Sahal Tech

Sahal Tech

Share

this page is for technical support

19/03/2025

Qalbi jabka.!

Qalbi-jabku waa mid ka mid ah waaya-aragnimada ugu adag ee qof la kulmi karo noloshiisa o dhaan, Waa dareen culus oo inta badan ay la socoto murugo, niyad-jab, iyo rajo-xumo. Qalbi jabku waa dareen baaxad leh oo saameyn ku yeesha ruuxda, maskaxda, iyo nolosha danbe ee mustaqbalka qofka.

Markii uu qofku la kulmo qalbi-jab, waxa uu dareemayaa isbeddel weyn oo ku yimaadda sida uu u arko dunida iyo dadka. Haddii uu qofku ahaa mid rajo badan, kalgacal badan, oo aaminsanaa in noloshu ay tahay meel wanaagsan, qalbi-jabku wuxuu u horseedi karaa shakiyo iyo tuhun. Wuxuu noqon karaa qof aad uga taxaddara cid kasta, kana baqa in uu mar kale wax weyn rumeeyo.

Dadka qaar, qalbi-jabku wuxuu ku dhaliyaa dareen ah in aysan markale isku dayin, taasoo keenta in ay ka fogaadaan xiriir cusub ama riyooyin ay h**e u lahaayeen. Taa beddelkeeda, waxay doortaan in ay iska dhowraan wax kasta oo laga yaabo in ay qalbigooda mar kale dumiyaan.

Mid ka mid ah saameynta ugu weyn ee qalbi-jabku waa sida uu u beddelo xiriirrada mustaqbalka ee qofka dadka kale. Qofka qalbiga laga jabiyo mararka qaar wuxuu lumiyaa kalsoonidii uu ku qabay dadka kale. Wuxuu dareemayaa in qof kasta oo uu la kulmo laga yaabo in uu mar kale dhaawaco.

Dadka qaar waxay bilaabaan in ay xirtaan qalbigooda, iskana ilaaliyaan xiriirrada cusub. Waxay ka baqaan in la khiyaaneeyo, la dayaco, ama la gaarsiiyo xanuun kale. Mar kale, Xataa haddii ay galaan xiriir cusub, waxaa dhacda in aysan si buuxda qalbigooda u furin, taasoo sababta in xiriirkooda cusub uu noqdo mid aan xoogganeyn. ilaa uu ugu danbeyn isna burburo

Dhanka kale, waxaa jira dad qalbi-jabka ka dib noqda kuwo aad u xasaasi ah. Kuwaasoo si fudud uga carooda wax yar, waxayna aad uga shakiyaan dhaqanka dadka kale. Xataa haddii ay qof daacad ah la kulmaan, qalbi-jabkii h**e ayaa u horseeda in ay qof walba u arkaan mid khiyaano sameyn kara.

Qalbi-jabku wuxuu sidoo kale dhaawac weyn gaarsiiyaa bad qab kalsoonida qofku ka qabo naftiisa. Marka qofku la kulmo guuldarro dhinaca jacayl ka ah, saaxiibtinimada ah, ama riyooyin u lahaa ah, wuxuu dareemaa in uusan ahayn qof mudan guul ama jacayl dhab ah. Wuxuuna is weydiiyaa su.aalo ay ka mid yihiin : "Maxaan qalday?" "Miyaan u qalmin farxad?" "Mise dadka oo dhan ayaa sidan ah?"

Marka su’aalahaas ay qofka ka buuxsamaan maskaxdiisa, kalsoonida ayuu lumiyaa uu ku qabo naftiisa, wuxuuna ka fogaadaa fursado badan oo uu nolosha ku heli lahaa. Waxa laga yaabaa in uu joojiyo isku-dayga waxyaabo uu h**e u jeclaa, oo uu aamino in guusha u yahey mid aan mudneyn

Qalbi-jabku wuxuu saameyn ku yeeshaa toos ah maskaxda qofka, taasoo sababta isbeddel ku yimaad hab-fikirka qofka. Dadka qaar waxay qabatimaan fikir taban in wax kasta ka qabaan, ayagoo uba arka nolosha meel madow dhamaanteed. Waxay dareemaan daal nafsi ah, tamar la.aan, iyo xitaa rajo-beel ay ka qaadaan wax walba oo cusub.

Sidoo kale, qalbi-jabku wuxuu sababaa walwal joogto ah, niyad-jab, iyo waliba cadaadis xaalad waliba ah. Dadka qaar waxay dareemaan xanuun jidheed, sida madax-xanuun joogto ah, hurdo la’aan xad dhaaf ah, ama xitaa dhibaatooyin caafimaad oo ku dhaca, kuwaas oo asal ahaan ka dhashay murugada cuksatey qalbiga qofka

Qalbi-jabku waa xanuun dareen ahaan iyo maskax ahaanba u baahan in laga bogsado. Saamayntiisu waa mid weyn, gaar ahaan marka ay timaado kalsoonida nafta, xiriirrada dambe, iyo hab-fikirka qofka ee nolosha

Qalbi-jabku waa waayo-aragnimo murugo leh, laakiin sidoo kale waa mid qofka wax badan bari karta. Waxay qofka bari kartaa xoogga uu leeyahay, dulqaadkiisa, iyo sida uu uga bogsan karo xanuunada nafsiyanka ahba. Inkasta oo uu saameyn weyn ku yeelan karo nolosha danbe ee qofka, haddana waa wax laga soo kabsan karo, loona rogi karo fursad cusub oo lagu kobcin karo nafta.

23/01/2025

Sida loo xakameeyo Afartaan:

1. Maskaxda

Akhri maalin kasta (Kutubada cilmiga/ Kuwa maadiga ah)
Jimicsi joogto ah samee
U fiirso waxyaabaha hareerahaaga ka dhacaya
Baro xirfad cusub

2. Lacagta

Samee miisaaniyad bille ah
Si joogto ah u keydi
Maalgelin xikmad leh samee
Ka fogow deymaha

3. Afka

Cun cunto isku dheelitiran
Cab biyo ku filan (Caafimadka ayey uwanagsanyihin)
Ka fogow cuntooyinka la warshadeeyey
Si taxaddar leh wax u cun oo asluubeysan.

4. Dareenka

Ku celceli mahadnaq joogto ah (AlHamdulillah)
Samee jimicsi si aad kor ugu qaaddo (endorphins)
La xirir kuwa aad jeceshahay (Riximka/Qaraabada)
Ka qaybqaado hiwaayadahaaga.

Ereyga "hiwaayad" af Soomaali ahaan waxa uu loola jeedaa waxyaabaha qofku jecel yahay inuu wakhtigiisa firaaqada ah ku qabto si uu ugu raaxeysto ama uga nasto hawlaha kale ee caadiga ah. Waxay noqon karaan waxyaabo sida:

Ciyaaraha (tusaale: kubbadda cagta, orodka)
Akhriyidda buugaagta ama qoraallada....io kuwo kale oo badan.

16/01/2025

Kala Koritaan

Waa marxalad soo kala dhex gasha dadka wax wadaagga ah sida lammaanaha, kuwa is dhalay walaalaha iyo saaxiibadda. Waa xaalad labada qof uu midkood wacyi ahaan koro halka kii kale uu iska taagan yahay meeshiisii. Tusaale ahaan nin iyo naag isku wacyi ah, oo heerkooda noloshu siman yahay ayaa is guursaday. Naagtii waxa ay bilowday in ay dhisto oo ay garaadkeeda koriso, halka saygeedii uu meeshiisii h**e joogo.

Muddo kadib labadaas qof waxaa adkaanaysa in ay wada joogaan, waayo waxa ay waayayaan wax ay ka wada hadlaan oo labadoodu isku si u dareemayaan. Saaxiibadana badanaa waxa ay soo martaa marka ay waxbrasho wadaag ahaayeen, kadibna waayuhu midba meel u tuuro oo ay kala fogaadaan.

Waa dareen aad u xanuun badan, marka laba qof oo isku dhawaa ay hal mar kala noqdaan labo qof oo aysan jirin wax mideeya. Waxaa jira habab badan oo loo maareeyo haddii ay marxaladdani ku gu timaaddo, waxaana kow ka ah in aad aqbashid adigoo aan qofka kale ku eedaynayn sababta uu meeshiisii u taagan yahay haddii aad adigu tahay qofka koray.

Waxaa dhacda ayaduna badanaa in qof uu dadaal dheeri ah sameeyo, maskaxdiisa dhiso taas oo si degdeg ah uga korisa saaxiibadiisii uu fadhi wadaagga la ahaa. Marxaladaasi inta ay farxad iyo dhiirrigalin tahay, in le’eg ayay murugo iyo cidlo tahay. Marka aad ka kortid dadkii aad la ayniga ahayd, waxaa adag aqbalaadda hardanka cusub ee maankaagu galay waana sababta dhalinyaro badan marka ay akhriska bilaabaan gooni socod u noqdaan.

Xalka ugu habboon waa dad isku wadid. Adiga oo aan dadkaagii h**e tuurayn, samayso bulsho cusub oo la jaan qaadaysa heerka kobaca maskaxeed ee aad gaartay. Kuwaagii h**e ayaga ayaa ama ku soo raaci doona, ama aayar aayar ayuu midba mar u lumayaa. Haddiise uu yahay qofka kala koritaanku idin soo dhex galay lammaane aad jacayl wadaag ahaydeen, waxaa adag in xiriirkaasi miro dhalo oo uu macno sii lahaado.

16/01/2025

Maansada iyo Xeerarka Nolosha

1. Qofku marka uu naftiisa u taliyo ee uu meel saaro ayuu nafaha dadka kale isku mashquuliyaa in uu u taliyo. Adiga oo aan taada u talin in aad isku mashquuliso qof kale tiisa waa tala-xumo. Haddaba, tuducani waxa uu innugu boorinayaa in aynu marka h**e nafaheenna ka adkaanno, ka dibna ta dadka ku daro. Hase ahaatee, innaga oo aan teennii ka adkaan ta dadka in aynu isku qaadno waa khalad. Bal dhugo.

"Isku tali dabeed tali
Ma-tashade ha ii talin
Hadal toosan weeyaan
Haddaan saarku kula tegin".

—Weedhsame

2. Haddii aad hawl qabanayso, hawshaasna aad meesha kuugu dhow ka fulin karto in aad meel durugsan u tagto waa waqti lumis. Haddaba, tuducani waxa uu innoo sheegayaa in xaajada meel innoo dhow taal aynaan u tagin meel innoo jirta masaafo. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Togdheer oo uu xaajadda dhow tusaale ugu soo qaatay iyo Talaabiib oo uu ta fog tusaale ugu soo qaatay. Bal dhugo tuducan.

"Xaajada Togdheer taal
Ha u tagin Talaabiib".

—Weedhsame

3. Nolosha gu'ba gu' buu innoo dhiibaa. Gu'yaasha waxaa ku sugan cibro. Haddaba, haddii ayna maalimaha, bilaha iyo sannaduhu waxba kugu soo kordhin waxa ay ka dhigan tahay geedka baxa ee caleenta daadiya, ka dibna dhinta, waxba kagama duwanid. Tuducan oo si waafiya arrinkaa innoogu sheegaya bal dhugo.

"Haddaan gugii kuu kordhaa
Gobaw mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo'arag
Illeen wax ma dhaantid geed".

—Gaarriye

4. Waxa jira golayaal aan mudnayn tegid, ha ahaadaan kuwo aad feker diidan tahay ama kuwa aad fal diidan tahay e, gole kasta in aad taagnaato ma aha mid qumman. Meeriskani waxa uu innoo sheegayaa in garaadku uusan qofka siin mararka qaar in uu xaadiro meelaha qaar, waxa uuna inna leeyahay ka dhawrso tegidda goobaha aan habboonayn.

"Garaadkaygu meelaha badhkood ani i gayn maayo".

—Raage Ugaas

5. Qof kasta waxa uu beerto, aqoon ama tacab, un buu leeyahay. Tacabku nolosha waa u sed, qof kastana dhan buu ka galaa tacabka nolosha. Haddaba, tuducani waxa uu innagu boorinayaa in aynu tabcanno wax, waxa uuna inna leeyahay waxa aad soo saarato un baad goosan dheeftiisana heli.

"Wax la cuno sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saas ah".

—Hadraawi

6. Bini aadanku wuu khaldamaa, waana Ina Daanweyne in qofku khaldamo. Marka aad khalad gasho in aad ka garaabto oo aad qirto in aad gashay khalad raalligelinna bixiso waa astaanta gobannimada. Haddaba, tuducani waxa uu innagu gubaabinaynaa in aynu yeellanno dhaqankaa gobannimada ku astaysan, khaladkeenanna aynu ka garaabno.

"Gefkana bashar baad u tee
Haddaad ka garawdo khalad
Gobbey caadadeeda tahay".

—Gaarriye

7. Haddii aad qof is-afdhaaftaan waxa gar ah in aad eedda isaga ku koobto, se in aad qofka qabiilkiisa ama gobalkiisa kabaha la dul marto waa gunnimo. Qofka aad fekerka isku diidaan, feker ayaad isku diideen, ee marna ha u dhaafin reerkiisa ama gobalkiisa. Bal dhugo Gaarriye oo innaga gala talinaya in aynu falkaa ku dhaqaaqno.

"Haddaad Gorod diidan tahay
Ku koob dirirtaada Gorod
Ha nicin gobolkuu ka yimid
Ha giijin xadhkaha ha jarin
Ha goynin waxa la isku yahay".

8. Naftu waxa ay u baahan tahay xadhig dabra, kaas oo u diidaya falidda wax kasta ama ku dhaaqidda falalka aan xadka lahayn. Haddii ay naftu seeto waydo waxa ay ku dhaqaaqaysaa waxa ay damacdo, se haddii ay seeto u taallo waxa ay falaysaa waxa aad adigu ku fuliso. Hadraawi ayaa inna leh, nafta dabar u yeella, hana falinna wax kasta.

"Naftu seeto yay waayin
Hana falin sidaad doonto".

9. Magacaagu waxa uu ka tarjumayaa shaqsiyadaad, waa ka sheegaya waxa aad gudo iyo waxa aad gasho. Haddaba, ka dhawrso in aad magacaaga ku bixiso wasakh, ka dhawrso in aad ku fasho xume, kana dhawrso in aad u adeegsato meel aan ku munaasib ahayn. Sababta oo ah, magacaagu adiga ayuu kaa tarjumayaa waana waxa aqoonsigaaga shaqsinnimo caddaynaya. Ibraahin-Gadhle waxa uu innooga digayaa in aynu magaceenna meel xun ku bixinno, waxa uuna inna leeyahay yuusan noqon mid qofba maalin xidho. Bal dhugo hadda meerisyadan.

"Magacaagu yuu noqon
Mid xumaan ka marag kaca
Sida macawisaha qaar
Ninba maalin yuu xidhan".

10. Marka uu magaca innooga digay in aynu dhigno meel uusan u qalmin, haddana waxa uu mar kale innooga digayaa Ibraahin-Gadhle in aynu maskaxdeennana dhawrno. Maskaxda ka dhig mid aad adigu leedahay oo ha u oggalaan in ay noqoto mid dadka kale kula leeyihiin. Sababta oo ah, maskaxdu waa halka la iska addoonsado, haddii maskaxda lagaa qabsadana waa lagu addoonsaday ayay ka dhigan tahay.

"Maskaxdaadu yay noqon
Maqal lagula leeyahay
Yaan toban muftaax iyo
Lagu furin masaabiir".

11/01/2025

Waxaan ka dheefay dhowr wax oo aad u weyn. Maanta waxa aad u badan in qofku waxba diiradda(focus) saari kari waayo, in qofka maskaxdiisu hal shay qaban kari weydo.

Kow, waxaa jirta in abuurteennu kala gaar tahay, qof walba waa gaar. Waxaa jira hal wax oo adiga kuu gaar ah, si guud waxaa jirta waxyaabo badan oo adiga kuu gaar ah, ama sida aad wax fahanto waa gaar. Qof ayaa laga yaabaa in uu dhegaysiga wax ku fahmo, qof ayaa isaguna aragtida ama sheygaas ilaa uu arko mooyaane si kale ku fahmi karahayn. Qof kale ayaa qoraalka wax ku fahma, marka uu wax qoro si wacan waxaas u garta. Horta is ogow sida aad wax ku fahanto. Qofkee tahay?

Middaas waxay kaa caawinaysaa in adiga oo fahankaagu yahay qoraalka aadan daawashada ama dhegaysiga ku daalin ama nooc kale oo aan fahankaaga ahayn. Horta sidee ayaad wax ku fahantaa? Ka dib na taas ku dhaqaaq. Siina xooji. Aad na ugu tiirsanoow halka fahankaagu ka dhaw yahay.

Ta labaad, subaxdii daqiiqadaha u h**eeya adiga ayay ku sugayaan. Waxa ay u ooman yihiin amarkaaga iyo in ay ku leeyihiin maxaan kuu qabannaa maanta. Shayga ugu h**eeya ee aad qabato subixii wuxuu ka qeyb qaataa in maalinkaaga shaygaas aad u saameeyo moodhkaaga iyo maskaxdaada shaqadeeda. Wakhtigaaga daqiiqadahaas u h**eeya ku dedaal in aad amar kufarto in ay kuu qabato shay aad kuu anfacaya, sida jimicsi, akhris iyo hawlo maalinlahaaga kuu yaal in aad diiradda saartid.

Ta saddexaad, tusaale ahaan halkii aad subaxa marka aad indhaha kala qaaddo, aad mobile ka fiirin lahayd dib u dhigo nafta ku qasbaysana waxaad tidhaa horta daqiiqadahan waxan baa qabanayaa, ka dib waxaas na mobile ka ayaan isticmaalaysaa. Taas waxay kaa caawinaysaa dabarka in aad u qabatid damaca naftaada ama doonistaada. Naftadana seeto ku haysid.

"Naftu seeto yay waayin
Hana falin sidaad doonto."

—Sirta Nolosha | 1986.

01/01/2025

#1: Mentality : The Two Shoulders of Progress: Labada Garab ee H**e u Socodka

Waxa aan shaki ku jirin in aad maalin, habeen, daqiiqad ama laxdad uun qalin iyo warqad isdul qabatay si aad qorshe, yool ama doonis kugu weyn u gaadhid. Haa, way dhacday, mase dhaboobin doonistaasi! Sorry! Waxa la hubaa in aad marar badan maskaxdka godlisay si aad isu weydiiso maxaa i asiibay? Maxa aan yoolkaygii iyo qorshahaygii uga dhabayn waayay? Maxaan illaa saddex sano, laba sano iyo sannadba dib uga sii dhacayaa, iyada oo yoolkaygii ii muuqdo? Jawaabaha su'aalahani waxa ay ku duugan yihiin in aad saxdid maanhaggaaga iyo qaab fekerkaaga.

Waxa ugu weyn ee haysta dadku ma aha in aanay waxba qabsan karin, mana aha in aanay guulo hor leh gaadhi karin, balse waa qaabka ay u fekeraan oo qallooca, guulna aan u soo jiidi karin. Qaab fekerku isaga ayuunbaa go'aamiya waxqabsiga iyo dib dhac ka aad ku jiraysid ee aad la jaal noqonaysid.

Si maanhaggaasi u saxmo haddaba, waxa aynu ognahay, in yoolkaagu kuu cadyahay, agabkii, xogtii iyo waddadii ku gaadhsiin lahayd hortaada ay tahay, balse waxa kaa maqani waa in aad laba fekradood qaadatid, fahantid kuna dhaqantid. Haddaad labadaa fikradood qabsatid, dhaqan gelisid ood aamintid, waxa aan kuu ballan qaadayaa in aad hadaf kaste ka libkeeni doontid oo aad xaqiijin doontid adiga oo raaxaystay, raynraynna dareemaya.

Fikradda koobaad: Wax Yar!

Immisa jeer ayaa aad ku taamtay arimahan: in aad sannad walba 12 buug akhrido, in aad maaddo cusub baratid, ama aad xirfad meel saare ka gaadhid? Runtii, way badan tahay! Maalmaha sannadku waa 365 maalmood, bal ka warran haddii aad maalin walba hal xeer oo Naxwe ah baratid, sannadku waxa uu kuu dhammaanayaa adiga oo 365 xeer yaqaanna. Hadda waa hal xeer! Waxa laga yaabaa in ay kula yartahay barashada hal xeer, balse waa su'aale ma taqaannaa 50 xeer oo Naxwe ah sannadkii 2024 waa uu kuu dhammaaday e? Sidoo kale haddaad maalin walba hal bush ab ah samaysid, sannadku waxa uu kuu dhammaan adiga oo 365 xabbo oo bush ab ah sameeyay! Sannadku waa dhammaaday e, bal kaliya 200 oo bush ab ah masamaysay?

Buurtu waxa ay ka samaysan tahay qururux yar oo isku tagay, haddaad go'aansato in aad buur rartid, kaliya waxa aad u baahan tahay in aad marba qayb yar gurtid, sidaa si la mid ah hadafkaaga kuu dejisan, mar qudha ma wada gaadhi kartid, hal bil iyo hal usbuuc intaad waalan lahayd, qayb yar oo ka mid ah soo qaado, kadib na intaa fuli. Tusaale ahaan, Quraanka ayaad jeceshahay in aad akhriskiisa caado ka dhigatid, halkii aad isku qaadi lahayd adiga oo aan la qabsan, keliya naftaada ku waajibi hal bog! Haa, hal bog. Hadaf kaste jajabi oo in yar ka fuli, adiga oon isku wada qaadayn mar qudha, sidoo kalena aan nafta iska jarayn.

Faa'idada ay leedahay waddani waxa ka mid ah:
1. Naftu oo aan dhibsanayn ama culays u arkayn. Hal bog, hal bush ab ah, hal tasbiix ah, hal bog oo sheeko af qalaad ku qoran....

2. Wakhti badan kaama qaadanayo fulinta qorshahani. Akhrinta hal bog ama samaynta hal bush ab ahi waxa ay u baahan tahay hal ama laba mirir. Taagow laba mirir!

3. Xamaasaddu kaama guurayso, waayo, hawl kaste oo fududi xamaasad saa'id ah oo badan uma baahna. Kaliya fulin ayay rabtaa.

4. Waad kordhin kartaa haddii aad jeclaatid, oo haddii halkii bog ee Quraanka ahaa ee qorshahaagu ahaa maalintaa kula macaanaado, waxa aad ka dhigi kartaa shan ama lix bog, balse waa in aad ka hoosayn hal bog. Samayso xad aanad ka hoos mari karin.

Guud ahaan fikraddani waxa ay ku leedahay, hadaf kaste, ujeeddo kaste, iyo doonis kaste waa aad gaadhi karaa haddii aad yaraysid, ood jajabisid. Ha isku qaadin dhammaan hawsha, in yar ka qabo, inta kalena barri u dhigo. Ha iska dhaadhicin in ayna waxba tarayn, waayo qofkii sannadka bilawgiisii maalin walba hal bog akhriyi jiray, maanta waxa uu dhammeeyay 292 bog, oo u dhigma laba buug oo dhexe ama 150 maqaal!

Fikradda Labaad: Joogteynta.

Marar badan waxa qofka u diida in uu hawl joogteeyaa waa in ay culustahay, ama aanu la qabsan, sidaa awgeed naftu waa ay ka maagtaa, oo waa ay dhibsataa. Culayskaa waxa aynu ku xallinay qodobkii h**e, waxaanna aynu soo jeedinnay in qofku uu hawsha yareeyo, oo uu ka dhigo hawl fudud oo la joogteyn karo. Haddaba marka aad sidaa hawsha u fududaysaba waxa aad cagta saartay waddadii joogteynta ee ogow.

Si qofku fal ama dhaqan u joogteeyo waxa loo baahan yahay dhawr arimood:

1. Saxidda fahanka ku aaddan joogteynta.

Joogtayntu ma aha in aanad kufin, ma aha in aan qorshuhu kaa kala kicin. Joogtayntu waa samayn joogto ah, haba soo dhex galaan kala go', dhacdhac iyo fara ka qaadib intuba. Kolka aad qorshe xarriiqdo, waxa la hubaa in aad mar uun kufi doontid, ha dhowaato ama ha dheeraato. Waad ku fidi doontaa, laakiin waxa waajib kugu ah, oo joogteynta ka mid ah in aad haddana kacdo ood isla markaaba hawsha dib u bilawdid. Tusaale ahaan, qorshahaagu waxa uu ahaa in aad sannadkan akhrido 72 buug, bil walbana aad 6 buug xaga kale uga baxdid. Bishii koobaad waxa akhriday 6 diiba, balse tii labaad ayaad caajisyay oo waxa aad akhriday 3 buug, halka bishiiii ku xigtayna aad akhriday 2 buug, illaa aad baraarugtay bishii afraad.

Laba jid midkood ayaa kuu bannaan, in aad sida dad badani sameeyaan faraha ka qaadid, iyo in aad dib u kacdid oo haddana aad boodhka iska jaftid. Haddaad ka h**e noqotid, oo aad halkaa ku istaagtid, sannadku waxa uu kuu dhammandoonaa adiga oo 11 buug oo keliya akhriyay, haddii se aad ka danbe noqotid, oo aad haddana dib u bilawdii akhriskii, sannadku waxa uu kuu dhammaan doonaa adiga oo akhriyay 65 lixdan buug. Runtii labadaa qof farqi weyn ayaa u dhexeeya. Ogow, labaduba waa ay kufeen, balse waxa ay ku kala duwanaayeenna in midi sii waday hawshii, halka kii kale uu halkii ku istaagay. Haddii qorshahaagu ahaa in aad maalin walba wax baratid, oo aad maalmo ka tagtid, waa in aad bikawadaa haddana, maanta waad ka boodday, barri haddana bilaw, bishu halkii ay kaaga dhammaan lahayd adiga oo 5 cisho waxbartay, waxa ka giican oo ay tahay in ay kuu dhammato adiga oo 15 cisho waxbartay, maalinna kacayay maalinna kufayay.

Ugu dambayn, fal yar oo joogto ahi waa sirta guusha. Wakhtigu wuu soconayaa. Wax badan ayaan mahadiyay qodobkan e, dhaqan geli.
Allow mahaddaa.

"Shil weeye in aad kuftaaye,
Haddaad k**abadhuudho boodhka,
Asaad kici weydo baa xun".

14/12/2024

" Self Education ".

Hababka wax loo barto casrigaan kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mida "wax is barid" inaad kaligaa wax isbarto, faa,iidooyin ayee leedahay dhanka kale dhibkeeda ayee leedahay laakiin, xalkeeda waa la heli karaa!

Core Tools for Self-Education.

Inta aadan bilaabin wax is baridda waxaa muhiim ah arrimahaan soo socda.

Goal: inaa hadaf leedahay, kuu caddahay waxa aad baranayso. Research skills: waa inaa taqaano habka wax loo baaro, sida aad ku heli lahayd courses ugu fcn laga diyaariye maadada aad baranayso ama books ugu fcn laga qore. Sidoo kale meelaha aad ka baranayso waa inay noqdaan meelo lagu kalsoonaan karo aqoonta ay soo gudbiyaan. Tusaale: haddaad programming baranayso meelaha ugu fcn laga barto waxaa ka mida Freecodecamp, sidoo kale meelaha ugu fcn laga barto luqaddaada hooyo uga baranee waxaa ka mida Dugsiiye. Haddii aad luqadda soomaaliga ah rabto inaa ku barato programming waa meesha ugu fcn baa dhihi karaa.

Critical thinking: waxaa u baahantahay hab fakir wanaagsan la falgalayo maadada aad qaadanee. Time management: waa in jadwal joogta ah leedahay, maadada aad baranee qayb kaste intaa ku dhamaynee waa in ay kuu xadidantahay.

Problem Solving: waa iska caadi markaad wax is barayso in dhibaatooyin ku soo wajahaan lagaana rabo inaad xalliso, haddaba macalin kula xalinaa majiro, waa inaad is xallisaa, qaabka aad isku xallinayso waa inaad aqoon u leedahay.

Faa'iidooyinka: waxa ugu h**eeyo ka faa'iidayso ayaa ah markaad wax is barayso, in waqtiga uu kuu soo koobmo, muddo kooban inaad wax ku barato, laga yaabee haddaad meel lagu barto tagto sida jaamacad, in muddo 4 sano kugu qaadan lahayd. Dhaqaalaha: haddii ay dhaqaalo yari ku heesato halkaan waa kaga maarmaysaa dhaqaalaha kaaga bixi lahaa, sababtoo ah wixii aad baranayse ayagoo free ah helaysaa, online-ka baa ka helaysaa. Waxaa awood u yeelanaysaa marka aad wax is barayso habka wax loo baaro, sababtoo ah ma sugaysid in cidi ku hagto adigaa is hagaya, isku mid ma noqonaysaan ardayga jaamacadda maadadaa ka barte habka wax u baaraa iyo adiga, waxaa xoogganaanyo habka wax u baarayso.

Salbiyaatka ay leedahay: waxaa yaaranaya dhaxgalkaaga badan ee bulashada, sababtoo ah jaaniskaa maba helaysid, waxaad galaysaa kalinimo. Caafimaad darro: haddii aad maanta dhan computer dulfadhiso indhahaada dacfi yari ku imaanayso, sidoo kale fadhiga badan kuuma fiicna, dhaqaaqada ayaa yaraanayo, inuu dhaq-dhaqaaqada yaraado ma wanaagsano.

Raodmap: si guud qofka marka uu waxbaranayo, wuxuu u baahanayahay hage(Mentor), maadada uu baranayo waddo u maro qaabka u kala horaysiin lahaa, qofka wax is barayo qof hago ma helayo waxaa laga yaabaa inuu Raodmap-kii qaadi lahaa waayo, sidaa darteed marka aad maaddo baranayso raadi qof aqoon u leh maadada kugu haga wadadii aad u mari lahayd.

waqtigaan la joogo qofka inuu wax is baro k**a maarmayo!

اللهم صّلِ وسَلّمْ عَلۓِ نَبِيْنَامُحَمد ﷺ

Dheegasho.

08/12/2024

Dimishiq (Damascus) waxay leedahay muhiimad diimeed oo weyn oo ku salaysan diinta Islaamka, waxaana ku soo arooray xadiisyo badan oo tilmaamaya dhacdooyin waaweyn oo Islaamku ku xiranyahay mustaqbalka. Qaar ka mid ah guulaha iyo dhacdooyinka la sheegay inay ka dhacaan Dimishiq waxaa ka mid ah:
1. Soo degista Nabi Ciise (CS):
Waxaa ku soo arooray xadiisyo sugan in Nabi Ciise (CS) uu soo degi doono waqtiga qiyaamaha ka hor, isagoo ku soo degaya magaalada Dimishiq, gaar ahaan minaaradda cad ee bariga Dimishiq. Xadiiska uu weriyay Imaam Muslim wuxuu leeyahay:
> "Wallaahi waxa uu soo degi doonaa Nabi Ciise ibn Maryam isagoo ku soo degaya minaaradda cad ee bariga Dimishiq, isagoo ku labisan labis cad, gacantiisa midigna ay saaran tahay laba garab oo malak ah."
(Kitaab Saheeh Muslim).
2. Dagaalkii ugu dambeeyay ee Muslimiinta (Malxama):
Dimishiq waxaa lagu tilmaamay inay noqon doonto xarun muhiim ah waqtiga dagaalka weyn ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Nasaarada (Kristaanka) ka hor qiyaamaha. Waxaa la sheegay in Dimishiq ay noqon doonto meel muhiim ah oo Muslimiintu kaga dagaalami doonaan si ay u difaacaan diintooda. Xadiiska Nabiga (NNKH) wuxuu leeyahay:
> "Qiyaamaha ka hor waxa jiri doona dagaallo waaweyn (Malxama), Muslimiinta waxa ay ku biiri doonaan Dimishiq iyo Qudus."
(Abu Dawud, Kitaab al-Malaaxim).
3. Dimishiq oo noqoneysa meel barako leh:
Dimishiq waxaa loo tilmaamay inay tahay mid ka mid ah meelaha ugu barakaysan dhulka Shaam (Suuriya, Lubnaan, Urdun, iyo Falastiin). Xadiis ayaa tilmaamaya in barakada iyo iimaanka Muslimiinta ay badankood ku soo ururi doonaan dhulka Shaam, oo Dimishiqna ay ka mid tahay. Nabigu (NNKH) wuxuu yiri:
> "Shaam waa dhulka barakaysan, Ilaahayna wuxuu barakadiisa ka dhigay mid joogta ah."
(Ahmad iyo Tirmidi).
4. Dimishiq iyo Imaamka Mahdi:
Waxaa sidoo kale la sheegay in waqtiga Imaamka Mahdi, magaalada Dimishiq ay noqondoonto xarun muhiim ah oo Muslimiintu ku ururi doonaan si ay ugu diyaar garoobaan dagaallada waaweyn. Imaamka Mahdi iyo ciidamadiisa waxaa lagu sheegay inay difaaci doonaan Shaam oo ay Dimishiq ugu horreyso.
Astaamaha Guulaha Islaamka ee Dimishiq:
Minaaradda cad: Waa goobta Nabi Ciise (CS) uu soo degi doono. Goobtan waxay muujinaysaa guusha Islaamka iyo baaba'a dajjaalka.
Ciidamada Muslimiinta oo ku sugnaada Dimishiq: Muslimiinta ayaa ku ururi doona Dimishiq si ay u gaaraan guulo Islaamku ku xiran yahay.
Barakada iyo dhowrsanaanta Dimishiq: Waxaa lagu tilmaamay inay noqon doonto meel aamin ah oo Muslimiintu ku badbaadi doonaan marka fitnooyinka waaweyn dhacaan.
Dimishiq waxay leedahay taariikh diimeed iyo mustaqbal ifaya oo ku salaysan axaadiista Nebiga (NNKH), waxaana loo aqoonsan yahay xarun muhiim ah oo Islaamka ku leh barako iyo guulo waaweyn.

xigasho Khadar Barud.

Want your business to be the top-listed Business in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadishu