Albis Production
Informations de contact, plan et itinéraire, formulaire de contact, heures d'ouverture, services, évaluations, photos, vidéos et annonces de Albis Production, Création digitale, Paris.
Adeegyada albisproduction
✅Dhacdooyinka Dunida
✅Barnaamijyada Xayawaanka
✅ Turjimada muuqalada gaagaban
✅Gudbinta Noocyada kala duwan ee ciyaaraha
[email protected]
26/06/2026
12dii World Cup ee ugu danbaysay kubadaha lagu ciyaaray 10 World Cup oo kamid ah waxaa soo saartay Pakistan 🇵🇰 🤯
Waa kuwaan liiska 👇🏼
2026 — Pakistan 🇵🇰
2022 — Pakistan 🇵🇰
2018 — Pakistan 🇵🇰
2014 — Pakistan 🇵🇰
2010 — China 🇨🇳
2006 — Thailand 🇹🇭
2002 — Pakistan 🇵🇰
1998 — Pakistan 🇵🇰
1994 — Pakistan 🇵🇰
1990 — Pakistan 🇵🇰
1986 — Pakistan 🇵🇰
1982 — Pakistan 🇵🇰
Pakistan kubadaha lagu ciyaaro kuwooda ugu fiican iyagaa soo saara mana yaqaanaan sida loogu ciyaaro 😂
26/06/2026
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa muuqaal ahaan lagu arkay isagoo jooga laba kulan oo kala duwan oo Group E ah—kuwaas oo isku mar bilaabmay, kana dhacay laba magaalo oo kala duwan.
🇩🇪 Germany 🆚 Ecuador
🇨🇼 Curaçao 🆚 Ivory Coast
Labada ciyaarood waxay bilaabmeen isku waqti, haddana sawirro iyo muuqaallo ayaa muujinaya Infantino oo jooga labadaba.
🤔 Su’aasha taageerayaashu is weydiinayaan:
Ma jiraa qalad baahin? Mise sawirradu waxay ka yimaadeen waqtiyo kala duwan?
Maxay kula tahay?
26/06/2026
Dalka Brazil Waxaa Xabsiga loo taxaaabey haweeneydan Oo lagu eedeeyay inay kasbatay kalsoonida qoys Deegaanka ah Oo gurigooda muddo ka badan hal sano ku Xanaanayn jiray Maadama ay usheegatay inay tahay Gabadh yar oo 12 jir ah, Qoyska ayaa si wayn u dhaqaaleyn Jiray Haweeneyda Waxayna Go'aan sadeen inay korsadaan balse gabadhu Waxayba" ahayd 37 jir.
Haweenayda si qorshaheeda Caruurnimo ugu Suurto Gallo waxa la sheegay inay samayn Jirtay dabeecado carruureed, mar kasta oo Wax la weydiiyo si CarabLaawe inay u hadli Jirtay, Su" aal kastana Jawaab Kala socota ka bixin Jirtay taaso ahayd Xeellad ay ku ilaashanayso Kool Koolinta iyo Xanaanada Qoysku ku waddeen !!
Ugu dambayn Midbaa fahmay Xabsigaana loo taxaaabey Bilaa caleek Shiid uun, haka Cabanine Dhakada Wareejiya Xeellad Keena 😂😂
26/06/2026
Calaamaddu waa iskuxidhka Hargeysa-Makka, Qiblada Muslimiinta.
Haddaba, Somaliland Masaajidyadu waxay u jeedaan Woqooyi qumman oo tooska Yemen ku beegan, waxayna ahayd in Woqooyi-Galbeed ay ahaato Qibladu.
Ma sax baa mise anigaa xisaab khaldan arkay?
garee si ay fariintani meeldheer ugaadhi
26/06/2026
Caddaaladda dhabta ahi way daahdaa laakiin marnaba ma dhimato. Maanta oo aan aragno Axmed Badru-diin Xassuun, oo loo yaqaannay "Muftigii Barmiillada," oo hor taagan maxk**ad ku taal magaalada Dimishiq, waa cashar weyn oo u baahan in lagu cibro qaato.
Ninkan oo diinta iyo minbarka u adeegsaday inuu ku xalaaleeyo dhiigga shacabka Suuriya, difaacayna nidaam waxshi ah oo xasuuq aan loo meel deyin geystay, ayaa maanta wajahaya natiijadii dulmigaas.
Tani waxay marqaati u tahay in kasta oo uu qofku awood iyo kibriyo ku dhex jiro, in maalin uun laga abaal-marin doono falalkii foosha xumaa ee uu u soo gaystay bini-aadamka kale.
Adduunyadu waa hoos madow, hanti iyo magac midna k**a badbaadin karaan qofka marka ay timaaddo xisaabta dhabta ah. Haddii maanta dunida dusheeda lagu maxk**adeynayo kuwa u adeegay dulmiga, waa inay ogaadaan inay taasi tahay hordhaca xisaabta dhabta ah ee taal aakhiro.
Waa masiibo weyn in qof aqoon diimeed sheeganaya uu noqdo mid u fatwooda gumaadka dadka aan waxba galabsan. Qof kasta oo ku takri-fala awoodda ama magaca uu haysto, ha ogaado in xaqii aan la soo dhicin maanta uu berri sugayo, maxk**adda Alle horteedana aysan jirin cid ka baxsan karta.
26/06/2026
Ummada Soomaliyed kuma farxin, way ka naxday. Wallaalahen waxaan ka codsanaynaa in aysan mar dembe Ummada Soomaliyed ka nixin. Caawa waa habeenkii ummada Soomaliyed meelkastoy joogto ah ka farxiyeen ee ay calanka Hargeysa uga taageen. Ummadii 66 sanno kahor ay ka farxiyeen way ka nixiyeen. Waxaan rabnaa in sidday horrey uga farxiyeen ay markale sameeyan.
Raysal wasaaraha Soomaliya oo ka hadlayay booqashadii Mw Ciro ee ISRL.
Maxay kula tahay?.
26/06/2026
Mary waxay ahayd 19 jir, waxayna sidatay shandad yar markii aabbaheed albaabka wejiga kaga dhuftay oo guriga ka eryay. Dambigeedu wuxuu ahaa inay guursatay Jake, oo ahaa nin madow oo u dhashay Trinidad. Xilligii midab-takoorku aadka u xooganaa, jacaylkaas ayaa ku kallifay inay lumiso qoyskeedii oo dhan.
Talaabooyinkii xigayna ma ahayn kuwo sahlan. Milkiilayaasha guryaha ayaa diiday inay guri ka kireeyaan, cay iyo aflagaaddo waddooyinka loogu geysto, iyo albaababadii nolosha oo meel kasta uga soo xidhmay.
Intaa waxaa u dheeraa dhibaatooyin dhaqaale iyo murugadii ka dhalatay inay waayaan ilmihii ay filayeen ka hor intuusan dhalan. Caqabad kasta waxay u muuqatay mid loogu talagalay inay kala geyso. Laakiin way ka gudbeen.
Maanta, in ka badan 70 sano ka dib arooskii ay dad badani isku dayeen inay hor istaagaan, Mary iyo Jake weli way wada joogaan. Waxaanay wadajirkooda ku jebiyeen cidkasta oo bilowgii is-hortaag kusamaysay.
25/06/2026
David Alaba waa mid ka mid ah ciyaartoyda kubadda cagta ee lagu wareeraayo.
🇩🇪 Wuxuu ku dhashay Jarmalka
🇦🇹 Wuxuu ku koray Austria
🇳🇬 Aabahiis waa Nayjeeriya
🇵🇭 Hooyadiis waa Filibiin
🇩🇰 Xaaskiisu waa Danish
🇨🇩 Awoowahiis waa Congolese
🇪🇸 Hadda wuxuu ku nool yahay Spain
🏴 Cidiisa England ayay dagan yahiin
Aabahiis waa Muslim, Isaga waa Christian, hooyadiisna waxay caabudaa Budism.
25/06/2026
Shiinaha ayaa markii ugu horreysay la sheegay inuu ka sarre maray Mareykanka dhinaca kombiyuutarrada ugu awoodda badan dunida (supercomputers), iyadoo warbixinno cusub ay muujinayaan in nidaamkiisa ugu casrisan uu gaadhay xawaare iyo awood xisaabeed ka sarreysa kuwii Mareykanka.
Guushan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo muujinaysa tartanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada quwadood ee dhinacyada tiknoolajiyadda, sirdoonka macmalka ah (AI), iyo xisaabinta heerka sare ah. Supercomputers-ka ayaa door muhiim ah ka ciyaara cilmi-baarista sayniska, horumarinta hubka casriga ah, saadaasha cimilada, iyo teknoolajiyadda AI-da.
Korodhka awoodda Shiinaha ee tiknoolajiyadda ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca Mareykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo sannadihii la soo dhaafay xaddidayay dhoofinta chips-ka iyo qalabka tiknoolajiyadda sare ee loo iibgeeyo Shiinaha, si loo yareeyo horumarka degdegga ah ee dalkaas.
Maxay kula tahay?.
25/06/2026
Soo dhowaynta maantu waxay ka duwan dhamaan soo dhowahnihii h**e loogu sameeyay madaxdii kala duwanaa ee qaranka maadaama dalku noqday mid la aqoonsan yahay.
Ma ka midtahay dadka maanta soo dhowaynta qaybta ka ahaa?.
Cliquez ici pour réclamer votre Listage Commercial.
Type
Site Web
Adresse
Paris