SNA RADIO
This is the Official Page of Somali National Army Radio (SNARADIO) Based in Mogadishu Somalia. (Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida)
Waxaan ka hadalnaa kaliya warbixinada ku saabsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
MUUQAAL: TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO XAFIISKIISA KU QAABILAY TALIYE XIGEENKA CIIDAMADA DIFAACA UGANDA
06/08/2026
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO QAABILAY TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA DIFAACA DALKA YUGAANDHA
Muqdisho, 06, Agoosto, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Yugaandha, General Sam Okiding, oo Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamada uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu la qaadanayo madaxda ciidamada ee ka qaybgalaya shirka, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta wada-shaqeynta dalalka saaxiibka ah ee taageera amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska hay’adaha amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
CIIDANKA XDS OO HOWLGAL AMNI-XAQIIJIN AH KA FULIYAY DEEGAANNO KA TIRSAN SHABEELLAHA HOOSE.
Waxaa lagu eedeeyay Dilka Hooyo Maxkamadda Ciidamada
06/08/2026
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Pakistan, Field Marshal Syed Asim Munir.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay labada dal dan wadaag ka yihiin, isbeddellada xaaladda amniga gobolka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka u dhexeeya ciidamada labada dal iyo hirgelinta barnaamijyada lagu dhisayo awoodaha ciidamada si looga jawaabo caqabadaha amni ee wadajirka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan mowqifkeeda ay ku taageerto madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo garab istaagga ay u fidiso dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Dhankiisa, Field Marshal Syed Asim Munir ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Pakistan uga go'an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada difaaca, dhismaha awoodaha Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal.
06/08/2026
GUDDI UU HOGGAAMINAYO TALIYE KU-XIGEENKII H**E EE CXDS OO KORMEER KU TAGAY DEEGAANNO KA TIRSAN WAQOOYI BARI
Laascaanood – Guddi uu hoggaaminayo Taliye-ku-xigeenkii h**e ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabaas Aamiin Cali, oo ay ka mid yihiin madaxa Hoggaanka Ciidanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saraakiil kale ayaa kormeer shaqo ku tagay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah qorshaha dib-u-hawlgelinta Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la qorsheynayo in Taliska Qaybta uu noqdo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Guddiga ayaa inta ay ku guda jireen kormeerka booqday goobo kala duwan oo ka tirsan deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, iyagoo qiimeyn ku sameeyay xaaladda goobaha iyo diyaar garowga dib-u-hawlgelinta Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kormeerka ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qaab-dhismeedka iyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
06/08/2026
TALIYAHA CIIDANKA XDS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WUFUUDA CIIDAMADA EE DALALKA ETHIOPIA, KENYA IYO UGANDA
Muqdisho, 06 Agoosto, 2026: Taliyaha Ciidanka XDS Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka socotay Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda, kuwaas oo ka qeyb galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is xogwaraysi iyo mahadcelin ku aaddan guusha shirka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku taageera dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay wufuudda kaalinta ay dalalkoodu ka qaadanayaan taageerada Ciidanka XDS iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isagoo xusay in iskaashiga dhow uu door muhiim ah ka qaato horumarinta awoodda Ciidanka iyo xaqiijinta amniga Soomaaliya.
Dhankooda, madaxda wufuudda ayaa bogaadiyay martigelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka XDS, iyagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO QAABILAY TALIYAHA CIIDANKA QALABKA SIDA EE JAMHUURIYADDA JABUUTI
05/08/2026
TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO QAABILAY TALIYAHA CIIDANKA QALABKA SIDA EE JAMHUURIYADDA JABUUTI
Muqdisho: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Zakaria Sheikh Ibrahim, iyo saraakiil sare oo la socday.
Wafdiga Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhow ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo la isla qaatay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo kor u qaadista amniga gobolka.
05/08/2026
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday xarunta Shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan.
Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Fulinta shirkadda, Mudane Asad Kamal, oo warbixin ka siiyay awoodaha shirkadda ee dhinacyada warshadaha difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee difaaca. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga, horumarinta awoodaha ciidamada iyo sidii Soomaaliya uga faa'iidaysan lahayd khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkaddu leedahay.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Jaamacadda, Sareeye Guuto Babar Iftikhar. Wasiirka ayaa halkaas kaga dhageystay warbixin ku saabsan doorka ay jaamacaddu ku leedahay waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiyadeed, cilmi-baarista amniga iyo diyaarinta hoggaanka sare ee ciidamada.
Wasiirka waxaa booqashooyinkan ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo Taliyayaasha Ciidamada Badda iyo Cirka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Mogadishu