Sara Event Management
Sara Services is a trusted partner in crafting unforgettable event experiences. We transform visions into carefully planned and flawlessly executed events.
Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah in shirkaddeenna loo doortay inay qabato qabanqaabada iyo maamulka munaasabadda qaran ee soo dhoweynta markabka qodista shidaalka Çağrı Bey, dhacdo taariikhi ah oo muujinaysa horumar iyo mustaqbal ifaya..
Sara Services, mar walba adeeg tayo leh ugu imoow
09/04/2026
Waxaa sharaf weyn noo ah in shirkaddeenna loo xil saaray maamulka iyo qabanqaabada (Event Management) munaasabaddan qaran ee soo dhoweynta markabka qodista shidaalka Çağrı Bey.
Waa dhacdo muhiim ah oo astaan u ah horumar, iskaashi, iyo mustaqbal ifaya.
19/03/2026
Ciid wanaagsan macaamiisha Sara Services iyo dhamaan umada Soomaliyeed Illaahey hanaga aqbalo Acmaashi wanaagsaneyd ee Bisha Ramadan.
Nabad iyo caafimaad ku ciida dhammaantiin.
Shirkadda Sara Services waxay si sharaf leh u fulisay Qurxinta (Decoration) iyo Maareynta guud ee xafladda (Event Management) ee Munaasabadda Xuska 12-guurada Aasaaska Isbitaalka Tababarka & Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan.
Waxaan ka shaqeynay in munaasabadda ay noqoto mid nidaamsan, qurux badan, isla markaana ka tarjunta muhiimadda iyo sumcadda macmiilkeena.
Stage-ka quruxda badan iyo kuraasta VIP-ga ah waa howl tayo sare leh oo aan u qabanay JSP, anagoo mudnaan siinay qurux, iyo tayo heer caalami ah.
Waxaan si xirfad iyo hal-abuur leh u fulinnay dhammaan hawlaha event management-ka ee Safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho, munaasabadda 18-ka December oo ah Maalinta Qaranka Qatar (Qatar National Day), laga bilaabo qorsheynta ilaa hirgelinta.
Waxaan hubinnay nidaam sax ah, jawi qurux badan, iyo adeeg tayo sare leh oo ka tarjumaya heer sare iyo kalsooni, taasoo ka dhigtay munaasabadda mid si guul leh u qabsoontay.
Waxaan si hufan u qabannay Munaasabadda Sanad-guurada 65aad ee Aas-aaska Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Shiinaha iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu xusayay taariikhda dheer ee iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa labada dal.
Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigay abaabul xirfadeed, nashqad nidaamsan iyo fulin tayo sare leh oo ka tarjumaysa heerka shaqadeenna.
08/12/2025
Maanta waxaan si hufan u qabanay Shirweynaha Bulshada Rayidka ee Daahfurka Istaraatiijiyadda Ururrada Bulshada Rayidka Civil Society Summit 2025, waxaana ku soo bandhignay abaabul xirfadeed, nashqad nidaamsan iyo fulin tayo sare leh oo ka tarjumaysa heerka shaqadeenna.
07/12/2025
Xuska Duulista Rayidka Adduunka maanta waxaan kaga muuqannay nashqad, qurxin iyo maamul heerkiisu sarreeyo.
Waxaan gaar la nahay bixinta adeegga ugu tayada badan ee nashqadeynta iyo maareynta munasabadaha heerkoodu sarreeyo.
Ku dooro Sare Services adeeg tayo sare leh iyo nashqad kugu habboon.
05/11/2025
Waxaan qabanay munaasabad heer sare ah oo uu lahaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC).
Wax kasta oo aan qabanay waxay muujiyeen tayo, xirfad iyo abaabul hufan.
16/10/2025
Waxaa sharaf noo ah in aan ka shaqeynay Xuska Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed iyo Maalinta Cuntada Adduunka, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mar walba macmiilkeyna waxaan ugu adeegnaa sida ugu wanaagsan, annagoo hubinayna tayo, qurux, iyo xirfad sare oo ka tarjumaysa sumcadda iyo muhiimadda munaasabadda.
07/10/2025
Waxaa sharaf weyn noo ah in aan ka mid nahay qabanqaabiyeyaasha rasmiga ah iyo naqshadeeyayaasha qurxinta madasha ee Shirweynaha Bulshada Bariga Africa (EACON25), oo maanta si heer sare ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Waxaan si qoto dheer ugu faaneynaa kaalinteenna muhiimka ah ee diyaarinta iyo bilicda madasha, anagoo hubinayna in goobtu ay noqoto mid soo jiidasho leh, casri ah, isla markaana ku habboon heerka shirkan caalamiga ah. Shaqadeennu waxay ka tarjumeysaa khibrad dheer oo aan u leenahay event management, stage design, Interior Design iyo decoration xirfadaysan, si aan u hubinno in ka qaybgalayaashu helaan waayo-aragnimo dhammaystiran oo heer sare ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Suite 704, Adani Tower, 7th Floor, Maka Al-Mukarama Road, Hodan District
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |