Nagiib osman
personal blog
Full free version of TradingView Premium (Windows MacOs) with updates: https://www.reddit.com/r/TVFreeHub/comments/1m3ss9n/
25/04/2021
Waxaa istaagay dhamn isku socodki gaadiidka bulshada waxan lawada xidhy wadooyinka halbawlaha ah ee muqdisho
Rabiyasir
Waa wareysigii lagu difaacayay hishiiska bada!
Adiga muxuu kugu soo kordhiye?
13/12/2020
Madaxwayne biixo ayaa ka anbabaxey casimada hargysa
Kuna sii jeda keniya
Sheeko
Wiil reer waqooyi ah baa xamar tagay kadib wuxuu shukaansaday gabadh reer muqdisho ah, habeen ayuu casho geeyay gabadhii jeebkiisuna ma fiicnayn wiilka.
Casho kadib gabadhii ayaa wiilkii mudalabka ahaa ka dalbatay istakiin iyo istaraasho๐
Wiilkii baa soo booday oo yidhi waar ha u keenin cunta badanaa qoftu๐๐
Darka ceelkiyo
Muska xeraduba
Kaa da, waynoo
Waa ma guuraan
Maxaa luugu heesaa
13/12/2020
Wuxuu soo qabtay Telfoonkiisa wuxuuna la xiriiray saaxiibkiis kuna yiri: Hooyadeey ayaa Xanuunsan, mana heysto Lacag aan ugu soo iibiyo daawo, Saaxiibkiis ayaa ugu Jawaabay , wey dhantahay isoo wac , casirka kadib.
Sidii ayuu sameeyay wuxuuna la xiriiray Casirka kadib, laakiin Telfoonkiisa wuxuu ahaa mid densan, dhowr jeer buu ku celceliyay iyadoo aysan waxba isbedelin, wuu ku daalay wicitaankii, Wuxuu billaabay in uu raadiyo cid uu ka amaahdo ( Deensado) qarashka dawada, laakiin nasiib darro ma uusan helin cid deymisa, wuxuu dareemay In adduunyada dhan ay ciriiri ku noqotay, wuxuu aad uga murugooday Hooyadiis, Mana garanayo wuxuu sameeyo,
Guriga ayuu isaga soo noqday isagoo niyad jabsan, Wuxuu arkay Hooyadiis oo istareex u huruda agteedana ay taallo bac daawo ah, Walaashiis ayuu weydiiyay cidda u keentay Dawada?
Waxay ku tiri: waxaa yimid saaxiibkaa wuxuuna qaaday Warqadda dhaqtarka , wuxuuna u soo iibshay dawada, waxyar ka hor ayuuna tagay.
Wuu qoslay, illin ayaana ka timid indhihiisa, wuxuu baxay isagoo deg degaya, si uu u raadiyo saaxiibkiis, illaa uu ka helo.
Wuxuu yiri: waxaan ku soo wacayay tan iyo Casirkii telfoonkaadana wuu dansanaa, saaxiibkiis ayaa ugu jawaabay, waan iska gaday telfoonkeyga , waxaana daawo ugu soo iibiyay Hooyadeen..
Saxiibtinimadu ma'aha liiska dheer ee Magacyada Shaqsiyaadka kaaga buuxa Telfoonkaaga, balse waa in ay jiraan Shaqsiyaad ku taageeri kara xilliyada aad awooda leedahay iyo markaad taagdarantahay intaba,
Rasuulka NNKH waa kii yiri :
(( ุงูู
ุฑุฃ ุนูู ุฏูู ุฎูููู ููููุธุฑ ุฃุญุฏูู
ุงูุฆ ู
ู ูุฎุงูู))
(( qofku waxa uu ku diinyahay Saaxiibkiis ee qofkiin ha iska fiiriyo cidda uu la Saaxiibaayo)).
Haddaad dhameysatay ku Salli Nabiigeena SCW.
---------------------------------
XIGASHO:: by: Abdirizak Atosh
Xigmadda Soomaalida.
Boqol jir xagee ka daynaa?
Qabri iyo qoryo hoostood ka daya
Sagaashan jir xagee ka daynaa?
Salli iyo sariir dusheed ka daya
Sideetan jir xagee ka daynaa?
Sabada reerka ka daya
Todobaatan jir xagee ka daynaa?
Tawxiid iyo tusbax ka daya.
Lixdan jir xagee ka daynaa?
Lexejeclo ka daya
Konton jir xagee ka daynaa?
Arin ka daya
Afartan jir xagee ka daynaa?
Awood ka daya
Sodon jir xagee ka daynaa?
Hadal iyo hareed gadh ka daya
Labaatan jir xagee ka daynaa?
Hurdo iyo hawl fudud ka daya
Toban jir xagee ka daynaa?
Hunguri ka daya.
Xigasho buugga Murti iyo Mahadhooyon.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu
252