YuusufAbshir

YuusufAbshir

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from YuusufAbshir, Sport & recreation, Yuusuf Abshir, London.

02/05/2024

WACAAL: Dowladda Turkiga ayaa gebi-ahaanba joojisey ganacsigii ay la lahayd Israa'iil, Falastiin darteed.

Photos from YuusufAbshir's post 02/05/2024

Waxaa maanta oo khamiisa furmi doona tartantanka horyaalka puntland waxaana maanta lagu daahfuraya
Kooxaha kala ah
Qardho fc vc garawe city
Kulankaas oo ka dhici doona garoonka mire Awaare ee garawe
Halka kooxaha
Bari fc vc hobabaro ay kuciyaari doonaan Awale stadium galkio

02/05/2024

UPDATE: Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland AYAA sheegay in Maxbuus ku jiray Xabsiga Gaalkacyo dhintay todobo kalena ay ku dhaawacmeen rabashado ka dhashay gacan ka hadal ka dhacay.

Xafiiska aya dowlada Puntland ugu baaqay in baaris lagu sameeyo ciddi ka danbaysay falkaas sababay dhimashada iyo dhawaaca.

Photos from YuusufAbshir's post 23/04/2024

UPDATE: Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadda gudaha u galay markabka ciidanka badda Turkiga , TCG Kınalıada (F-514) ee ku sugan dekedda Muqdisho, kaa oo ay ka dhacayso munaasabadda lagu daahfurayo dhaqangelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha oo ay Dawladda Soomaaliya la gashay Turkiga. Heshiiska ayaa dhigaya ilaalada biyaha Soomaaliya ka hortagga khataraha, xad-gudubka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, halka dhinaca dhaqaalaha uu heshiiskan fursan u siinayo Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka kalluunka iyo shidaalka, waxaa intaa dheer dhismaha iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya.

23/04/2024

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmatay rag hubeysa oo la sheegey in ay isku haystaan dhul, aga-gaarka shirkadda Korontada NECSOM ee bariga caasimadda Garoowe - Goobjoogayaal.

22/04/2024

Dawladda Itoobiya ayaa qariiradan ka baahisay Telefashinkeeda ETV, iyadoo u adeegsanaya ka hadalka Arrimaha Geeska Afrika,ka dib shir oo ay qabatay wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya ayna ka sheegtay in ay waajib tahay in ADDIS ABABA ay hesho albaab ay kagasho Baddaha deriska la ah, ayna ku qasban tahay meelmarinta Heshiisyadii ay lagaleen dalalka jaarka ah, waxay ugu yeereen.

22/04/2024

Maxamed Daahir Ceynsane ayaa markii 3-aad loo doortay Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP,asagoona helay 80 cod, halka Yuusuf Yare oo la tartamay uu helay 20 cod

22/04/2024

Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo dhanka amniga ah, ilaa 4 xubnood oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iskuguna jira curiyayaal suugaan, xubno dhalinyaro ah iyo Macalin h**ey uga tirsanaa Bahda waxbarashada ee Somaliland ayaa kubiiray kooxaha Argagixiso 2-dii todobaad ee lasoo dhaafay, waxayna tageen Jilib iyo Bu’aale.

Xubnahan ayaa ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kale h**e Abwaano caan ahaa iyo Aaden Sune oo Hargeysa daganaa, kana kasoo jeeday dhinaca Somaliland ayaa kubiiray kooxahan Argagixiso.

21/04/2024

UPDATE: 180 mayd oo lagu aasay xabaal-wadareed ayaa maanta laga soo saaray isbitaalka Nasser ee ku yaalla Khan Yunis, koonfurta Qasa, labo toddobaad kaddib markii ciidanka Israa’iil ay ka baxeen isbitaalka iyo aagga ku dhow, sida ay soo bandhigtay Al-jazeera.

21/04/2024

UPDATE: Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin ayaa u muuqata goob kale oo dagaal, labadii maalin ee u dambeysay waxaa lagu dilay 14 Falastiiniyiin ah , rabshadaha ayaana sare u kacay , iyadoo dadkaa qaar ka mid ah ay u dhinteen dhaawac markii loo diidday gaadiidka gurmadka deg deg ah inay qaadaan, gaari nooca gurmadka deg deg ah oo isku dayay inuu qaadana waxaa la dilay darawalkii.

Mareykanka ayaa billaabay inuu si adag uga digo Daanta Galbeed inay noqoto , meel kale oo isku horimaadyo toos ah ay ku dhexmaraan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, kaddib markii Falastiiniyiinta ay joogteeyeen inay qaadaan weerarro joogto ah iyo qaraxyo ka dhashay xad-gudubka iyo cadaadiska ay kala kulmayaan Israa’iiliyiinta.

Photos from YuusufAbshir's post 21/04/2024

Shirweynaha Shaqo Abuurka Dhallinyarada Puntland oo muddo labo maalmood ah ka socdey Garoowe ayaa la soo gebogebeeyey.

Shirweynaha waxaa soo agaasimay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaya hay'adaha caalamiga ah.

Cabdiraxmaan Sh. Axmed Habarwaa oo ah wasiirka Wasaaradfa Shaqogelinta iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo xidhay shirka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada Puntland-na ku boorriyey in la xoojiyo farsamada beeraha, falashada dalagga iyo dabashada kalluunka.

.

21/04/2024

Jawiga magaalada laascaano waa sidan maanta

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in London?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Yuusuf Abshir
London