Birre Films
Birre Films waa madadaaliyaha Bulshada Iyo Saaxiibka Bulshada Fadlan ku xidhnow Barta Birre films
Hambalyo Dhalasho Wacan Waxaan Hawada U Marinayaa Walaalkey Ismail Hassan iyo Dumaashi Hibaaq Shire Oo Magaalada Columbus Ohio Wiil ugu dhashay Adeer Soo barbaar Alle na Hakaa dhigo mid Dalka Dadka iyo Diinta anfaca
19/05/2026
Inaalilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun Dr Mubaarak Cabdinuur Ayaa Hada Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho
Drka Oo mudooyinkii Danbe La Dhibaatoonayay Xanuunka Cancerka ayaa Tiisii timi
Waxaan ugu Horayn Tacsida La Wadaagayaa Famligiisa Oo ay ugu Horeeyaaan Aabe iyo Hooyo Xaaskiisii Iyo Walaaladii Ale Drka Hauraxmaado
Wuxuu Ka Baxay Soomaali oo dhan wuxuu ka Baxay Reer Waqooyi Bari wuxuu ka Baxay Reer buuhoodle AHUn Dr🥲
“FARMAAJO Aniga iyo Hassan Shiikh isku Aqoon Manihin isku Aragti Manihin Isku Siyaasad Manihin Kaliya Labo Nin Oo Soomaali ah Baanu nahay.
Siyaasada Gudahana Waxba k**a Yaqaano Siyaasada Dibadana Waxba k**a Yaqaano”
“Garaadka Guud Ee Beesha Daarood. Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Hogaaminaya Isimada Waqooyi Barri ayaa Hada ka Duulay Caasimada Maamulka Waqooyi Barri Ee Laascanood Yagoo ku Jeeda Caasimada Soomaaliya Muqdisho.
Oo Maalmaha Soo Socda Lagu Caano-Shubayo Ugaas Abdirisaaq Ugaas Abdilaahi Faracade”
19/04/2026
Maanta oo ay ku beegan tahay 19-ka April 2026, maalin Axad ah, aroor h**e waxay si qoto dheer u soo nooleynaysaa xasuusta maalintii murugadda lahayd, ee aan waynay aabbahay alle ha u naxaiistee, Jamac Birre Nuur, (Jama Qararo) Oo geeriyooday isla maalinkan oo kale. Axad aroor h**e 19-kii April 2015, kuna aasan magaaladda Saaxdheer.
Muddo 11 sanno ah ayaa kasoo wareegtay geeridiisa, balse xanuunka kala-tagga iyo xusuustiisi qiimaha badnayd waligeed k**a suulin qalbigayga. Aabbahay wuxuu ahaa nin ku suntan akhlaaq wanaag, gobannimo iyo deeqsinnimo. Wuxuu isku darsaday karti, hal-adayg, iyo alle ka cabsinnimo. Isaga oo mar walbanna u taagna daryeelida iyo ka shaqaynta qoyskiisa.
Aabbahay ma ahayn oo kaliya aabbe, balse wuxuu ahaa hage nololeed iyo tiir adag oo aannu ku tiirsanayn. Talooyinkiisii iyo tusaalihiisii wanaagsanaa waxay wali iftiiminayaan jidhkayga, waxa ayna igu reebeen raad aan marnaba tirmayn.
Magaalada Saaxdheer oo uu ku aasan yahay waxay ii tahay meel xasuus gaar ah igu leh, maadaama ay hoy u noqotay aabbe aan jeclaa,
Maanta, anigoo xasuustiisa qalbiga ku haya, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto aabahay, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, jannadii Fardowsana ka waraabiyo. Sidoo kale, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo dhammaanteen, gaar ahaan Qoyskayaga iyo Ehelka. Inta aan ka danbayno aabbe wan kuso ducaynayna markasta.
Xusuusta aabahay weligeed way noolaan doontaa, waana hanti aan ka dhaxlay oo aan mar walba qalbigayga ku ilaalin doono.
“Wax ka ogow Taariikhda Dheer Ee Halyeeyad Saado Cali Warsame (Saado Astaan Qaran)”
“Alle Hakuunaxariisto Saado Astaan Qaran”
“Alle Hakuunaxariisto Aabe macaan adiga iyo intii Islaama Ee Dhimatay Ducada Shiikhana Alle Haka aqbalo”
“Fariin ku Socota Xisbiga Talada Haya Ee Barwaaqo Siiba Laanta Gobollka Doolo”
14/03/2026
Waxaa murugo iyo caro leh in mar kale uu isu soo taago doorasho Faisal Rashiid, xildhibaan sheegta inuu matalo shacabka Bariga Danood ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Mudadii uu xilka hayay, shacabka uu matalo wax muuqda oo uu u qabtay ma jirto. Dadku waxay la tacaalayaan dhibaatooyin badan: adeegyo la’aan, horumar la’aan, iyo codkoodii oo aan cidna u hadlin.
Xildhibaan waa qof loo doorto inuu u adeego dadka, u doodo xuquuqdooda, kana shaqeeyo horumarka deegaanka. Laakiin marka xildhibaan uu xilka u isticmaalo magac iyo kursi keliya, isagoo aan waxba u qaban dadka uu matalo, waa in shacabka ay si cad uga hadlaan arrintaas.
Shacabka Bariga Danood ma aha kuwo la iska indha tiri karo. Waxay mudan yihiin hoggaan daacad ah, masuuliyad leh, kana shaqeeya danahooda dhabta ah. Maanta waa waqtigii la is weydiin lahaa: maxaa la qabtay intii uu xilka hayay? Haddii jawaabtu tahay waxba, sidee markale loogu aamini karaa kursigaas?
Doorashadu waa awoodda shacabka. Waa fursad lagu xisaabtamo laguna doorto qof si dhab ah ugu shaqaynaya dadka. Shacabka Bariga Danood waa inay si miyir leh u qiimeeyaan cidda matali karta mustaqbalkooda, oo aysan mar kale ku khaldin ballanqaadyo madhan.
Hoggaanka wanaagsan wuxuu ku yimaadaa daacadnimo iyo shaqo muuqata – ma aha magac iyo hadal keliya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Dublin