LIXLE

LIXLE

Share

Nin labaatan jirey iyo Aduun wa legdamayaan
πŸ“±πŸ•¦β€οΈπŸŽ΅ ugu kaalay muuqalo ku xiiso galinaya

23/03/2026

Dheryalley

31/05/2025

Waan aamusanahay. Waxaan joogaa badda gunteeda. Wehel waxaa iigu dhaw saaxiibkay oo naftu qaarka danbe kasoo baxday, indhihiisuna ay kor u qallacanyihiin, isla jeerkaasna ku jiifa dhabtayda. Ma garanaayo inta aan badda ku jiri doonno. Ma garanaayo inaan noolaan karo anigu iyo in kale. Ma garanaayo inaan markale lahadli doono Hooyaday. Maanta cod aan maqlo waxaan ugu jeclaan lahaa codkii Hooyaday. Umalayn maayo markan in ay ducadii Hooyo i badbaadinayso.

Hubaashii waxaan saaranahay doontii rejada oo isu beddeli doonta doontii halaagga. Ii kaadi aan dib ugu laabanno saxarihii adkaa. Ma garanaysaan inta lafood ee aan soo arkay ee dul daadsanaa bacaadka saxaraha?! Ma qiyaasi kartaan argagaxa ay lahayd gabadh uur lahayd oo socod kari wayday lagana tagay oo halkaas ku nafwayday?Anigu waan AX gabay. Waxba ima cabsi gelinayaan. Waxaan raadinayay jiraalkaygii macnaha lahaa, waxaanse laga yaabaa inaan waayo xitaa jiraalkaygii liitay! Saaxiibkay iminka ayuu dhabtayda ku go'ay.

Waa inaan badda ku tuurno. Ma sidi karno culayskiisa. "Waar isla qabta labadaasoow," waa cod ka yimi kabtanka na wada, oo aniga iyo Jibriil ayaa wada qabannay saaxiibkay. Waxaana ku tuurnay badwaynta. Wuxuu quud unoqon doonaa libaax badeed ama nibiri gaajaysan. Iga raali noqo saaxiib. Ma haysto doorasho kale, waan ku khasbanaa middaas. Waxaa laga yaabaa in anigaba saacado kadib laygu soo tuuro halka aan adiga kugu riday, laygana dhaqaaqo sida aan uga dhaqaaqay maydkaaga ee aan yaxaaska kuugu loogay. Si kasta oo noloshaydu u adkayd markii aan joogay dalkaygii, waxaa kasii adag noloshan aan cagahayga kusoo doontay. Ugu yaraan waddankii waxaa joogtay Hooyo iyo walaashay Hana oo garab ii ahaan lahayd xaalad kasta oo aan ku suganahay.

Si fiican ayaan u xasuustaa inaan wada dhagaysannay habeen caddo ah goor danbe, asxaab badan oo aan dalkii kaga imi heestii Axmad Cali Cigaal ee lahayd:

β€œHaddaad nolosha qawadaan
Nabad gala ee haajira.”

Waan qawaday noloshayda, dalkayga, dadkayga, iyo xitaa deegaankayga. Ma

14/01/2025

''Aniyo dayaxaa ''
''Is daawan jirnoo,,
''Daruurta cirkaa ,,
''Duruus u ahayd,,

''Degelka caashaqa ,,
''Idegey berigaa,,
''Darajaan u xidhaa,,
''Is dacal taal,,

''Dablaa igu xigey,,
'' Dadaal ka yaqaan,,
''Dalici weynee maxaa duwan,,

''Dastuurka qorey,,
''Daruurta badhkeed,,
'' inay da,dayoo ,,
''Dawaafatey dhulkaa,,

(Comman soon)

(Hal Abuur Lixle)

17/12/2024

DEG-DEG:- "Qaniimo cusub ayaa laga qabsaday huwanta...

29/11/2024

Goat 🐐

18/09/2024

Gobta caashaqaad tiin
Gamman laga bixinayaa tiin
Gaari sharaflebaad tiin
Guur loo xushaad tiin
Guri lala galaad tiin
Gaaf loo dhigaad tiin
Gobaaad midhan baad tiin
Gacalooyin baad tiin
Gayaankaad wax dheertiin

Keliya Hablaha habarjeclo

Boy

16/09/2024

#𝔻𝕙𝕖𝕣π•ͺ𝕒𝕝𝕖π•ͺ

30/07/2024

Dhibta caashaqee
La dhadhamayee
Laysu dhiibtee
Dhuux garaacankaa
Ma Dhadhamisey weli?

Dharaaraha qadhaadh
Dheel dheeligaa
Dhaliilahu jiraan
Ma is Dhiibatayoo
Maysu dhaarateen ?

Mise weli dhalaan
Soo dhoobanoo
Dhooriyaad ahyd ?

Dhibaabaha jacayl
Dhaaxuu rag diley
Qaar dhaar ka shubay
Dhibanaha la sheeg
Soo dhaawacmee
Dhuuxisa shubay

Nina Dheef ku maal
Dhacadiid u jiif
Dheregyoo is waal
Soo dhaashayoo
Dheeh wacan u yeel

Ragna dheel qabow
Dhabarkaa u dhigey
Soo dhababecee
Dhaal banaan istaag
Dhurankeeda maqal
Soo yara dhawaa

Dhiniceeda yimi
Laysku soo dhawaa
Dhowr qadob la yidhi

Ma is dhowranaa
Dheehaygiyow
Dhinacaaga imi
Mise dheef qoftegey
Iga dhowraysaa ?

(Maxamed Axmed Caydiid)Abwaan Goobta)πŸ’”

21/07/2024

Ninan damiir lahynbaa
Dumarkeena caaye
U Dul qaata weligiin
Dameerkiyo Diciifkaba
Aan Dareemin Dumarkaba
Dumar'ow dulqaatoo
Darillahay idilkeed
Daacad noo cafiya oo
Doqontana hanoo qabanina

Abwaan kiini yaraa

Photos from LIXLE's post 12/06/2024

Jacayl jiidaal maroo
Jid dheer sii beegsado
Jar dheer kasii baxoo

Sidaad ila joogtidee
Qalbiga ugu jookhante
Jaran jaro iigu tahay

Ayaan kuu jecelohoo
Qalbiga kula jooge'ee
Marnaba kaa jeesanee
Ku jantaa keligaa ku jecel

Jooga iyo dheehaaga
Jaahaga midab kiisa
Jalaqsani u dhaladkaga
Jaan qaadka socodkaga

Johoradii ifkaad tahye
Ma janadaa lagaa keenay
Oo jiifku kuu yaaley

Samiiray jacaylkeena
Iyo jawiga Nolosheena
Adigaa usoo jeedey
Oo diidey jiif kiiye

Ma janaada laga keenay
Aad joogtey weligaaba
Ifkana kuwaa joogey
Adigaa u joog dheere
Alxdullah jidhakaygiiyey

Abwaanka soo Kacaya

Jacaylo is doortay Ayaa leh maansada

24/05/2024

π˜”π˜’ 𝘩𝘒π˜₯𝘩𝘰 𝘫𝘒𝘀𝘒𝘺𝘭

Markii aan ku waaye
Maalmo soo wareegaba
Ma hadhada jacaylka
Maankayga geliyaa

Murugada naftaydaan
Male ugu idhaahdaa
May tegen marwadu weli

Markan soo xasuustaba
Ma hadhada markii qudha
Muuqaaga qarisee
Magacagyga kaa jaray

Mus koolkuna dan weeye
Ma bariday lays odhan
Maxaan kaa mustaystee
Murugada ku badayee
Mar qudha hadalka kaa xidhay?

Mudan baad ahydoo
Murankana umaad dhalan
Maxay tahay amuuraha
Maankaga gubaya'aaa

Muxubada jacaylkan
Nin magaabshaybaa garan
Mur iyo sun weyeen
Ma bugsadoo Ninuu helay

Ma masiibo aan galay
Maanta layga jarayaa
Ma midaynin dumarkoo
Maba badiyo koolke'ee

Midigtaydiibad tahay
Maxay tahay u jedada?
Maankagu kuu yidhi
Maxamed baa mideeye ah

Ama dumarka meersada
Mar qudha ismaan odhan
Minyarana ka daba keen
Iyada meherso mooye

Mugdibaan dhex jiifa
Maalin iyo habeeno
Miciin aan lahaynoo
Murugada la dhalasho ah

Marka aan ku tebo'ee
Miisanka maansada
Kugu maamuso aduguun
Mar qudha bal debecoo

Meher baa la marayee
Meer meerka soo dhaaf
Oo mudanta reerkiyo
Marwo khayrle ii noqo

Maxamed Axmed caydiid (Abwaan Holac)

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa