Green Media Initiative - GMI
Our work include producing documentaries, films, messages, radio programs and podcasts focusing on green sectors and climate impact.
GMI is Somaliaโs first environmental media, advocacy and climate communication organization advancing climate awareness, resilience, sustainable action, and community engagement for a greener future. ๐ฑ๐ Green Media Initiative, (also known as Warbaahinta Cagaaran in Somali) is Somalia's first green media hub, committed to promoting environmental awareness and sustainability. GMI brings together se
Maalinta Badaha Adduunka oo sanad kasta la xuso 8-da Juun, waxa aan bogaadinaynaa kooxda Nadaafadda Xeebaha iyo Wacyigalinta Deegaanka iyo dhammaan mutadawiciinta sidai joogtada ah uga shaqeeya ilaalinta iyo nadiifinta xeebaha Soomaaliya.
Dadaalkooda joogtada ah wuxuu tusaale u yahay awoodda ay leeyihiin dhallinyarada iyo bulshada u heelan ilaalinta deegaanka iyo khayraadka badda.
Aan dib u eegno muuqaal kooban oo uu nagula wadaagayo Arabow guddoomiyaha ololaha, maalintii ay u dabaaldegeen 5 sano-guuradii dadaalkooda mutadawacnimo ee ilaalinta iyo nadiifinta xeebaha.
08/06/2026
๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
Baddeenna waa khayraadka ugu weyn ee meeraha aynu ku noolnahay, waana isha na siisa nolol, dhaqaale iyo fursado aan la koobi karin.
๐ Waxay dabooshaa 71% oogada dhulka
๐ฉต Waxay hoy u tahay ku dhowaad 80% noolaha dunida
๐ Waxay soo saartaa qiyaastii 50โ80% ogsijiinta aynu neefsanno
๐ฉต Waxay nidaamisaa cimilada iyo hababka saadaasha hawada ee caalamka
๐ Waxay kaydisaa isla markaana dib u qaybiyaa kulaylka dunida
Baddu waa saaxiibkeenna ugu weyn ee la dagaallanka isbeddelka cimilada, balse isbeddelka cimiladu maanta wuxuu baddeenna ku hayaa khatar sii kordhaysa.
Si aan u ilaalinno khayraadkeenna ugu qiimaha badan, waxaa loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah laguna yareynayo isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka kale ee dhaawacaya badaha iyo noolayaasha ku nool. ๐ชธ
๐ต๐ ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐๐๐ง๐ข๐ข ๐๐๐ ๐๐จ๐ฒ๐๐ฒ๐๐ (๐๐ฎ๐ซ ๐๐๐ง๐ ๐ข๐ฌ ๐๐ซ๐ฒ๐ข๐ง๐ ) ๐ผ
Munaasabadda Maalinta Deegaanka Adduunka 2026 awgeed, GMI waxay soo bandhigaysaa hees wacyigelin ah oo lagu sameeyay tiknoolajiyadda AI, taas oo iftiiminaysa saameynta isbeddelka cimilada iyo baahida degdegga ah ee loo qabo ilaalinta deegaanka.
Heestu waa baaq ku saabsan ficil, masuuliyad wadajir ah, iyo mustaqbal waara.๐ฑ
05/06/2026
๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐
Maanta waxaan xusaynaa muhiimadda ilaalinta deegaanka iyo qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo isbeddelka cimilada iyo waxyeeleynta dhulka.
๐ฑ Deegaan Wanaagsan. Bulsho Wanaagsan. Mustaqbal Waara.
02/06/2026
El Niรฑo ayaa la filayaa inuu dib u soo laabto 2026, iyadoo khubaradu ka digayaan roobab xooggan oo suurtagal ah xilliga Deyrta ee soo socda. Hay'adaha cimilada ayaa ka walaacsan in xaaladdu ay yeelan karto saameyn la mid ah tii โDeyrtii Biyo Badanโ ee 1997, markaas oo Soomaaliya iyo dalal kale ay la kulmeen fatahaado waaweyn oo ka dhashay Super El Niรฑo.
Haddaba, maxay tani uga dhigan tahay Soomaaliya, sideese looga diyaar garoobi karaa halista fatahaadaha suurtagalka ah?
Warbixinta oo dhamaystiran ka akhriso halkan: https://gmi.so/el-nino-2026-roobab-xooggan-oo-suurtagal-ah-xilliga-deyrta/
ICPAC , World Meteorological Organization, SODMA Somalia
01/06/2026
Along Somaliaโs central coastline in the region, entire villages and settlements are slowly being swallowed by sand. Once-productive grazing lands and thriving communities are disappearing as stronger winds push dunes further inland year after year. For the people who live there, climate change and environmental degradation are not distant conceptsโthey are a daily reality. Homes, roads, and livelihoods are being swallowed by shifting sands, forcing families to adapt or leave.
Read our full story: Climate Change Is Reshaping Somaliaโs Central Coast:
https://gmi.so/buried-by-sand-climate-change-is-reshaping-somalias-central-coast/
Buried by Sand: Climate Change Is Reshaping Somaliaโs Central Coast - Green Media Initiative Along Somaliaโs central coastline in the Mudug region, the wind no longer carries only the scent of the sea. It carries sand. Every season, stronger winds push dunes further inland, slowly swallowing grasslands, roads and homes. Across the region, communities that once depended on livestock and fi...
26/05/2026
๐ Ciidul Adxa Mubaarak Dhamaantiin
๐ U naxariiso xoolaha
๐ชด Deegaankaagana ilaali.
12/05/2026
โ ๏ธ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ ๐ง๐ข๐ข๐ง ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฎ๐๐๐๐ง๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ฃ๐๐ก๐๐ง ๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ.
Hayโadda SODMA Somalia ayaa digniin degdeg ah ka soo saartay duufaano onkod leh oo la filayo inay saameeyaan gobollada Bari iyo Nugaal laga bilaabo 12-ka ilaa 17-ka Maajo 2026.
Degmooyinka la filayo inay saameyntu gaarto waxaa kamid ah Hafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbayla, Qardho iyo Garoowe. Bulshada ku nool goboladan ayaa loogu baaqay feejignaan iyo diyaar garow.
09/05/2026
Xuska Maalinta Dameeraha Adduunka oo sannad kasta la xuso 8-da May ayaa Hargeysa lagu qabtay. Dameeraha oo weli bulshada Soomaaliyeed ugu jira kaalin gaadiid oo muhiim sida xamaalka, dhaaminta biyaha iyo guurista, ayaa si loo maamuuso kaalintaas Hargaysa loogu sameeyay daryeel iyo daweyn caafimaad, oo ay ku jireen baadhitaanno, tallaalo iyo wacyigelin ku saabsan ilaalinta caafimaadkooda.
Xuquuqda Sawirada: TV
07/05/2026
Ururka goboleedka IGAD ayaa magaalada Nairobi ku daahfuray isbahaysi cusub oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada Bariga Afrika, kaas oo diiradda saaraya wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo horumarinta beeraha u adkeysan kara cimilada.
Isbahaysigan cusub oo lagu magacaabo ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐จ๐ฎ๐ญ๐ก ๐๐จ๐๐ฅ๐ข๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐ง ๐๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐ญ๐ ๐๐ง๐ ๐๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐ญ๐-๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐๐ง๐ญ ๐๐ ๐ซ๐ข-๐
๐จ๐จ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฆ๐ฌ ayaa ujeedkiisu yahay in dhalinyarada gobolka loo siiyo door weyn oo ku saabsan siyaasadaha cimilada, hal-abuurka deegaanka, iyo xalalka la xiriira sugnaanta cuntada.
Daahfurkan ayaa kusoo aadaya xilli Bariga Afrika uu wali wajahayo saameynta isbeddelka cimilada, kadib abaaro baahsan iyo fatahaado soo noqnoqday oo saameeyay malaayiin qof oo ku nool gobolka.
IGAD ayaa sheegtay in dhalinyarada ay door muhiim ah ka qaadan karaan wacyigelinta bulshada, xalalka deegaanka, iyo dhismaha bulshooyin u adkeysan kara caqabadaha cimilada.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Address
Hodan
Mogadishu