Xuseen Codweyne Community
Page-kaan waxaa loogu talagalay in ay ku wada xiriiraan dhalinyarada XUSEEN CODWEYNE COMMUNITY.
Baafini waxaa la baafinaa targo moto fekom nambarkeda waa mf13h kuna dhuntay inta udhaxeeysa banadir iyo Al barako
Fadlan qofkii arko wuxuu naga soo wici karaa 0615967263
Waad mahadsan tahay mudane madaxweyne
Sharif Sheikh Ahmed
25/04/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 25/4/2026 waxa ay ku asteysan tahay malinta caleema saar ka ugaas guud ee besha .Ugas .
Madasha maanata waxaa ka soo qeyb galay
Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud
Reyzulwazaraha dalka Hamza Abdi Barre
Reyzulwasarihii h**e ee dalka Hassan Ali Khaire
Madaxwetnihii h**e ee dalka Sharif Sheikh Ahmed
Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay
,
Weyneynta iyo karameeyta ugaas ka waxaa looga kala yimid daafaha caaalam.
15/04/2026
Qaar katirsan dhalin yarada ayaa booqasho salaan ah iyo isxogwareysi ugu tagay ugaas guud ee beesha .
ayaa aad iyo aad uga mahad celiyey booqashada dhalin yarada ugu tageen.
Sidoo kale ugaaska ayaa xoogaa tariikhaha la soo maray inooga shekeyey iyo halka la hiigsanayo.
Ugu danbeyn ayaa uduceyay & somaliyed , sidoo kalane soo booqatayna uduceeyay.
Waxaan lee nahay alaha inoo aqbalo ducada ugaas ka.
03/04/2026
Muraahax Xildhibaan hop51 Ahmed jalwa
Xildhibaan Hussein mohamed nor xildhibaanaka Abakar oo xilka hayay muddo 4 sano ah ayaa lagu eedeeyay inuu si qorsheysan u wiiqay midnimada iyo awoodda dhalinyarada, isaga oo adeegsanaya waqti, juhdi iyo dhaqaale. Intii uu xilka hayay, waxaa la sheegay inuu ka shaqeeyay kala fogeynta dhalinyarada, isla markaana uu saameyn ku yeeshay hoggaankooda si uu u xakameeyo go’aanadooda.
Sidoo kale, waxaa jira dhaliilo sheegaya in hoggaanka dhalinyarada ee uu taageerayay ama saameynta ku lahaa uu ku fashilmay inuu fuliyo waajibaadkii loo igmaday, taas oo keentay hoos u dhac ku yimid waxqabadkii iyo kalsoonidii dhalinyarada.
Arrintan oo soo jiitamaysay muddo dheer ayaa dhalisay cabashooyin badan, iyadoo dad badani ay ku baaqayaan in dib u eegis lagu sameeyo habka hoggaaminta iyo in la hubiyo in kursiga iyo hoggaanka dhalinyarada lagu saleeyo cadaalad, karti iyo hufnaan.
Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah:
In si madax-bannaan loo baaro eedeymaha la soo jeediyay
In la helo hannaan cadaalad ah oo lagu xalliyo khilaafka
In dhalinyarada la siiyo fursad siman oo ay ku doortaan hoggaankooda
In laga fogaado ku takrifal awood ama dhaqaale
Tani waxay gacan ka geysan kartaa soo celinta kalsoonida iyo mideynta dhalinyarada.
28/02/2026
Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Sheekh Cumar, ayaa si toos ah loogu eedeeyay inuu hanjabaad dil u jeediyay Taliye Maxamed Aamiin Abukar Maxamed (Kokow), oo ah Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dayniile iyo deegaanka Gubta.
Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay Guddoomiye Sheekh Cumar inuu doonayo inuu shacabka Degmada Dayniile ka qaado lacago aan sharci ahayn oo aan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, isla markaana uu adeegsado handaad iyo cadaadis si uu u meel mariyo arrintaas.
Sheekh Cumarow Wadaad iska Maskiin ah ayaa tahay ee shaqeyso isagana bax xilka saciid Abakar ku leeyihiin Deyniile ee munishiibiyada ah hadda ka leexan weydana ogaw Waxaa ka hesha leedahay Lafo la iska baryi maa.
Bulshada Dayniile waxay u baahan tahay hoggaan ku dhisan cadaalad, xasillooni iyo ixtiraam sharci — maamul ku shaqeeya hanjabaad iyo cadaadis lama aqbali karo. Waxaa waajib ah in arrintan si madax-bannaan loo baaro, loona helo isla-xisaabtan cad.
22/02/2026
20/02/2026
4 sano kadib maxaa ka baranay kursiga hop 051
waxaa Soo wadnaa matalada xumudii Xuseen dhageyne
25/01/2026
Xasuusin.
Is diwaan galinta arji qabashada Murashaxiinta xilka Gudoomiyaha Dhalinyarada Xuseen Codweyne waxaa ka dhiman 2 maalin.
Waxay ku egtahay Talaado 27/01/2026.
Wixii arji qabasho ah waxad ku so hagaajin kartaa
Email:- [email protected]
WhatsApp: 0615025229
Gudoonka Gudiga Doorashada
20/01/2026
Shaacin 📢
Gudiga doorashada Dhalinyarada Xuseen Codweyne wuxuu shaacinayaa waqtiga araaji qabashada murashaxiinta iyo goorta ay dhaceeso doorashada.
1. Waqtiga araaji qabashada murashaxiinta waxay ka bilabanesa maanta oo Talaado ah taariikhduna ay ku asteesantahay 20/01/2026, waxayna ku ektahay waqtiga araaji qabashada 27/01/2026 maalintuna ay tahay Talaado 12:00am habeenimo.
F.G: Murashaxiinta waxay araajidooda kuso hagaajin doonaan iyagoo raacaya shuruudaha murashaxnimo email-kan hoos ku xusan:[email protected]
2. Gudiga doorashada waxay kaloo shaacinayaan in doorashada Golaha Fulinta la qaban doono Maalinta Jimcaha ah oo ay taarikhdu ku beegantahay 06/02/2026.
Si kooban:-
1. Waqtiga araaji qabashada murashaxiinta waa
20/01/2026 - 27/01/2026
2. Waqtiga doorashada la qaban doono waa
06/02/2026.
Wabillaahitowfiiq
Gudoonka Gudiga Doorashada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Wartabada
Mogadishu
252