QARNI TV

QARNI  TV

Share

Boggan kala soco; Warar Sugan, iyo Barnaamijyo Xiiso leh, ha la moogaan, Like, Comments and Share.

24/05/2026

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Canbaareeyey Xadhiga weriye is-daji oo Sheekh lagu xidhay.

23/05/2026

Ciidamada milatariga Itoobiya waxay u sheegeen diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee ku sugan magalada Addis Ababa in Itoobiya ay qaadi doonto talaabo milatari oo adag oo ka dhana waxay ay ugu yeedheen isbahaysiga "Tsimdo."

Major General, Teshome Gamechu wuxuu ka digay dadaal kasta oo lagu hirgalinayo isbahaysigaas inuu wajihi doono ciqaabo adag oo timaada Milatariga Itoobiya, wuxuuna intaasi raaciyay in Tsimdo uu yahay hindise la doonayo in lagu mija xaabiyo madax banaanida Itoobiya.

Waxayna ciidamada Itoobiya warbixin siiyeen safiirada beesha caalamka si ay dalalkooda ugu gudbiyaan in mawqifka Itoobiya yahay iney qaadayso talaabo hadii laysku dayo in isbahaysiga la hirgaliyo.

Hanjabaada Itoobiya ayaa timid maalmo kadib markii muuqaal laga sii daayay Hidmona Tv oo ah kanaal YouTube ah oo xidhiidh la leh dowlada Eritrea uu muujiyay Siyaasiyiin mucaarad Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan Suudaaniyiin iyo Eritrean oo ka qaybgalaya kulan ka dhacay magalada Port Sudan. Muuqaalkaasi wuxuu sarey u qaaday shakiga iyo walaaca saraakiisha Itoobiya, kuwaaso u arka in halkaas lagu yagleelayo qorshe isbahaysi oo cadow ku ah Itoobiya, kaasoo ay ugu yeedheen "Tsimdo."

Port Sudan oo hada xarun kumeel gaadha u ah hogaanka milatariga Suudaan, ayaa u muuqata mid isku badalaysa iney noqoto xarun siyaasadeed iyo milatari oo ay isku urursadaan mucaaradka kasoo horjeeda Dowlada dhexe ee Itoobiya.

Arrimahan ayaa imanaya xili uu aad u xumaaday xidhiidhka Suudaan iyo Itoobiya, isla markaana milatariga Suudaan ay ku eedeeyeen Itoobiya iney si toosa ula safatey maleeshiyaadka la dagaalamaya ee RSF.

FG: Qorshahani wuxuu u muuqdaa mid ay dhabarka ka joogto Masar, isla markaana Suudaan iyo Eritrea ay isku duba ridayaan sidii ay u dhisi lahaayeen jabhado hubeysan oo la dagaalama dowlada dhexe ee Itoobiya.

Xigasho VOAS

23/05/2026

Raisal Wasaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegey in Somaliland caalamku aqoonsadey 26Jun1960 kursina laga siiyey qaramada midoobey. Wuxu intaa raaciyey in aanay dhicin ama aanay jirin dal Soomaaliya la yidhaa oo aduunku aqoonsadey.

Taariikhdu markey 1dii Juuley ee sannadkii 1960 ayey Somaliland ku darsatey dal aan jirin oo aan laheyn xuduudo sugan. Somalland ayaa u ilduuftey Soomaaliya oo sidaa ku noqdeen qaran macmal ah oo aan ku dhisneyn sharci.

Wuxu Benjamin Netanyahu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in uu jiro kaliya qaran iyo dal la yidhaa Jamhuuriyadda Somaliland oo leh xuduuda sugan iyo wixii dal shaqeynayaa lahaa oo aanu ku howlan nahey sidii aanu ugu soo celin laheyd kursigii qaramada midoobey ee ilduufkooda lagaga dhacey.

23/05/2026

Ciidamada Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal Oo Gacanta ku Dhigay Nin Hada Dil ka Geystay Magalada Boorama.

Dil Naxdinle ayaa hada ka dhacay Agagaarka galbeedka Magalada Boorama, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Boorama, waxaana la sheegay in nin cadhaysan toogasho ku dilay AHUN Marxuum Cabdisalaan Maxamuud Cabdilaahi Xadi.

Sidoo kale Ciidamada Booliiska ayaa gacanta ku haya ninkii dilkaasi gaystay iyadoo maydka Marxuunmka uu hada la geeyay, Qolka Maydka ee Cisbitaalka Wayn ee M Boorama.

Wixii Faah-Faahin ah ee kaso kordha kiisan halkan kala soco

21/05/2026

"Waar Ninkani waa Nin Mareexaan ah hadduu Magaalada joogey Maxaad iigu Keeni weydeen abaal ayuu igu lahaaye"

Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal allahu Yarxam Madaxweynihii labaad ee Somaliland, ayaa Xili casar ah lug kaga soo baxey qasriga madaxtooyada, iyadoo aaney ilaalo badan iyo Wasiiro badan midna la socon haseyeeshee, ay la socdaan koox Katirsan hawladeenadii iyo Askartii Madaxtooyada oo aan Shan ka badneyn, socodkiisuna Wuxuu ahaa Mid uu Ku doonayey, innuu Ku jimicsado magaaladana waxoogaa Kusoo arko.

Kadib Markii uu inyar dhaafey, Cusbitaalka Hargeysa ayaa, Waxa ka hor Yimid Nin wadada cidhifkeeda Socda oo aad u buuran, oo aad Moodo innuu dalab Leeyahey, Madaxweyne Cigaal Ninkii ayuu aad ugu fiirsadey, socodkiina wuu hakiyey, markaasaa Ninkii oo iska war la,aa marka h**e hugunkii dareemay, ayaa ishiisii, ku dhacdey Cigaal oo beeb sita si fiicana usoo eegaya, Kadibna intuu tuurey, ushii uu ku tukubayey ayuu xagiisii usoo cararey, Askartii oo damcey inney ka joojiyaan, ayuu Ku yidhi,

"waar daaya daaya annagaa is garaneyna,e" si Fiican ayuu u salaamey, waxaanu Ku yidhi "waaryaa Hebel ma magaaladaad joogtey, Xageed ka timid, yaada la socotey"??? .

Intaa markuu isku dabagaliyey, ayuu Ninkii qiiroodey, waxaanu Ku yidhi "Madaxweyne sxb adigaan kuu imid, oo wax kuu soo doontey, cid ii kaa keentana Waan waayey, ninkii ugu dhawaa wuxuu igu yidhi, annaga nama ogolee waxaad raadsataa nin Mareexaan ah, ama Mareexaan la xidid aha oo kuu geeya"

Markuu Ninkii intaa Ku yidhi, ayuu Cigaal aad u qosley, oo yidhi "waa shayaadiin, wax walba wey qalin daarayaan" .

Kadibna Cabdi Idiris Ducaale Afhayeenkii Madaxtooyada Allahu Yarxame oo Ragii lasocdey ahaa ayuu u sharaxey oo Ku yidhi.

"Cabdaw ninkan ama waad Garaneysaa, ama ma garaneysid, koley Axmed Siciid Cige waa is garanayaan, Markii aan Xabsiga kujirey ayaan abaal badan u guntey, wuxuu ii keeni jirey, wixii aan ugu baahi badnaa, 'labaatan jiraw' garanka hoosta loo xidho, abaal ayuu igu lahaaye Maxaad iigu Keeni weydeen"

Ninkii Madaxweyne Cigaal wuxuu siiyey, lacag waxaanu Ku Ku balamiyay askartisii gaarka ahaa

21/05/2026

Ugaaska Guud ee Beesha Idarays Ciise Muuse oo ka hadlay Xiisad ka taagan Balayo laga Aasay deegaanno hoos yimaadda Togdheer.

21/05/2026

" Cadaw ma jiree ,caqli ayaa la isku qancinayaa ".

Ma odhan karno dadkeena badh ayaa cadow ah ama cadawga la shaqaynaya ,waayo taasi waa deeq bilaasha oo aynu cadawga laftiisa aynu siinayno , in cadawga aynu dadkeena badh raacinana ma jirto guul ka wayn oo cadawgu gaadhi karaa .

Hasa ahaatee qofka rayi soo jeediya ama ay si ka duwan sida aynu danta u aragno wax ula muuqdaan waa aynu la doodaynaa la hadlaynaa aragtideenana aynu ku qancinaynaa .

Sidaas markey tahey, Anigu Axmed ahaan aragtida saaxiibky Guuleed Axmed Jaamac waan kasoo horjeedaa , waxaanan diyaar u ahey in aan Guuleed fakaare kasta kula doodo hasa ahaatee Anigu ma aaminsani in Guuleed cadaw yahey ama cadaw u shaqaynayo ,sidaas darteed waxaan odhan lahaa cadaw ma jiree caqli ayaa la isku qancinayaa .
Xildhibaan Guruuje.

21/05/2026

Garyaqaan Geeleed Dafac Oo U Jawaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

“Inankaas yari” dembi buu galay waa af la fahmi karo (inkasta oo uu yahay afkii xeer-ilaalinta ee aanu ahayn af wasiir). Gardarro ayuu ku hadlay oo waxa uu sheegay waa qalad, iyana waa la fahmi karaa (oo ma jiro qof aan gefi karin). Cadaw buu se u shaqeeyaa, waxa aan is lahaa waa laga gudbay oo xukuumadani arimahaas waa ka waayo arag.

Somaliland waa Jamhuuriyad shacabku leeyahay oo leh dastuur. Anna waxa aan ahay muwaadin reer Somaliland oo ogol dastuurka, gartaydana waxa ka garsoore ah shacabka.

20/05/2026

Jerusalem ama Qudus waa Meel Barakaysan, hadii Office laga furana waa Khayr, waa goobta saddexaad ee ugu qiimaha badan dhulka korkiisa!
Arlada na Ilaahay baa Leh.

Sahra Ciidle Nuur

20/05/2026

How One Diaspora Businessman Took Somaliland’s Cause to International Platforms.

When Israel officially recognized Somaliland in December 2025, Somalilanders around the world celebrated a diplomatic breakthrough decades in the making.

But behind the scenes, diaspora advocates were already working tirelessly to build international relationships and visibility for Somaliland. Among the most active was Toronto-based businessman and community leader Mr. Omer Musse Kahin.

Over the past months, he organized diplomatic engagement initiatives connecting Somaliland diaspora representatives with Israeli consular officials and Israeli-Canadian investors in Toronto. His efforts focused on two critical objectives: advancing awareness about Somaliland’s democratic success story and encouraging investment partnerships.

Unlike many who discuss recognition online, Mr. Omer moved into practical diplomacy.

He coordinated meetings.
He mobilized communities.
He promoted Somaliland in Canadian and Somaliland media.
He financed major community events.
And he consistently used his platform to advocate for Somaliland’s rightful place in the international community.

His most visible achievement came during the 2026 Somaliland Independence celebrations in Toronto, where Israeli representatives, Taiwanese officials, Canadian politicians, and business leaders gathered alongside the Somaliland community in a televised event watched widely on social media.

His advocacy efforts also reached senior levels of Canadian politics. During his outreach activities, Mr. Omer met with Doug Ford, helping bring greater awareness to Somaliland’s democratic achievements, strategic importance, and investment opportunities.

For many Somalilanders, this represented an important symbolic breakthrough: a diaspora community leader successfully engaging influential Canadian decision-makers while simultaneously strengthening Somaliland’s relationships with Israeli and Taiwanese representatives in Canada.

Now returning to Somaliland for the first time since these diplomatic milestones, Mr. Omer’s homecoming is becoming a symbol of diaspora patriotism and citizen diplomacy.

Many Somalilanders believe his story should inspire others in the diaspora to contribute more actively—not only financially, but diplomatically, intellectually, and strategically—to Somaliland’s future. Mr. Omer is arriving at Egal International Airport in Hargeisa on June 7, 2026. Let’s Welcome Omer Home.

20/05/2026

Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Gebilay, ayaa doortay Maayar cusub oo magaalada Gebilay yeelan doonto.

Mursal Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa xubnaha Golaha Deegaanka ee Gebilay ayaa loo doortay Duqa Gebilay.

Waa markii saddexaad ee muddo sannad gudahood ah, saddex Maayir xilka laga qaado Gebilay.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Hargeisa