Ediris Yaxyaa

Ediris Yaxyaa

Share

Waxan Ahay Suxufi Madaxbanaan Oo Ka Hawl Gala Warbaahinta Somaliland. Kala Soco Dhacdooyinka Dunida

08/06/2025

Toddobaadkii h**e sadex Suxufi/wariye ayaa lagu xidhay Hargeysa iyo Ceerigaabo laba waa la sii daayay mid na wali wuu xidhan yahay. Waa maxay sababtu.

Xadhiga C/qaadir Maxamed Aw Xasan waa mid Aar-goosi ah oo lagaga soocay Suxufiyiinta kale ee la sii daayay, waxaanay noqonaysaa talaabo xukuumadda talada haysaa ay kaga baxday balanqaadyadii ay warbaahinta u samaysay wakhtigii ay mucaaradka ahayd.

C/qaadir dhawr iyo toban cisho ayuu xidhan yahay waxaana lagu haystaa sawir Tiktok uu ka soo qaatay oo riwaayaddii Sooraan iyo Jawaan ku lahaayeen waar horta waxaynu dooranay muxuu ahaa.

Riwaayada ay Fanaaniintaasi jileen way ka horaysay Madaxweynanimada Madaxweyne C/raxmaan hase yeeshee dhibaatada baraha bulshada waxa ka mid ah in la is hoos dhigay Muuqaalkii Labadaas Fanaan iyo Sawirka Madaxweynaha oo ay wax ku kordhiyeen.

Wariye C/qaadir Sawirkaas iyo muuqaalka Tiktik yaalay waxba kumuu kordhin maadaama aanu waxba ku kordhin ee uu soo qaatay waxay ahayd in ay xukuumaddu muujiso dul-qaad isla markaana ay iska sii dayso wariyaha.

SOLJA, waxa ka saaran masuuliyad wariyahaas iyo wariyayaasha kale ba inay u doodo oo ay sii dayso. Maadaama Baraha bulshada sharci ka yaala iyo xigashadoodubana aanay jirin ma jirto sabab uu Suxufigu ciqaab xadhig ah ugu mudan karaa illaa Maxkamadi xukun ku rido mooyee.

Wazaan ugu baaqayaa xukuumadda talada haysaa inay Suxufigaas xorriyaddiisa ugu celiso sida ay kuwii kale ba Xorriyadooda ugu celisay.

Xigasho, Suxufi XuuTo

18/05/2025

Haybada Hablaha Qaranka Somaliland...

Photos from Ediris Yaxyaa's post 17/05/2025

Hargaysa,,,,,,,,,,U Diyaar Garowga Xuska 18May..

15/05/2025

“Hadii dhacdadan burco ka dhacday mudo la abaabulaayay
Haayada sirdoonka dalku miyaanay ka warhelin. Si loo xakameeyo nabadgalyada gobolka…”Rooda Cabdi Muuse

15/05/2025

Burco, Mudaharaadkii MaanTa+Habdhaqanka ciidanka Bilayska...

15/05/2025

“Booliiska Somaliland ma yaqaaniin, lama barin, madaxdiisuna ma doonayso in la baro, sida loo mareeyo marka shacab cadhaysani soo baxo. Waxa qudha ay ku hallilaan waa xabad lagu rido qof shacab ah oo aan sidan hub. Booliiska Somaliland dib u habayn bay u baahan yihiin. Way la fududahay laynta shacabku.

Maanta oo ay xukuumaddu joogto dhawr bilood oo keliya, haddii ay daadiyeen dhiig dad shacab ah, saw maaha in xukuumaddu ku baraarugto oo wax ka qabato booliiska? 27 December 2022 wixii Booliisku ka sameeyey Laascaanood ayaa gaadhsiisay halka xaalku markii danbe gaadhay.

Maanta waxa Burco ka dhacay waa wax laga hortegi karayay. Xukuumaddu waa inay dadka la hadasho oo u faahfaahiso talaabooyinka ay qaadayso. Waxa ay ahayd inay si fiican u sharaxdo maxaabiistii ay ku wareejisay Puntland. Xog xumadii halkaas ka dhacday ayaa abuurtay shaki, iyo aamin ka bax. Waxa Burco ka dhacayaa maanta waa shakigii halkaas ka bilaabmay.

Maanta, masuuliyiintii xukuumadda ee hadlay halkii ay faah-faahin ka bixin lahaayeen oo garaabi lahaayeen, shacabkii ayay hiifeen.

Waan ka xumahay dadka dhibtu ku soo gaadhay Burco. Waa in cidi qaaddo masuuliyadda wixii dhacay. Xisaab la’aan ayaa Somaliland ishaa u yeeshay.”

Waxa Qoray :- Garyaqaan Guuleed Dafac

23/02/2025

Liiska Magacyada Saraakiishii Ciidanka Soomaalilaan ee Askartoodu Toogatay 2009 ilaa 2025.
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ugaadhsiga Saraakiisha ayaa curtay wakhtiyadii uu xukunka ka sii degayey Madaxweyne Daahir Riyaale, waxaana wakhtigaasi askari dil-toogasho ah ku diley Taliyihii ilaalada Madaxtooyada. Balse dilalka saraakiisha ayaa noqday tusbax furtay sannadkii 2015-kii, oo inta badan ay dhaceen dilalku.

Taariikhda Dilalku dhaceen
= Horraantii Sannadkii 2011-kii waxa magaalada Laascaanood askari ka tirsan ciidanku toogasho ku diley Taliyihii ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Sool Marxuun Maxamuud Maxamed Xirsi oo Asad lagu naanaysi jiray. Sidoo kale waxa isla weerarkaasi lagu dhaawacay ku-xigeenkiisii.

= Dabayaaqadii Sannadkii 2014-kii waxa deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool toogasho lagu diley sarkaal la odhan jiray Marxuun Gaashaanle-dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale Mire oo lagu naanaysi jiray Liji. Sarkaalkan ayey toogashadiisu timid markii ay ciidanka Qaranka Soomaalilaan qabsadeen deegaanka Saaxdheer.

= Sannadkii 2014-kii waxa deegaanka Arabsiyo uu askari toogasho ku diley Taliyihii saldhiga degmada Arabsiyo Marxuun Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi Case). Askarigii dilkaasi geystay gacanta ayaa lagu dhigay.

= Dabayaaqadii isla-Sannadkii 2014-kii waxa magaalada Qorilugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle askari toogasho ku diley abaanduulihii Guutada 17-aad marxuun Dhamme Maxamed Yuusuf Aw-Rabaax. Sidoo kale waxa isla-weerarkaasi askarigu toogasho ku diley Taliyihii hawlgelinta ee Guutada 17-aad marxuun Xiddigle Jaamac Bidaar. Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay ayaa gacanta lagu soo dhigin Askariga dilka u geystay labadan sarkaal ayaa h**e ugu dhex-xidhnaa xerada ciidanka arrin anshax marin ku saabsan awgeed.

= Horraantii Sannadkii 2015-kii waxa deegaanka Ceelbuh oo ka tirsan Ceerigaabo askari toogasho ku diley laba-Xiddigle Baashe Cabdi Cali oo ahaa Taliyihii Guutada 93-aad saldhiga3-aad ee ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay halkaasi. Askarigii dilka geystay gacanta ayaa lagu dhigay, siday sheegeen ciidanku wakhtigaasi.

= Sannadkii 2015-kii sidoo kale waxa deegaanka Gambadha ee gobolka Sool askari toogasho ku diley laba-Alifle marxuun Caydaruus Cawaale Shaacuur oo ka tirsanaa Guutada 8-aad ee ciidanka Qaranka. Askariga toogasha ku diley sarkaalka ayaa ka tirsanaa isla-guutada 8-aad.

= Badhtamihii Sannadkii 2015-kii waxa magaalada Boorama maalin Barqo ah uu askari toogasho ku diley Marxuun Xiddigle Farxaan Carraale. Sidoo kale wuxuu askarigu dhaawacay Gaashaanle sare Xasan Caqli. Masuuliyiinta dawlada ee gobolka Awdal ayaa warbaahinta la hadlay, oo xaqiiqiyey dilka iyo weliba qabasha gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay.
= 17/12/2015 waxa magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil askari toogasho lagu diley Taliyihii ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil Marxuun Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo). Askarigii dilka geystay waa la qabtay, isla-markaana dil ayaa lagu xukumay
= 30/4/2017 waxa Laascaanood lagu toogtay Taliyihii ciidanka Taraafiga ee gobolka Sool. = Kabtan Cabdirisaaq Yuusuf Casayr taliyihii booliska gobolka Saaxil ayaa la toogay 1/3/2016.
= 29/4/2019 waxa la toogtay Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan taliyihii xabsiga ciidanka Asluubta ee Gar-adag iyo laba Allifle Nuur Aw Cali Nuux taliye ku xigeenkii Booliska ee Gar-adag. = Sarkaal Maxamuud Jaamac Axmed (Ina Jaamac Dhegjar) ayuu askari ku toogtay warshadda kabista ee Hargaysa 13/10/2020
= Gaashaanle C/risaaq Xasan Dalmar ayuu askari toogasho ku diley xerada Goroyo Cawl 26/1/2022. = Cabaas Maxamed Diiriye taliyihii booliska Gar-adag ayuu askari toogtay 23/7/2021. = Gaashaanle Cabdi Cali Nuur ayuu askari tooray ku diley 18/2/2025.

Photos from Ediris Yaxyaa's post 20/02/2025

Skeekada Socota ee odhanaysa ciidan baa shaqadii laga eryey, waa iga su'aale miyaa la eryey mise waa la beddeley?

Sida la soo qorayo haddii la eryey macneheedu waa ciidankii waa laga rukhseeyey taasina in la sababeeyo ayay u baahan tahay.
Haddiise ay tahay waa la beddeley waxa la is weydiinayaa h**e ma u dhacday tan oo kale?

Liiska magacyada ah ee la taxayo haddii ay sidaa loo qoray yihiin dhamaantood waa saraakiil xiddigle iyo wixii ka sarreeya, su'aasha imanaysaa waxa weeye madaxtooyadu ma qaadi kartaa saraakiisha intaa le'eg ee qaarna weliba ka sii hadheen.

Ciidanku dawladdii KULMIYE ka hor ma uusan lahayn wax derejo iyo sumad kala sarrayneed ah oo aan ka ahayn in qayb walba madax looga dhigo cid uun markaa la isleeyahay way ku haboontahay dhinac kastaba ha laga eegee.

Markii Derejada ciidanka KULMIYE gaar ahaan Ahaan madaxweynihii geeriyoodey Axmed Siilaanyo ALLA HA U NAXARIIATEE uu ku dhiirradey ee loo kala sameeyey waxa jirey ciidan badan oo meelo kale loo beddeley.
Tusaale waqtigii dawladdii Madaxaweyne Muuse Biixi waxa jirey saraakiil laga beddelay madaxtooyada oo la geeyey Booliska ama ciidanka Qaranka.
Waxaynu ognahay in ciidamada sannadkiiba hal mar la dallacsiiyo qaarkoodna shantii sannadoodba mar, haddii aanay jirin sababo kale oo dedejin karaa.
Caqli ahaan waynu fahmi karnaa afrtan ilaa konton sarkaal inaanay suuro gal ahayn inay joogaan madaxtooyada, waayo waxaa loo baahnyahay ciidan gaadhka qabta, albaabada fura, biraha qaada, dadka baadha sarkaalkuna intaa ma samayn karo, markaa waa lagama maarmaan in la helo ciidan dhallinyaro ah oo shaqadaa ku haboon ha laga keeno ciidamada kale ama ha noqdaan ciidan cusub oo tababarane.

Xukuumaddan waxa fara badan dhaliileheeda kale gaar ahaan xagga maamulka oo aynu la sugayno boqolkii maalmood ee xisbigu qabsaday laakiin tan waxay ila tahay inaanay ahayn dhaliil macno inoo samayn karta, yaanay xikmaddu meel aan waxba tarayn inagaga sii dhamaan.

Waxa Qoray Siyaasi Abdikariin Axmed( Xiinif) ✍️

20/02/2025

"DegDeg inkabadan 43sarkaal oo kaso jeeda Beesha Subeer-Awal ayaa laga Eryay shaqadii Ciidanka ilaalada Madaxtooyada
Dhacdadan ayaa noqonaysa Tariikhda markii ugu h**eysay ee labeegsado tiro intan leeg oo Sarakiil Ciidana isla markaana kaso wada jeeda Hal Beel...

"Liiska Saraakiishii Shaqada Madaxtooyada laga xaadhay ee ka soo jeeday Beesha H Awal"

1) G/ dhexe Naasir Axmed Xusee.

2) G/ dhexe Cabdilaahi Cilmi Guuleed.

3) G/ Maxamed Muxumed.

4) G/ dhexe Muxumed Cumar Qawdhan

5) G/ Daahir Cali Wacays.

Gaashaanlayaal.

6) Gaashaanle Iidiris Axmed Jimcaale.

7) Gaashaanle Carrab Aadan Cabsiiye.

Dhame Sulub Cabdi Saleebaan.

9) Dhame Muxumed Maxamed Ducaale.

10) Dhame Maxamed Nuux Muuse.

11) 2 Xidigle Yuusuf Cabdi Cabdilaahi.

12) 2 Xidigle Mukhtaar Maxamuud Madar

13) 2 Xidigle Maxamuud Maxamed Ciise.

14) 2 Xidigle Cabdi Cismaan Samatar.

15) 2 Xidigle Rashiid Bustaale

16) 2 Xidigle Cabdiraxmaan Qoslaaye.

17) 2 Xidigle Nuux laba aas.

18) 2 Xidigle Daahir Huriye.

19) 2 Xidigle Rashiid Timo-cad

20) 2 Xidigle Xasan Hureeri.

Xidiglayaasha.

21) Xidigle Maxamed Aadan Weyrax.

22) Xidigle Cabdi Muuse Qamac

23) Xidigle Iidiris Cabaade Cabdi.

24) Xidigle Ibraahim Yuusuf Muuse.

25) Xidigle Maxamed Maxamuud (Maano)

26) Xidigle Axmed Cabdilaahi Abtidoon

27) Xidigle Maxamed Yuusuf Diiriye.

28) Xidigle Axmed Mawliid Axmed.

29) Xidigle Ismaaciil Cabdi Sabban.

30) Xidigle Dayib Qodhan Raage.

31) Xidigle Axmed Ismaaciil Jaamac Muumin.

32) Xidigle Muuse Jaamac Siciid.

33) Xidigle Maxamed Xasan Wacays.

34) Cabdiwahaab Sheekh.

Intaasi waa kuwii shaqada ku jiray

35) Xidigle Cabdiqani Mawliid Axmed.

36) Xidigle Maxamed Xasan Bille

37) Xidigle Cabdiqani Nuur Maxamed

Photos from Ediris Yaxyaa's post 03/02/2025

WAR SAXAAFADEED

𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗘𝗿𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗙𝗶𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝘀𝗮𝗻 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮

Hargeysa - 03-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland.

Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed).

Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen).

Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool.

Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go'an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan.

Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo).

Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan.

Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay.

Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto.

Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo.

Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm.

Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada ayaa iyaguna dhinacooda waxay Ergayga gaarka ah ee Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka dalka Finland uga mahad naqeen booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo dhan kasta oo la eegaba, isla markaana la gaadhay xilligii bulshada caalamku ku baraarugi lahayd wanaaga iyo horumarka ka hirgalay Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Weftiga Finland ka codsaday in Somaliland laga taageero u-jahaynta da’yarta JSL ee xagga Shaqo abuurka dhallinyarada, gaar ahaan xagga Hal abuurka iyo ciyaaraha oo si gaar ugu wajahan Nabadda, Xasiloonida, Midnimada iyo wax-wada-lahaanshaha ummadda Somaliland.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

13/01/2025

Hambalyo Sxbkay Cabdiraxmaan Carab Daa'uud Iyo Marwo Hibaaq Axmed Cabdille.

Qoyskii Badhaadha Barwaaqada Aduunka Iyo mid Aakhiraba Alle Haydin Ku Guuleeyo

Rug Suuban Oo Salaxan Saadirkeen Haa ydinka Yeelo

07/01/2025

“Wallahi Dib uma dhacayso in Hargeysa la yidhaa Jabhadbaa Joogta”

Ex Maayir Solteco ayaa sidan yidhi.

“Hargeysa Xaalbaanu siinaynaa iyo reer Somalilandba wixii Shalay ka dhacay, Dibna u dhici may so, Ma aqbali karo Hargeysa oo magaaladaydii aan aduunka ugu Jecelahay marka laga yimaado muqadasaad ka Alle doortay ee Makka, Marina iyo qudus in Niman aanu ilmaadeer nahay oo aabayaashod magac iyo maamuus ku lahaayeen yidhaahdaan Jabhad baanu ka nahay.

Ninka taliyaha jabhada sheegtay waa Cabdiraxman Sheekh Cisman, Sadexda nin ee meesha ka hadlayay waa Ina Jamac Cali matan, Ina Bare Axmed Gorse.iyo Boqor Badmadaw. Wallahi Dib uma dhacayso in Hargeysa la yidhaa Jabhadbaa Joogta, Bud dhigii Hargeysa iyo cidii Nabadeeda ka Talin jirtay Baa burburinaysa Suurta gal maaha.

Suber Awalna Jabhad Jamhuuriyadda Somaliland duminaysa ma leh, Aniga iyo cidda I taageersan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaanu nahay, Kulmiye dalkuu dhisay, Dhisayaana, kursiga kuma doono dhiig, nabadgelyo ayuu ku wareejiyay, nabadgelyona uu ku doonayaa, hadaan Kamala Roonaan Roob ma da’o. Hadii shalay Madaxweyne Muuse Buur loo Galay, Madaxweyne Cigaalna Dagaal sokeeye, Madaxweyne Cabdiraxman Tuurna dagaal Sokeeye ma wadadii uun baynu haynaynaa waxaynu u baahanahay in caqligu shaqeeyo, in caqligu koro. Waa run In Madaxweyne Muuse Biixi cagaha la hayay, ma Ina anfacaysaa in Madaxweyne Cabdiraxman Ciro aynu cagaha hayno oo Jamhuuriyadda Somaliland soconwayso.

Aynu korno Shacabka Somaliland oow”

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


150
Hargeisa
NAN