Eng. Kooke

Eng. Kooke

Share

Eng. Ismail Mohamud Mohamed (Kooke)

Eng. Kooke

waa mareegtada lagu gaarsiiyo Cilmiga Bulshadda.

30/03/2024

Nin walaal kii ii hiili yiri Hoog Allah badaye !

23/03/2023

I have reached 500 followers! Thank you for your continued support. I could not have done it without each of you. 🙏🤗🎉

20/11/2022

https://youtu.be/QiUeX49ePvE

Subscribe and like share your Facebook Mudanayaal waxaan idiin diyaari doona cashiro Ingilish ah si aad barashadda inglishka sare ugu qaaadaan

Photos from Eng. Kooke's post 08/11/2022

Maxaa Dhacaya Haddii Quraacda Laga Boodo?!
Quraacdu waa cuntada ugu muhiimsan ee la cuno, waxay jirka u tahay shidaal iyo il aasaasi ah oo laga helo tamar iyo firfircooni si qofku uu si wanaagsan ugu qabsado howl-maalmeedkiisa, waxaana muhiim cuntada subiixii la cunayo inay ahaato mid nafaqo leh oo caafimaadka uroon.
Waxaa quraacda laga helaa nafaqo sida fiitamiinno iyo macdano muhiim ah oo jirka siiya firfircooni, maskaxdana ka caawiya inay awood u yeelato iska caabbinta niyad-jabka iyo culaysyada kale.

Dad badan ayaa waqtiga oo ku ciriiri ah darteed aan subaxdii quraacan, ama aaminsanba in quraac la’aantu miisaanka ka dhimayso!
Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in quraacda oo laga tago ay tahay arrin halisteeda leh oo horseeda xanuunno badan. Quraac la’aantu waxay sababtaa caajis badan, xanaaq iyo ufiirsiga oo qofka ka luma.
Qoraalkan waxaan ku soo qaadanaynaa xanuunnada laga qaado quraac la’aanta subaxdii taas oo lagu xaqiijiyay cilmi baarisyo kala duwan oo la sameeyay:

Kororka buurnida:

Waxaa la xaqiijiyey in quraacdu ay jirka u ilaaliso miisaanka caafimaadka qaba, oo haddii uu qofku ku dadaalo nooca cunto ee uu cunayo iyo xaddiga uu ka cunayo ay hubaal tahay in miisaankiisu uusan ka kordhayn intii loo baahnaa. Quraacdu waxa ay xakamaysaa gaajada maalintii oo dhan, waxayna qofka fursad u siinaysaa in uusan qadada isku badin, maadaama oo uusan gaajo badan dareemayn kol haddii uu quraacday. Quraacda oo laga boodo waxay sababtaa qofku inuu iska badiyo cuntada maalinta inta hartay taas oo kordhisa halista buurnida.

Xanaaq badan:

Quraac la’aantu waxay sababtaa daal badan iyo in qofku uu si fudud u xanaaqo. Caloosha marka ay maran tahay waxaa qofka ku yaraada xasiiloonida iyo dulqaadka. Dadka quraacda way ka firfircoon yihiin wayna ka dareen wanaagsan yihiin kuwa quraacda ka booda.

Khatarta cudurrada wadnaha:

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka quraacda ka taga ay kaga halista badan yihiin xanuunnada wadnaha ku dhaco kuwa iyagu sida joogtada ah u quraacda subax kasta. quraacdu waxa ay ka qayb qaadataa hoos u dhigidda heerka kalastaroolka aan fiicnayn ee dhiigga raaca, yaraynta dhiig karka, wadne xanuunka. Quraacdu waxa ay ka hortag fiican u tahay inta badan ee xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, gaar ahaan marka qofku uu joogteeyo jimicsiga.

Khatarta cudurka macaanka nooca 2-aad:

Daraasad la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in dumarka aan quraacanin ay 54% kaga halis badan yihiin cudurka macaanka noociisa 2-aad dumarka quraacda. Quraac la’aantu waxay kordhisaa khatarta cudurka macaanka nooca 2-aad, khaasatan dumarka.

Hoos u dhaca awoodda maskaxda:

Cilmi baaris lagu sameeyay caruur dhigata dugsiga hoose, ayaa lagu arkay in caruurta dugsiga yimaada iyagoo aan soo quraacnin xusuustooda dhow ay ka hoosayso marka loo barbar dhigo caruurta iyagu soo quraacday. Waxaa kaloo quraac la’aanta laga qaadaa hilmaan badan iyo heerka fahamka oo hoos u dhaca.

Madax xanuun iyo madax farad:

Quraac la’aanta waxa ay keentaa in sonkorta dhiigga ay hoos u dhacdo, taas oo kicisa hormoonnada taas iyaduna kordhisaa cadaadiska dhiigga ugu dambeyna sababta madax xanuun iyo madax farad.

Gaaska:

Quraac la’aantu waxay kordhisaa heerka aash*tada caloosha waxay kicisaa gaaska, aash*tadu waxay xanuujisaa xuubka caloosha marka aysan ku jirin wax ay burburiso ama shiiddo.
Noocyada quraacda ee la ammaano waxaa ka mid ah boorashka, cuntooyinka heedda ama qamandiga ka samaysan iyo khudradda.

27/04/2022

Taliyaha ciidanka Xooga iyo Taliyaha Police iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Wasiirka Amniga AMA Wasiirka Gaashaandhiga warkooda Daaye waxaa shaqada ka Hakin karo Agaasimaha Wasaaradda Hadii wada shaqeen la aan ka Timaado, AMA Dayac mas uuliyadda amniga . Doodada ah waa sax in aay san magacaabin lkn Taliyaal Wasaaradaha aay ka shaqeeyaan aan ka amar qaadan waxaa lagu sameen karaa shaqa ka joojin waaan tii dhaqan gashaa.

Lkn shardigu ku xiran waa in uu Raisulwasaraha ama Madaxweynaha aay sharciga Baal Marin aay San u Hor istĂ agin shaqa kajoojinta wasiirka ama Wasiir ku-xigeenka AMA wasiiru dowlaha Taliyaha ayaa Dana gaar ah ii haayo wasaaradda iyo Mas uuliyadda amniga Dalka maxaa iga galay Danteyda ayaa iiga muhiimsane! Taasna waxaa kadhalan karo isla xisaabtan la aanta Dalka Heysato.

Agaasime , wasiiru Dowlaha, Wasiir ku-xigeenka iyo wasiirka Xaq uma laha in aay magacaabaan Taliyaasha Kor ku xusan lkn waxeey Xaq u leeyihiin In loomagacaabo Taliyaal ka amar qaato Si aay ula xisaabtamaan Taliyahana Qudhiisa loo shego Mas uulka laxisaabtamayo uu ka amarqaadanayo inuu yahaya musuuliyiinta kor kuxusan Hadii wada shaqeentooda wanaagsanaa weyso aay kajoojin karaan shaqada Xaqna U leeyihiin !

Sidee Amniga masuul uga tahay wasaarad aan Gacanta ku hen Taliyaha Police iyo Taliyaha Cidanka Xooga !
Madaxweyna I magacaabay maha Hooshu madaxweynuhu wuxuu kuu magacaabay inead Madaxda wasaaradaada ka amar Qaadato !

Photos from Eng. Kooke's post 22/04/2022

Hello Ceelwaaq(Gedo)

Xildhibaan Eng. Cabdullaahi Abuuukar Xaaji(Cabullaahi Carab)

21/04/2022

GALMUDUG WAXEEY U BAAHANTAHYA AQOON YAHAN HOGAAMIYE EE UMA BAAHNO AQOONYAHAN JAAHIL HOGAAMIYE!

20/04/2022

Waxaa la qaaday sawirkaan waqti laga joogo ku dhawaad 5 sano .

Waa asxaab ku bahowday u adeegida Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug . Waa qaar ka mid shaqaalihii iyo barayaashii ugu horeeyay ee loo diray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraceeda Galmudug ee Degmada Caabudwaaq .

Midig : Ismail Mohamud Mohamed Kooke Madaxa Teknoolijiyada JUS -Galmudug
Diiwaanhayaha JUS -Galmudug
Said Yassin Bare ka tirsanaa Kull.Culuumta Caafimaadka

Bidix : Tabaarak Cumar Xirsi Bare katirsanaa Kull. Shareecada iyo Daraasadka Islaamka.

Waxaa xusid Mudan in Walaalkey Ismail Mohamud Mohamed Kooke aan wali wada joogno Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug ee Degmada Caabudwaaq , halka Saaxiibada kale shaqada Bulshada ay ka hayaan Meele kale .

Waqti iyo Waayo Xusuus Mudan .
-Galmudug - Caabudwaaq 2018 .

: Cadceed Cabdisamad

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Maka Almukarama
Mogadishu