same organization.

same organization.

Share

Same Youth Movement
Youth organization committed to empowering young people through innovation and community service.

Our Mission
To inspire positive change, promote leadership, and create opportunities for youth to build a better future together.

26/04/2026

Waxaa mahad iska leh illahay si guul leh noogu hirgashay mashruuc muhiim ah oo lagu taageerayo 30 arday oo aan awoodin inay helaan fursado waxbarasho oo ku filan. Ujeedadeennu waxay ahayd inaan kaalin muuqata ka qaadanno horumarkooda iyo mustaqbalkooda, taasoo runtii noqotay mid miro dhal ah.

Waxaana si gaar ah ugu mahadcelineynaa Schoolka Mahamud Osman iyo maamule LIIBAAN MAXAMED MAXAMUUD BAAFE oo naga garab istaagay hirgelinta qorshahan, iyo sidoo kale ururka SAME Organization oo door weyn ka qaatay abaabulka iyo fulinta howlaha.

Waa tallaabo muhiim ah oo leh saameyn weyn waxaana rajeyneynaa in dadaalladan ay sii socdaan si arday badan oo aan awoodin kharashka waxbarashada loo gaarsiiyo iftiinka waxbarashada. 📚✨

Photos from same organization.'s post 28/11/2025

NOV-27-2025 khamiismis
Hanbalyo hanbalyo hanbalyo
Mudane Shucayb Maxamed Yaasiin oo soo afmeeray heerka 1aad ee jaamacada.

Mudane cilmigaa baratay DDD mida aad ugushaqayo hanoqdo bulshadana aad ugu hagarbaxdo.

Wabilaahi Towfiiq

Photos from same organization.'s post 30/10/2025

Khamiis 30/10/2025 waxaa booqasho wacyigalin ah ku tagay SAME ORGANIZATION
Shoolka facaween ee MAXAMUUD OWCISMAAN wacyigalintaas oo mowduucyadeedu ahaayeen

1: Maxay diinteena suuban ka tiraahday waxbarashada ?

2: Muhiimada ay waxbarashada u leedahay mujtamaceena.

3: Akhlaaqda lagarabo ardayga iyo xushmeenta waalidkiisa, macalimiintiisa iyo mujtamiciisa.

SAME ORGANIZATION wuxuu umahadnaqay dhamaan maamulayaasha macalimiinta iyo ardayda wanaagsan ee u huray qayb qaaliyaa oo kamid ah waqtigooda kana faa'idaystay mawduucyada loosoojeediyay.

Photos from same organization.'s post 18/09/2025

Waxaa kulan ballaaran oo soo dhaweyn ah loo sameeyay Mr. Mursal mahamed oo ku soo biiray ururka. Kulankaas oo ajandihiisu ahaa:

1. Soo dhaweynta xubinta cusub ee ururka ku soo biiray.

2. USharaxidda astaanta ururka iyo habka uu u shaqeeyo.

3. Ku wareejinta formka ku soo biirista ururka si uu u buuxiyo, una saxiixo, taasoo xaqiijinaysa in uu xubin dhab ah ka mid noqdo isla markaana uu la shaqeeyo ururka.

16/09/2025

Gudoomiyaha ururka SAME organization ee G-shuiap maxamed yaasiin iyo khudbadjeedintiisi ku saabsanayd Akhlaaqda iyo anshaxa wanaagsan ee lagadoonayo ardayga inuu kula dhexnoolaado bulshadiisa.

15/09/2025

Axmed salax iyo khudbadjeedintiisi ee kusaabsanayd Muhiimada ay waxbarashadu leedahay.

14/09/2025

Dhulkeena dabeecadiisaa

Photos from same organization.'s post 12/09/2025

Shalay oo Khamiis ahyd 11/9/2025
same organization wuxuu booqasho kutagay shcool Umulquraa kana qabtay barnaamij wacyi galin ah barnaamijkaas oo siqoto dheer diirada u saarayay ciwanada kalla ah.

1 Akhlaaqda aradayga iyo xushmaynta waalidka, macalimiinta iyo dadka waaween.

2 Illaalinta nadaafadiisa iyo tan dalkaba.

3 Hormarinta dadaalka waxbarshadiisa.

4 jaceelka dalka iyo waxyaabaha lagarabo in uu dalka uqabto, lagana doonayo in uu noqdo mid dalkiisa, diindiisa iyo dadkiisaba anfici doona.

same organization wuxuu umahad calinayaa dhamaan xubnaha schoolka sida maamulaha, macalimiinta iyo ardayda oo si qurux kudheehantahay waqtigooda u siiyay oona dhagaystay barnaamijka qiimaha badabn.

29/08/2025

Anbaqaadka geediga
sida dalka loodhisi lahaa
loona tayeen lahaa ubaxa berito.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Garowe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

Garowe