Somali Observer

Somali Observer

Share

Bringing you reliable, uncensored news, thoughtful insights, and updates across science, entertainment, politics, sports, and beyond.

Bringing you reliable news, thoughtful insights, and updates across science, entertainment, politics, sports, and beyond.

17/06/2026

Somaliland xattaa hadii xaramka Makka iyo Madiino laga duqeeyo waan ogalnahay mar hadii ictiraaf haleyno.

16/06/2026

5 qof ayaa ku dhimatay 2 kalena ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka Muqdishu.

16/06/2026

Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland ayaa booqasho ku tagay darbiga ay ku cibaadaystaan dadka Yuhuudda ah ee loo yaqaan Wailing Wall (Darbiga Ooyinta).

Waa maxay darbigan?

Darbigan waa qaybta keliya ee ka hadhay derbigii ku wareegsanaa Macbudkii Labaad (Second Temple), kaas oo ay burburiyeen ciidamadii Boqortooyada Roomaanka sannadkii 70-kii Miilaadiga.

Waa goobta ugu barakaysan ee ay Yuhuuddu si xor ah ugu tukadaan, waxaana loo tixgeliyaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan diinta Yuhuudda.

Dad badan oo booqda goobtan ayaa waraaqo ay ku qoran yihiin ducooyin iyo codsiyo ku dhex rida dildilaacyada dhagxaanta darbiga.

Ilaa hadda lama oga in Madaxweyne Cirro lagu qasbay inuu halkaas tago, isla markaana ay ka mid tahay shuruudaha aqoonsiga la raadinayo, iyo in uu si ikhtiyaari ah u booqday ama u cibaadaysanayay

16/06/2026

Trump ayaa bilaabay shaqo ka ceyrinta qaar ka mid ah saraakiisha White House kuwaas oo xariir dhaw la leh Dowlada Israel ayada oo Israel ka walaacsan tahay arintaan lama filaanka noqotay.

16/06/2026

Trump “Maan ku faraxsanayn sida Israa’iil ula dhaqantay Lubnaan iyo Xisbullah.”

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, balse uu ku boorriyay inuu masuuliyad dheeraad ah ka muujiyo arrimaha la xiriira Lubnaan.

16/06/2026

Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynihii h**e ee maamulka Somaliland.

16/06/2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay wararka ku saabsan xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo sheegtay in wada-shaqayn kasta oo ka baxsan Dowladda Federaalka ay tahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Somaliland ku tilmaantay maamul goonni-goosad ah, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo midnimada dalka.

16/06/2026

Wasiirka Amniga Israel Ben Gvir ayaa sheegay inuu iska dhaafay safar uu ku tagi lahaa Mareykanka ka dib markii lagu adkeeyey Visa-da America.

Trump ayaa u muuqda inuu Israel xariga u jaray asaga oo h**ey ugu hanjabay markii Israel duqeysay Lubnaan.

16/06/2026

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ku sheegay in sida Somaliland ay u doonayso aqoonsi caalami ah, ay Israa’iilna u raadineyso in dunidu aqoonsato Qudus inay tahay caasimaddeeda.

Netanyahu ayaa yiri: “Sida aad uga filaysaan dalalka inay aqoonsadaan madaxbannaanidiinna iyo xuquuqdiinna qaran, annaguna waxaan aaminsanahay xuquuqdayada ku aaddan caasimaddayada Qudus. Qudus waxay ahayd caasimadda shacabka Yuhuudda tan iyo xilligii Nabi Daa’uud, ku dhowaad 3,000 sano ka hor.”

Hadalka Natanayahu ayaa muujinaayo in aqoonsiga Somaliland ay sharuud ku xirneyd inay ayagana aqoonsadaan in Qudus Shariif ay tahay caasimada Israel safaaradna ka furtaan taas oo caro wayn ka abuurtay aduunka oo dhan.

15/06/2026

Warsaxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka Saba ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan ku guuleysan doonin qorshayaasheeda ku wajahan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Xuutiyiintu ay ka hortagi doonaan dadaal kasta oo ay ku tilmaameen faragelin ama saameyn Israa’iil ku yeelato gobolka.

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Km 4, Hodan District Makka Mukarama Road
Hargeisa