Suxufi Rashiid Baarcad

Suxufi Rashiid Baarcad

Share

waxaan ahay weriye soomaliyeed oo ku nool berbera..

11/06/2026

Waxa qoray siyaasi Nuuradiin diini....

𝙄𝙣𝙩𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙡𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙙𝙞𝙛𝙖𝙙𝙤𝙤𝙣𝙖 𝙭𝙞𝙨𝙖𝙖𝙗𝙩𝙖𝙣𝙖𝙖?

Berbera waxa ka miisaaniyad badan oo kaliya degmada Hargaysa, shanta degmo ee kale iyadaa ugu miisaaniyad badan, budgetkeedu waa 15milion sanadkii, marka la
eego dhanka tirrada dadka waa ta ugu yar marka loo eego magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Burco, iyo Gabiley. Haddan waa bilaabiyo, waa bilaa laydh, waa bilaa caafimaad, waa bilaa waxbarasho, dhankasta oo aad eegto waa dambaska waxa hadba is weydiin mudan maamulka degmadda ee maamula lacagta intaa leeg halkay galiyeen? Waxa kale oo su'aal maayarka 14sanno meesha haystay muxuu qabtay ?
12%ka kabka maxaa laga faa'iday?

Bal inta aan la caadifadoon ma xisaabtanaa.

06/06/2026

"Xaaskaaga oo joogta quraac ay jaariyad samaysay inaad cuntaa waa khalad".

06/06/2026

Shirkadda Telesom oo Wajahaysa Eeddaymo Halis ku ah Bini-aadanimada.....

Qaar ka mid ah shacabka Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo bandhigayay cabashooyin iyo eedeymo ay u jeedinayaan Shirkadda Telesom, kuwaas oo la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta, adeegyada lacagaha mobilka iyo goobaha ay shirkaddu ka hirgelisay taawarada isgaadhsiinta.
Dadka cabashada qaba ayaa sheegaya in taawaro isgaadhsiineed lagu rakibay xaafado ay dad badani degan yihiin, taas oo ay ku doodayaan inay walaac caafimaad ku abuurtay qoysas badan. Qaar ka mid ah bulshada ayaa dalbanaya in hay’adaha caafimaadka iyo kuwa deegaanka ay sameeyaan daraasado madax-bannaan oo lagu qiimeeyo saamaynta ay taawaradani ku yeelan karaan deegaanka iyo caafimaadka bulshada.
Sidoo kale, waxaa jira cabashooyin la xidhiidha adeegyada lacagaha elektarooniga ah, gaar ahaan adeegyada SAAD iyo Biribeydh.
Dadka cabashada gudbinaya ayaa ku andacoonaya inay mararka qaarkood la kulmaan khaladaad dhinaca xisaabaadka ah, lacag wareejin dib u dhacda ama adeegyo aan si buuxda ugu qancin macaamiisha. Cabashooyinkan ayaa horseeday baaqyo ku wajahan shirkadda si ay u kordhiso hufnaanta, isla markaana u xoojiso nidaamyada wax ka qabashada cabashooyinka macaamiisha.
Dhinaca kale, shirkaddu waxay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya adeegyada isgaadhsiinta Somaliland, waxaana malaayiin macaamiil ahi maalin kasta isticmaalaan adeegyadeeda. Sidaa darteed, cabashooyinka jira waxay u baahan yihiin in si cad oo caddaalad ah loo baadho, iyadoo la dhegaysanayo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani.
Ugu dambayn, dadka dhaliilaha soo jeedinaya waxay ugu baaqayaan hay’adaha dawladda ee qaabilsan isgaadhsiinta, caafimaadka iyo ilaalinta macaamiisha inay sameeyaan kormeerro iyo qiimayn madax-bannaan, si loo xaqiijiyo badbaadada bulshada, tayada adeegyada iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha.

Xogreebnews/Office Hargeysa.

06/06/2026

"SULDAAN QABILE WAXA UU KU XIDHAN YAHAY GARDARO GARAB OG". Siyaasi Faisel Abdrahman Muhumed

Soomaaliland waxa ugu sarreeya waa dastuurka, kaas oo ka sarreeya madaxweynaha. Xisbi kasta iyo hay’ad kasta waa inay u hoggaansamaan dastuurka. Madaxweynaha haddii uu ku dhaqmi waayo dastuurkii uu ku dhaartay, taasi waxay noqonaysaa khiyaano ka dhan ah Ilaahay iyo guud ahaan shacabka Somaliland.
Haddaba, haddii aan u daadago muhiimada qoraalkayga:
Suldaan Qabile waxa uu xidhan yahay muddo ku dhow saddex toddobaad, iyadoo dastuurku si cad u sheegayo in muwaadinka markasta oo la soo xidho in l48 saac gudahood maxkamed la horgeeyo intaa in ka badan saldhig ama jeel lagu hayn karin iyadoo maxkamad fasaxdo mooye,Hadaba arrintaas si waafaqsan sharciga looma fulin.
Waxa la yaab leh in dad qaarkood ay taageerayaan xadhig u muuqda mid dastuurka ka hor imanaya, oo u eg afduub. Suldaan Qabile waxaa lagu xidhey afkaar uu dhiibtey iyo dhaleeceyn uu dawladiisa dhaleeceyey oo ah fikir uu dhiibtay awgiis taasna dastuurka u ogol waliba qodobka 32naad.
Hadaba waxa dhacdey dad shacab ah oo qaraami la ah suldaanka ay ka godeedee xaqdarada lagu sameeyey Suldaankooda kuwaas oo u arkay in Suldaankooda cid afduubatey waxa dhacay in dadkii ehelka la ahaa Suldaanka oo mudaharaadaya rasaas nool loo adeegsado oo halkaa lagu dilo hada umada reer Soomaliland waxaan leeyahay xaqa ha la taageero sababtoo ah hadii suldaanka wax lagu haysto oo ay jirto maxaa 48saacadood gudahood loo horgeyn waayey maxkamad dhinaca kale miyey xaq tahay suldaankii oo habaryartii la dilay isagiina uu xaqdaro dastuurka ka baxsan uu u xidhan yahay oo aanu aaska habaryartii ka qayb gali kari.

05/06/2026

Maayir Ciddin oo Aflagaaado Qaawan ku Nasab-caayay Reer Gabiley.....

Xigasho xogreeb news

05/06/2026

Sheeg Reerka Somaliland Ku Dheeraad ka ah Ee ugu Cayda Badan?

05/06/2026

Gudoomiye ramaax oo gaadhigiisii lagu burburiyey magaalada Sheekh

05/06/2026

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo xataa Tacsi u Quudhi-waayay Dadkii Shalay uu ku laayay Magaalada Sheekh....

Xigasho xogreeb news

05/06/2026

Boqor Osman Buurmadow oo Aflagaado kula kacay Madaxweyne h**e Muuse Biixi iyo Suldaan Qabile ..

"Hashii gawracna mahadlayaa.
Muuse Biixi waa qofkii ugu badnaa ee xidha madaxdhaqameed, saxafiyiin, siyaasiyiin iyo xildhibaanno leh xasaanad. Wuxuu caddaaladda iyo sharciga xasuustaa marka la xidho qof Habar Awal ah.
Waa madaxweynihii laayey mudaharaadayaashii ugu badnaa weli Wuxuu aamini la'yahay in xilkii laga qaaday oo uu yahay qof shacab ah. Qabile yaa doortay? Xaggee lagu caleemo saaray? Miyuusan ahayn qof yar oo media-ha ka qayliya, shaqadiisuna tahay inuu ummadda isku guubaabiyo?
Waxaaba magac u yeeshay ciddii xidhay.
𝗕𝗼𝗾𝗼𝗿 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 "𝗕𝘂𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗼𝘄"

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Berbera