Faarax

Faarax

Share

WAA BOGA RASMIGA AH EE FAARAX CALI NUUR.

03/23/2025

muqdisho ugu caansan iyo da’dooda saxda ah

03/17/2025
Sweatcoin: Healthier planet. Healthier, wealthier you 07/27/2022

Check out this free app — It Pays to Walk 🚶

Sweatcoin: Healthier planet. Healthier, wealthier you Join our 100M+ users to become part of the movement economy. Sweatcoin app converts your steps into sweatcoins — virtual currency that you can spend on products and services. It Pays to Walk.

IFIYE 02/21/2022

FARIIN KU SOCOTA QOFKASTA OO CAAN AH OO MAGAC WANAGSAN BARAHA BULSHADA KULEH.

SHARE GAREE HADAD WANAGA JECESHAHAY.

IFIYE FARRIIN ASC fariintani waxay ku socotaa qof kasta oo caan ah ama magac wanagsan ku dhex leh bulshada. Walaalayaal sida aad arkaysaan wax...

02/03/2021

‘‘Soomaalidu marka ay heshiiyaan kaddib ayey doodaan!’’ Danjire Micheal Keating oo markuu Soomaaliya ka laabtay lagu wareystay Chatham House ayaa sidaa yiri. Maxaad Soomaalida iyo Soomaaliya ku soo aragtay ayaa la weydiiyey? ‘‘Marka amuuri hortimaado ayaga oo lafa gurin ayey qalinka ku duugaan kaddib ayey isku qabtaan fulintiisa heshiiska ay saxiixeen’’ ayuu raaciyey.

Is-mari-waaga siyaasadeed ayaa labo u kala baxa;
(1) Khilaaf xal loo heli karo iyo khilaaf ma dhalays ah. Kan xalka loo heli karo waa khilaafka kooxda is haysa higsanayo in ay dhammeeyaan. Dadka khilaafkaan uu ka dhaxeeyo waa kuwo si niyad ah u doonaya in xal loo helo arrin taagan. Iyagoo si mug leh isku dhegaysanaya, mid walbana uu xeerinayo in la helo xal faa’iido u leh dhamaan dhinacyada kala arragtida iyo danaha ah. Khilaafka xalka leh dadka is haya ayaa xalal farobadan miiska keena, si loo doorto midka ugu habboon.

(2) Khilaafka ma dhalayska ah waa kala-maan u dhaxeeya kooxda dooddeysa oo midna rabin kan kale garnaqsigiisa in uu dhageysto. Soomaalida ayuu aad ugu badan noocaan. Waa khilaaf dhex mara dad aan dooneyn in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa xal labada dhinacba faa’iido u leh. Waa meesha aan ka dhahno, ‘‘Cad yahow ku cuney ama ku ciideeyay.’’ Koox ayaa rabta in ay ka adkaato kooxda kale oo aan xal-doon aheyn.

Sababta hehsiiskii iyo habraacyadii September 17, ay Madaxdeennu gaartay wax uga soo noqdeen waa in hulalka la isugu jiro ninna rabin in uu kan kale uga baxo. Is-mari-waaga Madaxdeenna u dhaxeeya ayaa suurowda in uu ku saabsan yahay ajendayaal qarsoon oo waxa muuqdaa yihiin halku-dhigyo keliya. Cabdullaahi M. Cawsey oo muuqaalada qarsoon macalin ku ah ayaan ku casumayaa in uu wax inoo iftiinsho. Walaalow soo dhawoow.

Waxaa qoray Mahad Geelle

02/03/2021

Itoobiya oo beenisay in dagaalka Tigray lagu dilay 50 kun oo qof.

02/02/2021
02/02/2021

"Jag boontiyada ay ku dhiban yihiin shacabka magalada muqdisho inay maraan, qarax yada ayaa mararka qar gudba".

Sidaas waxa tiri bella sheegow oo ah wariyaha BBC da ugaso waranta magalada muqdisho wana su'aal runtii isweydiin mudan.

01/30/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.
“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Washington D.C.?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


331 Independence Avenue SW
Washington D.C., DC
US20237