Dheeho.com
Event
13/05/2026
👉1️⃣5️⃣-️Ka-May":Maalin Mucaaradka u calaamadeysan, Argagixisadu ay ka sheegato, Soomaalidana u daartay rajada Iftiin cagaaran✍️ Elmi Osman Farah Boodhari 🔥
Isbadelkii dalkeena ka dhacay 15-kii May 2022-dii oo dadka Soomaaliyeed ay isaga hor wareejiyeen maamul aan wax masuuliyad ah iska saarin waxa ka qabashada dhibaatooyin nabadgalyo-daro, bulsho, siyaasad iyo dhaqaale oo dalka ka jiray ayaa talada ku soo celisay Madaxweyne Geesi ah oo taagaan goobaha dagaalka si uu kor u sii qaado kalsoonida ciidamada iyo kan dadweynaha.
Xasan shiikh ayaa badaly 1️⃣5️⃣-kii May 2022dii hogaan Iska daa in uu dan iyo hello ka yeesho dhibaatadii alshabaab ay ku heysay shacabkee lagu xamanayay dadkii ku hareereysnaa qaarkood inay xiriiro la lahaayeen Argagixisada.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu faraska u kooreeystay baacsiga Alshabaab oo 5_tii sano ee Farmaajo aan Arkin wax Iska caabin Ah🏇Kadib ku soo laabashadiisii masraxa hogaanka dalka :
Hanaanka jiheeynta dowladnimada Casriga ah ee uu tilmaamay Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa la Jilba careeystay Xukuumadda Raysilwasaare Xamza oo maalmo ka dib Magacaabistiisii furay halgan ku aadan sidii loo kala saari lahaa Isdhexgal xidido aastay intii lagu jiray nidaamkii farmaajo oo dhexmaray Argagixisada Alshabaab Iyo heyaddaha amaanka dowlada.
📌Jidka Soomaaliya u Soo Xambaaray Rajada Dowladnimada"
Hadii maanta ay Indhahayagu qabanayaan xukuumada u taagan illaalinta xasiloonida Dadweynaha, Xoojinta Amniga" iyo hiigsiga yoolalka horumarka waara wax yar xusuustaada dib u celi oo jaleec sida xaalka dalkeenu uu ahaa 4-sano ka hor amni, siyaasad iyo dhaqaale, iyo bulsho.
Ma, sahlaneyn in la maleeyn karay imaanshaheena halkaan ilaa aan soo gaarno Isbadelkii dhaliyay dib ugu soo laabashadii Talada dalka ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
✔️Guulaha laga gaaray adkeeynta Midnimada dalka oo Iskuday lagu waxyeeleynayo kala kala kulantay Itoobiya Iyo Israel
✔️Xoojinta awooda dibolomaasiyadeed ee Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka iyo Isku dheelitirka siyaasadaha gobolka iyo caalamka
✔️Hirgalinta sharciyo muhiim ah oo dalku yeeshay ooy ku jirto dhameeystirka Dastuurka
✔️Qabashada doorashooyin dadweyne oo ka hirgalay 57 sano kadib gobolada Bamaadir, Shabeellada hoose, Baay Iyo Bakool
✔️Kor u qaadista awoodda, tayada iyo tirada ciidamada Soomaaliya Iyo Howlagalada ka dhanka ah Argagixisada iyo gooni u goosadnimada
✔️Qaadista cunaqabteyna hubka, Ku biirista daladda EAC, Talaabooyinkii deyn cafinta ayaa tusay 4-sano oo ka qeyr iyo barko badan 5 tii sano ee naga luntay
📌15-ka May" Maalin Argagixisada Soo Gaabisay
Dagaal dhinacyo badan leh oo Xasan Sheekh la galay Argagixisada Al-Shabaab ayaa mira-dhal noqday, Iyadoo guulaha laga gaaray gulufka lagu ekeeyay xagjirnimada rabshadaha wata uu yahay mid dhadhansiiyay neecaaw macaan bulshooyinka deegaanada la xoreeyay ooy ku jiraan kuwa caasimada.
Argagixisada ayaa wajhday cadaadis adag oo ka yimid dowlad iyo dadweyne iskaashanaya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu kabaha u gashtay sidii uu dalka uga sifeyn lahaa cadow 4 sano ka hor canshuur ka qaadanayay dakadda Muqdisho
Tiro dhagar argagixiso iyo shirqoolo qaraxyo oo la fashiliyay iyo howlgalo joogta ah oo habeen iyo maalin ah ayaa hoos u dhigay dhacdooyinkii amnidarrada ee kooxaha argixisada alshabaab.
Nidaamkii xukun ee u dhisnaa kooxda xagjirka ah ayaa burburay, haddii ay ahaan lahayd qaababkii maamul, maaliyadeed iyo midkii ciidan” waxaana u haray talaabo kale oo ciribtir ah.
📌Dib Ha U Laabanina
Guulahani waxay sii wadaan inay ku dhismaan maalin kasta horumar, waxayna muujinayaan ballanqaad cad oo ku aaddan dowladnimo madax-bannaan, midnimo dhuleed, iyo iskaashi halkii ay ka ahaan lahayd ku tiirsanaanta hagitaan daaha gadaashiisa ah.
Soomaaliya waxay hadda ku jirta kala-guur natiijo leh, dalku waxaa uu ka fogaanayaa xasillooni-darro daba dheeraatay, dib u dhiska hay'adaha dowliga ah, iyo soo ifbaxista jilaal madax-bannaan oo leh muhiimad gobol ayaa sii kordheya, Iyadoo Maareynta maaliyadda dadweynaha ayaa soo hagaagatay.
Isku soo duub hadal-heynta Mucaaradka ee 15ka May ee 2026-da waxay noqon doontaa maalin tijaabineysa xadaarada Soomaaliya oo baareysa Horumarka Dowladnimada Iyo amniga soo hagaagay inay leedahay tiirar dadweyne oo ilaalshanaya.
13/05/2026
Ma xuma In la kulmo laakiin waxaa xun in kulankaba laga naxo, markuu maqlay anigoo dhahaaya koo saaxiibkey ah ku lahaa Amnidaradii laga reystay ee kooxda Abuu camaarka Fahad yaasiin oo u soo labisay Mucaarad Bug ah iyo Argagixisada Al-Shabaab ayaa argti mideysan ka qaatay kulanka mucaaradka original-ka ah iyo madaxda dowlada Soomaaliya run miyaa?
👉Bandhigga 79aad ee Filimada Cannes ayaa furmay Talaadadii, iyadoo inta lagu guda jiro munaasabada la soo bandhigayo filimada ku guuleystay abaalmarinta Palme d'Or-ka caanka ah.
📌Dad caan ah oo ka kala yimid adduunka oo dhan ayaa ka qeybgalay tartanka sharafta shineemooyinka Cannes, ee Faransiiska, Liiska martida sanadkan waxaa ka buuxa xiddigo kaliya ma,ahan
📌Demi Moore, Stellan Skarsgård, Ruth Negga iyo Chloé Zhao oo ka mid ah guddiga xeerbeegtida ayaa ka qeybgalay dhacdada iyadoo, filimaan badan oo leh jilayaal xiddigo ah ay ku tartamayaan Palme d'Or-ka caanka ah ee Faransiiska.
📌Bandhigga Faransiiska ee Riviera wuxuu ku bilaabmay maamuus loo sameeyay Peter Jackson,oo ahaa filim sameeyaha "Lord of the Rings" siiyay sharaf Palme d'Or-Waxaa sidoo kale la soo bandhigay Elijah Wood, oo jilay filimk Frodo Baggins.
📌Hawsha lagu dhawaaqayo in xafladdu si rasmi ah u furan tahay waxay u dhacday Jane Fonda oo 88 jir ah iyo Gong Li, oo ah jilaaga Shiinaha iyo Singapore.
📌Bandhigga xeerbeegtida go'aan ka gaari doonta Palme d'Or - sharafta ugu sareysa Cannes - xubnaha xeerbeegtida ayaa si cad uga hadlay qabashada xaflad filim xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed.
📌Xeerbeegtida sagaalka xubnood ah waxaa guddoominaya Park Chan-wook, oo ah filim sameeyaha Kuuriyada Koonfureed ee "Oldboy" iyo "No Other Choice," oo sheegay in siyaasadda iyo shineemadu ay is barbar socdaan.
📌Xubnaha kale ee xeerbeegtida waxaa ka mid ah Chloé Zhao, Stellan Skarsgård, Ruth Negga iyo Demi Moore, kuwaas oo laba sano ka hor loogu dabaaldegay Cannes bandhiggeedii soo laabashada ee filimka "The Substance." James Franco wuxuu ahaa marti lama filaan ah xafladdii furitaanka.
📌Naadiyada filimada iyo Paul Laverty oo ah Qoraaga Filimada iyo xubin ka tirsan xeerbeegtida Cannes Film Festival 2026 ayaa dhaleeceeyay Hollywood-ka oo qaadacay jilayaasha ka soo horjeeda xasuuqii Gaza, isagoo xusay qosolka ku jira boorar xafladeed oo ay ku jirto Susan Sarandon, oo sheegtay inay lumisay wakiilkeedii ka dib markii ay ku baaqday xabad joojin.
👉Dhiig, Dhidid iyo Sonkor": Waa Dhaxalka qaraar ee warshadaha sonkorta, oo ku dhisan addoonsiga, ka faa'iidaysiga iyo waxyeelada deegaanka, ayaa weli maanta soo ifbaxaya.
📌Daawo filimka, Dhiig, Dhidid iyo Sonkor: ee Documentary-ga ay sameeysay Aljazeera https://aje.news/sugar
Qoraaga Filimada iyo xubin ka tirsan xeerbeegtida Cannes Film Festival 2026 Paul Laverty ayaa dhaleeceeyay Hollywood oo uu ku eedeeyay inay qaadaceen jilayaasha ka soo horjeeda xasuuqii Gaza, isagoo xusay qosolka ku jira boorar xafladeed oo ay ku jirto Susan Sarandon, oo sheegtay inay lumisay wakiilkeedii ka dib markii ay ku baaqday xabad joojin.
12/05/2026
👉Maalintii 2aad ee waxay si xooggan u bilaabatay dood-cilmiyeed ku saabsan shaqada Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka ee Wadajirka ah ee Suudaan iyo Hawlgalka Xaqiiqo-raadinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Suudaan.
📌Inta lagu guda jiray kalfadhiga, Baaqa Wadajirka ah ee Banjul ee Suudaan waxaa si rasmi ah u ansixiyay oo ay ansixiyeen Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka ee Suudaan iyo Hawlgalka Xaqiiqo-raadinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Suudaan, iyagoo ku baaqaya tallaabo degdeg ah oo isku xiran si wax looga qabto dhibaatada ka socota Suudaan.
📌Baaqa ayaa ugu baaqaya dhammaan dhinacyada isku haya colaadda inay si buuxda ula shaqeeyaan hababka isla xisaabtanka iyagoo siinaya marin u helid, fududeynaya la macaamilka dhibanayaasha iyo markhaatiyaasha, iyo ilaalinta caddaymaha xadgudubyada.
📌Waxay sidoo kale ku boorinaysaa daneeyayaasha Suudaan, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Dowladaha Xubnaha ka ah, iyo la-hawlgalayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo waqtigooda ku habboon si loo hirgeliyo talooyinka diiradda saaraya:
✔️• Ilaalinta rayidka
✔️• Hubinta helitaanka gargaarka bani'aadamnimada
✔️• Taageeridda badbaadayaasha iyada oo loo marayo gargaar caafimaad, mid nafsaani-bulsho, iyo mid sharci
✔️• Ilaalinta difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo kuwa kale ee safka h**e ee diiwaangelinaya xadgudubyada
✔️• Ilaalinta caddaynta iyo horumarinta isla xisaabtanka
✔️• Taageeridda waddo loo dhan yahay oo rayidku hoggaamiyo oo loo maro nabadda iyo maamulka dimuqraadiga ah
📌Farriin dhexe oo ka soo baxday dooddu waxay ahayd mid cad: ma jiri karo xal waara oo loogu talagalay dhibaatada Suudaan iyada oo loo marayo habab milatari oo keliya.
📌Labada hawlgalba waxay ku nuuxnuuxsadeen in mustaqbalka Suudaan lagu qaabeeyo geeddi-socod siyaasadeed oo rayidku hoggaaminayo oo hubiya ka qaybgalka macnaha leh ee haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah, iyo bulshooyinka ka kala yimid dalka oo dhan.
📌Bayaanku wuxuu sidoo kale ugu baaqay
bulshada caalamka inay xoojiyaan dadaallada isku-dubaridka ah ee lagu ilaalinayo dadka rayidka ah, lagu taageerayo hawlaha bani'aadamnimada, lagu horumarinayo isla xisaabtanka, iyo looga hortagayo sii socoshada sii kordheysa.
📌Sida si xooggan loogu sheegay bayaankan, ma jiro ciqaab la'aan iyo ciidan milatari oo sugi kara mustaqbalka Suudaan.
📌Waddo ku salaysan ilaalin, caddaalad, isla xisaabtan, iyo maamul rayid oo loo dhan yahay ayaa aasaas u noqon kara nabad waarta.
👉Breaking 🚨Kumanaan dadweyne oo taageeraya talaabooyinka Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, ee ku aadan Nabadgelyada soo hagaagtay, dhameystirka Dastuurka Iyo Hirgalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si ay uga jawaabaan Mudaharaadkii dhicusoobay ee mucaaradka
11/05/2026
Soo hel sababta loo la,ayahay Siyaasi dhaama Xasan Shiikh✍️Elmi Osman Farah Boodhari
Jaceylka loo qabo amniga iyo horumarka waxay dadweynaha Soomaaliyeed ka fogeeysay kuwa neceb Soo kabashada
Adduunyadan la macna-tiray Ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee lagu tartamayo boobka dowladaha taagta daran, SOMALIA waxay u soo bandhigtay kacdoon weyn oo ka soo horjeeda Siyaasi dabacsan oo daris damac badan ugu yeera BIG-BROTHER ama daneyste laga hago Doha Iyo Abu Dhabi
Indheergaradka Soomaaliyeed waxa uu rumeysan yahay In dal h**ey u socda aan dib loogu celi karin dowlad daciif ah oo uu horkacayo siyaasi daaha gadaashiisa laga maamulo iyadoo muhiimada ay leedahay muuqaalka joqoraafi siyaasadeedka Istaraatijiga ah iyo meesha uu ku yaal dalkeena SOMALIA ay tahay masrax loolan oo indhaha lagu-wada hayo.
📌Rajada Horumarku waxay u Awood Sheegatay Riyada Dib-U-Dhaca
Geesinimadiisa, aan caadiga aheyn, Go,aan-qaadashadiisa, adag Iyo xirafadiisa siyaasadeed ayaa si xeeldeeysan u caabisey, Sadax dhacdo oo dhulgariir siyaasadeed ah oo gilgilay Midnimada Iyo Madaxbannaanida Soomaalia kaas oo lagu Imtixaamay waqtigiisa labaad Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.
Muuqaallada Mustaqbalka dhow ee Somalia ayaa muujinaya rajooyin Isku dhafan oo qurux badan, Iyadoo Xubnaha Mucaaradka ee ku xiran Doha Iyo Abu Dhabi ay kor u sii fiirinayaan daraasiin Mowjado wax qabad ah oo ay la timid Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Reysilwasaare Xamsa.
Mudada gaaban iyo balaarka masaafada socdaalka Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa muujisay yididiilooyin cajiib ah ooy ku jirto dadajinta ka faa,iideysiga kheyraadka dalka, Daneeynta amniga, Isku dheelitirka diblomaasiyada gobolka iyo caalamka ,dib u habeynta awoodda dowladnimada, dastuurka Iyo doorasho dimoqoraadi ah oo dadweyne.
Iskaashiga heshiisyada Difaac iyo dhaqaale oo ay kala sixiixdeen & ayuu dhidibada u aasay Madaxweyne Xasan Shiikh si uu qaban qaabiyo safar cajiib ah oo Soomaaliya ay ka tahay saaxiib Istaraatiji ah.
➖️GUNNAANAD
Lama taab-taanimada Midnimadda aan Mugdiga ku jirin Iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waxa uu fure u ahaa Albaabka laga soo galo saaxiibtinimada taas oo ka hadalkeeda halxiraale ku noqotay xulufada Imaaraatku uu ku leeyahay Soomaaliya oo Ilaa hada aan bixin hal faallo oo ku aadan Raasumaalka Ummada.
Faallo-bixiyaasha Soomaaliya intooda badan Iskuma qilaafsana ,La,aanta Mabda'a siyaasadeed iyo Mowqif cad oo muujinaya
heerka ay Xulufada Imaaraatku ka taagan yihiin In ay wali tahay mid ka turjumeeysa liidnaan
Si,hadaba aysan dib u dhac ula kulmin sii wadida hiigsiga yoolalka horumarka waxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada-jeestaan siyaasiinta hamigoodu yahay in Abu Dhabi ama Doha looga iibin karo masiirka Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo Madaxweynyhu uga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Iyo dhaarinta Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda doortay Yoweri Kaguta Museveni
Muuqaalku wuxuu muujinayaa daqiiqaddii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu hakad geliyay khudbad uu jeedinayay oo ka socotay Jaamacadda Nairobi si uu u dalbado aamusnaan ka timid dad buuq badan.
Macron ayaa ku sugan Kenya si uu uga qayb galo shirka 'Africa Forward'.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Kampala