Cali Qaran
Xildhibaan Golaha Wakiilada JSL kana soo baxay Gobolka Saaxil.
FB 2326..
Xorriyatul-qawlku ma aha danbi waa xaq dastuurku dammaanad qaaday. Qodobada 25-aad iyo 32-aad.
20/04/2026
FB 2325..
🔥 Kulaylka daran, laydh-la’aanta iyo biyo-yaraanta ka jirta Berbera waxay si gaar ah u saameeyeen qoysaska danyarta ah. Xaaladdani ma aha mid la iska indho tiri karo, waayo laydhka iyo biyuhu waa baahiyo nololeed oo aasaasi ah.
Waxaan ugu baaqayaa cidda ay khusayso in ay si degdeg ah uga jawaabaan dhibaatadan, isla markaana loo helo xal muuqda oo waara si loo badbaadiyo bulshada nugul ee maanta wajahaysa xaalad adag. ⚠️💧⚡
18/04/2026
FB 2324..
Waxaan si adag u canbaaraynayaa warqadda ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ee shirkad gaar ah loogu asteeyey inay noqoto wakiil ay la shaqeeyaan shirkadaha MTOs iyo logistics-ka ee ka imanaya Itoobiya.
Go’aankani ma aha khalad maamul oo fudud Waa ku tumasho cad oo Dastuurka Somaliland ah iyo xeerarka dalka Jamhuuriyada Somaliland u yaal sida Qodobka 11aad, 8aad iyo 22 aad ee Dastuurku JSL oo dammaanad qaaday ganacsi xor ah (free enterprise), xuquuqda iyo sinaanta muwadiniinta JSL. Wasiir ma laha awood uu shirkad gaar ah ku siiyo mudnaan Qaran iyo in fursada hal shirkad lagu koobo waa xad-gudub dastuur.
Waxaa kale oo warqaddani si cad u muujinaysaa in wasiirku ka arradan yahay fahamka shuruucda dalka iyo waajibaadka sharci ee wasaaradda uu masuulka ka yahay. Go’aan noocan ahi ma aha oo kaliya khalad maamul — waa tilmaam aqoon-darro sharci.
Sidaas darteed go’aankani:
• Waa xad-dhaaf awoodeed
• Waa ku tumasho dastuur iyo iska indhotir mabda’a suuqa xorta ah
• Waa ku tumasho sinnaanta ganacsatada
• Wuxuuna muujinayaa aqoon-darro sharci oo haysata wasiirka.
• Golle ahaan waxa aanu kala xisaabtami doonaa dambiga sharci ee uu ka galay dastuurka JSl wasiirkaa gaadiidku iyo H.jidadku.
Somaliland laguma maamulo go’aamo shaqsiyeed iyo doonis wasiir laakin Somaliland waxaa lagu maamulaa DASTUUR iyo xeerar u yaal.
FB 2323..
🌙✨ 🌙✨ Ciid Mubaarak 🌙✨ 🌙✨
Maalintan barakaysan ee ciidda, waxaan dhammaantiin idiin rajaynayaa farxad, nabad iyo barwaaqo joogto ah. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudanay 🤲🏽
Ciiddu waa maalin farxadeed, sidoo kale cafis iyo jacayl laysku qaabilo. qalbiyadeenna Alle farxad badan ha galiyo hana inaga yeelo kuwii aan illoobin kuwa u baahan garab iyo gargaar.
Adiga, qoyskiina iyo qoyskaagaba Ciid wanaagsan đź’« Farxaddu ha noqoto mid aan dhammaan, ducadiinuna ha noqoto mid la aqbalo.
12/03/2026
FB 2322..
Mar kasta oo aad akhrido Suuratul Yuusuf, qalbiga waxa ku soo dhacaya cashar weyn oo nolosha lagu hago. Qisada Nabi Yuusuf (CS) waxay ina tusaysaa in jidka guushu mararka qaar dheer yahay, mararka qaarna uu la socdo imtixaan, dulmi iyo sugid.
Nabi Yuusuf (CS) ceel ayaa lagu tuuray, addoon ayuu noqday, xabsi ayuu galay; laakiin dhammaan dhibahaas wuxuu kaga gudbay samir, iimaan iyo kalsooni uu Alle ku qabo. Ugu dambayntiina wuxuu gaadhay sharaf, maamuus iyo hoggaamin.
Casharka weyn ee halkaas ka muuqda waa in qofku aanu ka quusan raxmadda Alle, xitaa marka xaaladdu u muuqato mid aad u adag. Mararka qaar dhibta aad maanta ku jirtaa waa jidka Alle kuu mararinayo khayr ka weyn inta aad qiyaasi karto.
Suuratul Yuusuf waxay na baraysaa in samirku yahay furaha farajka, akhlaaqduna ay qofka kor u qaaddo, cafiskuna uu yahay astaanta dadka qalbiya weyn leh.
Qofka Alle la jiraa mar walba wuu gaadhaa halka uu u qaddaray, xataa haddii jidku dheeraado.
17/02/2026
FB 2321..
RAMMADAN MUBAARIG, Alle khayrkeeda hayna siiyo.
07/02/2026
FB 2320..
Aniga oo ka mid ahaa Mudanayaashii maanta ka qaybgalay fadhigii 20aad ee Kalfadhiga 13aad, waxaa fadhiga maantu khuseeyey dhagaysiga Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Warshadaha ee ka yimi dhanka Xukuumadda.
Intii uu fadhigu socday, Golaha waxa uu dhageystay warbixin faahfaahsan oo ay soo diyaarisay Guddi Gaar ah oo la magacaabay 19-kii Janaayo 2026, taas oo ku saabsanayd wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka. Warbixintaas waxa Golaha u akhriday Guddoomiyaha Guddida, Marwo Aaamina Cilmi Fariid.
Kadib dood iyo falanqayn qoto dheer oo ay Mudanayaasha Golaha yeesheen, waxa si cod gacan-taag ah loo ansixiyay Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Warshadaha, xeerkana oo muhiimad weyn u leh qaranka.
02/02/2026
FB 2319..
Saaka waxaan ka qayb galay munaasabadda xuska sanad-guurada 32aad ee aasaaska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Munaasabaddan qiimaha leh waxay astaan u tahay taariikh fac-weyn oo ku suntan halgan, naf-hur iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq u dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo si daacadnimo, geesinimo iyo hufnaan leh u gudanaya waajibaadkooda qaran, kana shaqaynaya sugidda nabadda, amniga iyo midnimada dalka.
Sidoo kale, waxaan xushmad gaar ah u muujinayaa xaasaska Ciidamada Qaranka, kuwaas oo door lama huraan ah ka qaata taageerada iyo adkaysiga ay ku taagan yihiin geesiyaasha Qaranka.
Ilaahay ha idin waafajiyo gudashada waajibaadkiinna qaran, hana idin siiyo guul, nabad iyo horumar waara. Guulaysta waligiin.
20/01/2026
FB 2318..
Ku soo dhawoow Kulmiye Party Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi (Diini).
FB 2317..
Dhaaxuu jiifna u diiday
Dadka joogna u diidee
Ha xorowdo Jabuuti.
Dhaaxuu jeedalinaayay
Marna laydh ka jaraayay
Marna juuqda u diidee
Ha xorowdo Jabuuti.
Iyagoon jabin xeerka
Dhaaxuu jeel ku guraayay
Badh jariimad ku laayey
Ku jiqsiina ku haystee
Ha xorowdo Jabuuti.
Jiingad bayla dhexdeeda
Maato baahi la jiifta
Waa jaxiima adduune
Ninka juuca ku laayay
Isna tuumbo jaqaaye
Jihaadkiisu bannaane
Ha xorowdo Jabuuti.
Dhaaxuunbaa laga jeeday
Isna been ku hor joogee
Hadda wuu jabayaaye
Ha xorowdo Jabuuti.
Shacabkaa jalka waayay
Ee jidiin ku cadaaday
Ee waxooda ka jeelay
Ee nin jeebka ku qaatay
Janno way u danbeyne
Ha xorowdo Kabuuti.
Jariimooyin qarsooniyo
Jeero geesigu sheego
Wax kastoo jiro haatan
Cid u joojini maayoo
Wuu ku jiifi rabaaye
Goe jaaw dhaha maantoo
Ha xorowdo jabbuuti.
Kaligii jire maaha
Dalku jees qudha maaha
Dadku jaariyad maahee
Ha xorowdo Jabuuti.
abwaan-siddiiq Burmad
FB 2316..
Maanta waxaa ii sharaf ahayd in aan ka qaybgalo munaasabaddii qalin-jabinta dufcaddii siddeedaad ee Jaamacadda Alpha University, qaybteeda Berbera, halkaas oo ay ka qalin-jabiyeen boqol iyo saddex (103) arday.
Dhammaan ardayda qalin-jabinta ah iyo waalidiintoodaba waxaan u dirayaa hambalyo iyo bogaadin qalbiga ka soo go’day. Waxaan idiin rajaynayaa mustaqbal ifaya, guul waarta, iyo horumar aad ku biirisaan bulshadeenna iyo dalkeenna. Hambalyo, hambalyo mar kale. .
FB 2315..
“Dalkan dadkii lahaa ayaa u tashaday, iyagaa taladiisa leh. Dadka hanjabaadaha iyo qaylada ku mashquulsan, oo Xasan Gurguurte ka mid yahay, waxaan leenahay dadkii lahaa waddanka ayaa ka taliya. Qayladiinnu waxba kuma soo kordhinayso, waxbana k**a dhimayso go’aanka shacabkan.”
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Street No2
Berbera
002526
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 14:00 |
| Tuesday | 07:00 - 14:00 |
| Wednesday | 07:00 - 14:00 |
| Thursday | 07:00 - 14:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 14:00 |
| Sunday | 07:00 - 14:00 |