The Jimale
Inspiring Poems and Stories "Excellent or awful, take it as learning experience. Move on in life. Make most bad experiences to improve today."
Both the experience has to be shielded and accepted as souvenir.
4 Arimood oo halis ku ah Somalia ay dowladda Farmaajo iyo Kheyre ogolaadeen
Yes, bring me wine, for I have renounced all renunciation
and all my vaunted self-righteousness
seems to me but swagger and self-display.
Now for a time let my proof be wine
against the sorrow of Time
for only in drunkenness can one be free
of the hour’s grief.
Once I am thoroughly drunk, what difference
if I end up in a church or in Mecca?
Once I’ve abandoned myself, what matter
if I win Union – or separation?
I’ve been to the gambling house and seen
that the losers there are pure;
I’ve been to the monastery and have found
no one but hypocrites.
for you are one of the chosen!” at least
do not break our covenant:
at least welcome this broken heart and say
“How are you? Where have you been?”
I’ve been to Mecca, to circle the Kaaba
but they refused me entrance
saying “Off with you! What merit have you earned
outside, that we should admit you within?”
Then, last night, I knocked
at the tavern door;
from within came a voice: “‘Iraqi! Come in!
for you are one of the chosen!”
~ Iraqi [from the introduction to Divine Flashes
translation by William Chittick and Peter Wilson}
Not Christian or Jew or Muslim, not Hindu, Buddhist, Sufi, or Zen.
Not any religion or cultural system.
I am not from the east or the west, not out of the ocean or up, from the ground, not natural or ethereal, not composed of elements at all.
I do not exist, am not an entity in this world or the next, did not descend from Adam and Eve or any origin story.
My place is the placeless, a trace of the traceless.
Neither body or soul.
I belong to the beloved, have seen the two worlds as one and that one call to and know, first, last, outer, inner, only that breath breathing human being.
- Rumi
08/17/2017
WAREYSIGII: GABADHII JINNIGA AHEYD EE REYMAA, QEYBTII 5-AAD
Qalinka Abukar Albadri
Muqdisho – Wareysiga qeybtiisa afaraad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiiyay su’aal la xiriirtay jawaabta uu bixiyey Wiilkii Soomaaliyeed ee ay jeclaatay Reymaa Saaxiibteed Nujuum, wareysiga qeybtiisa 5aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.
Su’aal: Dhanbaalkan saaxiibtaa Nujuum ay u dirtay Axmed inta uusan geeriyoon ka hor waxaa uu ina galiyey qushuuc badan, wiilkii Axmed ahaa muxuu ku jawaabay, saameyn noocee ah ayuuse dhanbaalkii Nujuum noloshiisa ku yeeshay, maadaama ay caddahay in uu dhanbaalka uga yimid gabar aan insi aheyn?
Reymaa: Eeen! Axmed Ilaahey ha u naxariisto, hadda wuu dhintay, duco ayuu inooga baahan yahay! Saaxiibtey Nujuumna Ilaah ha caafiyo, naxdintii ay geeridiisa ka naxday darteed ayey weli koomo ugu jirtaa. Dhabtii Axmed aad ayuu uga falceliyey dhanbaalkii ay u dirtay saaxiibtey, naxdin ayuu ka qaaday, farxad kuma uusan soo dhoweyn dhanbaalka.
Markii uu dhanbaalka aqriyeyba wuu is waalay, dharka ayuu tuuri gaaray, balse Quraan ayuu gurigii ku aqriyey, culumo ayuu isu keenay, waa la i sixray ayuu yiri, wuxuu u qaatay in la sixray oo jinni loo adeegsaday, balse lama sixrin, jinnina looma adeegsan, isaga uun baa iska dhaadhiciyey, jinniga waa gabar si dhab ah uga heshay.
Su’aal: Iyadu waa jinni, isagana waa insi, marka ay ka heleysay halkuu joogay, sideyse ku aragtay?
Reymaa: Axmed wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada Shiishadda cabta, inta ugu badan goobaha shiishadda lagu dhuuqo jinni wuu joogaa, waliba jiniyada ugu halista badan ayaa joogaan, waayo jinniga tubaakada aad ayuu u jecel yahay, kiisa xun iyo kiisa fiicanna inta badan way cabbaan shiishadda.
Axmed shiishadda uu cabbo, marka uu qaaca sii daayo ayey korkiisa ma dhuuqi jirtay saaxiibtey, kaddibna haaneedkiisa iyo suurihiisa ayey ka heshay, dartiisa ayey meeshii shiishadda u tagi jirtay.
Axmed shiiashadii ayuu ku xanuunsaday, waayo shiishaddu waa tubaako aad u culus oo sanbabada aad u dhaawacday, wuxuu ka qaaday cudurka TB, kaddibna waa laga daweeyey, shiishaddiina wuu iska dhaafay, saaxiibteyna sidii ayey gurigiisa ugu soo raacday.
Su’aal: Axmed falcelintiisii iyo quraankii sidey u saameeyeen Nujuum?
Reymaa: Nasiib darrada dhacday waxay aheyd in saaxiibtey gurigii laga xijaabay oo Quraan lagaga saaray, muddo dheer ayuu guriga Quraan ku waday oo saaxiibtey laga xijaabay, qolkii uu degganaa ee ay warqadda u dhex dhigtay xitaa wuu ka guuray, jimco walba gurigii Quraan baa lagu aqriyaa oo raatib ayuu ka dhigtay, marka uu guriga ka baxayo qolkiisa quraan ayuu ku shidaa oo kaga tagaa, gaarigiisa heesihii wuu ka joojiyey oo Quraan ayuu ka sh*taa, meelihii uu shiishadda ku cabbi jiray wuu ka go’ay.
Mararka qaar heer wuxuu gaaray haddii uu si caadi ah u jiriricoodo in uu moodo in ay Nujuum afuufeyso, markaas ayuu qayliyaa, “Acuudu Billaah” ayuu yiraahdaa, dadkii oo dhan baa la yaabeen, wiilkii wax waashay camal buu u dhaqmayey. Quraan aqris ayaa lagu waday muddo dhawr bilood ah.
Saaxiibtey dhanbaalkii naxariista badnaa ee ay u dirtay Axmed waxaa ay ka dhaxashay in ay agariisa weyso in muddo ah, wiilkii ay jecleyd iyo iyadiina shanfaroodle ayaa kala irdheeyey, waayo haddii xitaa uu u naxariisan lahaa iyagii baa Quraan iyo dhaawid la daba kacay oo wiilkii ku leh wuu waashay, isagiina wuxuu aaminay in la sixray.
Ugu danbeyn xaaladiisa waa ay soo roonaatay, xitaa waxaa jirtay rajo ah in uu Nujuum jeclaan doono, saansaan wanaagsan ayaana ka muuqday inta uusan qaraxa ku dhiman.
Su’aal: Inta Quraansaarka iyo Dhaawidda lagu waday Axmed maxay sameyn jirtay saaxiibtaa, miyey ugu tagi jirtay gurigiisa, siduuse Quraanka u saameeyey iyada?
Reymaa: Maya! Uma aysan tagi karin, waayo quraanka la aqriyey wuxuu ahaa xijaab iyada laga aqristay, Quraankuna waa xijaab wixii laga aqristo kaa xijaaba, xitaa insiga ayuu insi kale ee dulminaya ka xijaabaa haddii uu si niyad ah oo daacad ah u aqristo, ALLAAH na baryada wuu aqbalaa, marka saaxiibtey meel ugama banaaneyn guri Quraanka lagu oowday ay gasho.
Su’aal: Saaxiibtaa markii Quraanka uu ka aqristay Axmed ma weysay mise weli way arki kartay?
Reymaa: Aragti way arki kartay, balse sidii ay markii h**e ugu dhoweyd ee habeenkii dhan iskala joogi jirtay uguma aysan soo dhowaan karin, riyadiisa sidii au ugula haasaawi jirtay waa ay weysay. Mararka uu guriga ka soo baxo ee uu gaarigiisa meel inta dhigo, ka d**o ayey sheedda ka daawan jirtay, fursaddaas ayey joogto u raadin jirtay, waayo waxay aheyd fursadda kaliya ee ay heysatay, waa xilliga kaliya ee uusan Quraan u daarneyn ama uusan aqrineyn ee uu xijaab la’aan yahay, mararka uu Quraanka afka ku heysto ma arki karin, wuu ka xijaabmayey.
Su’aal: Sida aad ii sheegtay galabtii aan gurigaaga joognay Axmed muddo kaddib wuxuu yareeyey Quraankii uu isaga xijaabayey Nujuum, kaddibna Nujuum waxaa ay dib u billowday in ay la xiriirto oo dhanbaallo hor leh u dirto, arrintaas wax iiga sheeg?
Reymaa: Nujuum mar kale ayey heshay fursad ay Axmed ugu dhowaato. Axmed gurigii h**e ayuu ka guuray, gabar ayuu la saaxiibay, gabadhaas ayaa ugu imaan jirtay guriga uu degganaa. Nujuum k**a aysan xumeyn in uu saaxiibad yeeshay, waayo waxay aheyd xilliga kaliya ee ay fursad u heli jirtay in ay daawato isaga oo gabadha la sheekeysanaya, balse gabadhaas waxaa ay aheyd gabar suuro badan, xanaaq badan, maseyr badan, inta badanna iyada uun inta xaalad abuurto ayey waqtiga kaga qaadi jirtay, aad ayuu ugu dulqaadan jiray oo u maslaxeyn jiray, marka ay ka tagto ayuu fikir gali jiray, xilligaas uu fikiraayo ayey saaxiibtey Nujuum ka faa’iideysan jirtay oo inta u dhowaato ayey waxa uu ku fikirayo ayey u suureyn jirtay.
Markaas uu fikirka la tago ee uu ka fikirayo gabadhii uu jeclaa ee u timid, haddana ka tagtay isaga oo aan faraxsaneyn ayey Nujuum isaga gelin jirtay riyo maalmeed uu isaga u maleeyo khiyaali uu isaga abuurtay, balse ay iyada u abuureysay. Sidoo kale ayey ku soo laabatay in ay riyadiisa habeenkii ugu timaaddo, isagiina in uu riyadaas jecleysto ayuu billaabay, oo Quraankii marka uu seexanaayo uu shidan jiray xitaa wuu iska demin jiray markii danbe.
Su’aal: Dhanbaalka ay u dirtay ee kale maxay ku qortay?
Reymaa: Waxay uga sheekeysay sida ay u jeceshahay iyo sida uu qaladka uga aaminsan yahay, waxay u sheegtay in aysan noloshiisa ka hareyn waligeed ama ha aqbalo ama ha diidee iyo in ay diyaar u tahay in ay is arkaan iyada oo aan wax dhib ah u geysaneyn.
Su’aal: Dhanbaalkaas hadda ma wada aqrin karno oo waa uu dheer yahay, balse waxaa jirtay qeyb ay ugu sheegeyso in ay h**ey isu arkeen, qaabkey ugu sheegtay in ay is arkeen?
Reymaa: Saaxiibtey maalin maalmaha ka mid ah waxaa ay raacday Bajaaj, waxaa ayna dooneysay in ay isaga aragto, markii ay bajaajta kaga degtay meeshii uu gaarigiisa yaallay iyada oo gabar caadi ah u eg, ayuu aad u soo jalleecay, wuxuu u muujiyey xoogaa dhoolacaddeyn ah, iyadana way u dhoolacaddeysay iyada oo ka shiixeysa hoosna eegeysa, kaddibna gaarigiisa markii uu fuulay ayuu ku yiri maku sii dhoweeyaa, iyadana haa ayey ku tiri.
Su’aal: Halkeebuu ku dhoweeyey markaas?
Reymaa: Iyada waxaa ay u sheegtay xaafad tiisa xageeda ah, kaddibna inta ay gaariga la saarneyd ayuu magaceeda weydiiyey, waxaa ay u sheegtay magaceeda runta ah, kaddibna lanbarkeeda ayuu weydiiyey, kaddiba waxaa ay ku tiri magaalada waan ku cusbahay, lanbar weli ma qaadan, sidii ayuu kiisa ugu qoray, markii xaafaddiisa lagu dhowaaday ayey gaariga ka degtay, isaga oo aad u soo qooraansanaya ayuuna ka dhaqaaqay.
Su’aal: Markaas miyuu dareensanaa in ay gabar jinni ah tahay?
Reymaa: Maya, muu dareemin, quruxdeeda iyo lebiskeeda iyo hab dhiskeeda ayuu ka helay, waayo Nujuum waxaa ay leedahay qurux Mucjiso ah, isagana aad ayuu uga helay, balse markii uu gaariga dhaqaajiyey iyadana way iska qarisay, waayo markii h**eba kaligiis ayaa arki karay oo dadka kale meysan arkeyn, inkastoo ay isaga la aheyd in ay dadka arkayaan gabadhan h**ey u saran.
Su’aal: Sidee bey dhanbaalkeeda ugu sheegtay arrintaas markii ay doonaysay in ay Axmed u sheegto?
Reymaa: Waxaa ay ku tiri sida “Axmed neecaawow! Maalintii iigu farxadda badneyd waxaa ay aheyd markii aniga oo ka degay Bajaaj inta ku soo eegay aad iigu baaqday in aad h**ey ii sii qaddo oo aan h**ey kuu sii raacay. Fursadda iigu dhow ee aad igu aragtay ayey aheyd, in badan ayaad i qooraansatay, lanbarkeyga ayaad i weydiisay, waxaan kugu iri "Magaalada waan ku cusbahay oo lanbar ma lihi" nasiib darro isuma kaa sheegi karin, oo waxaan ka baqay in aad mar kale qalqal gasho oo aan haddana ku waayo”.
Axmed hadalkaas wuu yara gareystay oo farrintii labaad k**a uusan qalqalin, magicii Nujuum ee markii ay gaariga la raacday ay u sheegtay ayeyna dhanbaalka ugu soo qortay oo wuu gareystay.
Su’aal: Kaddib muxuu sameeyey?
Reymaa: Wuxuu arrintii kala sheekeystay saaxiibadiisa, markii uu ka sheekeynaayey waan la joognay, runta ayuu ka sheegay oo weliba wuxuu lahaa haddii aysan igu darsoomeyn waaban iskala saaxiibi lahaa.
Su’aal: Geeraarka warqadda ku qornaa wax maka xasuusataa?
Reymaa: Haa, wuu dheeraa, warqaddii ma hayo hadda, balse 3 beyd ayaad ka xasuustaa, isaga oo billow iyo dhameystir leh waan ku siin doonnaa marka aan arrinta Nujuum buugga ka qoreyno, balse hadda beydadka aan xasuusto waxaa ka mid ahaa:
Markaan barashada jaceylka,
Bidhaantaadii jalleecay,
Markaad beerkeyga qaadday,
Bartamaha wadnaha i jeexday,
Miyuu ba’a ii billowday?
Sidii baalaleyda duusha,
Naftan kor kaa bidhaansan,
U baahan caashaqaaga,
Haddey dhab kuugu baaqdo,
Baxnaano miyaad u quuri
Markaad bartankii habeenka,
Boggaaga sariirta saarto,
Naftan boholyowgu qaado,
ee aawgaa bisinbisoota
Miyaad buuxow daryeeli
Markaad baxsanoow salaaxdo,
Bisadda yar ee beydka joogta,
Jirkeeyga siduu u booyo,
buseylkiyo beer nugeylka,
Miyey weli kuu bidhaantay,
Intaas ayaan ka xasuustaa, sidii ay saaxiibtey u tirisayna isuguma toos toosna balse waa inta hadda xusuusteyda ku jirta.
Su’aal: Bal aan intaas kaga beyrno xasuustii Axmed ALLAAH ha u naxariistee iyo saaxiibtaa Nujuum, waxaad iiga warrantaa habka dhaqan dhaqaale ee Jinniga Soomaaliyeed, jinni ahaan noloshiina maxay ku tiirsan tahay?
Reymaa: Insiga ayaan la mid nahay badankeen, waxaan cunnaa waxa ay shanfaroodlaha cunaan, balse jinniga qaar baa dhaqanka dugaagta leh.
Su’aal: Jinku miyuu kalluumeystaa, xoolo ma dhaqdaa jinni, beero ma leeyahay, maxaa idin ah dhaqaalaha aasaasiga ah?
Reymaa: Jinniga xoolo wuu dhaqdaa, balse geela ma jecla, Jinniga xoolaha uu ugu jecel yahay ee uu dhaqdo waa digaaga. Ari waan leenanahay, eeyaha iyo bisadaha waa xoolaheena, kuweena gaalada ah way iska cunaan, balse kuweena Muslimka ah doofaarka ma cunnaan.
Su’aal: Waxaa la sheegaa in jinniga uu aad u jecel yahay hilibka digaagga, taas miyey jirtaa?
Reymaa: Haah! Tusaale haddii qof inta uu habeenkii hilib digaag cuno isaga oo aan gacmaha saabuun isaga dhaqin jiifto marka uu hurdo waxaa u imaanaya jinni gacmaha ka leefleefaya, hilibka digaaga haddii aad cunto oo aad meel mugdi ah aad marto wax baa ku soo eryanaaya, waa jinni hilibkaas soo raacaya, marka hilibka digaaga waa cuntada uu jinniga ugu jecel yahay. Cuntada labaad ee aan ka helno waa kalluunka, waa sababta aan badankeena xeeb u deggan nayay.
Su’aal: Jinniga Soomaaliyeed miyuu is heyb soocaa sida ay dadka isu heyb soocaan?
Reymaa: Jinniga wuxuu isku heyb soocaa Muslim iyo Gaalo, wuxuu kaluu isku heyb soocaa qabiilada Sheydaanka ku xiran sida ay u kala xoog badan yihiin, balse jinni Soomaaliyeed ee Muslim ah ma heyb sooci karo jinni kale oo Muslim ah, daruuf kasto ha lahaadee.
Su’aal: Jinniga ma leeyahay Faqiir iyo Taajir?
Reymaa: Haah! Xaafadda la yiraahdo Suubya-galeen waa xaafadda isku raranta ah ee ay deggan yihiin jinka saboolka ah, qaarkood xitaa guri ma heystaan oo buushash ayey deggan yihiin, qaarkood wax ay cunaan ma heystaan oo daruuftooda waa mid aad u sareysa, qaarna waaba tuugsadaan.
Su’aal: Dadku waxay aaminsan yihiin jinka in ay awood leeyihiin oo wax walba ogaan karaan, in ay lacago iyo dahab insiga siin karaan, arrintaas ma jirtaa?
Reymaa: Waxna way ka jiraan waxna waa been, wax waa ka jiraan oo jinnigu wuxuu ogaan karaa wax aan insiga ogaan karin, balse qofna xoolo ma siin karo, hadda haddii aan doono in aan hantideyda qeyb kaa siiyo sida kaliya ee aad kaga faa’iideysan karto waa in aad soo gasho nolosha jinniga, haddii aad dunidaada insiga gasho xoolohii waxay kaaga haraayaan noloshii jinniga, balse xoolo inta uu jinni insi siiyo uu insiga heysan karo ma jiraan, sida kaliya ee ay ku jiri karaan waa inuu qofkaas waalan yahay oo qashinada ku nool yahay, noloshaasna uu isaga u arko nolol qurux badan, halka ay dadka u arkaan mid qurun badan.
Su’aal: Jinniga hilibka digaagga dadka ku raaco ma jirtaa meelo uu ku badan yahay oo la iska ilaalin karo?
Reymaa: Haah!, meelaha qubuuraha ku yaallaan, haddii agagaarahaaga qubuuro ku yaallaan adiga oo hilib digaag cunay oo aan saabuun ku dhaqin ha aadin. Haddii aad hilib digaag cunto iska jir in aad aaddo meel qabuuro u dhaw yihiin ama aad habeen meel mugdi ah lugeyso.
Su’aal: Dadka marka ay Xeebta Liido tagaan h**ey u qaato (Chicken and Chepsi) oo hilib digaag duuban (Take away), maxaad kula talineysaa?
Reymaa: Waxan leeyahay xeebta aad ha ugu dhowaanina, haddii uu qofku biyaha intuu ku dhowaado hilib digaag cunaayo waxaa laga yaabaa inuu jinni dafo, kaddibna la dhaho qofkii badda ayaa qaadday, ama libaax badeed ayaa qofkii dafay, qofkaas isaga ayaa halis is galiyey.
Su’aal: Waa arrin naxdinteeda leh, side buu qofka ku garan karaa inuu jinni goobta ka dhow yahay xilliga habeenkii ah?
Reymaa: Jinniga astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah in iyada oo biyaha ay aad u degan yihiin aad dareento biyo tiixtiix ah oo meel ay ka soo kacayaan aadan u jeedin, ama hawo tiro badan oo haddana dabeyl ahaan aan u kaceyn, markaasba adkaarta qabso ama Meesha isaga tag.
Su’aal: Markii aad muuqaalka jinniga laheyd ee aad kor iiga soo muuqatay waxaa kaa yeerayey shanqar aan fahmi waayey, maxay aheyd?
Reymaa: Waan qoslayey, waayo mid jinniga ka mid ah ayaan isku dhici kaarnay, wuuna iga baqay oo wuu iga cararay.
Su’aal: Jinniga siduu u qoslaa?
Reymaa: UY UY UY UY …. waan dhahnaa, Xiiiish Xiish Xiiish …. Waan dhahnaa, Zuuuka Zuuuka Zuuuka …. Waa dhahnaa… Gabdhaha ayaa u bahan Zuuuka …Zuuuka.
Su’aal: Aniga ayaad iga qosolsiisay. Bal muuqaalkaagii dhanka jinniga ahaa ee 3dii mar ee aad iskey tustay wuxuu ahaa seddax nooc oo kala duduwan oo haddana argagax badan I galiyey, aad ayaan kaaga naxay, hadda ma iga ogolaaneysaa in aad dadka u kala qeeydo ama muuqaalladaas u sharaxdo?
Reymaa: Xuuuuuuuuuuuuuuuuuux … Zuuuka …. Zuuuka… Zuuuka….
………..…. Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 6aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Jimcaha Soo socda.
F.G. dad baban ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahay iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kaga jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa
WAREYSIGII: GABADHII JINNIGA AHEYD EE REYMAA, QEYBTII 4-AAD
Qalinka Abukar Albadri
Muqdisho – Wareysiga qeybtiisa seddaxaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay nooca maamul dowladeed ee ay leeyihiin jinniga Soomaaliyeed, wareysiga qeybtiisa 4aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.
Su’aal: Soomaaliyada insiga ah waxaa ay leeyihiin Madaxweyne, Ra’iisal Baarlamaan iyo Ra’iisal wasaare, Soomaalida inniga ah ma nadaamkaas uun bey leeyihiin mise hab maamul kaas ka duwan?
Reymaa: Bulshada jinniga ah ee dalkan waxaa ay leedahay Mandaluul, Jundaluul iyo Maasdaluul. Waana hab ku dhisan seddax awoodood oo kala sarsareysa, midda koowaad ee Mandaluulka waa Golaha sare ee laga maamulo dalka, waxaana Mandaluulka ugu sarreeya Al-Sayid Hirqiyaa oo talada hayey kunkii sano ee la soo dhaafay. Junduluul oo ah awoodda ciidan ee jinniga Soomaaliyeed waxaa aasaasay Janaraal Shuu Shu 1500 sano ka hor, haatan xilli dhow oo 200 sano ka hor ah waxaa loo dhiibay Janaraal Shaamiluun, waana awoodda ciidanka jinniga ee Afrika ugu xoog badan.
Golaha Maasdaluul waxaa ay ka kooban yihiin xubnaha maamulka min heer Wasiir illaa guddoomiye degmo, dhammaantoodna waxaa ay ka kooban yihiin 11 Dhuuqe, 27 Jiite, 271 Rife.
Su’aal: Dhuuqe, Jiite iyo Rife maxaad ka waddaa?
Reymaa: Hahahahaha… Dhuuqe idinka waxaad dhahdaan Wasiir, Jiite waa guddoomiye yaasha gobalada 27-ka ah ee dalka, rifayaashana waa guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaa jira kuwo la dhaho leefayaasha, kuwaas oo idinka u taqaanaan agaasimeyaal ama maareeyayaal,
Su’aal: Jinnigu ma leeyahay dagaal oogayaal, mooryaan iyo ganacsato hubeysan?
Reymaa: Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh! Mandaluulka iyo Jandaluulka way riiqayaan wixii edeb darro lagu arko, jundiga SunSaaq ee dalka ugu awood badan xaruntooda waxaa ay ku taallaa gobalka Ganaane, ciddii edeb darsata waxaa ay geynayaan xabsiga JamalJaan, dagaal oogena ma jiro, jinni isuma dilo sida shanfaroodlaha, xitaa ciidanka koofiyadleyda qori looma ogola.
Su’aal: Ciidanka koofiyadleyda waa kuwee?
Reymaa: Hahaha… idinka Booliis aad dhahdaan, anaga koofiyadley aan dhahnaa, hubkooda dhan waa koofiyado, naasquud ayey nagu waaleen.
Su’aal: Naasquud maxaad ka waddaa?
Reymaa: Shaxaad maad dhahdaan, haa waa shaxaad.
Su’aal: Reymaa aniga ayaad I waali rabtaa, su’aasha ugu danbeysa ee dhanka siyaasadda haddii aan ku weydiiyo, waxaad ii sheegtaa magaca guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Jinniga Soomaaliyeed?
Reymaa: Dhuuqaha Gobalka Suufaadiin waxaa la yiraahdaa Jamaaludiin, waa nin khibrad badan oo waayeel ah, 2500 sano ayuu jiraa, 700 oo sanadood ayuu Suufaadiin Dhuuqe ka ahaa,. Markii uu talada qabaneyey magaalada Suufaadiin waxaa ay ku ekeyd inta u dhexeysa tuulada Daguuni oo idinka u taqaanaan Qalimow, iyo deegaanka Firdows loo yaqaano Gendershe.
Haatan Suufaadiin dhinaceeda koofureed waxaa ay gaareysaa deegaanka Ruusaatiin ee aad u taqaanaan Dhaay Tubaako, taas oo ah Baraawe gadaasheed, dhinaca waqooyina wuxuu gobalka Suufaadiin ku eg yahay Buulo-diin oo aad u taqaanaan Warsheekh.
Su’aal: Suufaadiin ma leedahay garoon diyaaradeed calami ah oo ay diyaaradaha ka duulaan, mise waxaad isticmaashaan kan Aadan Cadde?
Reymaa: Haa, garoonka caalamiga ah ee Suufaadiin wuxuu ku yaallaa xaafadda Masagoole ee u dhaw madaxtooyada Mandaluulka.
Su’aal: Waa halkee xaafadda Masagoole?
Reymaa: Waa Meesha aad u taqaanaan buulo fulay ee u dhexeysa Qoryooley iyo Buurhakaba.
Su’aal: Magaalada Suufaadiin ee anaga aan u naqaano Muqdisho ama Banaadir insi ahaan waxaa dadka deggan lagu qiyaasaa 2 illaa 3 milyan, bal dhankiina Suufaadiin imisa jinni ah ayaa deggan?
Reymaa: Guud ahaan dalka Soomaaliya jinniga ku nool waa 700 oo milyan, 240 milyan oo ka mid ah waxaa ay deggan yihiin Suufaadiin.
Su’aal: Haddii aan dhanka siyaasadda ka weecano, sideed u aragtaa in aad iiga sheekeyso sida uu jaceylka insiga u saameeyo jinniga iyo arrin insiga dhexdiisa caan ka ah oo ah in gabdhaha uu mar walba ka kor qayliyo wiil jinni ah.
Reymaa: Inta badan Gabadhana jinniga ah waxaa y jecel yihiin wiilasha insiga ah, siyaabo badan ayeyna ula dhaqmaan. Waa ay dhacdaa in gabar jinni ah oo aan muslim aheyn ay wiil insi ah noloshiisa la wadaagto, iyada oo aan u bandhigan. Inta badan dadka aan salaadaha dukan, kuwa aan Ilaah ku xirneyn ayey gabdhahaas jinniga ah daneeyaan oo ka qaraantaan.
Tan ugu daran waxaa ay tahay, gabdhaha jinniga ah ee Muslimka ah, ee aan dooneyn in ay qof insi ah khiyaameeyaan, kuwaas ayaa dhibaato badan kala kulma dhinaca xiriirka jaceyl ee ay la sameyn lahaayeen ragga shanfaroodlaha ah.
Tan ah gabdhaha laga dulqayliyo, waa sheeko, gabdhana Soomaalida ee shanfaroodlaha ah wiilkii ay ka helaan ayey dhahaan wuu iga dulqayliyey, waah ab xariifnimo ah oo ay ku sheegtaan in ay wiil jecel yihiin, weliba kuwa qooq billowga ah ayaa ugu badan.
Haddii qof laga kor qeylin karo maan aniga ka kor qeyliyo kan 30 sanadood aan jaceylkiisa dartiis u silcayo ee igu qasbay in aan Liido d**o si aan gurigiisa ugu ag dhowaado, waxaas ma jiraan.
Su’aal: Mahadsanid! Midda kale waxaad hadda ka hor iiga sheekeysay dhibaato jaceyl ee ku dhacday gabar saaxiibtaa ah oo lagu magacaabo Nujuum Ruuxaani, taas oo wiil ay jecleyd oo insi ah u dirtay dhanbaal jaceyl oo aad u yaab badan,bal arrintaas iiga skeekey haddii aadan waxba ka qabin.
Reymaa: Huuuuuuuuuuuuuh! Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh Kharabtun Kharabaanun khusss Khussssa.
Su’aal: Waan ka xumahay Reymaa, Please! Uguma talo galin in aan kaa xanaajiyo, Reymaa Please!
Reymaa: Aaaaaaaaaaah! Ma kugu xanaaqin aniga, balse waxaan ku dhowaaday in aan dawaqo. Saaxiibtey Nujuum Ruuxaani weli moowjadaha dushooda ayey ligan tahay, waxaan ula jeedaa Koomo ayey ku jirtaa ama way suuxsan tahay, maalintii wiilkii ay jecleyd ee shanfaroodlaha ahaa uu qaraxa ku dhintay ayey koomo gashay waaye.
Su’aal: Hadda ka hor waxaad ii sheegtay in dhanbaal aad u cajiib ah ay Nujuum u qortay wiilkaas ay jecleyd ee Alshabaab ku dhintay, dhanbaalkaas ma inoo aqrin kartaa?
Reymaa: Dhanbaalkaas wuxuu ahaa mid aad uga tarjumayey dareenka saaxiitey, haddii uu insi dareen leeyahayna runta way ugu sheegtay. Wiilka ay jecleyd wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah, qurux badan, mar dhaw jaamacad dhameeyey, weli aan guursan, shaqo dowladda ka helay, oo ay ku hanweyneyd in ay kasbato inta uusan guursan gabar Shanfaroodle ah, wax yaabo badan ayey sameysay si ay kalsoonidiisa u kasbato, dhanbaallo badan ayey u dirtay, balse midkii ugu horreeyey ayaa ugu cajiibsanaa.
Su’aal: Inta aadan ii aqrin dhanbaalka waxa ku qornaa wax iiga sheeg wax yaabaha ay sameysay si ay isaga ugu kasbato?
Reymaa: Saaxiibtey waa ay is tusi jirtay wiilka, bishiiba dhawr habeen ayey riyo inta ugu timaado waqti kula qaadan jirtay, waqti waxaan ula jeedaa caadi ah, isagana riyo caadi ah ahaan uun buu arrintaas u qadarin jiray arrintaas, waxaase yaab ku reebi jirtay inuu mar walba riyada ku arki jiray hal gabar oo kaliya, taas oo uusan soojeed weligiis muuqaalkeeda ku arkin.
Asxaabtiisa ayuu uga sheekeyn jiray in habeen walba uu gabar aad u qurux badan riyada ku arko soojeedse uusan weli kula kulmin, iyadana marka uu ka sheekeynayo riyooyinkaas cajiibka waa ay iska dhegeysan jirtay, mararka qaar aniga xitaa Nujuum waan isa soo raaci jirnay si aan u dhegeysano marka uu saaxiibaddiis uga sheekeynayo riyadii xalay, waana ku raaxeysan jirnay.
Saaxiibtey wax yaabaha ay sameyn jirtay waxaa ka mid ahaa in ay geed guriga ku yaal ku soo degi jirtay iyada oo isu soo ekeysiisay shinbir, isagana shinbiraha wuu jeclaa, sidoo kale waxaa jirtay bisad gurigooda joogtay oo uu jeclaa, saaxiibtey inta bisada banaanka ku mashquuliso ayey isu ekeysiin jirtay bisaddii uu jeclaa, markaas ayey isaga oo fadhiya lugihiisa hoostooda marmari jirtay, jirkiisana isku xoqi jirtay, isagana dhabarka iyo qoorta ayuu u salaaxayey isaga oo mooda inuu bisaddii guriga joogtay ay tahay, taasi waxaa ay aheyd sida kaliya ee ay waqtiga tooska ah kula qaadato saaxiibtey.
Dhibaatada xanuunka leh ee dhacday waxaa ay tahay, markii uu wiilkii billaabey inuu gareysto in ay noloshiisa qeyb ka tahay gabar jinni ah, weliba uu billaabay inuu soo yara dabco oo aamino, uuna ka dhursugayey in uu kulmo gabadhan riyada uu ku bartay ayuu wiilkii qarax ku dhintay.
Saaxiibtey waxaa ay dooneysay in aysan qalbigiisa dhaawicin oo sida aniga iyo adiga hadda isu arkeyno cabsi la’aan heerkaas in ay isla gaaraan, markaas ayey dooneysay in ay billowdo in ay toos noloshiisa uga mid noqoto.
Nasiib darro, noloshaas quruxda badan ee ifafaalaheeda sida quruxda badan u soo muuqanayey waxaa cimrigeeda soo gaabiyey Alshabaab oo aan cidna nolol u ogoleyn.
Su’aal: Adiga uu mahadsan hadda ma ii aqrin kartaa dhanbaalkii 1aad ee ay Nujuum u dirtay Axmed inta uusan dhiman?
Reymaa: Haa! Dhanbaalka waxaa ay cinwaan uga dhigtay sidan:
RAXMAD, HIMAD & JACEYL!
“Kani waa dhanbaal kaaga yaabsan doona si walba, waayo waxaa aad ka heshay qolkaa dhexdiisa uun, mana ogid cidda kuu soo diray. In kastoo aadan aqoon haddana waxaa kuu soo diray qalbi uu wadnihiisa ka sameysan yahay luulka badweynta, dhiigiisa uu yahay malabka shinida, dheeha iyo cadkiisuna ay yihiin xariir janaad, qalbigaas oo ay buux dhaafiyeen Raxmad, himad iyo Jaceyl adiga uun kugu sabri kara.
Durba maskaxdaada waxaa ay billowday hawl ah in aad is weydiiso “Tolow yaa dhanbaalkan kuu soo diray”, waxa aadna gedgeddineysaa warqadda adiga oo raadinaya magaca qofta soo dirtay.
Waan ka xumahay in aan sidaas kuu mashquuliyo, waxaan aad uga jeclaan lahaa in aad magaceyga durba ka aragto billowga dhanbaalka, kuna faraxdo, balse haatan magaceyga kuma qorna dhanbaalkan, sidaas darteedna waxaan kaa codsan lahaa in aad farriinta aqriso si aad u fahamto, magaca gadaal danbe ayaad ka ogaan doontaa.
Qofta dhanbaalka kuu soo dirtay waa qof farxaddaada aad u jecel, waa qof ku himiloota in ay farxaddaas dhalinteeda qeyb weyn ku yeelato, waa qof marka aad socoto laafyahaaga daawata si ay niyadda ugu dejiso, waa qof marka aad fadhiisato sheedda kaa qooraansata si ay kaaga ilbuuxsato, waa qof marka aad jiifto ku dul timaadda si kuu wehliso.
Neecaw kalgacal oo aad u macaan ayaan kugu seyriyaa marar badan, saxansaxo ka soo gufaaceysa qalbigeyga waaxyihiisa ayaan kugu harqiyaa, dhididka waxaan kaaga masaxda cad aan ka soo jaray bartamaha wadnaheyga, marka aad hurdada ku daasho oo aad is yara geddineyso waxaan kaa caawiyaa gaddoomidda, marka aad hamaansato adiga oo hurda masar aad u udgoon ayaa afka kuugu aadiyaa si aan kaaga ilaaliya saxarka.
Marka aad dhex gasho badweynta hurdada, inta aan barkintaada agteeda soo fadhiisto ayaan mar ku daawadaa, mar ku afuufaa si aan kuu qaboojiyo, mar waan ku yara salaaxaa si uu jirkaaga u dareemo nafis iyo raaxo, mararka qaarna waxaan kuu shidaa music aad u deggan iyo hees oo dabacsan oo macaan, intaas kaddibna waxaan isku hawlaa sidii aad dhex gali laheyd riyo macaanteeda, quruxdeeda ilqabowsigeeda adiga mooyee uusan qof kale ka sheekeyn karin.
Taas waxaa ii dheer, marka aad hurdada ka soo kacdo oo aad dooneyso in aad sariirta ka degto waxaan seexdaa dhulka meesha aad lugaha dhigeyso si aan kaaga ilaaliyo adeyga marmarka (mutuneelka) dhulka, marka aad sariirka ka degeyso dhabarkeyga ayaad ku istaagtaa, waa sababtaas darteed sababta aad lugaha uga dareento raaxada tirade badan.
Xusuusnow mar walba oo ay xaaddaadu istaagto in ay qof ku jeceli agtaada taagan tahay oo neecaaw qabowna ay kugu afuufeysa. Mararka qaar aniga oo is leh leyr qabow uun ku yara afuuf ayey faruuryaheygu si k**a' ah ay u taabtaan wejigaaga, markaas ayey xaaddaadu wada istaagtaa, waan naxaa oo waxaan is iraahdaa armuu toosaa, hadda waan faexaa waayo anigana xaadeydu waa ay is taagtaa.
Hawl aan qabto waxaan ugu jeclahay taabashada garbahaaga adiga oo aan i ogeyn, lagaba yaabee in aadan ii ogolaan laheyn in aan korkaaga taabto haddii aad i ogaan laheyd, waayo wax xiriir ah oo toos ah inagama dhexeeyaan, balse waxaan dareemaa in faraheyga iyo qalbigaaga uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taas waxaa caddeyn u ah markii ay faraheyga taabtaan jirkaaga durba qalbigaaga jawaabtiisa ayaan ka arkaa jirkaaga dushiisa.
Inta oo hadal ah waxaan kuugu qoray in aan kuu caddeeyo in aan ahay naf si dhab ah kuu jecel. Waxaan u hilow qabaa la joogistaada, waxaan u hammuun qabaa taabashada jirkaaga, hadde waa taabashada jirkaaga, hadde waa jirka oo idil. Faraheyga, hadde waa faraha oo idil e, waxaa ay ku han weyn yihiin in ay kormeer hawleed ku soo maraan dhammaan oogadaada, min tin illaa cirib, bog iyo dhabar, illaa baaca hoose loo dhaadhaco.
Ma ogi sida aan Eebe weyne ugu mahadnaqi lahaa haddii aan arki lahaa bushimaheyga oo dhunkana meel walba oo jirkaaga ka mid ah, sankeyga oo hadba tartiib ugu sii siqaya meermeertooyinka jirkaaga ee uduga badan. Intan oo dhan waxaan doonayaa in ay dhacaan adiga oo igu faraxsan, adiga oo ii dhoolacadeynaya, adiga oo inta aad gacanteyda qabatid, ii soo dhowaatid, hab i siisid kaddibna igu qabatid laabtaada, illaa aan ka dareemo in labadeena jir ay isugu dhegayaa sida labada fidqe ee shaatiga marka la feereynayo.
Diirrimaadka aad dareemi lahaa marka aad laabtaada igu qabato waxaa ka dhalan lahaa tamar ay iftiinkeeda shidan karaan dhammaan mucaashaqiinta, si ay habeenka mugdiga ah u helaan fursad ay ku aqristaan dhanbaallada jaceylkooda.
Daqiiqad walba waxaa ay iila mid tahay maalin, maalintuna waxaa ay iiga dhigan tahay sanad, mar walbana waxaan ku rajo weyn ahay in aad dhankeyga soo qooraansan doontid oo aad qalbigaaga iga siin doontid boos aan kaga noolaado, xitaa haddii booskaasi yahay mid la eg taako dhererkeed.
Riyadeyda waxaa ay dhab u rumoobi laheyd haddii aan arki lahaa mar qura aniga oo hoostaada dhabacaada adiguna aad indho raxmad leh igu eegeysid, gacantaada midig ah dhabarkeyga hoos ka soo heyso, bidixdaadana ay horaadkeyga saran tahay, bushimahaaga ay gaaf wareegayaan qoorteyda, sankaaga caaraddiisa ay si hal haleel iigu afuufeyso saxansaxo janaad.
Ugu danbeyntii, ha is mashquulin, hana is weydiin sida aad iigu soo jawaabi laheyd. Haddii aad jawaab isiineyso waxaad raacdaa habkan. Habeenka ugu horreeya ee aad riyada ku aragto gabar xiran dhar waxa jaalle ah oo ku sawiran yahay wadne guduudan, lanbarka ku qoran cillaanka gabadhaas aad riyada ku arki doonto gabadha gacanteeda uun ku qor derbiga musqusha, qofna ha u sheegin sababta aad lanbarkaas Meesha ugu qortay.
Waxaan kuugu soo gebagebeynayaa Farxad iyo jaceyl, aniga oo aad kuugu himad qaba.”
Abuukarow dhanbaalkii 1aad ee saaxiibtey Nujuum halkaas ayuu ku eg yahay.
Su’aal: Horta aad ayaad u mahadsan tahay, runtiina dhanbaalkan wuxuu i galiyey qushuuc, wiilkii muxuu sameeyey, miyuu u soo jawaabay saaxiibtaa?
Reymaa: Eeen! ………..…...... Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 5aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Axadda Soo socota.
F.G. dad baban ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahy iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kala jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.
Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji [email protected]: GABADHII JINNIGA AHEYD EE REYMAA, QEYBTII 4-AAD

Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji [email protected]
Xigasho Abukar Albadri
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Address
Madison, WI
53711