Ibrish ragow
Kuso dhawaaw xikmada iyo shekoyin gagaban mahadsanid
Sheeko
Beri baa nin waxa uu u keenay nin weelasha qora geed weyn jirridii.
Waxa uu ku yiri. Waxaad geedkan iiga qortaa Mooye aan badarka ku tunto.
Ninka weelasha degmada u qora waxa uu ahaa nin xirfadiisa ku shaqeysta, laakiin aanay sancadiisu wanaagsaneyn.
Ka dib markii ay ninkii geedka watay lacagtii shaqada uu ku qaban lahaa ay ku heshiiyeen. Markiiba waxa uu billaabay inuu shaafo geedkii weynaa, si uu mooye ugu qaabeeyo.
Nasiib darro gudintii ayaa ka daftay geedkii. Markii uu labada dhinac ka eegayna waxa uu arkay in uu Mooye ka yaraaday.
Ninkii Mooyaha dalbaday oo agfadhiya ayaa inta uu eegay waxa uu ku yiri " Hadda mooye ma noqonayee sug waxaan kaaga dhigayaa dhiil dhawrto ah oo aad caanaha ku shubato.
Ninkii mooyaha dalbaday oo yaab indhaha la taagaya ayaa yiri " Haye bal wad."
Ninkii geeda qoraha ahaa xoogaa markii uu dhinac walba jirridii ka hoobiyey, ayaa inta uu sidaa u eegay waxa uu ninkii ku yiri " Hadda dhiil ma noqonayo oo wuu ka yaraadaye sug waxaan kaaga dhigayaa Dhakal aad geela ku maasho!
Ninkii Mooyaha dalbaday oo caro dilaaci raba, oo hadalkii ku dhegay ayaa madaxa u gundhiyey.
Ninkii geeda qoraha ahaa oo labada bowdyood markan qaawistay fadhigana suubsaday, isaga oo ka sheekeynaya qibradda uu u leeyahay weelal qoridda ayuu mar keliya sidaa u eegay wixii uu qorayey.
Ka dibna ninkii ayuu eegay waxa uu ku yiri; Dhakalna wuu ka yaraadaye. Bal sug waxaan kaaga dhigayaa Koor Aleel ah oo aad hasha hoorka ah ku xirto.
Ninkii Mooyaha rabay oo nin dulqaad badan ahaa ayaa qosol gariir ku dhuftay. Ka dibna madaxa gundhiyey.
Ka dibna ninkii geeda- qoraha ahaa waxa uu soo dhaweystay dhagaxii uu geedka saartay. Si qumaati ahna wuu u fariistay. Ka dibna inta uu ninkii geedka mooyaha iiga qor yiri sidaa u eegay, ayuu ku yiri " Maanta si bay wax naga yihiine Koorna wuu ka yaraaday. Sug bal waxaan kaaga dhigayaa Fandhaal, aad soorta ku cunto.
Markii ay halkaa mareyso ayaa ninkii mooyaha doonayey oo quustay fandhalkiisi labaxsaday
Hantiyeey macaan wamidan hooy laga oraneeey helayooo
@ Gaariga ninkii wadi jiree garan haloodayoo
ninki gani jiree garan halodaayo
ceelka ninka kaa ogee garan halodaayo
Waxaa tiriyay ooy maskaxdisa kaso maxatay nin an xitaa farsomali qori karin
Waxayna kamisan culustahay kuwa aqonyahanin sheegta oo phd an ahay melaha isla taaga buug ay diyariyen oo 500 oo page kakoban
jimco wanaagsan
07/11/2024
*Boqorkii malaay dabi midgaan xerag dhigta dhama
*Miyirkan xumaha kaduweeyn maradhiga dhanta
* walalkan mishawiro laheeyn maqanahaa dhama
02/11/2024
Qayb kamida qalabkii h**e ee somalidu isticmaali jirtay
15/05/2024
Heesaha lo’da oo aan ahayn kuwo u shaac baxay sida kuwa geela, waxaa hubaal ah in ay xambaarsan yihiin murti, xaddaarad, ogaal iyo bisayl nololeed oo ay keentay nuglaanshaha lo’du.
[1].
Sacii dhiiniyo
Naag dhabeelina
Way dhalaalaan
Sacii booriyo
Naag basariyana
Bawdadaa weyn
Oo bogaa shilis.
[2].
Muquuniyo bixin
Maalis iyo hilib
Waan ismudanoo
Wallee magadoow
Midna kuma samid.
[3].
Haduu ceelkiyo
Cawska tiigsado
Oo cagoog maro
Oo cidiyo jabo
Caro gaajoow
Caydhi goyn noqoy.
[4].
Xayro sheeggii
Kuu xiddigin jiray
Xareed baridiyo
Xays inoo sheeg.
[5].
Diinoow dhaxan gude
Dhawrsan mayside
Yaan dhurwaayadu
Dhexda kaa helin
Oo ku dhaawicin.
[6].
Wanaagsane weris
Weyl uu xalay dhalay
Wiil lamoodyoo
Loo wanqali gaadh.
[7].
Hadduu Gamasbari
Gadaal uga fulo
Oo Garfaalana
Geedo ka hargalo
Gaadda weecshow
Garoob naagiyo
Geel ma siisteen!
[8].
Hoog inaad tahay
Oo haraa tahay
Aad lo’da hardido
Aad hor cabtana
See u helasaa!
[9].
Caanahaagiyo
Ciidan gabar weyn
Waa caleen haddi
Oo ciyoon dhace.
[10].
Adoo casarkii
Soo cadceedsaday
Libaax coofliyo
Caynab lagu mood
Oo lagaa carar!
Xigasho biciid
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the establishment
Telephone
Website
Address
Mandera