MASAF
MASAF stands for a creative environment and space to thrive the youth and the vulnerable groups.
23/03/2023
MASAF waxay ugu hambalyeynaysaa ummada Muslimiinta ah dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan. Waxannu idiin rajaynaynnaa soon caafimaad qaba iyo cibaado suuban.
21/03/2023
MASAF wuxuu soo agaasimay madal lagu falanqaynayay khatarta xanuunnada maanka iyo sida ay haweenku ugu nugul yihiin. Madashan ayaa kulmisay dhakhaatiir ku takhasusay xanuunada maanka, hablo la soo tacaalay xanuunada dhinaca maanka, hablaha u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo arday ku jira jamacadaha. Intii falanqayntu socotay, waxa lagaga faallooday sidii loo dabarjari lahaa boogeynta iyo dhaliil-u-yeelidda dadka la nool xanuunada maanka, taas oo loo bahanyahay in lagu beddelo dhaqan salka ku haya isku naxariisasho, la dareen noqosho iyo aminaad.
Ururka MASAF ayaa ka qayb galay madal uu soo agaasimay Xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa, taas oo ujeeddadeedu ahayd soo bandhigida hal-abuurka ganacsi ee ay sameeyeen hablaha dhallinyarada ah. Madashan ayaa ahayd mid ku sidkanayd xusidda ‘Maalinta Calaamiga ah ee Haweenka’.
13/03/2023
Ururka MASAF ayaa ka qayb galay madal uu soo agaasimay Xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa, taas oo ujeeddadeedu ahayd soo bandhigida hal-abuurka ganacsi ee ay sameeyeen hablaha dhallinyarada ah. Madashan ayaa ahayd mid ku sidkanayd xusidda ‘Maalinta Calaamiga ah ee Haweenka’.
08/03/2023
Happy International Women’s Day to all the Women who are instrumental and indispensable in our endeavors to have a society in which human dignity and rights are secured and materialized.
05/03/2023
Ururka MASAF ayaa soo agaasimay kulan ay xubno ka mid ah ururrada dhallinyarada Somaliland, dhalinyarada leh hal-abuurka farshaxanka iyo curinta arrimaha la xidhiidha dhaqanku ay la yeesheen wefti ka socda Mac-hadka Goethe xaruntiisa Kiiniya oo kala ahaa agaasimaha Mac-hadkaas Lilli Kobler iyo madaxa waaxda dhaqanka Sheila Kenounga. Kulankaas dulucdiisu waxay ahayd isxog-wareysi iyo aasaaska xidhiidh joogto ah.
04/03/2023
Guddoomiyaha golaha sare ee MASAF Yaasmiin Maxamed Kaahin iyo agaasimaha fulinta Liibaan Maxamed Faarax, ayaa xafiiska ururka kulan kula yeeshay wefti ka socday Mac-hadka Goethe ee Kiiniya oo ay hoggaaminaysay Agaasimaha Mac-hadkaas Lilli Kobler. Weftiga iyo masuuliyiinta ururku waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha shaqada ururka iyo guud ahaan waxqabadyada dhallinyarada ku xidhan madasha MASAF.
28/02/2023
Ururka MASAF waxaa uu tababar hal maalin ah oo ku saabsan ‘Habcurinta xogta iyo tayaynta isticmaalka baraha bulshada’ u qabtay hablaha iyo haweenka leh hal abuurka.
Intii tababarku socday waxay ka-qaybgalayaashu ka faa'ideen sida loo abuuro xogta, sida loo maamulo mareegaha baraha bulshada, xalinta caqabadaha xog-samaynta iyo xog-ururinta ee soo noqnoqda iyo gudbinta xog saamayn leh.
22/02/2023
Ururka MASAF waxaa u qabanayaa tababar soconaya hal maalin oo ku saabsan ‘Habcurinta xogta iyo tayaynta isticmaalka Baraha Bulshada’. Tababarkan waxa loo qabanayaa oo ka qaybgalaya hablaha iyo haweenka leh hal abuurka. Tobabarkan ayaa loogu talogalay inuu kaabo sidii ay u soo bandhigi lahayeen sugaantooda iyo halabuurkooda marka la joogo mareegaha iyo baraha bulshada. Haddaba, ma ka mid tahay dadka loogu talogalay? H**e isu diiwaangeli! Tirada la qaadanayaa way kooban tahay..
F.G: Ma jirto wax lacag ah oo la-tababaruhu bixinayaa.
21/02/2023
CHANGE WITH ART waa barnaamij ay MASAF ugu talo galeen dhallinyarada kala duwan ee hibada u leh fanka iyo qaybihiisa kala duwan, kuwaas oo xirfaddooda xal ugu heli kara dhibatooyinka kala duwan ee bulshadu la-tacaalayso. Kani waa Yahye West oo inala wadaagaya sheekadiisa.
25/12/2022
Ururka MASAF ayaa soo agaasimay madal lagu bandhigay filim magaciisu yahay "Africa's looted art" kaas oo ku saabsan farshaxankii Afrika ee ay damceen, isla markaana qaateen xoogaggii gumeystayaasha ee wakhtigaas.
Gunaanadkii daawashada filimkan ayay ka soo qayb-galayaashu ka faalloodeen qodobada la xusay oo ay ugu muhiimsanayeen soo celinta agab-farshaxameedkaas laga bililiqaystay Afrika.
Ugu dambayntii, waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ay leedahay fahanka farshaxanka Afrika iyo doorkiisa muhiimka ah ee uu ku leeyahay abuuritaanka xasilooni iyo wada jir bulsheed oo waara.
11/12/2022
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the establishment
Telephone
Website
Address
Floor 3, Durdur Mall, 2nd Road, 26 June District
Hargeisa