Keyse Abtidoon

Keyse Abtidoon

Share

Keyse Abtidoon waa somaali jecel abuurta deegaamadda, iyaba aqoonta inteedda waxtarka

in la dhiso umadda aqoonteedu waa door mahiima ah oo bulshadda u baahyantahay.

08/02/2026

warbaxin habka diwaan-galinta

Course oo si gaar ah diiradda u saaraysa barashada cilmiga dawooyinka ee Pharmacology.

Waa fursad waxbarasho oo loogu talagalay in ardaydu ku kororsadaan aqoontooda caafimaad iyadoo la isticmaalayo aaladaha casriga ah

Waa kuwan faahfaahinta muhiimka ah ee ku saabsan koorsada:

Habka iyo Muddada Koorsada.

Qaabka Waxbarashada: Koorsadu waxay ku baxaysaa hab Online.ah, taas oo kuu sahlaysa inaad gurigaaga ku barato, sidoo kale xaliga doonto barato.

Muddada: Waxay socon doontaa muddo hal bil ah(one month)

Qiimaha iyo Shahaadada

Lacagta: Is-diiwaangelinta koorsadu waa mid aad u jaban, waxaana lagu galayaa $4 oo kaliya

Arday kasta oo dhamaysta koorsada wuxuu helayaa shahaado (With Certificate)

Sida la isku diiwaangeliyo

Haddii aad rabto inaad ka mid noqoto ardayda ka faa'iidaysanaysa fursadan, waxaad kala xiriiri kartaa maamulka lambarka WhatsApp-ka ee: 0637477448

https://chat.whatsapp.com/CYK4MwYu8x99jE0zJAB0Z4?mode=gi_t

17/11/2025

Around 2,400 students will take part in the medical check-up.

Since 2023, I have been providing them with continuous training in nursing skills, and now these senior students are ready to return to the community and apply their skills.

07/04/2025

Ehel waa Ehelkaaga qarsoon, hiilna kuu ah!

Ku biir Tobabarkii dufcadii seddexad, ee habka loo qoro buugga jaamacada iyo tali baxintiisa.

Haaheey "Bal kawaran haddii aanu garbahaaga noqono, bar-bilowga qorida buugga jaamacaddada iyo ilaa dhammaadka.

Waxii talo, iyo toosinana aan kula garab galno, anagoo anan kaa caajisayn, si aad u daremin garab la'aan iyo Ehel la'aan buugga intaad qorayso.

More you learn📖, the more you earn💸

Halkan ku biir⬇️
https://chat.whatsapp.com/CYK4MwYu8x99jE0zJAB0Z4

08/03/2025

Wacaal daray ah!

Haddii aad samayso, sidan maalmaha bishan barakaysan lagu guudo jiro, waxaad ku jirtaa khatar badheedha, oo kuu keeni karta xanuuno aan la xadidi karin korniinkoodda, oo aad isku gaysato.

Cilmi-baadhistan hoose waxay si weyn u qaada dhigaysaa, xanuuno ka dhalan-kara, [inaad habeenkii ama xaliga hurdada ka hor cunto ka dharagto ama aad cunta, kadibna seexato] oo inta badan dadka somaalidu isku arkaan, xanuunada 'Gaasta caloosha kasoo baxda ee soo gaadha hunguriga' taasi oo dhaawac u geysata maadaamo ay tahay, Acid, waxa afka caafimaadka lagu yidhaahdaa gastro esophagus reflux disease (GERD).

Arrinkani waxa uu si weyn ula kulmo, dadka saxuurta intay cunnaan seexdaan, cilmi baadhistan oo la sameyey 2005 waxay ay leedahay " waa inaad cuntaa laba saac ama hal seddex ka hor cuntada".

kolka ay sidaa noqotay arrini xalkeenu waa sidee, inteena badani, waynu ku seexanaa, xata qaar ay salaadu ku dhaaftaba.
Kolka ay tobanka danbe marayso waxay dareemaan laab-olol iyo laab jeec ay mararka qaarkood dhib ku noqoto inay sii haystaan soonka, ama kolka uu soo kaco ayuu dareemayaa laab-jeec aad u daran.

Talo-soo jeedinta cilmi baadhista.

ugu yaraan waxaad kusoo jeedaa hal saac, ama seddexa si aad ugu hortagto xaaladan.

Tixraac.

https://scholar.google.com/scholar?q=related:szEFC2NT-qYJ:scholar.google.com/&hl=en&as_sdt=0,5 =gs_qabs&t=1741407370186&u=%23p%3Dj8Pzs8VKGjAJ

04/03/2025

Iam delighted to introduce a new course in Ramadan (Pharmacology)

Date: 5th March - 6th March

Register early
+252637477448
⬇️contact more details⬇️

https://chat.whatsapp.com/CYK4MwYu8x99jE0zJAB0Z4

03/03/2025

FURSAD WAXBARASHO OO BISHA RAMADAAN.


Waxaa la ogeeysinayaa dhamaan bahda jacel barashada cilmiga Caafimaadka in uu Machadka Gorof Academy uu bilaabi doono barshada Pharmacology.

1 .Waxbarashada machadka waxa baxiyaa waa caluumta caafimaadka.

2 .Mudada waxbarashadu way kala duwan tahay.

3 .Habka waxbarashada machadka waa online.

4 .Casharada waa maqal iyo muuqaal.

5 .Casharada waxaa lagu qaadanayaa whatsAppka ama Telegram

( Pharmacology 1 bil)

Duruusta waxa ay bilaabaneysaa 4/05/2025
Si aad isku diwaan galisid

Halkan kala xidhiidh 0637477448 Ama ku dhufo linkiga hoose ee WhatsApp.

https://chat.whatsapp.com/CYK4MwYu8x99jE0zJAB0Z4


La wadaag asxaabtaada, si fasal iskumida aad u wada bilaabataan.

19/02/2025

Demonstration is better than thoery.

Nursing an midwifery students in Gollis university.

16/02/2025

"They accidentally recorded footage of a nursing class while I was performing a practical session on suture techniques.

Keyse Abtidoon

30/10/2024

Seddex habeen oo isku xiga ayaan, course kamida Law dhigtay, waligay Law waxaan u haysan jirey wax iska buhaa buhaaya, waxse aan ogaadday inuu nolosha dhan soo hoos galo, oo aanu qofna sinaba ugu maarmayn xataa inuu inuun ka fahansanaado.

Ilaa imka waxan isku haystaa qareen, waxan arkayey ayaamahan waxyaabo qalqaldan oo aan toosin karo, wax layga galay oo khalad ahaa, bal hadda garo, waxa aan dhigtay waa seddex habeen, bayd-gaab yarbaan wali ahay, waxase aan ugu socdaa, Law waa hub aad isku difaaci karayso, kolba ninka kugu awood tirsada.

Marka macallinkii ii dhigayey laga tago, ninka ayaa aad aan ula mabsuudsanahay sida uu u wax iisii fahansiyey.
( https://youtu.be/Gy184UvzJRU?si=2iJ6M-xo_4ZO0XMW ) casharkani waa cashar ku saabsan hashiisyada (contracts)

Garyaqaanada halkan ugu jiraa, hayla socdaan inaan maalin dhow, meelahaas isugu iman doono. Hhh

Photos from Keyse Abtidoon's post 27/10/2024

Khatar qarsoon oo caafimaad!

Hablaheenu waa sida ogahay waa kuwa uduga jecel, waa kuwa aan sinaba u ogolaan ur aan lagu raaxaysan karin.

Qaab isticmaalka cadarinta guryaheena, goobaha shaqo, dugsiyada, masaajidad... haddaba waxa ku lamaan, halis caafimaad oo aan sinaba looga baaqsan karin sheegisteedda, haddii aynu sidan ku sii socon, qof walba aad arki karto, isagoo neef-qabad ama xasaasiyad ka cabanaya.

Waxan cuskan karaa, articles badan oo laga qoray, kuwa caalamiya iyo kuwa dhakhaatiirteenu kula taliyaan dadka inta badan neefsashada ka cowda.

Waxaad arkaysaa roogaga masaajidada oo r lagu shubayo, oo cagado dhan lagu madhinayo hal maalin guduheed, taasi waxay hor seedi kartaa, dadkii xasaasiyada lahaa iyo qaar kalaba inay halis ku dhex galaan salaada dhexdooda, maadaamo mudo ay ku jirayaan salaada.

Waxaad arkaysaa dumarkeena oo guriga marka lasoo hoydo guriga qiiqu iyo cadartu ay daaqadaha ka baxayaan, kolalbaa dhaci karta, in daaqadaha ay u xidhaanba, oo aad sidaa lagu seexdo, taasina waa halis kale oo caafimaad.

Goobaha kale aadka looga isticmaalo, waa xafiisyada, waana halka ugu badan ee aad ku arkayso isticmaalka cadarta hawada udugisa, goobahani waxaad arkaysaa, iyada oo ay albaabada loo xidhanayo, daaqadaha iyo albaabadu u xidhanyahiin, tana wa u halisa sanbabadaada.

Seddexdaa goobood ee aan soo sheegay, waa in sida loo badalaa, si aynu ilaalino badqabka dadkeena.

1.Masaajidada

Waa in kaga daayaa rooga, waxa jira kumaankun qof xasaaasiyad ku leh cadartay, waa inaanad u ogolaan in jamacu masaajidka ka yaraan, kana tagin masaajidka, waxa ugu haboon inta aysan dadku iman inaad carfiso, habkaasaa macquul ah.

2.Guryaheena

Waa in ka hor dadku intay seexan carfisa, waliba loo ogollaan in ay cidi gasho inta ay socoto carfintu, waa inaad aamintaa sun oo kale inaad ku buufisay, haddii kale halis caafimaad ayaad u horseeday dadka kugula nool guriga.

Waa inaad martida, qolka ay galayaan, aanad waxba ku buufin, ilaa aad ogolaasho weydiisato, haddii waxa laga yaabaa inuu xasaasiyad lahaa, oo aad halis ku galo gurigaaga.

Qolka sinaba howga shidin wax qiiqa, uunsi, iyadoo la jooga siiba ciyaal iyo dadka waaweyn.

3. Xafiisyada

Madaamo ay tahay goobo aan lays ogayn cida xasaasiyada leh, cid sanbabada wax ka qabta, cid inuun neef qabad leh, waa inaad ixtiraamtaa asxaabta kolba xafiiska kula joogta, waa in aad ka hor inta aan xafiiska lasoo galin, aad sii carfisaa, haddii kale waxad horseedi doontaa, in dadbadan xanuun cusub la kulmaan, ugu yaraan in madax xanuun joogtaa qofku la kulmo, isagoo tabanaya oxygen ku filan inaanu helin.

Ugu danbayn.

"Haddii aad uduginayso goob, ka hor inta pa iman ama la joogin carfi"

24/10/2024

Af-somaaliga sexda ah!

Saaka ayaan fadhiistay maqaaxi yar oo shaax ka fuudayey.

Oday ayaa ii ag fadhiistay kolkaa budh iyo wayso yar, cagahana ciid cas, oo kolkaa dhul omos leh inuu ka yimi aan u maleyey, ama ugu yaraan hawd ahaa.

Waxan la hadlayey saaxib aan shaqo wadaag ahayn oo kolkaa afka somaaliga aan ku hadal.

Adeer ma af-xabashibaad ku hadlaysay, af kale adeer.

Adeer waaxaan kugula talin lahaa inaad afkaaga aqoon u yeelato oo aad barato!

Ana waxan ku idhi, inta aan is xariifiyey, adeer waan aqaana, af-somaaliga waxna waan tirtiraa marmar. K*k

Dhowr meeris oo aanan haynin hadda, oo Abwaan Faarax Nuur (AHUN) tireyey, ayuu ii mariyey, kolkaas fufurbuu ugu yidhi; xooga waan la raftay.

Balse waxa ugu adkaaday hadal caadi ah oo markaasi ku tilmaamay nin ay is hayeen oo wadada marayey, oo kolkaa aan u fahmay, inuu ahaa, niman dhowr ah oo magaaladda u yimi, oo kolkaa sooryo la'aan uu kula kulmay!

" ninkaasi waa beexaani, bicir iyo dallal isku darsaday"

Yaa adeer!

Waabu igu celiyey, miyaan fahmayaa!

Inta uu dhoola cadayey, ayuu yidhi oo hadda waxaaban ku moodayey, nin afka yaqaane, intaas waa inaad ayeeyo ama awoowgaa soo weydiisaa, inta uu jilibka iga dhirbaaxay, oo kolkaa shaaxi aan gacanta ku hayeyna iga qaban gaadhay.

Mayee; adeer isheeg?

Bacir gartaye inta kale.

Kolkaa waa isheegay, isagoo gacmaha igu sharaxaya.

waxaan yaqiinsaday haddii afkaa lagu qori lahaa buug, in sida luqadaha kale loo baran lahaa.

Waxaan ugu socdaa, bal seddexdaa erey, soo kala sheega.

1. beexaani
2.bicir
3.dallal

Keyse Abtidoon

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Berbera