Halgan Development Center
Founded with a vision to uplift .
ABOUT US
• Halgan Development Center, was established on January 1st, 2020.
• (HDC) is a community-driven, profit institution dedicated to empowering individuals and communities through integrated development programs.
19/05/2026
Caawinta jiil la dhisayo wacyigoodu ma aha hawl fudud. Waa jid dheer oo u baahan dulqaad, daacadnimo iyo himilo fog.
Muddo 6 sano ah oo xidhiidh iyo shaqo joogto ah ah, Halgan Development Center. waxaan qayb ka noqonnay tababarridda iyo horumarinta dhallinyaro kor u dhaafaysa 2000 qof. Tani ma aha tiro keliya, waa 2000 riyo, 2000 maskaxood iyo 2000 mustaqbal oo ifaya.
Waxaan aaminsanahay in jiilka maanta la hago uu yahay hoggaamiyeyaasha berri.
Horumarka bulshada wuxuu ka bilaabmaa dhallinyaro la wacyigeliyey, la dhiirrigeliyey, lana baray kalsooni iyo masuuliyad.
Safarku wali wuu socdaa… 🤍❕
17/05/2026
📚 Halgan Development Center
“Waxay aaminsan tahay in dhalinyaro aqoon leh, anshax leh, isla markaana waddaniyad ku dheehan tahay ay yihiin tiirka mustaqbalka Somaliland.”💚🤍❤️👈🏻
🇭🇺 18 May ma aha oo keliya taariikh la xuso, balse waa cashar jiilba jiilka ka dambeeya lagu baraarujiyo qiimaha nabadda, midnimada iyo jiritaanka qaranka.
📖“Qaran dhismihiisu wuxuu ku bilowdaa aqoon, himilo iyo halgan mideysan.”
Halgan Development Center
🇭🇺
07/05/2026
Fudud 📖🕹️🤏🏼
Halgan Development Center
01/05/2026
Xarunta Horumarinta ee Halgan Development Center waxay hambalyeynaysaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo xirfadaha, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka – 1 May 2026.
Macallimiinta, tababarayaasha, iyo dhammaan kuwa ka shaqeeya horumarinta aqoonta iyo xirfadaha bulshada—idinka ayaa ah iftiinka jiilka berri iyo tiirka dhismaha mustaqbalka. Dadaalkiinna joogtada ah, samirkiinna, iyo hufnaantiinnu waa waxa bulsho kasta horumar ku gaadhsiisa.
Waxaan idiin rajaynaynaa:
✨ Guul iyo horumar joogto ah
✨ Caafimaad iyo barwaaqo
✨ Shaqo qiimo iyo qadarin leh
Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka! 📚💼👊🏼
Halgan Development Center ✍🏼
28/04/2026
Xirfadaha masraxiyada fagaaraha (Public Speaking Skills) waa awoodaha qofka ka caawiya inuu si kalsooni leh oo saameyn leh uga hadlo meel fagaare ah hortiisa dad badan. Waa xirfad muhiim u ah macalimiinta, hoggaamiyeyaasha, iyo qof kasta oo doonaya inuu fariin gudbiyo si cad oo dadka taabanaysa.
Halkan waxaa ku jira qodobo muhiim ah:
🎤 1. Kalsooni (Confidence)
Kalsoonidu waa furaha koowaad. Marka aad naftaada aaminto, dadka kale way ku aamini doonaan.
🗣️ 2. Hadal cad (Clarity)
Isticmaal erayo fudud oo la fahmi karo. Ka fogow hadal wareer leh.
👀 3. Isku-xidhka dhagaystayaasha (Audience Connection)
Indhaha la xiriir dadka, dareenkooda faham, oo la hadal si ay uga jawaabaan.
🧠 4. Diyaargarow (Preparation)
Si fiican u diyaari mowduucaaga, samee tusaalooyin iyo qodobo cad.
🎭 5. Isticmaalka jirka (Body Language)
Gacmaha, wejiga, iyo istaaggaaga ha noqdaan kuwo taageeraya hadalkaaga.
⏱️ 6. Maareynta waqtiga (Time Management)
Ha dheereyn, hana soo gaabin si xad dhaaf ah—dhexdhexaad ka dhig.
🎯 7. Ujeedo cad (Clear Purpose)
Ogow sababta aad u hadleyso iyo fariinta aad rabto in ay dadka gaarto.
Halgan Development Center
Hadda isdiwaangali
Number whatsap 0634142602
26/04/2026
Xirfadan Training of public speaking
Halgan Development Center
Adi Maxaa kamid ah caqabadaha Kaa Soo maray Fagaare ka hadalka ⁉️🥺
Halgan Development Center
19/04/2026
Xirfada Fagaare ka hadalka 🎤📚⏱️✍🏼
Halgan Development Center
15/04/2026
📢 TOOBABAR FAGAARE KA HADALKA
🗓 Taariikhda: 07 May 2026
📍 Goobta: Sh. Bashiir School
⏳ Muddada: 4 maalmood (2 Khamiis + 2 Jimce)
💰 free keliya isdiwaangali 📖✍🏼
⸻
🟢 Hordhac:
Toobabarkan wuxuu kaa caawinayaa inaad barato hadal kalsooni leh iyo sida dadweynaha loola hadlo si hufan.
⸻
🎯 Ujeeddooyinka:
• Kobcinta kalsoonida nafta
• Diyaarinta hadal saameyn leh
• Horumarinta isgaarsiinta
• Ka gudubka cabsida fagaare ka hadalka
⸻
📚 Waxa la baranayo:
• Qaab-dhismeedka hadalka
• Isticmaalka luuqad cad oo soo jiidasho leh
• Xakamaynta codka & body language
• Tababaro ficil ah
⸻
👥 Ka faa’iidaystayaasha:
Ardayda, dhalinyarada & qof kasta oo raba horumarinta hadalka.
⸻
💳 Diiwaangelin:
📲 Ku iibso: 474438
🏦 Edahab: 65-4142602
⸻
📌 Isdiiwaangeli hadda – boosasku waa xadidan!
11/04/2026
Alxamdullilaah 🥰👊🏼
Waxaa shalay oo ahayd 10 April 2026 noosoo xidhmay Toobabarka Horumarinta Shaqsiyada 🥰👊🏼
Halgan Development Center
Halgan Development Center
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Market
Hargeisa