AF-Xakame
soo dhawadaada saxiibayaal
03/29/2023
Quruxweynaa Gobonimo
Waa photoshop 😂
09/29/2022
Markii Isaak Niyuutan (Isaac Newton) uu bilaabay in uu gurigiisa isku karantiilo si uu uga gaashaanto xanuunkii aafada waynaa ee dillaacay 1665-1666-kii, wuxuu curiyey sharciyada cufasjiidadka (Laws of gravity), bikaaciga (Optics). Waxa kale oo uu allifay xisaabta Kaalkulasta (calculus). Dunida kuma cusba balanbalka, hooga iyo masiibooyinku e, maxaad hindisi si geedi-socodka aadmahu uga kabto jugta maanta?
Ruwaayadii baada
Dadna heerkaas ayey marayaan inaguna xagaynu taaganahay lakala tag orodse maaha ..
Nin Raysalwasaare ka ah dal carbeed ayaa tagay suuq, si uu wax uga ogaado xaaladda suuqaas.
Waxa uu arkay suuqii oo nadiif ah aadna u nidaamsan. Wiil dhallinyar ah oo hilib iibinaya ayuu R.wasaarihii dul istaagay, waxaana dhex martay sheekadan:
R.w :" hilib fiican baad haysaaye ka warran suuqa?
Wiilkii: " wuu wacan yahay iibku, mudane"
R.w :" imisa kiiloo ayaad iibisay ilaa saaka?".
Wiilkii: " waxbaba la igama iibsan mudane".
R.w : " oo waayo?"
Wiilkii: " dadkii wax iibsan lahaaba suuqa waa loo diiday oo adiga ayaa suuqaba luguu xidhay"
R.w : " Hadday sidaa tahay aniga jeenigaa 8 kiiloo iiga jar oo iga iibi"
Wiilkii: " Ma awoodo mudane"
R.w: " oo waayo?"
Wiilkii : " middiyihii baa suuqa laga ururiyay si amnigaaga loo sugo oo middiba ma haysto"
R.w : " iska daa waxbaba ha jarjarine jeeniga oo dhanba iga iibi"
Wiilkii: " ma awoodo mudane"
R.w : " oo waayo?!".
Wiilkii:" mudane askari baan ahay ee ma ihi hilible"
R.w: " waar bal orod taliyahaagii iigu yeedh".
Wiilkii:" Mudane, taliyihiina miiskaas soo jeeda ayuu kalluun ku iibinaya.
Xigasho: Maxamuud-gabboose Cabdillaahi oo isna qoray inuu kasoo xigtay bogga عبدالكريم بكار
Waa nin sakhraansan oo gacanta bidix ku sita caagaddii uu xabagta ka cabbayey. Sidoo kale, Waxa uu gacanta midigna ku sidaa boorso yar oo ay ku jiraan $2000 dollar. Idaacadda Radio Hargeysa ayuu gal is yidhi balse askartii baa joojisay. “Lacagtan ayaan dariiqa ka helay oo waxan rabaa in shaqaalaha idaacaddu baafiyo, si ciddii lahayd u soo doonato” ayuu ku yidhi askartii, inu iyaga lacagta u dhiibana wuu ka diiday. Markuu ninkii weriyaha ahaa guddoonsiiyey ee lacagtii laga wareejiyey xogtii meesha uu ka helayna laga qoray, ayuu hadal lala wada yaabayna uu u raaciyey isaga oo ku leh “wax Baadi-xaafid ah k**a rabo cidda leh baadidan, balse idinku intaad isku tagtaan qado ii qaada waan gaajoonayaaye”
Weriye Maxamed Cali Weji.
Waxyaabaha ay tahay in aad barato kahor da'da 30aad :-
1- Hurdadu waa aas aaska wax walba oo aad qabanayso, dadku isku hab uma shaqeeyaan jir ahaan iyo maskax ahaan, maskaxdu waxa ay kuso kabsataa hurdada jirkuna cunto kaamilan dhan walba.
2- sida aad u fikirayso, dadka aad la xiriirayso iyo nolosha aad helayso waxa ay ku xirantahay habka aad u nooshahay waxa aad soo jiidataa waxyaabo, dad iyo nolol lamid ah taad ku nooshahay, reality- gaaga waad badali kartaa adiga oo u maraya in aad u ekaato waxa aad rabto. Ka billow qolkaaga sida uu egyahay iyo sida aad rabto in ay wax noqdaan ma is leeyihiin.
3- Hadii aad tahay qof ay fududahay in saamayn lagu yeesho oo aad tahay dadka lamidka ah hadba qofka ay la socdaan sida uu yahay waxaa aad muhiim u ah in aad keli socod ahaato, hadii aadan sidaas samayn waxa aad u nuglaanaysaa in qof waliba oo kula socda xataa hadii uu xun yahay aad balligiisa kula dabaalato.
4- Diiqo iyo stress hoygoodu waa gudaha, inta badan e aadan guriga ka bixin waa inta badan ee aad diiqad iyo walbahaar dareemayso, soo bax dhex qaad dadka iyo duunyada.
5- Baraha bulshadu waxa uu maskaxdaada u gaystaa damage kolka aad tahay qaate alyacni qof aan isagu waxba soo bandhigin waxa ay maskaxdaadu aruurinaysaa dhamaan fikrado xumayn kara noloshaada xata hadii aadan qaadan maskaxdaadu waa ay save gareyni taas badalkeed noqo bixiye qof isagu wax soo bandhiga kolkaas adiga ayaa wax baraya waxna baranaya maadama aad mar walba isku howlayso in aad wax cusub barato si aad wax cusub ula timaado.
6- Hadii aad ka yartahay 20 sano waa xilliga ugu haboon ee aad jirkaaga dhisi karto waxaa arrinkaas kuu fududaynaya testosterone level kaaga oo xaddigiisu badan yahay, mar kasta oo da' kugu siyaado hoormon kaasina waa sii dhacaa markauu dhacana waxaa yaraada shaqada maskaxdaada, awooda murqahaaga, himmada galmadaada iyo energy/tamarta guud ee jirkaaga, ka faaiidayso inta ad yartahay.
7- Heerka ugu sarreeya ee doqonimadu waa in aad ruux colaadiso, necbaato wax lagaaga sheegay awgeed, waa ay xanuun badan tahay in aad gadaal ka ogaato in ruuxii laguu sheeko xumeeyay uuba kaaga wanaagsan yahay kuwii kaaga sheeko xumeeyay.
8- Hadii aad isticmaasho daroogo oo aad iska jari wayday ama aadan rabin in aad jartaba waligaa iska ilaali in aad u isticmaasho in aad xal ka raadiso oo aad isku dhaafiso dhibaatooyinka xalka kaaga baahan, taasi waxa ay kugu hogaaminaysaa in aadan waxba xallin abidkaa oo aad dhibaato waliba iyada kaga gambato, taas badalkeed hadii aadan iska daynayn u isticmaal in aad ku dabaal dagto, alyacni aad ku nasato kolkaad howl adag iska soo xalliso taasi waxa ay kugu hogaaminaysaa in aadan isticmaalin daroogo adiga oo aan wax xallin oo aan soo daalin.
9- Hadii aad tahay qof dumara xilligan la joogo xirfada ugu muhiimsan ee aad baran karto waa sida looga shaqaysto dunida digital ka ah iyo hababka online ka ah, taasi waxa ay kuu sahlaysaa in aad shaqaysato adiga oo jooga gurigaaga hadii aad xanuun santahay, hadii aad umul tahay hadii aad xaamilo tahay iyo hadii qoys badani kugu hoos nool yihiin oo aad hoyo tahay shaqooyin banaanka ahna aadan qaban karin.
10- soo koob noloshaada oo dhan wax walba oo aad qabato ama samayso waxaa sabab u ah hormone ay maskaxdaadu soo dayso oo la yiraahdo "dopamine" , fahanka arrinkaan waxyaabo badan oo aadan ogayn ayuu kuu bayaanin doonaa, mar baynu kor iyo hoosba uga warami doonnaa insha allah.
Mohamed Dafle
Gabadhani raggbay fariin udirtay ?
09/21/2022
Qormadani waxay ku socotaa dadka waxbarashadu u bilaabatay ama kuwa dugsiyada iyo iskoolada dhigta ha ahaadeen iyo ardayda jaamacadaha dhigta, waxaana leeyahay:
"Ardaygayga qaaliga ahaw waa sagaal(9) bilood uun kadibna fasax ayaad dib u galeysaa ee kasoo qaad nafsadaada inaad tahay ruux xaamil ah(uur leh) una dulqaado sidii ay u dulqaadatay hooyadaa oo kale sagaalkaa bilood.
Sidoo kale waxaan kugu darsanayaa adoo xasuusan hadalkaygaasi in aad waxbarashadaada dedaal badan u muujiso sidoo kalena aad xasuusnaato in ay tahay shaqada kaliya lagaaga fadhiyo hadda in aad hadhow kamiro dhaliso".
FG; Waan ogahay bartaan in ay arday badani ku xidhan yihiin, waxaana jeclaystay inaan qormo baraarujin & dhiiirigelin isugu jirta aan idinla wadaago.
Haddii aad arday tahay ismuuji oo qormadan ❤️ saar.
Xuq: @ Hudayf AbdiRahman
Hurre walan wal iyo laanta bari canbaro
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Seattle, WA
98104