Hecter Agri Tech
Hecter Agri Tech Waa Shirkad Ka shaqeeysa horumarinta Dalagyada , Dhismaha greenhouses iyo waraabka .
26/05/2026
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa. Ciid Mubaarak!
Allaha naga aqbalo acmaasha wanaagsan, ducada iyo cibaadada maalmahan kheyrka badan.
24/05/2026
Maamulaha Guud (CEO) ee Shirkadda Hecter Agri Tech, Hassan Hussein Mohamed, ayaa ka qeybgalay Somalia National Food Systems Pathways Review Dialogue, oo ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hayโadaha dowladda, ganacsatada, iskaashatooyinka, iyo hayโadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo nidaamyada cuntada ee Soomaaliya, sida FAO, WFP, iyo UNICEF.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, hal-abuurka, iyo dejinta istiraatiijiyado waara oo lagu horumarinayo sugnaanta cuntada, waxsoosaarka beeraha, iyo tayeynta nidaamka cuntada si loo taageero bulshada Soomaaliyeed.
21/05/2026
Madaxda Sare ee shirkadda Hecter Agri Tech ayaa u magacaabay Mudane Hassan Hussein Mohamed Maamulaha Guud ee Shirkadda .
Mudane Hassan wuxuu leeyahay aqoon waxbarasho iyo waayo-aragnimo shaqo oo xooggan, isaga oo leh in ka badan 5 sano oo khibrad ah dhinacyada horumarinta beeraha, maamulka beeraha, iyo hoggaamin maamul, taas oo uu shirkadda ugu soo kordhinayo aqoon iyo khibrad muhiim u ah koboca iyo hawlaha shirkadda.
19/05/2026
Madaxa IT-ga iyo maamulaha Waaxda Degital-ka Ayman Ali ayaa ka qeybgalay AGITEX Africa . Shirkan wuxuu diiradda saarayay tiknoolajiyadda, isbeddelka dhijitaalka ah, isticmaalka aaladda macmalka ah (AI), beeraha casriga ah, iyo hal-abuurka lagu dardargelinayo koboca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee Afrika.
Intii uu shirku socday, Ayman wuxuu la kulmay hoggaamiyeyaasha tiknoolajiyadda, maalgashadayaasha, iyo hal-abuurayaasha si loo xoojiyo teknoolajiyada casriga ah ee beeraha iyo xalalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Ayman Ali wuxuu matalay aragtida shirkadda ee isku xirka beeraha iyo tiknoolajiyadda.
Bay Iyo Bakool Baydhaba Ma Aragteen ๐๏ธ๐๐ฑ๐
Waxaan ku faraxsanahay inaan ka hirgelinno mashaariicdan casriga ah ee Greenhouses magaalada Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ๐ธ๐ด, annagoo u dhisnay macaamiisheena qiimaha badan Amina Mohamed.
Beerahaan waxay astaan u yihiin hal-abuur, horumar waara, iyo mustaqbalka beeraha Soomaaliya. Waxaa loo dhisay si ay u taageeraan suuqa magaalada baydhabo iyo waxsoosaarka sanadka oo dhan.
Wac & Booqo:
Nagala soo xiriir si aad u bilowdo beerashada casriga ah.
๐Muqdisho | Whatsapp +252615324817 ama 252 613276528 |
๐hecteragritech.com
03/05/2026
Hargeysa, Somaliland ๐๐ซ๐
Waxaan si sharaf leh uga hirgelinnay 3 aqal-beereed (greenhouses) casri ah macaamiilkayaga Liban Ali gudaha Hargeysa, kuwaas oo lagu beeray in ka badan 8,000 oo geed.
Hadafkeennu waa xoojinta sahayda khudaarta fresh-ka ah, abuurista shaqooyin, iyo horumarinta beeraha casriga ah si loo dhiso mustaqbal waara oo barwaaqo leh.
Maanta Bilow Ganacsiga Beeraha Casriga Ah ๐ฑ
Beeraha Greenhouses waxay hubiyaan waxsoosaarka tayo leh , isticmaalka biyaha si hufan, ilaalinta caafimaadka Dalagga, dhimista khasaaraha, iyo in wax badan laga soo saaro dhulkii h**e loo haystay.
Waa waddo waxsoosaar badan oo horumar leh.
Wac & Booqo:
Nagala soo xiriir si aad u bilowdo beerashada casriga ah.
๐Muqdisho | Whatsapp +252615324817/ ama 252 613276528 |
๐hecteragritech.com
Daawo Isbeddelkan ๐๐ฑ
Dhul madhan Ilaa beer casri ah oo waxsoosaar leh ๐ซ๐
Waan naqshadeynaa , Waan dhisnaa , Waana beernaa.
Noogu imaawโฌ๏ธ
Greenhouse Tunnel casri ah
Farsamooyin beerasho oo cusub
Cunto tayo sare leh
Wac & Booqo:
Nagala soo xiriir si aad u bilowdo beerashada casriga ah.
๐ Muqdisho | Whatsapp ++252615324817/m ana 252 613276528 | ๐
26/03/2026
๐๐๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐ ๐ฑ๐จโ๐พ๐ธ๐ด
Waxaan si rasmi ah ugu soo gabagabeeynay magaalooyinka Afgooye iyo Baydhaba ee Koofur Galbeed Soomaaliya , Dhismaha Greenhouses ku shaqeeya nidaamka Hydroponic, kuwaas oo qeyb ka ah horumarinta beeraha casriga ah.
Mashruucaan waxaa lagu hirgeliyey iskaashi, iyadoo la isku daray khibradda shirkadeena , tiknoolajiyadda cusub iyo taageerada hayโadaha horumarinta . si loo kordhiyo waxsoosaarka, loona xoojiyo adkeysiga deegaanka iyo sugnaanta cuntada.
.
Ciid Mubaarak , dhamaan Macaamiisheena Qaaliga ah ๐ถ๏ธ๐ฅ๐
๐ธ๐ด
Waxaan ku jirnaa howlgal aan ku soo saarayno khudaar tayo leh, isla markaana inagga oo hubinayno in dalka uusan ka dhicin cunto xumo xilliyada kala duwan.
Sababtoo ah qoys kasta wuxuu mudan yahay cunto cusub oo caafimaad leh sanadka oo dhan.
19/03/2026
ุงููู ุฃูุจุฑุ ุงููู ุฃูุจุฑุ ุงููู ุฃูุจุฑุ ูุง ุฅูู ุฅูุง ุงูููุ ุงููู ุฃูุจุฑุ ุงููู ุฃูุจุฑุ ูููู ุงูุญู
ุฏ
Ciid waaagsan Dhammaan Beeraleeyda, Bulshada Soomaaliyeed, iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka Waxaan idiin kugu hambalyeeynaynaa Ciid wanaagsan oo farxad leh Ilaahay ha inaga aqbalo cibaadadii ramadaanka .
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Taleh
Mogadishu