Gen. Odawa Yusuf Rage
This is my official page as the former Chief of Somali National army forces.
12/04/2026
20/03/2026
Waxaan hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.
Allaha inaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd, Ciiddan teeda kale nabad, caafimaad iyo barwaaqo kuwii ku gaara allah hainaga dhigo.
Waxan si gaar ah hambalyo ku aadan munaasabada ciida awgeed halkan uga dirayaa ciidanka qaranka gaar ahaan ciidanka xooga dalka somaliyeed.
Eid mubaarak
𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗𝗡𝗔𝗤 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗔𝗥𝗗𝗔𝗔𝗥𝗔𝗡
Waxaa Mahad oo dhan u sugnaatay Allah SWT oo si qurux badan noogu soo dhameeyay xil wareejintii Taliska CXDS, sidoo kale waxaan rabaa in aan halkaan markale uga mahadceliyo kala na dardaarmo geesiyaasha Ciidanka XDS, waxaan leeyahay aad baad ugu mahadsantihiin la shaqeyntiinii hagar la’aanta aheyd ee gudashada waajibaadkeenna Qaran ee aan u dhaaranay, Waxaan idin leeyahay dadaalkiini sii laba jibaara, waxaad na ogaatiin in culeys kasta uu fudeyd ka dambeyn doono insha alaah.
Ugu dambeyn, waxaan rabaa in aan fariin iyo dardaaran aan u diro Shacabkeyga Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah ee aan aadka u jeclahay, walaalayaal waxaan diyaar u nahay in aan u dhimano, u dhaawacnno, una taagnaano habeen iyo maalin badqabkiina naf iyo maalba.
sidaas darteed,waxa uu ciidankiinu idinkaga baahanahay la shaqeyn buuxda iyo garab istaag, waayo adinka la’aantiin ma jirto wax u qabsoomi karo, runtii aad iyo aad ayaana ugu kalsoonahay wadaniyadiina iyo jaceylka aad u heysaan ciidankiina.
Mahadsanidiin..
04/02/2026
𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻
Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Allah SWT, sido kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxdii Qaranka oo markale fursad ii siiyay in aan u qidmeeyo Qarankeyga,Ciidankeeyga, iyo umadeeyda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaan si niyad ah ugu mahadcelinayaa Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Alifleyda iyo Dableyda CXDS oo runtii si wadajir ah aan ugu soo wada qidmeynay Qarankeenna, waxaana rajeynayaa in ay halkaasi kasii wadaan maadaama ay tahay mas’uuliyad adag oo ina wada saaran. Waxan Allah SWT uga baryayaa in uu Shuhadada ka aqballo geesiyaashii Qarankooda u shahiiday.
Sidoo kale, waxaan dhammaan saxiibada ku dhawacmay u rajeeynayaa caafimaad taam ah.
Waxa kale oo aan halkaan uga mahadcelinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan runtii shaqadeenna ma aanan ku guleeysan leheeyn hadii aadan ina garab taagneeyna markale aad ayaad u mahadsan tihiin sharaf ayaana idiin heeynaa.
Waxaan rabaa sidoo kale in aan u mahadceliyo saaxibada ina tageera qaybahooda kala duwan ee inala shaqeeyay gaar ahaan USA, EU,UK, AU,QATAR,AUSSOM, TURKIYE, UNSOS, UNMAS iyo dhamaan saxiibada kale oo aanan halkaan kuso koobi karin.
Waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa oo an halkan uga mahadcelinayaa Dowlada Uganda oo si gaar ah arimaha la dagaalanka cadawga inagala qeeyb qaadatay.
Ugu dambeyn, sida ay waajib u tahay in aad mas’uuliyadda qabato ayey waajib u tahay in aad ka degto sidaas darteed, waxaan soo dhaweynayaa Taliyaha cusub oo aan Alle uga baryayo in mas’uuliyadda hortaallo u fududeeyo.
Mahadsanidiin…
Hadafkeenu wa ciribtirka argagixisada iyo la dagaalanka cadawga umada somaliyeed.
05/11/2025
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Gargaar caafimaad u fidiyay shacabka ku nool Deeganka Bariire, Shacabka oo uu Barakiciyay Cadowga Khawaariijta ah ee Soo weeraray Deegaanka ayaa dhawaan Dib looga Xoreeyay.
Dhaqaatiirta iyo Hawl-wadeenada Caafimaadka Ciidanka XDS ayaa Gaarsiiyay Carruurta, haweenka iyo waayeelka Deegaanka Bariire Tageero Caafimaad oo isugu Jirta Daaweyn, Baaritaan caafimaad iyo Daryeel degdeg ah, taas oo muujinaysa masuuliyadda Ciidanka ee ah difaaca iyo daryeelka bulsho ee ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.
05/10/2025
Special force
06/09/2025
TIIRKA BIRTA AH EE QARANKA.
03/07/2025
Ilaaliyeyaasha Qarankađź’Ş
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
London
Opening Hours
| Friday | 9am - 5pm |
| Sunday | 9am - 5pm |