The 7 Institute

The 7 Institute

Share

The 7 is an independent research institute in Somalia that promotes community-based solutions.

19/06/2026

Jumco Mubarak Dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

17/06/2026

Lacagaha Abaalmarinta Koobka Aduunka 2026 (Laga bilaabo Wareegga 32-ka ilaa Finalka):

FIFA ayaa u qoondeysay lacago abaalmarin ah oo aad u badan kooxaha ka qeybgalaya tartanka, iyadoo kooxda ku guuleysata koobka aduunka 2026 ay heli doonto $50 milyan.

Kooxaha ku haraya heerarka kala duwan ee tartanka ayaa sidoo kale heli doona abaalmarino kala duwan. Kooxaha ku haraya wareegga guruubyada waxay qaadanayaan $9 milyan, halka kuwa ku haraya Wareegga 32-ka ay heli doonaan $11 milyan. Afarta kooxood ee ku haraya Rubuc-dhammaadka waxay min $19 milyan heli doonaan.

Sidoo kale, kooxda ku dhammeysata kaalinta afaraad waxay qaadan doontaa $27 milyan, halka kooxda kaalinta saddexaad gasha ay heli doonto $29 milyan. Kooxda kaalinta labaad ku dhammeysata tartanka waxay qaadan doontaa $33 milyan.

Lacagahan ayaa muujinaya kororka weyn ee dakhliga kubadda cagta caalamiga ah iyo sida FIFA ay u sii kordhinayso abaalmarinnada la siiyo kooxaha ka qeybgalaya tartamada waaweyn.

17/06/2026

Marka la eego khataraha sii kordhaya ee gobolka, sidee ayay Soomaaliya uga faa’iideysan kartaa fursadaha ganacsi ama iskaashi dhaqaale ee ka dhalan kara isbeddellada suuqyada caalamiga ah?

-Khalid Mohamud Moalim Agaasimaha Waaxda Tayada ee Agaasinka Waxbarashada G. Banaadir, ahna Bare Jaamacadeed ku Takhasusay Dhaqaalaha iyo Taariikhda.

Wareysigan oo dhameystiran ka daawo link-ga comment-ga ku lifaaqan.

15/06/2026

Waxaan dhammaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynaynaa curashada sannadka cusub ee Hijriga 1448, Alle ha inooga dhigo sannad khayr ku bilowda.

Photos from The 7 Institute's post 15/06/2026

Waxaa sharaf noo ah inaan qeyb ka ahaano Shirweynaha 2-aad ee Garaad gacmeedka Soomaaliya, (The AI Somalia Summit 2026), oo ah madal muhiim ah oo lagu falanqeynayo horumarka, fursadaha iyo doorka garaadka Macmalka ah (AI) ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Fulinta Machadka Cilmibaarista The 7 Institute, Mudane Mahir Hassan, isagoo matalaya machadka kana qeyb qaadanaya doodaha iyo is-weydaarsiga aqoonta ee la xiriira mustaqbalka AI da iyo halabuurka Soomaaliya.

14/06/2026

Waxaa la filayaa in dakhliga FIFA uu gaaro 13 bilyan oo doollar muddada u dhexeysa 2023 ilaa 2026, iyadoo 8.9 bilyan oo doollar oo ka mid ah dakhligaas si toos ah uga imaan doona Koobka Adduunka 2026.

Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan ilaha dakhliga FIFA iyo sida loo maareeyo loona qaybiyo dhaqaalahan faraha badan.

Dakhliga FIFA wuxuu inta badan ka yimaadaa xuquuqda baahinta ciyaaraha, heshiisyada, xayeysiisyada iyo iibka tigidhada.

Waxaa jira su’aalo ku saabsan sida FIFA u qaybin doonto dhaqaalahan loogu adeegayo horumarinta kubadda cagta adduunka iyo taageerada xiriirrada xubnaha ka ah FIFA.

14/06/2026

Maxay yihiin fursadaha iyo caqabadaha Soomaaliya ka horyaalla ku biirista iyo isdhexgalka dhaqaalaha ee East African Community (EAC)?

-Sadaq Mohamed Ahmed Isku duwaha Guduiga Qaran ee Fududeynta Arrimaha Ganacsiga.

Photos from The 7 Institute's post 11/06/2026

Madasha Ummadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay munaasabad looga hadlayay mowduuca “Kor u qaadista wacyiga dhalinyarada iyo ka digista halista ku gadaaman tahriibka”.

Agaasimaha Fulinta ee Machadka Cilmibaarista The 7 Institute for Research and Development, Mudane Mahir Hassan, ka jeediyay kalmad uu ku adkeeyay muhiimadda wacyigelinta dhalinyarada, abuurista fursado gudaha dalka ah, iyo ka hortagga khataraha tahriibka.

10/06/2026

Sidee ayay Soomaaliya uga faa’iideysan kartaa xiriirka Ganacsiga si loo kobciyo dhaqaalaha iyo wax soo saarka gudaha?

-Sadaq Mohamed Ahmed Isku duwaha Guduiga Qaran ee Fududeynta Arrimaha Ganacsiga.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Rayan Business Center, Zoobe, Wadajir
Mogadishu