KURA.Com

KURA.Com

Share

CIYAARAHA CAALAMKA & DALKABA

11/01/2025

🚨 Wararkii Ugu Dambeeyey: Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow Spain, wadahadalada u dhexeeya Barcelona iyo wakiilka Marcus Rashford ayaa gaaray heer gabo-gabo ah.

Weeraryahanka Manchester United ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu u wareego kooxda Blaugrana, taas oo ku raad joogta xoojinta weerarkeeda .

Warkan ayaa dhaliyay hadal heyn badan, iyadoo taageerayaasha Barcelona ay filanayaan in Rashford uu noqon doono saxiix muhiim ah oo sare u qaada awoodda kooxda. Sidoo kale, waxay tani noqon kartaa fursad uu Rashford uga soo baxo tartanka Premier League una tijaabiyo La Liga.

11/01/2025
11/01/2025

“Manchester City ayaa heshiis shaqsiyeed la gaadhay Omar Marmoush. Labada kooxood ayaa u muuqda kuwa wadahadalkoodu ay isku dhowyihiin, waxaana ka dhexeeya xiriir wanaagsan. Wadahadaladu waxay marayaan meel wanaagsan, waxaana la filayaa in heshiiskani uu dhammaado usbuuca soo socda”

11/01/2025

Araujo ayaan ku faraxsaneyn Qorshaha kooxdiisu ay ku doonayso in Jonathan Tah uu ku soo biiro. Araujo waxa uu aad ugu dhow yahay inuu kooxda ka tago.

11/01/2025

Ruben Amorim : ayaa sheegay in riyadiisu ay tahay inuu ku guuleysto Premier League, isagoo carabka ku adkeeyay in guusha horyaalka Ingiriiska ay tahay hadaf uu si weyn u riyoodo.

16/07/2022

Rasmi : Barcelona ayaa la wareegtay Luwendowski kadib kulankii ay Barcelona iyo Beyarn Wada qaateen jimcihii. Lacagaha lagu heshiiyayna waa €50 oo ay ku jiraan lacagaha dheeradka ah ee loo yaqaano add one ka .
Ciyaaryahankan ayaa dhowr bilood ka hor la heshiiyay Barcelona kulamo uu la qaatay Tobabaraha kooxda ee Xavi kadib ciyaartoygani markuu ku qancay qorshaha Xavi.
Chalsea iyo Psg ayaa isku dayay in ay wadahadal la galaan Lewandowski balse ciyaartoygu marwalba wuxu saarayay diirada ku biirista Barcelona .

15/07/2022

Barcelona oo soo bandhigtay Saxiixeeda Cusub ee Rafinha xili Dambele uu sii joogay hadana Lewandowski imaanayo

Sidii wariyayaashu ugu weyni qorayaan Barcelona waxey aad ugu dhawdahey in ay bayern Munich heshiis la gaadho , h**e waxey heshiiska shakhsi ula gaadheen ciyaartoyga.

15/07/2022

Rasmi: Manchester United ayaa ku dhawaaqday saxiixa Christian Eriksen .🔴

13/07/2022

F.de Jong ayaa weli diidan in uu ka tago kooxda Barcelona .
Barcelona iyo Man united way ku heshiiyeen lacagta lagu kala iibsanayo ciyaartoygan balse weli ciyaaryahanka ayaan ku qanacsanayn in uu ka tago Barcelona .

Barcelona ayaa doonaysa in de jong uu ka tago kooxda ama uu mushaharkiisa dhimo .wakiilada ciyaartoygan ayaa Barcelona maanta u sheegay in aanu ciyaaryahanku mushaharaadkisa aanu dhimayn diyaarna aanu u ahayn in uu baxo.

Balse waxa laga yaabaa in maalmaha soo aadan ay Man united ku qancin doonto in ciyaartoygu uu usoo wareego.

13/07/2022

BREAKING NEWS 🚨:

Manchester United ayaa aad ugu dhow iney hishiis la gaarto difaaca dhexe ee kooxda Ajax Lisandro Martinez ⏳

Heshiiska shakhsiga way la gaadhey

Hadii ay man utd dhameystirto hishiiskan wuxuu noqon doonaa difaacii labaad ee ay kooxdu soo iibsato kadib Tyrell Malacia.
Sky sports

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Doha?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Doha