Eng Mohamed Rashid Aden

Eng Mohamed Rashid Aden

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Eng Mohamed Rashid Aden, Digital creator, 115 West Buckeye, Hargeisa.

Innovating the Future, One Line of Code at a Time
We create smart software, web & mobile apps, and digital solutions that empower businesses and simplify lives.

20/08/2025

FARXAD IIGU NOOLOW ABID !

Haddii aan awoodo inaan farxadda adduunka oo dhan ku soo ururiyo, waxaan ka sameyn lahaa ubax weyn oo aan gacmahaaga saaro, si aad u dareento quruxda iyo diirimaadka ay noloshu kuu hayso. Laakiin boqoradeydiiyey, xitaa haddii aanan awoodin inaan dunida oo dhan beddelo, waxaan awoodaa inaan qalbigaaga ku abuuro farxad joogto ah, farxad ka dhalata kalgacaylka daacadda ah ee aan kuu hayo. Ma jirto maalin aanan rabin inaan noqdo sababta aad u dhoola caddeyso, xitaa haddii ay aduunka intiisa kale madow noqoto waxaa ii daran adiga farxadaada.

Marka aan indhahaaga fiiriyo, waxaan arkaa sheeko aan dhammaad lahayn sheeko ka bilaabatay qalbi aan garanayn waxa uu raadinayo ilaa uu adiga ku arkay oo uu nafta ag dhigtey. Waxaad i bartey in jacaylku uusan ku koobneyn hadallo iyo ballanqaadyo, balse uu yahay ficil iyo joogitaan. Waxaan rabaa inaan noqdo qofka aad ku tiirsan karto marka daruuraha madow soo fadhiyaan, iyo qofka kula qosla marka qorraxdu cirka ka soo baxdo. Aniga iyo adiga, waxaan rabaa inaan ku noolaanno sidii laba qalbi oo isku mid ah, oo aan kala go’ lahayn.

Jacaylkaygu ma aha mid la cabbiri karo, mana aha mid ku xaddidan xilliga wanaagsan oo keliya. Waa mid ku socda maalmo adag iyo habeenno dheer, mid kaa daweyn kara dhaawac kasta oo qalbigaaga soo gaadha, mid aan ka xishoonin inuu dunida ugu dhawaaqo in aad tahay qofka ugu qaalisan ee naftayda iyo noloshaydaba ku jira. Adiga awgaa, waxaan ogaaday in noloshu ay leedahay macne ka weyn wax kasta oo aan h**e u maleeyay. Waxaad iga dhigtay inaan fahmo in qofka saxda ahi uu yahay iftiin ku hanuuniya naftaada iyo dareemahaaga xataa jidka ugu madow.

Boqoradeydiyey, waxaan rabaa inaad ogaato in aanan rabin oo keliya inaan ku farxad geliyo maanta, ee aan rabo inaan qalbigaaga ku dhiso guri ammaan ah oo jacaylka iyo farxadda ku saleysan, guri aan la dumin karin. Waxaan rabaa inaad ku noolaato adiga oo og in aad leedahay qof diyaar u ah inuu la dagaallamo murugadaada, uu ilaashado riyadaada, oo uu ku garab istaago xitaa marka aad ka shakisan tahay naftaada. Farxaddaada iyo nabadda qalbigaaga ayaa iga mudan wax kasta oo kale.

Marka ugu dambeysa, haddii waqtigu ii oggolaado inaan hal ilbiriqsi weligey ku haysto, waxaan dooran lahaa ilbiriqsiga aan ku arko adiga oo roobka dhexdiisa ku qosolaya, gacantaydana iigu jira, indhahana igu eeganaysa adiga oo aan ka fikirin wax kale. Haddii adduunka oo dhan uu ii noqdo mid madhan, jacaylka aan kuu hayo ayaa noqon doona hanti aan ku noolaan karo weligeey. Inta aan noolahay, boqoradeydiyey, waxaan balan qaadayaa inaan kugu ilaalin doono farxad, sababtoo ah adigu waxaad tahay sababta ugu weyn ee qalbigaygu uu wali u garaacaymayo...🩷👸🫀🫂

wq:mohmeyrazhit✍️🏽

20/08/2025

Ma jiraa kelmad dhaxal gal oo aad ka heshay buugan, haddii ay jirto joos nagula wadaag fadlan..!

20/08/2025

Dhalinyaro ahaan reer somaliland marka aynu qabiilaysiga ka baxno maxaa inoo dan ah dawlad ciro weli doorkeeni miiska may saarin.!

17/08/2025

Asxaabteyda qaaliga ah, waxaan idiinku wargelinayaa in aan hadda furtay bog cusub oo rasmi ah oo aan halkaas ku sii wadaagi doono xogaha, fikradaha iyo waxyaabaha xiisaha leh ee aan h**e ugu wadaagi jirnay. Boggan cusub waxaan u dhisay si aanu ku kala qaadano waayo-aragnimo ka wanaagsan middeenii h**e.

🙏 Waxaan si kal iyo laab ah idiinka codsanayaa inaad igu soo biirtaan oo safarkan cusub aad igu soo raacdaab, si xiriirkeenii h**e aanu u lumin. Saaxiibtinimadiinnu waa waxa ugu weyn ee aan qiimeeyo, waxaana rajeynayaa inaan halkan ku wadaagno farxad, aqoon iyo sheekooyin badan oo qurux badan.

⏯️ Mohmetrazhit

17/08/2025

"Hello everyone! 😊 Today, I’m starting to develop a new software that will serve both me and you. I’d love your help with ideas: what would you like this software to do, or how can it be most useful for you? Your feedback is very important!"

17/08/2025

Here is my own Page really🙏

Want your business to be the top-listed Media Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


115 West Buckeye
Hargeisa
45810