HD Media

HD Media

Share

Waxan idin la wadaagi doona, Barnaamijyo, Wararka xogaha qarsoon, & Dabaglka dhacdooyinka xiisaha leh, Nala socda

24/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa digniin adag u dirtay cuqaasha iyo salaadiinta dhaqanka, iyadoo Wasiir Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadayo cid kasta oo hadallo ama falal lid ku ah siyaasadda qaranka ku kacda.

Siyaasadda wasaaraddu ayaa xoogga saaraysaa ilaalinta midnimada iyo danaha qaranka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland iyo heshiisyada amni ee ay la gashay dalalka saaxiibka la ah. Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in aan loo dulqaadan doonin hadallo lagu carqaladeynayo danaha qaran ama lagu dhaawacayo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Maanta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciidamada booliska ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee fulinta arrintaas, kadib markii magaalada Hargeisa lagu xidhay suldaan hadallo kulul uu ka jeediyay warbaahinta oo la xidhiidha Puntland, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo ka hor imanaya siyaasadda iyo amniga qaranka.

Sabwanaag Media

25/04/2026

"Siyaasi Ahmed Cabdi Dheere oo Saameyn Ku Leh Loolanka Kursiga Caasimadda"

Hargeysa – Ahmed Cabdi Dheere, ayaa si weyn uga dhex muuqda loolanka kursiga ka bannaan caasimadda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in siyaasigan uu door firfircoon ka qaatay tartanka, isaga oo durba ka gaadhay guulo istaraatiiji ah, inkasta oo aanu si toos ah uga muuqan fagaaraha siyaasadda. Waxaa lagu tilmaamaa shaqsi si hoose uga shaqeeya arrimaha, isaga oo adeegsanaya xeelado khibrad sare leh iyo wada-xaajood joogto ah.

Ahmed Cabdi Dheere ayaa sidoo kale lagu yaqaannaa awoodda uu u leeyahay isku keenista dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ganacsato, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo madax sare oo xisbiyada ka tirsan, taas oo sahasha dhismaha isbahaysiyo siyaasadeed oo xooggan.

Saamayntiisa ayaa h**e loogu arkay doorashooyinkii 2017 iyo 2021, halkaas oo uu door muuqda—inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin—ku lahaa jihaynta siyaasadda.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa in la helo maalmaha soo socda.

Sabwanaag Media

13/04/2026
08/04/2026

Warbixin: Isku-shaandhayn iyo Magacaabis Cusub oo dhawaan soo baxaysa

Hargeysa – Waxaa si weyn loo hadal hayaa isku-shaandhayn, isku-beddel iyo magacaabis cusub oo Madaxweynaha la filayo inuu ku dhammaystiro qaab-dhismeedka xukuumaddiisa. Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii dhaliilo kala duwan loo jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiinta hadda xilalka haya, kuwaas oo lagu qiimeeyay waxqabadkooda, hufnaanta hay’adaha ay maamulaan, iyo doorkooda ku aaddan xasilinta iyo matalaadda beelaha ay ka soo jeedaan.

Wararka laga helayo ilaha siyaasadeed ayaa sheegaya in dib-u-eegis lagu sameeyay heerarka waxqabad ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, taas oo saldhig u noqotay go’aamada la filayo in dhawaan la shaaciyo.

Dhanka kale, beelaha bariga Hargeysa ayaa si weyn u muujiyay cabasho la xidhiidha saamiga ay ka heleen magacaabistii h**e ee xukuumadda. Waxay tilmaameen in ay ahaayeen bulsho si muuqata u garab istaagtay Madaxweynaha xilligii uu mucaaridka ahaa, isla markaana door muhiim ah ka qaadatay marxaladihii adkaa ee siyaasadeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale xaqiijinaya in masuuliyiin h**e loogu yiqiin hawlkarnimo iyo mabda’ adag ay suuragal tahay inay ka dhex muuqdaan magacaabista cusub. Waxaa si gaar ah loo hadal hayaa siyaasiga Hamse Gaaxnuug, oo la filayo inuu door ka helo isbeddelada la qorsheeyay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in taageero ballaadhan uu ka haysto beelaha waaweyn ee gobolka Maroodijeex, isla markaana ay socdaan qabanqaabooyin lagu soo dhaweynayo haddii uu ka mid noqdo masuuliyiinta la magacaabayo.

Guud ahaan, isbeddelladan la filayo ayaa loo arkaa kuwo lagu xoojinayo waxqabadka xukuumadda, laguna dheellitirayo matalaadda bulshada, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay u saamayn doonaan xaaladda siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka.

Sabwanaag Media

22/02/2025
22/02/2025
Photos from HD Media's post 01/09/2024

Gudida Beelaha Garxejis Maanta inay yimaadaan Ceerigaabo waa mid loo baahna maadama ay matalaad ka haystaan dhamaan deeganaada beeshu degantahay Sida Sanaag, Sool, Togdheer, Saaxil, Hargeisa, ilaa Gashaamo iyo Awaare

Bulshada deegaanka intaas isku jira ku dhaqan inaad taladooda iyo arragtidooda ka shaqeysaa runtii waa hawl aad u balaadhan lakiin alle ayaa ku asturey intii guddidaas hada aya shaqeynaysay

Guddida maxaa la gudboon deegaanka Sanaag xaaladda ka jira ?

Gudidda waxa la gudboon maadama gobolka Sanaag iyo Sool la inala deganyahay isdiidooyin siyaasadeedna ka jiraan in qolo waliba sideeda looga wada xaajoodo laguna wargaliyo in beeshu deegaankeeda gorgortan siyaasadeed lagu gali karin dhankasta wixii kasoo go'a beesha mooyaane

Beeshu inaan cidna duulaan ku ahayn siyaasadooda iyo deeganka ay deganyihiin laakiin ay ilaashanayso danaheeda iyo wixii alle u siyeey ee khayraadka gobolka nabada dhankooda xoojinayaan

Arrinta u muhiimsan ee kale waa in deeganka Sool iyo Saanag la hubaysan yahay beeshu waa in iyaduna diyaargarawdaa oo dhankeeda kala simantagay beelaha la degan oo hub intay haystaanla ka badan haystaa muddo kooban ku hirgaliyaan difaaca adag oo dhameystaran oo lagu haleyn karo deeganka beesha

Mahadsanidiin

29/08/2024

Nimanka Diiday Nabada Sanaag diyaar baa loo yahay dadka deegaanka u dhashey iyo maamulka gobalka ma aqbalayaan mana aqbali doonan nin hubaysan inu yidhaa guri ban ku leeyahay hubna waan lasoo galayaa.

Laascanood cid aan u dhalan hub k**a haysan karto ceerigaabo waa la mid, waan habalyeynayaa Cudaaqasha iyo gudida beelaha Garxejis ee Nabad ku baaqey weli dhanka kale maysoo jawaabin waa wax lala yaabo sidoo kalw in maatidoodi magaalada ka saaraan.

Waxba naga xumaan maayan nabad la diidey hadhow yaan la baryin diifaac dhankasta waa soo dhaweynayaaa

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in London?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


London
E153BN