FUAD
Mar hadaad halkan soo gashay Aan ku xasuusiyo inaadan marnaba ka tagin wax naftaada Anfacaya Aduun iyo aakhiraba
kusoo dhawoow page kan waxaad ka heli doontaa wax badan oo faa'iido inoo wada leh
insha Allah. sii share gare follow na dheh like na saar
aad baad u mahadsan tahay wll
03/12/2026
Kudadaal Sadaqada Maxaayeelay Sadaqada Waxeey Furtaa Albaabada Fudeydka iyo Dhamaana Arimaha Nolosha. isku day marwalba inaad wax sadaqaysato Hadalka wanaagsana Allah haka dhigee
12/29/2025
Aqoonyahanku hadii uu noqdo mid la iibsan karo
Oo suldaamadu iibsan karaan, dawladuhuna laaluushi karaan kaasi aqoonyahan ma aha.
Sh.mustafe x.ismaciil
05/11/2025
"Nin ayaa hadda ka hor la weydiiye -: dadka yaa ugu farxad badan?
Markaas ayuu ku jawaabay: kuwa waalan oo aanan laheyn miyirka ayaa ah dadka kuwa ugu farxadda badan."
Waayo Qofkaas waxaad aragtaa marwalba isaga oo iska socdo, waddada maraya haddana Qoslaya ama iska dhoolla-caddeynaya Sabab la,aan.
Marka waxaad ogaataa haddii aad la kulanto noloshaada Caqabado, dhibaatooyin iyo niyad jabyo waxaad ogaataa inuu alle kaa dhigay Qof ka duwan dadka aan dhimirka laheyn.
Macquulna ma noqon karto in adiga oo ka duwan Qofkaas aad doorato ama aad raadiso noloshiisa oo kale, cayaar iyo raaxo aad ku qaadato maal-mahaaga.
Waa inaad martaa Waqtiyada Qaar kuwa ugu adag ka dibna aad kaga gudubtaa Tala saarasho Alle iyo Dadaal dheeraad ah.
Adkayso
05/08/2025
Baryahan danbe waxaa badatay dhibaatooyinkii social media ha iyadoo ay jiraan ama’ aan uga faa’iidaysankarno dhinaca wanaaga hadana waxaan u badanahay dhinacii xumaanta.
Hada ogsoonow marka la fiiriyo cilmiga ama waxyaabaha faa’iidooyinka uleh nafteena ee kujira Aaladahan inay ka badan yihiin waxyaabaha aan micnaha lahayn ee Ee aan 24/7 aan ku mashquulsanahay.
Waxyaabaha bulsho ahaan ina dilay waxaa kamida:
-Qabiilka
-Qabyaalada
-Kala qoqobnaanta
-Fikir guud oo midaysan majiro
-tashi la’aan
- Aflagaadayn
Iyo qaar kale oo Aanan soo koobi karin
Adigu mid noqo midna ka dheerow
-Mid noqo oo qof wanaag ku jooga noqo marwalbana mid Aakhiradiisa ka fikira noqo.
- midna Ha noqon: ha noqon qof badwayntaas ku dhex luma ama ku dhex qarqada,a oo doonta xumaanta raaca.
Wanaag badan baa ino balana👋🏻
05/06/2025
baraha bulshadu ku xariirto
Waa Dal kulmiyay dhamaan shucuubta aduunka":!!!
Oo aan lahayn wax xukuma ama ra'iis,;!!!! Caqliga, diinka,tarbiyada iyo akhlaaqda mooyaane.
Haddii farahaagu caddaynayaan aqoonsigaaga marka la eego waxaad soo posti garayso,carrabkaagu wuxu caddaynayaa goosashada tarbiyaddaada.
Samee marwalba wax qurux badan oo lagu daabaco quluubta dadka.
👋🏻
05/06/2025
Saddex shay wakhtigaaga ha iskaaga lumin:
1- Ka qoomamaynta wixii kaa tagay, waayo soo noqon maayo
2-In aad naftaada la barbar dhigto dadka kale waayo waxba tari mayso
3- Inaad isku daydo inaad dadka oo dhan raaligaliso sababtoo ah ma noqonayaan, adiga unbuu waqti kaagaga lumaya.
👋🏻
03/12/2025
Aduunyo qofkaad ku dhaanto
Duruufi agtaada keentay
Ha noqon ma arxame bakheyla
Ku dhaafaya oomanaanta
Ku deyriya arag yaraanta
Ku diidaya uur marnaanta
Lahow daymada islaamka
Lahow damqashada ogaalka
Kadaa urugada wax yeelka
Kadaa digashiyo ilaaqda
Kadaa afxumada saboolka....🕊
Kaalmee wll qofka kaalmo kaaga baahan
Hadalba ha ahaadee👋
👋🏻
03/11/2025
Waligaa Qofna waxba haka sugin, waayo wax yaabaha quruxda badani waxay ka yimaadaan Alle xagiisa
Allah talo saaro isaga kaliyana wax waydiiso👋🏻
03/10/2025
Qof walba wuu guuleysan karaa lkn in madaxweyne la noqdo guul ma ahan, in taajir la noqdana guul maha, inaa magac iyo maamus ledahayna guul maha...
Ama maskiin ahow ama magac lahow
Mar waliba waxaa guul ah Inaad illahay rali geliso..❤✔️
Sheikh mustafe allah ha xafido
02/10/2025
Waligaa 4 ku dadaaal
samirka
dulqaadka
ixtiraamka
Iyo mida ugu danbaysa oo ah dad la f
Dhaqanka
Ogow afartuna inay is wada fur furayaan
Hadii aad samirto ogow inaad u dulqaadatay waxaas,hadii aad usoo samirtay ood usoo dulqaadatayna ogow inaad ixtiraamkeedii yeelanayso ugu danbayna dadka aad si wanaagsan ula dhaqmayso.
👋🏻
Click here to claim your Sponsored Listing.