu subaxa shaqo tago, si uu quudka noloshiisa usoo helo.
Waxa barbar socda halisyo ay macquul tahay in aad la kulanto, inta aad kusii socoto, inta aad shaqada ku guda jirto iyo inta aad kasoo socoto.
Waa xuquuq sharci in shaqaalaha la ilaaliyo caafimaadkooda iyo bedqabkooda.
Qaado masuuliyadda koowaad ee ilaalinta naftaada.
Caruurtu waa dadka ugu horreeya ee dabka dareema, dhanka kale waa dadka ugu badan ee dabka sababa.
Sax maaha in ay caruurtu dabka la dagaalanto,sidoo kale waxa wanaagsan in caruurta la baro halista dabka iyo waxa la samaynaayo haddii dab yimaaddo (Emergemcy Response plan).
22/05/2024
Kala sarraynta xakamaynta khataraha (Hierarchy of controls)
_____________________________________________
Waa Hanaan caan ka ah dadka ka shaqeeya arrimaha Bedbaadada (Safety professionals) dexdooda, oo lagu aqoonsado, laguna kala horumariyo si looga ilaaliyo shaqaalaha khatarta soo ku iman karta.
Waxa loo kala sarraysiiyey sida ay u kala saamayn badan yihii.
Waxa ay kala yihiin sidan soo socota:_
1.Elimination: waa in guud ahaan khatarta meesha laga saaro
2.Substitution: khatarta yaree, oo mid ka khatar yar ku bedel
3.Engineering control: kala xayndaab khatarta iyo dadka.
4.Administration: Bedel hanaanka shaqada.
5.PPE: ku ilaali shaqaalaha is u isticmaalaan qalabka bedbaadada ah (Personal protective equipment).
15/05/2024
Calaamadaha Bed-baadada (Safety Signs) ee Goobaha Shaqada iyo muhiimadda ay leeyihiin.
_____________________________________________
Calaamadaha bed-baadadu waa tilmaamo muuqaal ah oo gudbiya xogo bed-baado oo muhiim ah, oo uga digaya shaqaalaha iyo dadka kaleba, khataraha ka iman kara goobta.
Calaamadaha bed-baadadu waa kuwo aad muhiim ugu ah bedqabka shaqaalaha, qandaraaslayaasha, iyo cid kasta oo goobta timaadda.
Waxa aynu halkan kusoo bandhigi doonnaa SADDEX sababood oo goobta shaqadu ugu baahantahay calaamadaha bed-baadada.
1.Waxa ay kordhinaysaa aqoonta: Ka soo qaad in aad goobta ku cusubtahay, calaamaduhu waxa ay ku siinayaan xogo dheeraad ah oo aad ku garan karto khatarta goobta ka jirta, waxa ka reeban iyo waxyaabaha lagaaga baahanyahay.
2.Waxa ay noqon karaan kuwo shilka ka hor taga: si kasta oo shaqaalaha loo tababaro, haddana waa in si joogto ah loo xasuusiyaa hab-raacyada shaqada iyo khataraha goobta ka jira, sida xawaaraha lagu soconayo, sida loo isticmaalayo qalabka iyo wixii la mid ah.
3.Waa sharci in la isticmaalo: Waddamo badan, ayey qasab tahay in loo shaqeeyuhu isticmaalo calaamadaha bed-baadada, si loo yareeyo shilalka, haddi laga tago oo sidaas shil ku dhaco waxa ay mutaysan karaan ganaax.
01/05/2024
01-May-2024.
Maalinta shaqaalaha adduunka.
Maamulka NADIR INSTITUTE OF SAFETY, waxa uu hambalyo u dirayaa maalinta dhammaan shaqaale weynaha adduunka gaar ahaan soomaalida meel kasta oo ay joogaan.
Maalinta shaqaalaha adduunka waxa ay ILO, hal ku dhig u qaadatay sanadkan, in la xasuusiyo loo shaqeeyayaasha, sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda shaqaalaha.
Mudane Loo shaqeeye,
โBixi deegaan shaqo oo bedbaado iyo caafimaad u ah shaqaalaha.
โHubi mushaharka shaqaaluhu in uu caddaalad yahay.
โSii shaqaalaha Faa'idooyin iyo Fursado siman.
โIlaali xuquuqda shaqaalaha, kuna dhaqan xeerka shaqaalaha.
โKor u qaad caafimaadka shaqaalaha, oo sii fursado Tababar.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Berbera