Somaliland First
Somaliland first Taariikh
Kulmiye waa xisbi siyaasi waddani ah oo la asaasay bishii May ee sannadkii 2002.
Ujeeddadiisuna tahay sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd himilooyinkeeda ay ka midka yihiin inay ka mid noqoto dunida xorta ah ee dimoqraadiga ah. Xisbiga KULMIYE bishii Diisambar ee 2002 ayuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii degaamda Jamhuuriyadda Somaliland taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah. Ujeedooyinka ururkani Waa qaar si dhab ah uga tu
Jiilka Cusub ee Jamhuuriyadda Barakaysan.💜🧡💜💎
U diyaargarawga Munaasibadda barakaysan ee 18May.
Waa Faqash, Bimacnal kalima.
Gudoomiyaha Xisbiga KAAH oo Xasan Gurguurte u hanjabay.
18/05/2025
Hanbalyo iyo Bogaadin Maalinta Qaranimada Somaliland – 18 May
Aniga oo ah Abdihakim M Abdirahman, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabka sharafta leh ee reer Somaliland, munaasabadda qiimaha badan ee 18 May awgeed.
18 May waa maalin qaran oo xasuus iyo xus gaar ah leh. Waa maalin milgo iyo maamuus inoo leh, maalin ay shacabka Somaliland si midnimo iyo go’aan adag ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in ay dib u xaqiijiyaan qaranimadoodii, gobonimadoodii, iyo madaxbannaanidoodii ay iska soo xoreeyeen xilligii gumaysiga.
Waa maalin aynu dib u milicsanno taariikhdeeni xanuunka lahayd ee ay la kulantay Somaliland kadib midowgii aan laga fiirsan ee lala galay Soomaaliya 1960-kii. Midowgiias oo horseeday dhibaatooyin badan, kuna dhamaaday burbur, xasuuq, iyo tacadiyo ay shacabka reer Somaliland si geesinimo leh uga soo kabteen.
18 May waa maalinta aynu si rasmi ah ugu dhawaaqnay gooni-isu-taagga Somaliland sannadkii 1991, ka dib halgan dheer oo naf iyo maalba ku baxay. Waa maalin astaan u ah adkaysiga, dulqaadka, iyo midnimada shacabka Somaliland, sidoo kalena ay ku suntan tahay horumarka, nabadda iyo dimoqraadiyadda ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan mar labaad u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland iyo madaxda qarankaba hambalyo ku aaddan maalintan taariikhiga ah. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu nabadda iyo horumarka inoo siyaadiyo, dawladnimadeenana adkeeyo, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka iyo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland mudan tahay.
Guul iyo Gobonimo!
Hambalyo 18 May!
Long Live Somaliland
17/05/2025
Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Baahida Loo Qabo Diyaargarow Dhab ah oo Lagaga Hortago Rabshadaha.
Tan iyo markii Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii, waxa soo noqnoqday marar kala duwan oo ay iska hor yimaadeen ciidamada ammaanka iyo dadweyne gadoodsan. Dhacdooyinkan, oo badankood ka dhashay cabashooyin bulsho, murano siyaasadeed, ama xaalado dhaqaale, waxa ay si joogto ah u muujinayaan laba arrimood oo halis ah: tan h**e waa faham la’aanta xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo booliiska, tan labaadna waa diyaar-garow la’aanta ciidanka ee xagga qalabka iyo xirfadda maaraynta rabshadaha.
Dhacdadii ugu dambeysay ee doraad ka dhacday magaalada Burco waxa ay ahayd mid kale oo xasuusin u noqotay heerka nuglaanta nidaamka amni ee marka ay timaado isu-soo-baxyo rabshado wata. Mar kale ayaa la arkay askar booliis ah oo aan haysan qalabkii lagama maarmaanka u ahaa in si nabad ah loo xakameeyo dad cadhaysan. Waxaa muuqata in aan weli laga baran casharradii laga filayey dhacdooyinkii h**e, taas oo su’aal weyn ka keenaysa sida dawladdu u aragto doorka ay booliisku ku leeyihiin ilaalinta amniga guud iyo dhowrista xuquuqda shacabka.
Inta badan marka rabshado dhacaan, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta qaranku waxa ay u hadlayaan si dareen celin ah oo aan ka duwanayn shacabka. Tani waxa ay muujinaysaa maqnaanshaha istiraatijiyad cad oo ay ku wajahaan xaaladaha noocan ah. Marnaba laguma arko inay si dhab ah u falanqeeyaan sababaha dhabta ah ee keena isku dhacyada ama inay la yimaadaan qorshe lagu horumarinayo awoodda booliiska si ay si waafaqsan sharciga iyo qiyamka bini’aadantinimada uga jawaabaan xaaladaha adag.
Dawladda waxa laga rabaa in ay si dhab ah u eegto baahiyaha ciidanka booliiska, gaar ahaan marka ay timaado qalabka lagama maarmaanka u ah xakameynta rabshadaha. Waxaa muhiim ah in booliiska lagu qalabeeyo gaadiid u gaar ah maaraynta mudaharaadyada, qalab ilaalin ah oo ilaalinaya naftooda iyo midda shacabka, iyo tababaro joogto ah oo ku saabsan sida loo wajaho dadka gadoodsan iyadoo aan la adeegsan xadgudub ama awood dheeraad ah.
Rabshadaha iyo gadoodka bulsho waa qayb ka mid ah xaaladaha ka dhasha cadaadis nololeed, siyaasad adag, ama dareen xaq-darro. Sidaa darteed, waa in dowladdu u aragtaa in xal waara aanu ku imaan karin xoog keliya, balse ku iman karo marka ay jirto kalsooni shacabka iyo booliiska dhexmarta. Tani waxa ay bilaabmaysaa marka booliisku noqdo mid qalabeysan, la tababaray, lagana warqabo duruufaha dadka uu la macaamilayo.
Ugu dambayn, haddii aan laga faa’iideysan dhacdooyinkii h**e, lagana baaraan-degin sababaha dhabta ah ee rabshaduhu ku salaysan yihiin, waxa sii jiri doona is-faham la’aanta u dhaxaysa booliiska iyo shacabka. Haddii aan si dhab ah loo diyaarin ciidanka booliiska, laguna xoojin qalabkooda iyo tababarkooda, waxa muuqata in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay noqon doonaan kuwo soo noqnoqda oo wiiqaya sumcadda amniga iyo xasilloonida Somaliland.
Abdihakim M Abdirahman.
14/05/2025
18 May – Maalin Qaran oo Wadajir iyo Midnimo u Baahan.
18 May waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah Qaranimada iyo gooni-isu-taagga Somaliland. Waa maalin milgo iyo maamuus leh oo lagu xasuusto halgankii, geesinimadii, iyo dadaalkii shacabka Somaliland ay u galeen xaqiijinta madax-bannaanidooda. Waa maalinta ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, kuna dhawaaqday inay tahay qaran xor ah oo gaar u taagan.
Dabaaldegga 18 May waa mid ka dhexeeya dhammaan ummadda reer Somaliland, meel kasta oo ay joogaan. Waa maalin Qaran, mana aha mid cid gaar ahi leedahay ama kooxo gaar ah u xidhan. Waa maalin mideysa dadka, kor u qaadda dareenka waddaninimo, kana tarjumeysa isku duubnaanta iyo himilada guud ee shacabka.
Sidaas darteed, waxaan ku baaqayaa in dhammaan shacabka reer Somaliland si wadajir ah, ixtiraam iyo isu-tanaasul leh u muujiyaan dabaaldegga 18 May. Waa in la ilaaliyaa midnimada, qaranimada, iyo sharafta maalintan qaaliga ah, si ay jiilasha dambe uga dhaxlaan dareen qaranimo iyo dal jacayl.
18 May maaha maalin kooxeed – waa maalin Qaran. Waa maalin midnimo iyo sharaf u ah Somaliland oo dhan.
---
Abdihakim M Abdirahman.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hargeisa