Plasma University Student Association - Mudug

Plasma University Student Association - Mudug

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Plasma University Student Association - Mudug, College & University, Gaalkacyo.

26/08/2026

๐—™๐—จ๐—ฅ๐—ฆ๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—”๐—•๐—”๐—”๐—— ๐—ข๐—ข ๐— ๐—จ๐—›๐—œ๐—œ๐—  ๐—”๐—›

Codsiyo badan oo ka yimid ardayda awgeed, ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ฅ๐š๐ฌ๐ฆ๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐๐ฎ๐  waxay mar kale qabanaysaa tabobarkii โ€œSidee Loo doortaa Kulliyadda Kugu Habboon.โ€

Khamiis, 27 Agoosto 2026
3:00 PM (9:00 Galabnimo)
Xarunta Jaamacadda Plasma โ€“ Mudug

Ku soo biir WhatsApp Group-ka:
https://chat.whatsapp.com/JnZKwFyJmPDJbtyxLDEfAW

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir:
61 5010676 / 610707416

20/08/2026

๐—ง๐—”๐—•๐—ข๐—•๐—”๐—ฅ โ€“ ๐—ฆ๐—œ๐——๐—˜๐—˜ ๐—Ÿ๐—ข๐—ข ๐——๐—ข๐—ข๐—ฅ๐—ง๐—”๐—” ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—” ๐—ž๐—จ๐—š๐—จ ๐—›๐—”๐—•๐—•๐—ข๐—ข๐—ก?

Doorashada kulliyadda iyo takhasuska aad baranayso waa goโ€™aan muhiim ah oo u baahan in si deggan looga fiirsado.

Jaamacadda Plasma Xarunta Mudug waxa ay ardayda sanadkaan kasoo qalinjabisay dugsiyada sare u qabanaysaa TOBABAR ku saabsan Sida Loo Doorto Kulliyadda Kugu Habboon, kaas oo lagu qabanayo:

๐Ÿ“ Xarunta Jaamacadda Plasma
๐Ÿ“… Sabti, 22 Agoosto 2026
โฐ 3:00 PM (9:00 Galabnimo)

Jaamacadda Plasma Xarunta Mudug waxay kula wadaagaysaa talooyin kaa caawinaya inaad si fudud u fahanto sida loo dooran karo kulliyadda iyo takhasuska kugu habboon.

Doorashada saxda ahi waxay noqon kartaa bilow wanaagsan oo aad ku dhisato aqoontaada, xirfaddaada iyo mustaqbalkaaga.

๐Ÿ”— kusoo biir WhatsApp Group: https://chat.whatsapp.com/JnZKwFyJmPDJbtyxLDEfAW

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir:
61 5010676 / 610707416

18/08/2026

๐—ฆ๐—›๐—”๐—”๐—–๐—œ๐—ก๐—ง๐—” 3-๐——๐—” ๐—”๐—ฅ๐——๐—”๐—ฌ ๐—˜๐—˜ ๐—จ๐—š๐—จ ๐—ฆ๐—”๐—ฅ๐—ฅ๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” โ€” ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐—น๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด

Jaamacadda Plasma Xarunta Mudug waxay si farxad iyo sharaf leh u shaacinaysaa 3-da arday ee ugu sarreysay natiijada imtixaanka Semester-ka 2-aad, sanad-waxbarasheedka 2025/2026.

๐Ÿฅ‡ Kaalinta 1aad: Fadumo Abdirisak Abdullahi
Average: 94.3% โ€” Information Technology

๐Ÿฅˆ Kaalinta 2aad: Mohamed Hussein Hassan
Average: 94.18% โ€” Information Technology

๐Ÿฅ‰ Kaalinta 3aad: Safiyo Saed Muse
Average: 93.21% โ€” Medicine & Surgery

Hambalyo dhammaan ardayda Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkiinna, adkaysigiinna iyo sida aad uga goโ€™an tahay waxbarashada. Plasma University waxay ku faanaysaa guulihiinna, waxaana idiin rajaynaynaa horumar iyo guulo waaweyn mustaqbalka.

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir:
61 5010676 / 610707416

15/08/2026

๐—ข๐—š๐—”๐—ฌ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฆ ๐— ๐—จ๐—›๐—œ๐—œ๐—  ๐—”๐—› โ€“ ๐——๐—œ๐—œ๐—ช๐—”๐—”๐—ก๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—”๐—ฅ๐——๐—”๐—ฌ๐——๐—”

๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐—น๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ฎ โ€“ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda doonaysa inay wax ka barato ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ฅ๐š๐ฌ๐ฆ๐š โ€“ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐๐ฎ๐  in diiwaangelinta ardayda ee ๐ฌ๐š๐ง๐ง๐š๐-๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ• ay si rasmi ah uga Furantay xarunta Jaamacadda.

Ardayda cusub iyo kuwa doonaya inay sii wataan waxbarashadooda waxaa lagu wargelinayaa inay ka faaโ€™iidaystaan fursaddan oo ay iska diiwaangeliyaan Xarunta Jaamacadda.

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir:
615010676 / 610707416

Photos from Plasma University Student Association - Mudug 's post 28/06/2026

Hambalyo iyo Bogaadin Hoggaanka Cusub ee Ardayda Jaamacadda GU๐ŸŽ‰

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma, Mudane Shariif Abdi Salan Cali , ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hoggaanka cusub ee loo doortay matalaadda ardayda Jaamacadda Galkacyo University

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa:

Guddoomiyaha: Mudane Xasan Axmed Maxamed
Guddoomiye Ku-xigeenka: Ridwaan Xuseen Axmed
Xoghayaha: Cabdiraxmaan Cisman Daahir

Gudoomiyaha oo munaasabada qudbad kajeediyey wuxuu ku bogaadiyay ardayda Jaamacadda gu nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay sanad walba ugu doortaan hoggaan cusub, isagoo sheegay in doorashadu tahay astaan muujineysa midnimo, masuuliyad iyo horumar.

Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan ardayda inay si dhow ula shaqeeyaan hoggaanka ay doorteen, si wadajir loogu gaaro horumar iyo adeeg wanaagsan oo ay wada helaan dhammaan ardayda.
Dhanka kale, wuxuu kula dardaarmay hoggaanka cusub inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kuna shaqeeyaan daacadnimo, hufnaan iyo cadaalad
Hambalyo mar kale hoggaanka cusub, waxaan idiin rajeynaynaa guul iyo waxqabad wanaagsan. ๐Ÿ‘

17/06/2026

.....๐—ฃ๐—Ÿ๐—”๐—ฆ๐— ๐—” ๐—จ๐—ก๐—œ๐—ฉ๐—˜๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—ฌ ๐— ๐—จ๐——๐—จ๐—š ๐—–๐—”๐— ๐—ฃ๐—จ๐—ฆ.......

๐—ฌ๐—ผ๐˜‚๐˜๐—ต ๐—ฃ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น & ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ณ๐—ฒ๐˜€๐˜€๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—š๐—ฟ๐—ผ๐˜„๐˜๐—ต ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ
๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ โ€“ ๐—ก๐—ผ๐—น๐—ผ๐—น & ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฏ๐—ฎ

๐Ÿ‘‰ Ogaal Forum waxay Ku qaban doontaa Jaamacada Plasma Xarunta Mudug tababar gaar ah oo loogu talagalay dhalinyarada doonaysa inay horumariyaan naftooda, xirfaddooda iyo hoggaamintooda.

๐Ÿ“Œ Waxaad ku baran doontaa:

๐ŸŒฑ Personal Development (Horumarka Shaqsiga)
โœ… Kalsooni dhisid & is-aaminaad
โœ… Maareynta shucuurta (Emotional Intelligence)
โœ… Isbarasho & ogaanshaha awoodahaaga
โœ… Ka gudbidda cabsida iyo walbahaarka
โœ… Hadaf dejin & dhiirrigelin nafeed
โœ… Waqti maamul & isku dheellitir nolol iyo shaqo

๐Ÿ’ผ Professional Development (Horumarka Xirfadeed)
โœ… Hadal & soo bandhigid xirfad leh (Public Speaking & Presentation Skills)
โœ… Xirfadaha isgaarsiinta (Communication Skills)
โœ… Hogaamin & goโ€™aan qaadasho
โœ… CV Writing & Interview Skills
โœ… Shaqo anshaxeed & xirfad shaqo
โœ… Qorsheynta horumarka xirfadda (Career Planning)

โœจ Tababarkani wuxuu kaa caawinayaa inaad noqoto dhalinyaro kalsooni leh, xirfad sare leh, kana muuqata bulshadeeda iyo shaqadeeda.

๐ƒ๐š๐ญ๐ž : ๐Ÿ๐Ÿ– - ๐Ÿ๐Ÿ— / ๐ŸŽ๐Ÿ” / ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”
๐“๐ข๐ฆ๐ž : ๐Ÿ‘:๐ŸŽ๐ŸŽ๐ฉ๐ฆ - ๐Ÿ๐Ÿ:๐Ÿ‘๐ŸŽ๐ฉ๐ฆ
๐•๐ž๐ง๐ฎ๐ž: ๐๐ฅ๐š๐ฌ๐ฆ๐š ๐”๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐‚๐š๐ฆ๐ฉ๐ฎ๐ฌ

Si aad Uga qaybgashid Fadlan kusoo biir Watsapp group ka loo diyaariyay Ardayda doonaysa in ay Ka qaybgalaan oo Ku dhufo linkga hoos yaala

https://chat.whatsapp.com/LJDem6jHUk9DC4ytaETWFN?s=cl&p=a&ilr=0

Photos from Plasma University Student Association - Mudug 's post 15/06/2026

Xukuumadda Midowga ardayda Jaamacadda Plasma oo uu hogaminayo Mudane Shariif Abdi Salan Cali oo ay wehliyaan G ku xigeenka iyo Xoghayaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐ž๐ฒ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐ž๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐š Xukuumadda Midowga Ardayda jamacada Bariga Africa University oo Hogaaminayo Gudoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Bariga Africa University Abdiwali Ali Baceeye
โ€Ž
โ€ŽGaalkacyo, Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/6/2026. Waxaa Heshiis iskaashi ah kala saxiixday labada Xukuumaddood kadib markii kulan ka dhacay xafiiska midowga ardayda jaamacada Bariga Africa University

Heshiiskaan iskaashiga ah, ayaa muujinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya ururada ardayda ee labada jaamacadood, asagoo keeni kara fursado cusub oo ku saabsan hormarinta arrimaha ardayda, is-dhaafsiga aqoonta iyo xoojinta xiriirka labada jaamacadood.
โ€Ž
โ€ŽHeshiisyada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo lagu xoojinayo wada shaqeynta ardayda, abuurista barnaamijyo wadajir ah iyo taageero wadaag ah oo ku aaddan arrimaha muhiimka ah ee ardayda.
โ€Ž
โ€Ž๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ ๐—ต๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐˜…๐—ถ๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐˜† :-
โ€Ž
โ€ŽGudoomiyaha Midowga ardayda Jaamacadda Plasma Mudane Shariif Cabdisalaam Cali
''""
Gudoomiyaha Midowga ardayda Jaamacadda Bariga Africa Mudane Cabdiwali Cali Baceeye.

10/06/2026

................๐ŸŒฑ ๐€๐๐Ž๐Ž๐ ๐Š๐Ž๐‘๐Ž๐‘๐’๐ˆ ๐ŸŒฑ....................

Waxaan si sharaf leh idiin kugu martiqaadaynaa Aqoon kororsi cinwaankiisu yahay:

๐€๐ ๐ซ๐ข๐œ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž ๐“๐ก๐ž ๐๐š๐œ๐ค๐›๐จ๐ง๐ž ๐จ๐Ÿ ๐‹๐ข๐Ÿ๐ž, ๐„๐œ๐จ๐ง๐จ๐ฆ๐ข๐œ ๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก, ๐š๐ง๐ ๐’๐จ๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐ƒ๐ž๐ฏ๐ž๐ฅ๐จ๐ฉ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ

๐ŸŽ™๏ธ ๐’๐จ๐จ ๐‰๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐ž: ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ค๐š๐๐ข๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐„๐ ๐š๐ฅ

๐Ÿ“… Taariikhda: 11/06/2026
๐Ÿ•• Waqtiga: 6:00 PM (Maqribnimo)
๐Ÿ“ Goobta: Jaamacadda Plasma โ€“ Xarunta Mudug.

Aqoon kororsigaan wuxuu diiradda saari doonaa muhiimadda beeraha iyo doorkooda ku aaddan nolosha bulshada, koboca dhaqaalaha , iyo horumarka bulshada.

Waxaan si gaar ah Aqoon-Kororsigaan ugu martiqaadaynaa ardayda, macallimiinta, aqoonyahannada, iskaashatada beeraleyda, iyo dhammaan daneeyayaasha horumarka bulshada Ee ku nool Gobolka Mudug .

Soo dhowaada dhammaantiin.

Photos from Plasma University Student Association - Mudug 's post 20/05/2026

๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—ง๐—”๐—ฅ๐—ง๐—”๐—ก๐—ž๐—” ๐—ž๐—จ๐—•๐—”๐——๐——๐—” ๐—–๐—”๐—š๐—ง๐—” ๐—”๐—ฅ๐——๐—”๐—ฌ๐——๐—” ๐—๐—”๐—”๐— ๐—”๐—–๐—”๐——๐——๐—” ๐—ฃ๐—Ÿ๐—”๐—ฆ๐— ๐—” ๐—ซ๐—”๐—ฅ๐—จ๐—ก๐—ง๐—” ๐— ๐—จ๐——๐—จ๐—š

Waxaa maanta Garoonka Galkayo Center si rasmi ah uga furmay tartanka kubadda cagta ee ardayda Jaamacadda Plasma Xarunta Mudug.

Kulanka furitaanka tartankan ayaa dhex maray Waaxaha Information Technology iyo Computer Science, iyadoo ciyaartu ahayd mid xiiso badan oo ay ka muuqatay tartan iyo isdhexgal wanaagsan.

Tartankan wuxuu qeyb ka yahay dhiirrigelinta ciyaaraha, horumarinta tayada ardayda, iyo xoojinta wadajirka ardayda Jaamacadda Plasma.

โ€œEducating the Whole Nationโ€

15/05/2026

Hambalyo Maalinta Gobonnimada iyo halgankii dhalinyaradii geesiyaasha ahayd ee SYL

Xukumada midowga Ardayda Jaamacadda Plasma Mudug
Campus oo u hogaminayo gudomiyaha ardayda Mudane Shariif Abdi Salaam iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ardeyda waxey hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa maalmaha qiimaha badan ee halgamayaashii naftooda iyo waqtigooda u huray xorriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dhalinyaradii SYL waxay ahaayeen astaan geesinimo, waddaniyad iyo himilo fog oo horseeday xorriyadda dalkeenna.

Annago waxan sii wadi doona ilaalinta midnimada, nabadda iyo horumarka dhakeena ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

โ€œDhalinyaro waa laf dhabarta ummadda.โ€





Soomaaliyeed

Website

Address

Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Plasma University Student Association - Mudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Gaalkacyo.