Radio Ramaas

Radio Ramaas

Share

Ku soo dhawaada Page ka Rasmiga ah ee Radio Ramaas.

Waa Idaacad Xooga saarto Arimaha Waxbarashada, Caafimaadka,Ganacsiga iyo u doodida Xuquuqda Haweenka Waxaad naga Dhageysan kartaan Mowjada FM 89.7MHTZ -Kismayo -Somalia

18/05/2026

Soomaaliya waxay noqotay dalka kaliya oo maalintii saddexaad aan lahayn;
Madaxweyne sharci ah
Guddoomiye Gole Shacab oo sharci ah
Guddoomiye Aqal Sare oo sharci ah
Iyo xukuumad macmal ah

Madaxweynihii h**e Xasan Sheikh wuxuu qaatay laba go'aan; inuu iska joogo ama la isdilo. Labadaba dan uguma jirto dalkeenna iyo dadkeenna.

Maxaad u aragtaa xalka?

18/05/2026

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in, illaa iyo hadda, aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Maxkamadda Sare.

17/05/2026

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in bisha carfo ay bilaabanayso Isniin, 18 Bisha May 2026.

17/05/2026

54 dal ayey ka kooban tahay Africa. Soomaaliya waa dalka kaliya oo African ah, oo aan lahayn maalintii 3aad madaxweyne iyo Baarlaman sharci ah. Madaxweynihii h**e Xasan Sheikh ayaa qaatay laba go'aan; inuu sharcidarro ku joogo ama Soomaalidu isdisho.

Yaa kula taliyey Birmadaha inuu sameeyo ismiidaamin aan h**e loo arag? Waa hubaa inuu DARBI ku tegi doono.

16/05/2026

DEG DEG: Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya gashay 'kala-guur', iyada oo u soo jeedisey DFS in ay mudnaanta siiso in la gaadho is-afgarad doorasho oo la fulin karo.

QM waxay wax laga xumaado ku tilmaantay burburka ku yimi wada-hadalladii Xalane, waxayna siyaasiyiinta Soomaalida ku boorrisey in ay isu yimaaddaan, iyada oo Beesha-caalamkuna diyaar u tahay xallinta xiisadaha Soomaalida.

15/05/2026

Shirkii Muqdisho uga socday Mucaaradka iyo Dowladda ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii laysku fahmi waayay arimaha doorashooyinka sida xoguhu sheegayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dowladiisu ay qabanayso doorasho qof iyo cod ah halka Mucaaradkuna ay ka biyadiideen.

Waxaa la filayaa in Hogaamiyayaasha mucaaradka saacadaha soo socda ay yeeshaan kulamo looga hadlayo xaaladdda dalka, maadaama fashil uu ku soo dhamaaday kulanka labada dhinac.

Beesha Caalamka oo iyadu gar wadeyn ka ahayd kulamadan ayaa waxa ay soo saari doonaan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan shirkii sadexda maalin ka socday Muqdisho ee fashilku ku soo dhamaaday.

15/05/2026

"Mudda Xileedka Madaxweyihii 10aad wuu dhamaaday, Dalka wuxuu Ku jiraa firaaq Dastuuri ah, wixii hadda ka dambeeyana madaxweynihii h**e talo danbe oo looga fadhiyo ma jirto." Xil Yuusuf

14/05/2026

Doorashadii ugu h**eysay ee la qariyey natiijada Goobaha, center-da, degmooyinka balse lagu dhawaaqay codka guud iyo kuraasta, kadibna lagu habeynayo codkaa 276-da goobood

Photos from Radio Ramaas's post 14/05/2026

Dagaal qaraar oo u dhexeeyay ciidamada DFS iyo kuwa taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Duleedka magaalada Baydhabo, waxaana la soo weriyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60 Xoogga Dalka,Cali Caddow, iyo Taliyihii guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Yoonis Aadan. waxaana isa soo taraya xogta khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dagaalka maanta ayaa waxaa qaaday ciidamo taabacsanaa Madaxweynihii h**e ee Koofur galbeed Cabdi casiis Lafta gareen.

Wixii ku soo kordha la soco

14/05/2026

BAYDHABO; Iska Horimaad hubeysan oo dhimasho Saraakiil sabab ayaa dhacay.

Want your business to be the top-listed Media Company in Kismayo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Kismayo