Bashka boy2
kani waa page ka saxda ah ee ________.
Sug waxyar 🤣🤣🤣
11/02/2026
Hada ka hor baan arkay video qarxay (viral) oo dad ajnebi ah ay faalo ka bixinayaan. Muuqaalku wuxu ku saabsanaa madaxweyne maamul goboleed oo la soo dhaweynayo. Askarigii salaanta siinayey ayaa wuxuu watay seef alwaax ah oo dhexda midab madow la mariyey geesahana midab cad ( si ay seef ugu ekaato).
Marka qolyaha ajnebiga ah waxay leeyihiin (Somalia is a joke) oo ah Soomaalidu waa dad iska ciyaaraya oo aysan noloshu dhab ka ahayn.
Buugan yar ee sawirka ka muuqda aan iska waraysano.
Masuuliyadaha wadamada xilkaska ah saaran waxaa ka mida in ay ilaaliyaan caafimaadka dadkooda, si taas ay u hubiyaana waa in dadka shisheeye ee dalkooda imaanaya ay caafimaadkooda iska hubiyaan gaar ahaan in ay ka tallaalan yihiin xanuunada sida sahlan loo kala qaado sida cagaarshowga.
Marka, wadamada ay Visaha u ogolaadaan ayey shardi uga dhigaan in ay xanuunadaas iska soo talaalaan goorta ay muwaadininiintoodu u safrayaan dalkaas taxadaraya. Waa adigoo yiri “qolkayga markaad soo galaysid cagaha iska soo dhaq hadii kale ha iisoo galin”.
Soomaaliya maadaama ay xanuuno badan ka jiraan aynuna doonayno inaan safarno visana u baahannahay, wadanadii qaarkood waxay nagu xujeeyeen inaan is talaalno markaan u tagayno iyaga.
Waa sababta buugaan uu u jiro. Buugaan waa caddayn in qofku ka talaalan yahay xanuunada dhexdiisa ku xusan.
Waayahay, inaga inoo imow, sidee yeelnaa.
Horta buugaan dukaamadaa lagu gadaa, taas qabso.
Dukaamadu wax ma talaalaan iyana qabso.
Sida alaabaha kale ee dukaanka yaala ayaa loo gataa, qof isla quman ayaa kuu saxiixaya isagoo aysanba ka qasnayn.
Markii iigu dambaysay ee aan aniga laftaydu isticmaalay dukaan baan ka soo gatay. Goor salaad Cishe ay taagan tahay bay ahayde nin wadaad ahoo masaajidka ku degdegaya ayaa ii saxiisay akoonka lacagta lagu dirayana ii sheegay!
Waxaan damcay inaan dhaho shiikh soo markhaati beena maaha (shahaadatu zuur), misna waxaan iskula hadlay berri baa safraysaaye ninka ha isku dirin!
Dadkii ina aaminay ee yiri is talaala markaad noo imaanaysaan waynu khiyaanay oo been baan u sheegnay, aakhiro waa cadaab oo waa markhaati been ah. Sharafteena iyo aaminaada la inagu qabi karo hoos ayey u dhigaysaa arinkani waana mid ka mida sababaha uu passportkeenu u hooseeyo waayo runta ayaa ku yar qofka wata dowladiisa.
Sida ugu saxan ee aynu samayn karno waa in mashruuca dhowr isbitaal la siiyo. Isbitaalada waa in lagu xushaa hufnaantooda iyo sida ay shaqada uga soo bixi karaan. Waa in ay isbitaaladu talaalaan qofka buugga doonaya.
Isbitaaladu waa in aysan lacag badan ka raadin buugga oo ay khidmad yar oo qof walba awoodi karo ay qaataan.
Intaas hadaan yeelno dad kaftamaya ma nihin.
02/11/2025
“Warbixinta ay soo saartay U.S. Census Bureau waxay muujineysaa in Soomaalida ay yihiin qowmiyadda labaad ee ugu badan ee ku tiirsan cayrta (SNAP) ee Maraykanka, kaddib Afghan. Arrintan waxay dhaawaceysaa sumcadda Soomaalida dibadda ku nool, waxayna muujineysaa in tahriibka lagu doonayo nolol wanaagsan uu mararka qaar keeno ceeb iyo tiirsanaan. Dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya, oo aan dhaqaale ahaan ka fiicnaan lahayn Soomaaliya, haddana dadkoodu marka ay baxaan si ka sharaf badan ayay u shaqeystaan oo u dhistaan noloshooda.”
Maamul goboleedyada somaliya ee hadda jirah, ma caqabad bayku yahiin dalka, miso hormar dhamayso oo nala wadaag fikirkaaga...
Fallow 👈
Africa hadii tahay qaaradda ugu hodonsan aduunka,
Maxaa sabool kadhigay?
Africa dadkeeda maa sabool ah mise ayadaa sabool ah....
Fallow 👈
27/10/2025
Haddii ay Africa hodon tahay maxaa ka dhigay tan ugu sabool san aduunka ?
Waa maxay sababta ugu wayn ee gooni u goosiga ree somaliland ?....
Maxaa sababay in shacabka dagan ree somaliland dhamaan ay isku qadiyad noqdaan oo kawada simay isir nacaybka loo qabo ree Soomaaliya.😱😱😱
Hoos 👇
Fallow 👈
Maxaa ka ogtahay qoraxda cusub ee ay saynis yahanada china sameenayaan hada ee lamagac baxday "artificial sun"
Nuugureeb fikirkaaga dhanka faalada
Fallow 👈🫡
Faadumo ma idinku jirtaa 🤣🤣
La jirka Munasar Maxamed – I just earned their Saaxibadeyda badge!
13/10/2025
“Badda ma aha jid nololeed, waa jid dhimasho. Tahriibku wuxuu cunaa riyooyin, wuxuu baabi'iyaa mustaqbal, wuxuuna ku reebaa qoysas murugo iyo oohin. Ka dooro waddo ammaan ah oo sharci ah, hana gelin noloshaada khatar!”
Click here to claim your Sponsored Listing.