Galkaio

Galkaio

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Galkaio, Muqdisho.

Photos from Galkaio's post 04/12/2021

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi Ayaa Dhawaan Magacaabay Hogaanka Baarista Gobalka Mudug

Mahad Cabdi Faarax Ayaa Lomagaacay Taliyaha Qaybta Baarista Gobalka Mudug Halka Kuxigeen Loo Magacabay Ibraahin Axmed Cabdiraxmaan

Mahad Cabdi Faarax Oo Muddo Kamid Ahaa Ciidanka Booliska Puntland Qaybta Baarista Ayaa Hadda Noqonaya Hogaanka Baarista Gobalka Mudug

Laba Xidigle Mahad Waa Nin Dhalinyaro ah Oo Wax Bartay Islamarkaana Waxbadan Kayaqaan Sharciyadda Ciidanka Booliska Iyo Howlaha Baarista

Qaybaha Bulshada Gobalka Mudug Iyo Dhalinyarada Ayaa Soo Dhaweyay Magacabista Takiye Waxayna Ku Amaneen Doorkii Uu Kulahaa Howlihii Ladagaalanka Malayshiyada Al-Shabaab Ee Gobalka Mudug

Photos from Galkaio's post 26/11/2021

Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ayaa maalintii shalay aheyd la gudoonsiiyey bilad sharafta safiirka ugu wanaagsan ee sanadka 2021. Biladda sharaftaan oo dalka Pakistan sanadkiiba mar labixiyo, laguma abaalmariyo safiirada dalalkooda sida wacan ugu adeega.

Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kasbatay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd.

18/11/2021

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Golaha ayaa shirka diiradda ku saaray xaaladaha bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug oo abaar soo food saartay.

Ugu Danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa baaq u diray beesha caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen abaaraha iyo biyo la’aanta kusii baaheysa deegaanada Galmudug.

Photos from Galkaio's post 11/11/2021

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo galabta ku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

Dhamaad

Photos from Galkaio's post 02/11/2021

Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo Dhigiisa Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan oo ay Weheliyaan Saraakiisha Ciidanka Labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka ayaa Deegaanka Cali-Waal ee Bariga Gobalka Mudug kaga qeybgalay Kulan lagu xoojinayay Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Bulshada reer Miyigaa ee Galmudug iyo Puntland.

Kulanka ayaa daaranaa in ay Nabad ku wada Deganaadaan dadka reer guuraaga ah Ee halkaasi roobka ka degay Lagana digtoonaado Wax kasta Oo Nabadda iyo Xasiloonida Dhaawacaya.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada hoose Degmada Galkacyo.


..

Photos from Galkaio's post 02/11/2021

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa kormeeray Xeryaha barakacayaasha ee Ku yaala Magaalada Gaalkacyo iyo duleedkeeda Si uu ugu kuurgalo Xaaladda dhabtaa ee ay ku sugan yihiin qoysaska danyartaa ee Xeryahaasi ku Nool.

Maayarka ayaa xog waraystay gudiyada Kaamamka madaxda ka ah iyo qoysaska ku nool isagoo la wadaagay sida ay Dowladda Hoose ee Gaalkacyo kaga go,an tahay Horumarinta barakacayaasha ee dhinacyada gargaarka , Caafimaadka iyo Waxbarashada wuxuuna ka dalbaday Hay,adaha Samafalka in ay ilgaar ah ku eegaan garab istaagna u muujiyaan qoysaska barakacayaasha ah Ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada hoose Degmada Galkacyo.


.

01/11/2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra'iisal Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).

Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.

Photos from Galkaio's post 29/10/2021

Gudomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Xabsay Hadana Ah Murashax Xildhibaan Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulana Muhiim Laqaadatay Qaybaha Bulshada Gobalka Mudug Iyo Masuyiin

Saynab Xabsey Oo Waxbadan Kaqabatay Deegaanada Ay kasoo jeedo ee Gobalka Mudug ayaa isu tagtay Kamid Noqoshada Xildhibaanada Soomaaliya Ee Loo Darban yahay Doorashadooda

Qaybaha Bulshada Iyo Masuuliyiinra Gobalka Mudug ayaa Cod Dheer Kudalbaday In Saynab An Kursiga Xildhibaan Lagula Tar Tamin Madama A6 Mujisay Wax qabad wayn

Majiraan Ilaa Iyo Hadda Murashax Saynab akela Tar Tami Kara Kursiga ay Utar Tamayso Madama Bulshada Iyo Masuuliyiinta Ay Bar Bar Tagan yihiin

Photos from Galkaio's post 29/10/2021

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmada, xubno ka tirsan labada gole ee DGM iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay duleedka magaalada Gurceel.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Guriceel utagay Wax Oganshaha Xaladda Degmada Guriceel Oo Dhawaan Uu Kadhqcay Dagaal Udhaxeyay Ciidamada Dowladda Iyo Malayshiyada Ahlusuna

26/10/2021

Culimada Gobalka Mudug Ee Ahlusuna Oo Dalbaday In Lajoojiyo Dagaalka Guriceel

20/10/2021

Ganacsata Puntland Oo Qalab Is Garsin Ah Ugu Deqday Ciidamada Boliska Puntland Ee Gobalka Mudug.

Waxaan ku wareejiyey Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire agab fududaynaya isgaarsiinta iyo xiriirka tooska ah ee Saldhigyada iyo Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka, Agabkan ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi.

Waxaan umahadcelinayaa Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka keenya iyo Dhamaan jaaliyadaha Gobolka ka soo jeeda sida ay qaybta uga qaadanayaan Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug.

12/10/2021

Duqa Degmada Galkacyo Ee Galmudug Oo Soo Saaray Awaamiir Amni

Agasimaha Warbaahinta Degmada Galkacyo Siraaji Yuusuf Sugaal Ayaa Warbaahinta Lawadagay Qoraalka Kasobaxay Duqa Degmada Galkacyo Cabdiraxman Shekh Xasan

Want your establishment to be the top-listed Bar/pub in Muqdisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Muqdisho
2