Prof Alcadaala
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Prof Alcadaala, Tutor/Teacher, islii, Denver, CO.
{ وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا } ,
( Talana Saaro Eebe, Eebaana kufilan wakiile)
Degree public administration
Degree Computer science
Author Teacher |Businessman💼 |youtube@profalcadaala
04/22/2026
Raabica Ismaacil Xasan, oo matalaysay Deeganka Soomalida kana socotay Dugsi Qorraxey ku yaalla ayaa kaalinta koobad ka gashay tartanka Qur'aanka kariimka ahaa ee 30ka Juz oo AdisAbaba ka dhacay. Itoobiya oo dhan ayay magacii Deeganka kor ugu qaafay. In la buun-buuniyo oo lasoo dhaweyay ahayd, si jiilal kale wadaddii ugu daydaan.
04/17/2026
Alle ha u naxariistee, waxaa geeryoodey caalimkii weynaa ee Deegaanka Soomaalida, Shiikh Cabdinaasir Xuseen, oo ka mid ahaa culimada ugu saameynta badan ee gobolka.
Shiikhu wuxuu noloshiisa u huray faafinta diinta Islaamka, isagoo soo saaray boqolaal jiil oo culimo iyo arday ah, isla markaana jeediyey duruus, muxaadarooyin iyo tafsiirja Qur’aanka Kariimka ah sanooyin badan oo xidhiidha.
Geeridiisu waxay dhaxal weyn uga tagtay bulshada Muslimiinta, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay kor u qaadista cilmiga diinta iyo wacyigelinta bulshada.
Bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta ayaa si weyn uga murugootay geeridiisa, iyagoo xusay doorkii uu ku lahaa tarbiyadda, cilmiga iyo toosin jiilal badan.
Ilaahay ha u naxariisto Shiikh Cabdinaasir Xuseen, jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo.
03/19/2026
Ciid mubaarak kulu caam wa antum bikhayr
03/13/2026
Qoyskaan aad aragtaan Al-Jeeeriya ayay u dhasheen waxay khatimeen xifdinta quraanka kariimka, sheekada cajiibka ah ayaa waxay tahay inuusan macalin barin Qur'aanka, balse hooyada dhashay carruurta ay masuuliyadaas dusha u ridatay.
Tan iyo yaraantooda waxay maalin walba siin jirtay casharro xifdinta Qur'aanka, ayadoona mar walba oo ay jaanis usoo hesho ka dhageysan jirtay ilaa ugu dambeyn ay ku guuleysteen xifdinta Qur'aanka Kariimka.
02/27/2026
Sannadkii Afraad oo xidhiidh ah.
Prof. Najlaa- bintu Sacad Al- Radaadi, waa muwaadinad sucuudiga u dhalatay, waxay ku takhasustay ( Chemsit and nanotechnology researcher).
Ms. Al-Raadadi waxay ka mid tahay Top 2% aduunka oo dhan cilmigan sida ay daabacday __Stanford University.
Waxay gacan lixaadle ka gaysatay majaalkaa, iyadoo loo arko qof Aqoonteeda iyo kartideeda ku gaadhay heerkaa. Sidoo kale waxay leedahay Hal-abuuro u diiwaan-gashan ( Patents).
Ms.Al-Raadadi xijaabkeeda may tuurin, Anshaxeeda may xoorin, Diinteeda may diidin,
Dalkeedana may dafirrin___ Waayo tolow?
Sabatu waa Ahaanshiyaheeda ayay taqaannaa oo Ismay waayin.
Mustafe Cm
02/17/2026
Hambalyo Hambalyo
Dhalasha bisha Ramadaan
01/16/2026
Taariikh 40 sano ka dib
Madaxweyne somaliyeed oo ka dagay
Laascanood
01/01/2026
Duqa Magaalada New York ayaa noqonayaa masuulkii ugu horreeyay ee Magaaladaas xil kaqabta oo lagu dhaariyo Kitaabka Quraanka.
Sidoo kale waa Muslimkii, Asiankii iyo weliba shaqsi ku dhashay oo ugu horreeyay ee Magaaladaasi Mayor ka noqda.
Abuukar b***e
Oo afka ciida u daray yhdiii
Taariikh
Mudo Kontan ka badan markii ugu horaysay ee doorasha qof iyo cod ah ay ka dhacdo xamar
11/05/2025
MAREYKANKA: Muslimkii u horreeyey ayaa maayir ka noqday magaalada siyaasadda caalamka laga hago ee New York, iyada oo Zohran Mamdani oo ka soo jeeda Hindiya kuna koray Uganda uu ku soo baxay doorashada duqa magaaladasi, sida ay muujisey tirinta codad ee wakaaladda AP.
Trump ayaa saacado ka hor ku goodiyey in uu dhaqaalaha ka jarayo, haddii magaaladan uu ku soo baxayo Zohran & xisbiga Dimuqraadiga ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Islii
Denver, CO