Hogol Group
page kaan waxaad ka heli doontaan macluumad kala kadisan insha allaaaah
24/01/2022
Dhawaqa rasaas laga maqlayo madaxtooyada dalka Burkina Faso
Rasaas ayaa laga maqlay meel ku dhow madaxtooyada dalk Burkina Faso, iyadoo ay socdaan howlgallo ay ciidamadu sameynayaan.Xabado ayaa sidoo kale laga maqlayaa dhowr xero oo ku yaalla magaalada Ouagadougou, iyadoo askartu ay dalbanayaan in shaqada laga eryo taliyayaasha ciidamada, iyo dhaqaale dheero ah oo lagula dagaalamo Islaamiyiinta xagjirka ah.
Boqolaal qof oo taageersan ciidamada isu soo bax bax sameyay kuwaa oo ku qasbay maamulka inay soo rogaan bandow xilliga habeenkii ah.Dawladdu waxay sheegtay in la xakameeyey dhibaatada.
Waxa ay meesha ka saartay wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan isku dayga afgambiga cusub, wax yar ka dib markii 11 askari la xiray oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi.
Waa tallaabadii ugu dambeysay oo muujineyso tabardarrida dowladda Madaxweyne Roch Kaboré oo ku guuldareysatay inay wax ka qabato kacdoonka islaamiyiinta ee la dagay gobolka Galbeedka Afrika tan iyo sanadkii 2015-kii.
Dibad-baxayaasha taageerayay askarta ayaa dab qabadsiiyay xarunta xisbiga talada haya.
Meelaha rasaasta laga maqlayay waxaa ka mid ah xeryo ciidan oo ku yaalla galbeedka iyo koofurta caasimadda, iyo saldhig ciidamada cirka ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha.Askarta lagu helay iskuday afgambi sanadkii 2015 ayaa lagu xiray xerada ku taal galbeedka, oo loo yaqaan Sangoule Lamizana.
Dhawaqa Rasaasta ayaa sidoo kale laga maqlay saldhigyo ciidan oo ku yaalla waqooyiga magaalooyinka Kaya iyo Ouagadougou, sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee dalkaas.Dalabyada ciidamada waxaa ugu waaweyn ilaa iyo hadda.
in xil ka qaadis lagu sameyo taliyaasha ciidanka xoogga dalka iyo nabadsugiddain ciidamo badan la geeyo jiida h**e ee dagaalka si ay ula dagaalamaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda in ay helaan ciidamadu daryeel wanaagsan marka ay dhaawacyo ka soo gaaraan dagaallada iyo in gacan la siiyo qoysaska dadkii ku dhintay dagaalka.
Hadal telefishan laga sii daayay oo uu qaranka u jeediyay mar sii horaysay, wasiirka gaashaandhiga Barthélémy Simporé waxaa uu ku sheegay in ay jiraan falal yaryar oo ka dhacay qaar ka mid ah xeryaha ciidamada isaga oo tilmaamay in xaaladda taagan sida loo buunbuuninayo aaney ahayn.
Gen Simporé ayaa ku booriyay dadka inay sii wataan howlahooda caadiga ah, isagoo sheegay in dowladdu ay sii deyn doonto faah-faahin dheeri ah wakhtiga ku habboon.Ma cadda halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Kaboré, balse wasiirka gaashaandhigga ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayay baraha bulshada ee sheegaya in la xiray.
Dilkii 53 qof loo gaystay bishii Nufeember oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen Islaamiyiinta dalkaasi rabshadaha ka wada ayaa sare u qaaday carada shacabka ee ka dhanka ah dowladda, waxayna kordhisay sidoo kale cabsida laga qabo in militarigu uu xukunka la wareego si la mid ah kii ka dhacay dalka deriska la ah ee Mali bishii May.Sabtidii, tobanaan qof ayaa lagu xiray magaalada Ouagadougou, kuwaas oo qabtay isu soo bax la mamnuucay oo ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen awood la'aanta dawladda ee wax ka qabashada xagjiriinta.
Mr Kaboré, oo h**e u ahaan jiray ra'iisul wasaare, ayaa noqday madaxweyne ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii sanadkii 2015-kii ka dhacaday dalkaasi.
23/01/2022
Ciidamada Itoobiya oo qorsheynaya inay galaan caasimadda Tigray
ADDIS ABABA — Militeriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna "ka takhalusaan" xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.
Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.
Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ee Fana ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.
“Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto awood naga celinaysa in aan galno, waaynu geli doonnaa, cadawgana waanu ka saaraynaa.” ayuu yiri General Abebaw Tadesse.
Waxa uu sheegay inay isku diyaariyeen sidii ay 'gebi ahaan' meesha ugu saari lahaayen cududda militari ee TPLF, isagoo intaas raaciyay inaysan la gorgortami doonin.
Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayay wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan inaysan u suurta gelin inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo hadalka sarkaalka ciidanka Itoobiya.
Toddobaadkan laba diblomaasi oo Maraykan ah ayaa u duulay Addis Ababa, si ay u riixaan xabbad-joojinta, iyagoo isku dayaya inay dhisaan calaamado muujinaya kalsoonida xiriir dhex mara dhinacyada dagaallamaya, oo ay ku jirto sii deynta maxaabiista siyaasadeed.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee (OHCHR) ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee lagu eedeeyay ciidamada Itoobiya inay ka geeysteen gobolka Tigreega.
Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Ra'isul Wasaare Abiy Ahmed uu doonayo in uu soo afjaro nidaamka federaalka ee ku salaysan qowmiyadaha, halka Abiy uu sheegay in TPLF ay dooneyso in ay la wareegto awooddii qaran ee ay h**e u haysay.
22/01/2022
Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda militari ee xadka Ruushka iyo Ukraine
LONDON — Waxaa isa soo taraya welwelk laga qabo in Ruushku uu ku duulo dalka Ukraine, iyada oo wadamada Midowga Yurub iyo Mareykankuna muujinayaan inay meel uga soo wada jeesan doonaan haddii uu duullaan noocaas ah yimaado.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaqdhaqaaq kasta oo ciidamada Ruushku ka sameeyaan xuduuda Ukrain sheegay in uu ka dhigan yahay weerar, Moskana ay ka shalayn doonto.
20/01/2022
Xiisadda ka dhex aloosan Ruushka iyo Maraykanka ee ku saabsan Ukrain oo xoogeysatay
WASHINGTON — Booqashadii uu ku tagay magaalada Kyiv, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu u xaqiijiyay dadka reer Ukraine in Maraykanku uu garab taagan yahay iyaga oo wajahaya duullaanka Ruushka ee laga yaabo inuu soo dhawaado.
Kadib markii uu Arbacadii la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, ayaa Blinken waxa uu VOA-da kula hadlay magaalada Kyiv isagoo ka hadlay dadaalka diblumaasiyadeed ee Mareykanka ee lagu qaboojinayo xaaladda.
19/01/2022
Militariga: Turkiga oo shaaciyay arrin aan h**ey looga war hayn oo ku saabsan ciidamada Soomaaliya
Wasaaradda arrimaha difaaca Turkiga ayaa markii ugu h**eysey shaacisay arrin aanan h**ey waxbadan looga ogeyn oo ku saabsan kaalinta dowladda Qatar ay ku leedahay arrimaha tabobarka ciidamada Soomaaliya.
Degelka Twitter-ka ee wasaaradda ayaa lasoo dhigay sawirro iyo qoraalo muujinaya saraakiil sarsare oo ka socota militariga dalka Qadar oo tabobar u fidinaya 350 ciidamada kumaandoosta Soomaaliya oo lagu laylinayo xero weyn oo ku taala Turkiga.
Sawirrada ayaa lagu dul qoray jumladahan oo luuqadda Turkiga aan kasoo turjunnay: "Xarunta Tababarka dhanka la dagaallanka argagixisada iyo carbiska (Isparta). Isbuucii saddexaad ee tababarka loo sameynayo 350 askari oo Soomaali ah oo Turkiga jooga, waxaana qayb ka ah tababarka ciidankan xubno ka tirsan ciidanka militariga ee waddanka Qadar."
Tabobarkan saraakiisha Qadar ayaa ku saabsanaa arrimaha argagixiso la dirirka , wuxuuna ka dhacay xero ku taala magaalada Sparta ee dalka Turkiga.
Tabobarka ciidamada Soomaaliya ayaa aad loogu yaqiinay in ay fidiso dowladda Turkiga, balse kaalinta Qadar ee ciidamada waxa ay ahayd mid aanan h**ey looga warqabin, keliya waxa ay dowladda Qadar ku koobnayn arrimaha kale ee siyaasadda iyo dublamaasiyadda la xiriira.
Turkiga iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi militari , iyada oo dowlad kastaba ay saldhig ciidan ku leedahay dalka kale si isweeydaar ah, inkasta oo la sheegay in saldhigga Turkiga uu ku leeyahay Qadar uu weynyahay.
16/01/2022
Sheeko yaroo oo qasal badan 🤣🤣
15/01/2022
Kenya iyo Al-Shabaab: Shan sano ka hor, Siduu u dhacay weerarkii Ceel Cadde?
15-kii bishii January ee sanadkii 2016-kii, oo ku beegan maanta, waxaa saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gudaha Soomaaliya ka dhacay weerar ay mas'uuliyaddiisa sheegteen al-Shabaab.
Dowladda Kenya ma aysan faahfaahinin sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.
Maxaa ka dhacay Ceel Cadde?
Waxay ahayd 15-kii January, 2016 markii kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee magaalada Ceel Cadde.
Dadka magaalada Ceel Cadde ee koofur-galbeed Soomaaliya ku taalla ayaa makrii ugu horreysay soo sheegay weerarka, iyagoo sheegay in Alshabaab ay xilli aroor ah soo galeen magaalada.
Weerarka ayaa ku bilowday qof is qarixyay oo gudaha u galay saldhigga kaddibna dhowr rag oo hubeysan ayaa rasaas furay.
Goobjoogayaasha dhacdadaas ayaa sheegay in dhowr ciidamada Kenya ah la dilay halka kuwo kalena ay duurka galeen.
Balse tani maaha sida ay sheegayaan ciidamada Kenya.
Saldhiggu wuxuu ka kooban yahay labo qeybood - mid waxaa deggan ciidamada Soomaaliya halka kan kalena ay deggan yihiin ciidamada Kenya.
Saacado yar kaddib markii uu weerarku bilowday, korneel David Obonyo, oo xiligaas ahaa afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa ku adkeystay in waxa la qabsaday ay tahay xerada ciidamada Kenya - isla markaana ay ciidamada Kenya u gurmadeen saaxiibbadood Soomaalida ah.
Si kastaba, sarkaal dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa beeniyay arrintaas wuxuuna BBC-da u sheegay in waxa la weeraray ay tahay xerada ciidamada Kenya.
Dad badan, gaar ahaan qoysaska ay qaraabadoodu ku dhinteen weerarkaas, ayaa bilaabay inay is weydiiyaan inay habboon tahay in Kenya ay sii waddo dagalaka gudaha Soomaaliya.
Dowladda iyo ciidamada ayaa ayaa ka aamusay arrintaas iyadoo wararka ku saabsan waxa dhacay la isla dhex marayay.
Waxay dad badan xusuustaan sawirrada meydadka saraakiisha Kenya iyo hubkooda oo la gubay.
What had Kenya gotten into?
Xaaladdu waxay la mid ahayd tii sanadihii 1980-meeyadii markii dagaal yahannada Afghanistan ay meesha ka saareen Soofiyeetka amaba 90-meeyadii markaas oo Mareykanka uu faraha la galay kooxihii ka dagaallamayay Somaaliya kaddib burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Balse Kenya ma aysan is dhiibin - dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa sii socday.
Sida ay Kenya qabto, waxay ku guuleysatay inay wiiqdo awoodda Alshabaab balse waxaa xigay weerarro culus oo lagu qaaday gudaha caasimaddeeda.
Khasaaraha iyo cabsida ay dhaliyeen weerarradaas ayaa loo arkay in Kenya looga aarsanayo dagaalka ay ku jirto.
14/01/2022
Basaasad Shiinees ah oo lagu dhex sheegay baarlamaanka Ingiriiska
Hay'adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ayaa bixisay digniin dhif ah oo ku aaddan haweenay basaas u ah Shiinaha oo ku dhex milantay baarlamaanka dalkaasi si saamayn loogu yeesho siyaasadda UK.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Christine Ching ayaa la sheegay in xiriir qoto dheer u abuurtay xisbiga talada Shiinaha haya ee CCP iyo xildhibaano baarlamaanka UK ka tirsan iyo kuwa hadda rejo badan ka qaba in ay ku biiraan siyaasadda UK>
Waxaa la sheegay in ay lacago ugu yaboohday siyaasiyiin reer UK ah, lacagtaas oo la sheegay in ay badankeed Shiinaha ka timid.
Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib baaritaan dheer oo ay samaysay hay'adda MI5 sida illo xog ogaal ah ay u sheegeen BBC-da.
Mid ka mid ah xildhibaanada ay lacagaha siisay haweenaydan ayaa lagu magacaabaa Barry Gardiner oo heley lacag dhan £420,000, wuxuuna ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, halka Sir Ed Davey oo ka tirsan xisbiga Liberal Democrats uu heley lacag dhan £5,000, xiligaas oo uu ahaa xoghaya tamarta ee Ingiriiska, inkasta oo uu sheegay in qof isaga la shaqeeya yabooh ahaan loogu dhiibay lacagta, haddana ay tahay markii koowaad ee tuhun uu ka galo ujeedka lacagta.
Xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel ayaa sheegtay in ay aad uga walaacday arrinka ah in qof lagu ogyahay in uu u shaqeeyo Shiinaha uu xiriir caynkaas ah la yeesho xildhibaanada.
Sirdoonka waxa ay sheegeen in qof kasta oo xiriir la sameeya haweenaydaas ay ogaadaan xiriirka ay la leedahay xisbiga CCP , islamarkaasna tahay qof h**ey marinaya ajandayaasha Shiinaha.
Xisbiga Shaqaalaha ayaa dhaleeceeyay isku dayada Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in macluumaad dheeri ah uu ka dalbay hay'adda sirdoonka
Sida uu ku waramaya wariyaha BBC-da ee amniga Gordon Corera, Sirdoonka Britain ayaa hadda halista ugu weyn u arka farogalinta Shiinaha, taas oo ka sare martay tii la sheegi jiray ee Ruushka.
Waxaa kale oo jirta welwelka ah in aysan jirin sharciyo ku filan oo arrimahan looga hortago, taas oo horseedday in qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo ay tahay in la shaaciyo halista la ogaado.
Haweenaydan ayaa kasbatay kalsoonida xildhibaanada, iyada oo xitaa wiilkeeda uu shaqo beertiisa ka siiyay mid ka mid ah xildhibaanada.
13/01/2022
Waa kuma dhaqtarka Muslimka ah ee wadnaha doofaarka ku beeray ninka bukaanka ah?
Dr. Maxamed Mansuur Muxyadiin, oo ah dhaqtar u dhashay dalka Pakistan ayaa warbaahinta caalamka qabsaday, kaddib markii isaga iyo dhaqaatiir kale ay wadne doofaar ku beeray nin qabay xanuun dhanka wadnaha ah oo xaaladdiisu ay halis ahayd, sida uu faafiyay taleefishinka Turkiga ee TRT.
Ninkan qalliinka lagu sameeyay oo lagu magacaabo David Bennett oo 57 jir ah, ayay xaaladdiisu geeri qarka u saarneyd.
Dhaqtarka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ilaa 150,000 oo qof oo ku nool gudaha Mareykanka keliya ay sugayaan in xubno kale lagu tallaalo. Intooda badan bukaannadaas ayaa u dhimanaya xaaladdooda haddii aan loo helin xubin kale oo lagu beero, sababtoo ah ma jiraan xubno bini'aadam oo ku filan oo dhammaantood lagu wada talaalo, sida uu dhaqtarku sheegay.
Wuuxu intaas ku daray in shaqadiisa uu diiradda ku saaray uun in dadkaasi loo helo xubin kale oo lagu beero, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Pakistan ee Geo TV.
Qalliinkan taariikhiga ah ayaa guul weyn u ah dhaqaatiirta iyo baarayaasha Jaamacadda Maryland.
Safiirka Pakistan u fadhiya Mareykanka Dr. Asad Majeed Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu Dr. Maxamed Muxyadiin uga mahadceliyay guusha uu ka gaaray in markii ugu horreysay dunida uu wadnaha doofaarka ku beero bani'aadam.
Dr Maxamed ayaa sheegay in warbixinta iyo baaritaanka ay kooxdu sameysay ay mustaqbalka ka faa'iidi doonaan bahda caafimaadka.
"Qalliinka guuleystay wuxuu bixiyay warbixin qiimo leh oo bahda caafimaadka ka caawineysa inay horumariyaan habkan naf-badbaadinta." ayuu yiri.
Dr Mohiuddin ayaa waxaa qalliinka la fuliyay Dr Bartley P. Griffith.
Waa kuma Dr. Muhammad Mansoor Mohiuddin?
Dr. Maxamed waa agaasimaha barnaamijka xubno beeridda ee Jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka. Wuxuu inta badan qaabilsan yahay in xubno xayawaan lagu beero bukaannada aan xaalkooda wax laga qaban karin.
Wuxuu Mareykanka u guuray horraantii sanadihii 1990-meeyadii. Wuuxu sanadkii 1989 ka qalin jebiyay Jaamacadda Dow ee magaalada Karachi ee caasimadda dalka Pakistan, isagoo ka bartay sayniska caafimaadka.
Markii uu tegay Mareykanka wuxuu baayolojiga xubno beerista ka bartay Jaamacadda Pennsylvania, sidoo kale wuxuu beerista dhuuxa ka bartay Jaamacadda Drexel.
Dr Maxamed wuxuu sidoo kale wax ka dhigaa isla jaamacaddaas Maryland.
13/01/2022
Jarmalka oo diiday aqoonsiga caddeymaha Soomaalinimada ee soo baxay wixii ka dambeeyay 1991-dii
Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Germany ayaa dhigay bannaabax ay kaga cabanayaan tallaabooyinka dowladda Germany ay ku sheegtay inaysan aqoonsaneyn wax kasta oo document ah oo dadku ay ku caddeynayaan Soomaalinamadooda ee soo baxay waxii ka dambeeyay 1991-dii.
Safaaradda Soomaaliya oo ayaa iyadana sheegtay in arrimahaasi ay wax ka jiraan balse ay wax ka qabtaan markii lasoo gaarsiiyo.
13/01/2022
PhotoLap: wax ka ogow khatarta ku gedaaman barnaamijkan laga daba dhacay
Maalmihii u danbeeyey baraha bulshada waxaa haystay sawirro loo eekaysiiyey qaab macmal ah ama 'cartoon' ah oo ay isticmaalayeen dadka Soomaalida ahi. Facebook-ga oo ah barta bulsheed ee ay isticmaalaan Soomaalida ugu badani ayaa aad looga dhex arkayey sawirradan oo ku baahay.
Farsamaynta iyo naashnaashida sawirradan lagu habeeyey barnaamij gaar ah ayaa qofka u eekaysiinaysa sidii sawir gacmeed oo kale ama hab ku dhaw.
Sawirradan ayaa ay dadku u isticmaalayeen ku beddelashada sawirka aqoonsiga shakhsiga ah ee loogu talogalay wejahadda qof walba.
Baadhis kaddib barnaamijka ugu badan ee ay dadkaasi isticmaaleen si ay sawirkooda u dooriyaan ayaa ahaa barnaamijka PhotoLab.
Xaggee ayuu ka yimi barnaamijkani?
Photolab ayaan caan ka ahayn keliya baraha bulshada Soomaalida ee sidoo kale dhawaan ayay ahayd kolkii uu dalka Hindiya ku baahay, tan iyo markii la sii daayay. App-kan waxa uu wataa awoodo tafatireed oo soo saaraysa sawir aad u cajiib ah, waxana uu leeyahay qaabab farshaxan oo kala duwan, oo qofka u eekaysan karta marba habka uu doono.
Markii ugu horreysay barnaamijkan waxaa lala xidhiidhiyey in laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa se warkaasi isbeddelay baadhis ay sameeyeen warbaahin dalka Hindiya ah oo lagu ogaaday in aanu la xidhiidhin Shiinaha. Barnaamijkan wuxuu ka yimid Linerock Investments LTD, oo ah shirkad fadhigeedu yahay San Fransisco, Mareykanka.
Shirkadda ayaa ku soo bilaawday barnaamijkan taleefannada loo yaqaan Android sannadkii 2010, iyaga oo wixii intaa ka danbeeyey marba sii horumarinayey.
Waxyaalaha aad ka heli karto shirkadda ee kolka aad furtaba xagga h**e kaaga muuqanaya waxaa ka mid ah 14 barnaamij oo loogu talagalay mobiladada kaas oo kan ugu caansa uu yahay Photo Lab Picture.
Barnaamijkan ayaa lala degan intaas oo milyan oo jeer. Kolka laga hadlayo qiimeynta Google, barnaamijyadeeda mobilada waxa uu ka mid yahay oo badanaa ka muuqdaa 100ka ugu sarreeya in ka badan 10 waddan.
Khatar ma keeni karaan barnaamijyadani?
Barnaamijyadan mobillada ee lala soo degi karo laguna hagaajiyo sawirrada ayaa caan baxay sannadihii u dambeeyay waxaana ay sii noqonayeen xaalad walaac leh oo haysata bulshada.
Sida ay qabaan khubarada ku taxaluqda isticmaalidda aaladahaas waxaa muhiim ah in la akhriyo siyaasadaha khaaska ah oo aad fahanto sababta ay u codsanayaan helitaanka xogtaada gaarka ah.Khubaradu waxa ay sheegeen in apps-kani ay kuu kaydinayaan sawiradaada koobaha xogtooda , maadaama aad u ogolaatay in ay sidaas sameeyaan marka aad rakibayso software-ka adiga oo aan akhriyin shuruudaha ay qabaan.
Si gaar ah kuwooda aan txiraaca lahayn ee laga soo dejiyo meelaha aan la aamini karin waxay noqon karaan khatar, maadaama xaqiijin aanay inta badan xaqiijin codsiyada amniga, sirta iyo arrimaha khuseeya fayrasyada.
Weligay ma akhriyin T&C oo hadda waxaan ku haystaa taleefankayga saddex barnaamij oo sawirrada lagu qurxiyo," ayuu yiri Gunnjan Goyal, oo 16 jir ah, arday ah oo h**e BBC-du ula hadashay. "Waxaan wax ka beddelaa ku dhawaad dhammaan sawirradayda si aan u qurxiyo, mararka qaarkoodna waxaan ka qaadaa sawirro aniga oo isticmaalaya barnaamijyadan waxayna ku kaydsan yihiin goob iyaga u gaar ah"
Ku dhawaad laba sano ka hor baraha bulshada waxaa ku baahay barnaamijka kale ee sawirrada dadka falanqeynta ku sameeya kaddibna natiijo qiyaas ah soo saara taas oo ku saabsan da'dooda.
Dad ay ka mid yihiin Soomaalida isticmaasha Facebook ayaa ka mid dadkii ku daatay barnaamijkaas, kaas oo sida oo kale saadaalin iyo hab nasiib ku so saari jirey waxa qofkuu uu la kulmayo sannadaha soo socda, sida guurka iyo in aad hanti heli doonto oo kale.
Hase yeeshee khubarada ayaa horay uga digay in barnaamijyada qaabkan u shaqeeya ay khatar ku noqon karaan xogta khaaska ah ee qofka, maadaama sawirradiisa iyo cinwaankiisaba uu la wadaagayo shirkadaha leh barnaamijkaas.
Ku soo dhawaada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Suuqliif Street
Mogadishu