UDUB POST
War la hubo.
25/08/2023
Ra'isul wasaraha dalka ayaa lagu so dhaweyay magala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo dhaweyayay wafidiga ra'isulwasara Xamze Abdi Barre iyo ku xigeenkiisa Airportka magaladda.
25/08/2023
NEWS:
CIIDAMADDA SOMALILAND AYAA SAKAY ISAGA BAXAY GOOJACADDE KADIB DAGAAL ADAG OO KA DHACAY SALDHIGGA IYO NAWAAXIGIISA.
Dadka degaanka iyo ayaa ugu dambeyn la warewgay lamana oga in Somaliland dib usoo weeraro doonto iyo in kale.
01/08/2023
Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay'adda (Save the children),waxaana Wafdigaan hogaaminaayey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee hay'adda Save The Children Waxaana kulanka ku wehlisay
Francesca Sangiorgi Agaasimaha Humanitarianka ee SAVE The Children,
Kulanka ayaa looga hadlay in Save the children hay’ada SoDMA ka caawiso in Qorsho loo sameeyo Fatahaado laga cabsiqabo in ay ka dhacdo qeybo kamid ah dalka,ka qey qadashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay'adda maareynta musiboyinka,Dardargalinta mashaariicda iyo xiriirka labada Hay’addood,waxaana kulanka kadib kormereen xubnahaan qeybo kamid ah xafiisyada Hay'adda Maareynta Musiiboyinka.
03/02/2023
Madaxwaynaha ugu beenta iyo musuqmaasuqa badan ee 2022 Ahmed Abdi Kaarie
24/01/2023
Jamal Muhumed Osman
23/01/2023
Jamal Muhumed Osman
17/01/2023
Ha talaalin bidaarta
Abwaan Goos Gooste tix gabay BARAARUG
17/10/2022
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka.
Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka iyo dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.
17/10/2022
Wasiirka difaaca XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku boorriyay in dar dar-dar galiyaan Howlgalada lagu Ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
17/10/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.
“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed."
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Taleex
Mogadishu
011