SAYA GROUP
SAYA -Somali Agricultural Youth Association
17/09/2025
Soomaaliya waxay sanadihii u dhexeeyay 2015 ilaa 2020 ay celcelis ahaan sanad kasta luminaysay 76.8 kun oo hektar oo kaymo ah, sida ay daabacday hay’adda FAO.
Waa xog muujinaysaa xaalufinta iyo dabargoynta ku socda dhirta dalka, taas oo saamayn ba’an ku leh isbeddelka cimillada, deegaanka, iyo nolosha dadka iyo duunyada.
13/09/2025
Ma Ogtahay Somaliya Waxee Awood U Leedahay Subax Kasta Iney Si Joogto Ah U Dhoofiso Mooskeeda ?
Hadii Si Dhab Ah Loo Hormariyo Kaabayasha, Maalgashi Lagu Sameeyo Silsiladda Sahayda (supply chain), Suuqyada, Keydinta Iyo Xiriiryada Suuqyada Afrikanka ah Mooskeena Waxu Noqonaya Ilo Dhaqaalo Weyn.
10/09/2025
Maalin waxa aan gaari doonnaa Somalia ay xarigga ka jari doonto mashruucii Biyo-Xireenka ee Webiga Jubba.
Mashruucan waxa uu koronto siin karey inta badan koonfurta Somalia, oo ay Muqdisha ku jirto.
Waxa uu waraabin lahaa boqollaal kun oo hektar oo dhul-bereed ah.
Bal mar uun aan riyo abuurano sidii 60 sano'ba ha qaadate.
06/09/2025
Kawaran Haddii Somalia Dhul beeredkeeda 50%
ay howlgeliso ?
• Waxay ka sameyn kartaa in ka badan $3.5 - $4 bilyan oo faa’iido saafi ah sanadkii.
• Waxay shaqo abuur u noqon kartaa
3–6 milyan oo qof, taas oo hoos u dhigi lahayd shaqo la’aanta iyo saboolnimada.
Tusaale kooban;
Waxaan tusaale u soo qaadaneynaa dalagyada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ku habboon:
1. Galley & Sarreen:
celcelis ahaan hektarkii wuxuu soo saari karaa $800 - $1,200 qiime suuqa ah.
2. Khudaar & miro (basal, yaanyo, qare, muus, iwm) :
celcelis hektarkii wuxuu soo saari karaaa $2,500 - $4,000.
3. Sisinta & digirta :
$1,000 - $1,800 hektarkii.
📚 The World Bank/FAO
* Ogoow miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sanad laha ah waa $1.34 bilyan oo 69% ay beesha caalamka bixiso ama lacag ahaan ( $903 milyan ).
; In waxaan dhameyn Hal bilyan iyo bar lagaa bixiyo kala bar ka badan adigoo heli kara sadex bilyan iyo bar aad adigu leedahay ayaa ka wanaagsan 100%.
Xigasho DrAbdifitah Dahiye
06/09/2025
TAARIKHDEENA HALA DHIIRO-GELIYO
Dhawaan ayaa la soo bandhigi doonaa buug qiimo weyn u leh aqoonta dhirta Soomaaliyeed.
Buuggan, oo uu qoray Ibraahim, waxa ku taxan in ka badan 2,500 nooc oo dhir ah oo ka baxa dhulka Soomaaliyeed, magacyadooda cilmiyeed .
Waxa kale oo uu buuggu xambaarsan yahay xog iyo taariikho kooban oo ku saabsan ururiyeyaashii dhirta qarniyadii h**e.
Lasoco Oo Dhiiro-geli Taarikhdeena.
02/09/2025
Wacyi Bulsho
____________________________________________
Bulshadeena Waxaa La Baray Inee Caado Ka Dhigtaan
Inee Ku Tiirsanaadaan Oo Caawimaad Ka Sugaan Heyado, Deeq bixiyaal Iyo Dawlad hebel ayaa ina caawin Doonta.
Runtii Waa Dhibaatoyinka ugu badan ee Bulshadeena Heesato (A Dependent Society)
Bulshadu Waa In iyagu Ilaa Xad Isku Filnasho Sameystaan, Fikiraan oo Kheyraadkooda, Aqoontooda iyo Xoogooda Ka Faaideystaan.
Tusaale: Cunto Ku Filan, Biyo Nadiif ah, Caafimad Iyo Wax barasho, Fursado Shaqo Iyo Dhaqaale.
Nolosha Dhadhan Maleh Marba Gacantaada Mida Hooseyso Hadee Tahay.
TALO:
Ka Bulsho Ahaan Aan Isku Baraarujino
Muhiimada Ee Leedahay Isku Filnaashaha Iyo Dhisidda Kaabayaasheena Nolosha, Si Dadkeena Ugu Suuro Gasho Nolol Sharaf Leh.
Wabillahi Tawfiiq.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Banadir Mall Area
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |