Jupiter Insight
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jupiter Insight, Media/News Company, Addis Ababa.
21/04/2020
የሶማሊ ህዝብ በኢትዮጵያ ውስጥ ሶስተኛው እጅግ በጣም ብዙ ህዝብ የሚገኝበት ብሔር ነው፣ እና የሶማሊ ክልላዊ መንግስት ከ9 የኢትዮጵያ ክልሎች ውስጥ ሁለተኛው ትልቁ እና የምስራቅ መጨረሻ ጫፍ ነው፡፡
በተመሳሳይ የሶማሊ ክልል በትሪሊየን ኪውቢክ ሜትሮች መጠን የሚገመት ከፍተኛ ተፈጥሮ ጋዝ እና ነዳጅ ሀብት በሰፊው የመሬት ክልል ውስጥ ይገኛል፡፡ የኦጋዴን ተፋሰስ በሱማሌ ክልል ውስጥ የሚገኝ ቦታ ሲሆን፣ ጉልህ መጠን ያለው የድፍድፍ ነዳጅ እና ተፈጥሮ ጋዝ ክምችት የያዘ ነው፣ እና ይህ ሸለቆ የተወሰኑ ወይም አብዛኛውን የክልሉን ቦታዎች ይሸፍናል፡፡ በተጨማሪም ከሌሎች በመከላለኛው ምስራቅ የሚገኙ በሃይድሮ ካርቦን ሀብት ከበለጸጉ ሸለቆዎች ጋር ተመሳሳይ የሆነ የጂኦሎጂያዊ ተመሳሳይነት አለው፡፡
በዚህም ምክንያት ክልሉ ለብሔራዊ ኢኮኖሚ እጅግ በጣም ቁልፍ የሆነ ስትራቲጂካዊ ቦታ ነው፡፡ ክልሉ ግዙፍ የሆነ የመሬት ስፋት ያለውነ ብቻ ሳይሆን፣ የተለያዩ የተፈጥሮ ሀብቶች እና እንደ የተፈጥሮ ጨው የመሳሰሉ የበለጸጉ ሚኒራሎችን የተትረፈረፈበት ክልል ነው፡፡ በተጨማሪም፣ የኦጋዲን ሸለቆ ባለው ትልቅ አስፈላጊ ሀብቶች ብዛት እና እጅግ በጣም ስትራቴጂካዊ የሆነ ወደ ሀገር ውስጥ የሞገቡ እቃዎች ማጓጓዣ ምክንያት ሱማሊ ክልል በአሁኑ ጊዜ ባለው ብሔራዊ ኢኮኖሚያዊ ተሳትፎ ውስጥ ግንባር ቀደምሆኖ ይሰለፋል፡፡ በተጨማሪ በኢትዮጵያ ሀገር ብልጽግና አስፈላጊውን አስተዋጽኦ ያበረክታል ይሁን እንጂ ክልሉ ካለው ግዙፍ የመሬት ስፋት እናሀብቶች መኖር መሁኔታ አንጻር ሲታይ እንዲሁም፣ በኢትዮጵያ ውስጥ ከሚገኙት ህዝቦች መካከል ሶስተኛው ትልቁ ህዝብ ብዛት ያለው ክልል ቢሆንም፣ የሶማሌ ህዝብ ለዘመናት ያደረገው ፖለቲካ ተሳትፎ ድርሻ በጣም አናሳ ነው፡፡
ለዘመናት ክልሉ በግጭት የተጠቃ ክልል ነበር፣ እና ህዝቡ ከፍተኛ ቁጥር ያለው የውጪ ስደተኞች ፍሰት አጋጥሞታል፡፡ ክልሉ ለበርካታ አመታት የደህንነት ችግር ስጋት ያለበት ሆኖ ቆይቷል፡፡ ይህም በነገስታት እና በደርግ አገዛዝ የፖለቲካ ሪኦተ አለም ነበር፡፡ የሶማሌ ክልል ህዝብ አስፈላጊ እንዳልሆነ ሁሉ እጅግ በጣም ተገፍቶ እና በአሉታዊ ሁኔታ ሲታይ ነበር፡፡
ክልል ለዘመናት የወታደራዊ እንቅስቃሴ ቦታ እና የጦርነት ቦታ በመሆኑ እንዲሁም ክልሉ ያልተረጋጋ የፖለቲካ አከባቢ የሰፈነበት ሆኖ በመቆየቱ፣ በመጨረሻ ህዝቡ በክልሉ ላይ ያለውን ጥሩ መንፈስ እንዲጣ አድርጎታል እና የሶማሊ ህዝብ በተደጋጋሚ እና በተከታታይ በተደረጉት ጦርነቶች እና የፖሊቲካ ጭቆና እና የመሪዎች አምባገነነት ምክንያት ተስፋ ቆርጦ ቆይቷል፡፡ ስለዚህ የክልሉ ህዝብ 21ኛውን ክፍለ ዘመን የእረፍት የለሽ እና ሀዘን ምልክት አድርጎ አስቀምጦታል፡፡ ይህም የሆነበት ምክንያት ከራሳቸው መሬት የተባረሩበት፣ እጅግ በጣም ከባድ በሆነ የኑሮ ሁኔታ እንዲኖሩ የተፈረደባቸው እና ርህራሄ በሌለው ፊውዳል ፖለቲካ ምክንያት ማንነታቸውን ጠብቀው የመኖር መብት የተከለከሉበት እና ባህላቸውን ተግባራዊ እንዳያደርጉ ወይም እንዳያስፋፉ ተተከለከሉ በመሆኑ ነው፡፡
ይሁን እንጂ እጅግ በጣም ሰፊ የነበረው የፖለቲካ ጫና እና አምባገነኖች እንዲሁም በነበረው አድሎ ምክንያት፣ የሶማሌ ህዝብ ምንም ዓይነት ካሳ ወይም ጉዳት ህክምና አላገኘም፡፡ ይህም ማለት፣ የሶማሌ ህዝብ ካሳ እና ጉዳት ህክምና ለዘመናት ተከልክሎ የነበረውን ሰብዓዊ እና ዴሞክራሲያዊ መብቶችን ከማግኘት ሌላ ምንም ማለት አይደለም፡፡
ህዝባችንነ ካለበት የአለመግባባት ደረጃ ለማውጣት እና ወደፊት ለመጓዝ ተገቢውን እርምጃ እንዲጀምር ለማድረግ፣ ልዮነቶችን ወደ ጎን በመተው እና በጋራ በመስራት እንዲሁም የፖለቲካ ፓርቲዎች እንዲሁም መንግስት ለህዝቡ ጥቅም በማገልገል የሚደረግ እውነተኛ የሶማሌ ህዝብ አንድነት እጅግ በጣም አስፈላጊ ነው፡፡
ስለዚህ፣ ሉዓላዊነቱን ለመጠበቅ፣ ለፖለቲካ መብቶቹ ለመቆም እና የሶማሌ ህዝብን የጋራ ጥቅም ወደ ፊት ለማራመድ፣ ለመንቀሳቀስ የሚያስችል ሃይል የተሞላ እና በክልል ውስጥ ለሶማሌ ህዝብ መብቶች ትግል ለማድረግ የሚቆም የሶማሊ አርበኞች ፓርቲ መመስረት አስፈላጊ ሆኖ ተገኝቷል፡፡ ይህ ፓርቲ በዴሞክራሲ መርሆች የሚገዛ ሆኖ በፓርቲው ፕሮግራም ውስጥ እንደተጠቀሰው አላማዎቹን ለማሳካት የሚታገል ነው፡፡
14/04/2020
Waxaan wada ogsoonahay in umadaha kale ee dunidan kunool ay ka dhax jiraan khilaaf hoose oo kusalaysan dhinaca siyaasada, dhinaca dhaqaalaha dhinaca, deegaamaynta iyo waliba khilaafyo dabiici ah oo umad kaste isku khilaafsantahay fikir ahaan, waxaan wada ogsoonahay oo kale in dhamaan arimahani ay saamayn kuyeeshaan midnimada umad kaste oo kuwada nool dal, deegaan, iyo waliba meel ama bay,ad kaste oo mujtamac wada daganyahay.
Umadaha kale iyagoo ay ka dhex jiran khilaafyo waawayn & kuwa yar-yarba, balse lakiin waxaa inta badan caado u ah in marka uu cadaw dibada soo galo inay u midoobaan cadawgooda iyagoo meel iska dhigaya khilaafyadi ka dhax jiray islamarkaana waxay si wada jir ah umadaasi u wajahdaa sidi ay iskaga dhicin lahaayeen cadawga kusoo duulay, waxaana xaqiiq ah umad kaste oo u midawda cadawgeeda inay ka guul gaadhi dhamaan ujeedoyinka oogu waawayn Ee nolasha dunida.
Waxaa kale oo aan si waadix ah u ognahay in hadii umadi u midoobi waydo cadawgeeda si wada jirana ooga hortagi waydo khatar kaste oo kaga imaan karta cadawgeeda in umadaasi si wada jira ah oogu guuldaraysanayso dhamaan ujeedoyinkii ay ka lahaayeen noolasha islamarkaana ay ladarsayaan burbur & inay waligood ahaadaan lahaystayaal maskaxda laga guumaysto.
Halkaasna Waxaad Kagaran Kartaa in Dhibka Kaliya Ee Ina Haysto uu Yahay: Midnimo La,aan shacabka Dhexdiisa ah & Axsaabta Siyaasada oon Lahayn ahdaaf Guud ooy Wada Ilaashanayaan, Waana Mida Keentay in Axsaabta siyaasadu ay ahaadaan Weerar & Weerar Celin.
FG. Cidkaste oo Muwaadina damiirkiisuna noolyahay haka dheeraado kala qoqobida shacabka deegaanka ileen sugaaro labo tun oo lakala qalo malahee, hana kahawlgalo isku soo dhaweynta, dib u heshiisiinta & midnimada shacabka deegaanka.
Wadanigu-Hagulaysto
✏️SPP
10/04/2020
DOORKA HOGAAMINTU KULEEDAHAY MIDNIMADA & AAYAHA UMADA.
Markaan leenahay hogaamin K**a wadnoo oo kaliya hogaaminta siyaasada ee waa waadarta hogaaminta qaybaheeda kala duwan ee: kuwa siyaasada, kuwa diinta & kuwa dhaqanka, Sida kalena waxaan wada qirsanahay in midnimada mujtamaca door lixaad leh ka qaataan bulshada qaybaheda kale ee sida ururada dhalinyarada, ururada hooyoyinka & waliba daladaha aqoonyahamiinta, waxaadna nuxur ahaan u fahmi kartaa in midnimadu cid kaste door keeda ka ciyaarto cid gooni ahna si gaara u suurta galin karin balse lakiin hogaamintu doorka oogu wayn kuleedahay sababtoo ah waxaan ognahay in mujtamacu inta badan raacaan hababka & jahooyinka ay hogaamintu jeexdo.
Doorka ay hogaaminta wanaagsani uleedahay dalkooda & dadkooda iyagoo ku hagaya hormarka, nabadgalyada & midnimada ayaa waxaan si cad u dhihi karaa in hogaamintu abuurto: rajo & ididiilo noolaleed, hiigsi siyaasadeed oo midaynaya aragtida guud ee bulshada, cadaalad samaynta & adkaynta nabadgalyada, tirtirida musuq-maasuqa iyo kor u qaadida dhaqaalaha & shaqo abuurka dhalinyarada.
Waxaana marag madoon aan layska indhasaabi karin ah in hogaamintu door weyn kuleedahay midaynta umad kaste ama mujtamaca ay hogaanka u hayaan,sido kalena waxaan ognahay in hogaaminta majaraha u haysa bulsho kaste oo meel kuwada dhaqan ay u horseedi karaan laba wado mid uun; in umadaasi noqoto umad midaysan,hormar iyo guulo waawayna ka gaadha nolasha bini aadamka heerar keeda kala gadisan, iyo in umadaasi noqoto mid kala qoqoban, dhax-doodana kajirto nacayb fara badan oo midba midka kale dabka ka qaadan karin, sido kalena umadaasi noqoto kuwa ka quusta hiigsigii nolasha.
Waxaan wada ogsoonahay in umad kaste oo rabta inay gaarto midnimo, wanaag & hormar waxaa lama huraan ah inay hesho hogaamin sax ah oo leh tilmaamahii hogaamiye-nimo ee umada loogu horseedi lahaa wanaaga & midnimada hadii kalese umadi way gablamaysaa ama agoomoobaysaa waxaana ka dhumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna daba martaa dhinacay kugaadhi lahayd guusha, waxaana dhacda inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho kadibna ay dhumiso jiritaamkeedii, sumcadeedii & qaranima-deedii intaba.
Hadaad maqasho umadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa dad waayay hogaan u jeexa jidkay ku gaari lahaayeen guul,hormar,haybad & awood lagaga cabsado,si uuna cadaawuhu u damcin inuu qabsado,bililiqaysto,dhalangadiyo kadibna isagu maareeyo mustaqbalkooda.waxaad halkaasi kafahmi kartaa in hogaamiyuhu hormuud u yahay midnimada & jiritaanka umad kaste oo heer gaadhay ama aayahooda katashaday.
Hadaba si loo mideeyo shacabka deegaanka waa in la helo hogaaminta siyaasada, hogaaminta dhaqanka, hogaaminta diinta oo leh aragti midaysan si iskaashi ahna u hogaamiyaan umada islamarahaantana si qoda dheer oogu kuur galaan caqabadaha soo jireenka ah ee u bahaan in xal waara laga gaadho iyagoo muhiimada koobaad siinaya midnimada mujtamaca kala gadisan ee kudhaqan deegaanka islamarkaana u horqaadaan umada: khayrka,guusha ,hormarka & same katalinta si cusubna loo abuuro bulsho maskax caafimaad qabta oo kamadax banan qabyaalada,eexda & isir-nacaybka aan sal & raad toona kusalaysnayn.
Midnimadu Waa Furaha 🔑 Guusheena 💪
Sida ay aqoonta iyo cilmigu ina barayaana ilbaxnimada & Xadaarada ay ummad ummadaha ka mid ah yeelataa waxay ka shiidaal qaadataa mabaadii’da ay rumaysnayd iyo sida ay u arkaan muuqaalka dunida.
Waan ognahay in dunidan aynu kunolahay ay soo martay ilbaxnimo heerar iyo wajio kala gadisan leh; haa ahaato ilbaxnimada gaalada ama ilbaxnimada muslimiinta, bilow ilaa dhamaad waxaa soo jiray ilbaxnimo iyo xadaarado badan oo lasoo maray oy kamid ahaayeen; kacaankii ugaadhsiga & Qadhaabsiga ( hunter and gathering revolution),xiligii reerguuraanimada ( nomadic pastoralist),kacaankii beeraha (neolithic Revolution), kacaankii magaaloyinka (urban revolution),iyo Kacaankii warshadaha (industrial revolution) Dhamaan ilbaxnimadan iyo kacaanadan ay dunidu soo wada martay waxay ahaayeen xiliyo bulshadu ka gudbeen hab noolaleed ay markaas kunoolayeen, iyagoo raadinaya ilbaxnimo & nolal kasii fiican mida ay wakhtigaas kujireen ilaa ay kasoo gaadheen ilbaxnimadii warshadaha. Duniduna haatan waxay maraysaa technological revolution oo ay warshaduhu qayb kayihiin.
Iskusoo wada duubo maxaa inaga inoo diiday in ilbaxnimadeenu wax iska badasho, ilsmarkaasna aan u hiigsan laanahay halka uu qayrkeen gaadhay. Hadaad fiiriso inta uu dadkeenu soo jiray taariikh ahaan waxaad kabarani in maalinki jiritaankeenu bilawday ilaa maanta oon marayno qarnigi 21aad ay ina daashatay qabiil & qabyaalad, waana arinka kaliya ee curyaamiyay Guulihi aan kagaadhi lahayn hormarka, nabadgalyada, siyaasada, dhaqaalaha & hab noolaleedka dadkeena.
Fadlan wax ka baro xadaaradaha iyo sooyaalkii ilbaxnimada umadaha kale ee dunida, kadibna ogow heerka ay kagaadheen noolasha dunida, hana xadhig jiidanin fikirka xun ee qabiilka & qabyaalada kusalaysan, iyaddoo lamarayo qarnigii 21aad ma jirto sabab ay jiilashan dhalinyarada ah kusii aaminaan in qabiilku wax u goynayo. Hadii cilmiga iyo aqoonta aad baratay aysan ilbaxnimo kugu soo kordhinaynin, haa iska lumin wakhtiga aad wax kubaranayso waayo matihid mid ka faaiiday cilmigi iyo aqoonti uu sanado badan kudaalayay waxaadna tahay uun dameer malam saaranyahay. wax u baro si aad naftaada iyo bulshadaada aad wax ooga badasho, ee wax haa u baranin sidaad naftada iyo bulshadada halis u galin lahayd.
Baaraaruga Bulshooy Baraaruga.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Addis Ababa