Timocade
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Timocade, Entrepreneur, Jijiga.
Qoraaga Buuga Barashada Aas-aaska Caqliga Macmalka 📖 |Hal-abuure AI | Aasaasaha & CEO ga Ururka SOFT | Co-Founder of e-Balami Company | Working at SRS Bureau of Planning & Development | Empowering Somali Youth through Tech 💻 & Education 🎓
Jigjiga waa magaalo xawaare aan caadi ahayn ku socota. Waa magaalo aad si cad uga dareemayso doorka dawladnimo, wadooyin waaweyn oo qurux badan, goobaha nasashada iyo dalxiiska casriga ah.
Jigjiga maanta waxay dhaaftay magaalo kasta oo Soomaaliyeed marka ay timaaddo horumar, bilic iyo nidaam Dawladnimo. ✨🌆🌴
Ku soo dhawoow Jigjiga – magaalada iftiinka iyo mustaqbalka.
Progress is being made, Guul iyo Horumar baan idiin rajeynayaa dhammaantiin!! 🌟
Godey International Book Fair: AI – Qalab Horumar mise Caqabad? Dood Cilmiyeed & Falanqayn Buug.
27/09/2025
Waxaan ka mid ahaa martida lagu casuumay Godey International Book Fair.
Ka qaybgalka bandhigan wuxuu ahaa fursad weyn oo aan ku soo bandhigi karo fikradahayga, isla markaana aan kaga qayb qaato kobcinta hal-abuurka iyo aqoonta bulshada. Waxaan sidoo kale ka hadlay Artificial Intelligence iyo sida uu ula xiriiri karo bulshada, taasoo dhalisay dood iyo xiise weyn oo ka dhex dhalatay ka qaybgalayaasha.
Built purely by the sweat of the people – no government, no foreign aid.
Jaamicada Islaamiga ah ee Raaso oo Wajigii Koobaad la dhameystirey.
21/09/2025
‎🕌🤲 Raaso: Magaaladii culimada, marti-soorka & cilmiga Islaamka.
‎
‎Waxaan joognaa magaalo aan taariikh ahaan da' waynayn, balse Sumcad wayn ku kasbatay soo dhawaynta martida, isku tashiga bulshada, kala danbaynta iyo ixtiraamka culimada. Waa magaalo ku caan baxday in sheekha iyo culimadu ay adeecis iyo ixtiraam ahaan ka mudan yihiin masuul kasta oo xukuumada yimaada.
‎
‎Safarkeennu wuxuu salka ku hayaa ka qaybgalka xafladda furitaanka Jaamacadda Islaamiga ah ee Raaso, jaamacad ku dhisan iskutashi bulsho iyo dhididka dadka deegaanka. Dhismaha jaamacadda waxaa loo qaybiyey wajiyo kala duwan, waxaana hadda si rasmi ah loo dhammeeyey Wajiga Koowaad.
‎
‎Xafladdan taariikhiga ah waxaa kasoo qaybgalaya bulsho ka kala imaanaysa daafaha caalamka oo ay ku jiraan:
‎
‎Culimada ugu waaweyn dunida Islaamka, ‎Aqoonyahanno caan ah, iyo Marti sharaf kala duwan. ‎Waxaana la filayaa inuu xadhigga ka jaro Madaxweynaha DDS.
‎
‎Intaa waxaa dheer, martida aad ka utiradabadan ee ka qaybgaleysa xafladda waxaa loo diyaariyey raashin, jiif iyo gogol dhamaystiran Barnaamijku waa mid fully funded ah, taas oo ka dhigaysa mid ka turjumaysa marti-soorka iyo deeqsinimada dadka reer Raaso.
‎
‎Waxyaabaha aan si gaar ah ula dhacay waxaa ka mid ah:
‎👉 In maalintii kaliya la qalo wax kabadan dhawr iyo toban neef oo geel ah si martida loo maamuuso. ‎Meeshu Waaba Wadka Geela 😂.
‎
Ugudanbayn ‎Waxaa hubaal ah in Jaamacadda Islaamiga ah ee Raaso noqon doonto xarun iftiiminaysa cilmiga, diinta, iyo isku tashiga bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Bariga Afrika.
.
12/09/2025
DIGNIIN culus oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyaasha adduunka: Way dhammaatay xilligii dhallinyarada la iska indha tiri jiray!
Ma maqashay awoodda cusub ee gilgishey dunida? Waa AWOODDA JIILKA Z (Generation Z) oo ah dhallinyarada dhalatay intii u dhaxaysay 1995 ilaa 2010, oo adiga akhristaha ahi aad kamid tahay.
Ciidankoodu maaha askar, waa malaayiin dhallinyaro ah oo online iskaga xiran. Hubkoodu maaha qori, waa SMART PHONE. Rasaastoodu maaha xabbad, waa "HASHTAG" kaas oo ay isbadal ku abuurayaan.
Awooda jiilkan waxaa hada dhadhamineya oo ay la wareegeen dalka waxayna h**ey kabaha ula dulmareen wadama (2022) iyo (2024).
Waa Jiil fahmay in awoodda dhabta ahi aysan ku jirin qasriyada iyo madaxtooyada, ee ay ku jirto isku xirnaanta dadweynaha. Waa jiil aan aqbalin musuqmaasuqa, Waa jiil ku koray casriga internet-ka oo si dhakhso badan u abaabuli kara malaayiin qof saacado gudahood.
Haddaba, maxay kula tahay saamaynta uu jiilkani ku yeelan karo mustaqbalkeena?
isbeddel noocan oo kale ah ma u baahan tahay? Fikirkaaga nala wadaag! 👇
Waxaan caawa Soo galin doonaa Qoraal aan kaga hadlayo awooda Cajiibka ah ee ay leeyihiin dhalinyarada loo yaqaan GEN Z oo Laga yaabe inaad adiga qoraalka akhrinaya aad ka midtahay. 8:00pm
10/09/2025
‎Marka Biyuhu Noqdaan Hub ka Khatarsan Nukliyeerka! 💣💧
‎
‎Buuraha sare ee Itoobiya, waxaa ku jira awood aan la qiyaasi karin. Ma ahan gantaal, mana ahan nukliyeer. Waa 74 BILYAN oo MITIR KUYUUBIK OO BIYO AH oo hal meel lagu xabisay, sugayana hal amar oo keliya.
‎
‎Si aad u fahamto baaxadda tiradan
‎Ka fikir harada ugu weyn Itoobiya ee Tana. Biyaha GERD lagu kaydiyay ayaa ka badan LABA JEER biyaha haradaas oo dhan! Waa sida adigoo bad yar sidey udhantahay buuraha dushooda saaray, oo waliba aad gacanta ku hayso furaha sii deyntooda.
‎
‎Inta aanan qodobkan xiisaha badan guda galin aan idin xasuusiyo in lacagta lagu dhisey dadkii bixiyey aan kamid ahaa oo deegaankeenu wuxuu bixiyey lacag dhan 400 oo Milyan. sidaa darteed shacab-waynaha itoobiya waxaan leeyahay Hambalyo 🙌.
‎
‎Bal male-awaal in hal maalin la go'aansado in albaabadaas birta ah hal mar la wada furo!!
‎Ma maqlaysid dhawaqa qarax... Laakiin waxaad arki doontaa Biyo dherer koodu yahay boqolaal mitir, oo si shanqadh la'aan ah laakiin xawaare duufaan leh ugu soo socda dhulka hoose. Waa "Tsunami" ka soo bilaabanaya buuraha dushooda.
‎
‎Hadaba xaalka Sudan 🇸🇩 iyo masar 🇪🇬siduu ahaan doonaa?
‎
‎Caasimada sudan Khartoum, Dhowr saacadood gudahood, waxay ka hoos mari doontaa dhulka. Guryo, waddooyin, iyo taariikh dhan ayaa noqonaya sagxadda badweyn cusub oo la abuuray. Nolosha malaayiin qof waxay noqon doonaan kuwo la waayey iyo kuwo barakacay.
‎
‎Duufaanta biyaha ahi halkaas kuma istaagi doonto. Waxay sii wadi doontaa socodkeeda iyadoo sii xoogaysaneysa, waxayna ku dhufan doontaa difaaca ugu weyn ee Masar: Biyo-xidheenka Aswan.
Haddii Aswan uu jabo! waa dhammaadka Masar!!.
‎
‎Webiga Niil wuxuu noqonayaa badweyn kacsan oo kabaha la dulmaraysa wax kasta oo ka hor yimaada; magaalooyinka masar sida Luxor, Qaahira iyo Delta. In ka badan 100 milyan oo qof waxay wajihi doonaan musiibo aan taariikhda h**e loo arag.
‎
‎GUNAANAD
‎
‎Kani waa hubka ugu khatarsan ee Itoobiya haysato. Waa awoodda dabiiciga ah oo loo beddelay hub wax gumaada. Marka awoodda noocan ah hub loo isticmaalo, ma jirto cid guulaysan karta. Waa halaag guud oo aan kala sooc lahayn.
‎
‎FG: Mala-awaalkan anigaa iska lahaa, waa sheeko shidan oo filim laga sameyn karo! 😉🎬
‎
‎
10/08/2025
Weligaa ma is weydiisay sababta internetku uu ula muuqdo sidii inuu akhrinayo maskaxdaada? 🤔 xayaysiiska aad aragto waa mid ku saabsan shey aad saacado ka hor ka hadlaysay. Sidee ayay suurta gal ku tahay? Jawaabtu waa mid kaa yaabin doonta.
Waxaa kale oo aad qoraalkan ku fahmi doontaa sababta ay bulshadeena dhexdeeda caanka uga yihiin dadyowga waalwaalan ee qabyaalada, cayda iyo iskudirka ka shaqeeya.
Macluumaadka aan internetka ka helno maalin kasta inta badan waa mid shaqsi ahaan naloogu habeeyey. Tusaale ahaan, baraha bulshada sida Facebook, X (Twitter), Instagram, iyo TikTok waxay ku tusaan waxyaabo ku saleysan dookhaaga iyo waxyaabaha aad horay u jeclayd.
Sidoo kale, xayaysiisyada aad ku aragto internetka, iyo filimada aad ka daawato Netflix ama muusig-yada aad ka dhageysato Spotify, dhammaantood waxaa lagu soo xulay xogtaada shaqsiyadeed.
Qaar ka mid ah wargeysyada iyo shirkadaha warbaahinta, iyo sidoo kale mashiinnada raadinta sida Google, macluumaadka ay ku tusayaan waxay ku saleeyaan xogtaada shaqsiyadeed si uu adiga kugu habboonaado, waana sababta mararka qaar aad ugu aragto internetka shaygii aad niyadda ku haysay ama ka fikireysay.
Tusaale ahaan, haddii aad wargeyska New York Times ama Al-Jazeera aad gacanta ku hayso (waraaq ahaan), bogga h**e waa isku mid oo dhammaan akhristayaashu waxay arki doonaan isla hal war.
Laakiin haddii aad booqato bogga internetka ee isla wargeysyadaas, bogga h**e wuxuu noqon doonaa mid adiga kuu gaar ah oo ka duwan kan dadka kale. Algorithm-ka AI-ga ayaa ku saleynaya waxyaabaha aad horay u akhriday si uu kuugu soo bandhigo wararka kugu habboon.
Haddaba, bal aan sii ambaqaadno oo aan daaha ka rognno saameynta halista ah ee ka dhalan karta nidaamkaas, saamayntaas oo abuurta isku-dirka, wararka beenta ah, iyo kala fogaanshaha bulshada.
💥 SAAMAYNTA HALISTA AH EE ARRINTAN:
Algorithms-ku waxay abuuri karaan arrimo aan habboonayn sida:
1. Filter Bubbles: Waa marka laguu soo bandhigo KALIYA macluumaadka la jaanqaadaya aragtidaada. Tani waxay kaa xidheysaa fikradaha kale ee kaa duwan, waxayna xaddideysaa fahamkaaga iyo maskaxdaada.
2. Echo Chambers: Waa marka aad had iyo jeer maqasho fikrado iyo aragtiyo la mid ah kuwii aad horay u haysatay, taasoo meesha ka saaraysa inaad fursad u hesho fikrado kale oo muhiim ah.
3. Troll Factories: Kuwani waa kooxo internetka ka shaqeysta oo si ula kac ah u faafiya macluumaad marin-habaabin ah ama iska horkeena bulshada. Marka fariimahoodaas dad badan ay ka falceliyaan, algorithms-ku waxay ka dhigaan waxyaabahaas kuwo aad u fida.
Waxaan filayaa inaad imika fahantay sababta ay bulshadeena dhexdeeda caanka uga yihiin dadyowga waalwaalan ee qabyaalada, cayda iyo iskudirka ka shaqeeya.
2. Fake News (Wararka Been Abuurka ah): Way sahlan tahay in wararka been-abuurka ah lagu soo hordhigo haddii ay la mid yihiin waxa aad danaynayso ama aaminsan tahay, sababtoo ah algorithms-ku waxay h**ey u barteen xiisahaaga, muhiimadooduna waa inay ku tusaan waxa aad xiiseyso beenba ha ahaatee.
Buuga Barashada Aas-aaska Caqliga Macmalka (AI) Bogaga 20 ilaa 22.
📖 📖 Macluumaadkan iyo kuwa kale oo badan oo xiiso leh waxay si faahfaahsan ugu qoran yihiin buuggayga "Barashada Aas-aaska Caqliga Macmalka ah (AI)".
Haddii aad rabto inaad faham buuxa ka hesho sida teknolojiyaddu u saameyso nolosheena, ugana hortagto halisteeda, isla markaana aad naftaada u diyaariso mustaqbalka, dalbo Nuqul kaaga maanta!
✨ Waxaad ka heli kartaa buugan:
IQRA BOOKS
Ababiye Books
UDUG BOOK HOUSE iyo Geeljire online bookshop ✨
Moments that matter – Timocade |
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Jijiga