Beyruut Dental Clinic
Beyruut Dental Clinic & Pharmacy waa xarun caafimaad oo bixisa adeegyo tayo sare leh oo dhinaca ilkaha iyo farmashiyaha ah.
Xaruntu waxay ku takhasustay baaritaanka, daaweynta, nadiifinta, buuxinta, saarista ilkaha IWM.
Reer Bacaadwayn iyo Dhamaan Deegaanada Nawaaxigeeda Kafaaidaysta Qiimadhimista!!
5 QALAD OO AY SAMEEYAAN DADKA MARKA AY CADAYANAYAAN HADABA LAGA YAABAA ADIGUNA INAAD SAMAYSO KAFAAIDAYSO DR Zakarie Timocade - دكتور زكريا تيمو كادي
Saciid Muuse, oo ah nin dhalinyaro ah kana yimid Degmada Burtinle, ayaa xalay si guul leh ugu dhamaynay daaweyn ilko oo uu muddo dheer ka cabanayay.
Sida uu noo sheegay, wuxuu horay u tagay dhaqaatiir badan, balse wax xal ah k**a helin. Markii uu noo yimid, gowskiisu aad buu u burburay, sida si cad uga muuqata muuqaalka, hase yeeshee ma aanan go’aansan in la siibo.
👉 Waxaan u sameynay RCT (Root Canal Treatment / daaweynta dhuuxa), annagoo badbaadinay gowskii burburay oo aan ka qaadnay xanuunkii hayay muddo dheer.
Alle mahaddiis, maanta wuxuu ka tagay isbitaalka isagoo ka nastey xanuunkii, isla markaana gowskiisii la badbaadiyey 🦷✨.
Waxaan ugu baaqeynaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Mudug, inay ka faa’iideystaan qiimo-dhimistaan gaarka ah ee aan hadda bixinayno adeegyada ilkaha.
📍 Goobta: Hospital-ka ugu weyn ee Gobolka Mudug
🏙 Magaalada: Gaalkacyo
Badbaadinta iliggaaga waa mudnaanteenna — ha sugin ilaa xanuunku bato.
11/14/2025
ISBARBARDHIG HOGGAAN:
Waagii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynenimada Puntland hayay, safarradiisu Imaaraadka Carabta waxay ahaayeen kuwo dawladdiisu si buuxda u qaabishay, isagoo u ambabixi jiray diyaarado khaas ah oo si gaar ah loogu soo diro, una helo qaab-qaabasho maamuus dowladeed oo cad. Wasiiradiisu waxay safarkiisa u raaci jireen si hufan, waxaana muuqan jirtay hayb iyo hannaan hoggaamineed oo mideysan.
Maanta, iyadoo uu weli jiro isla Imaaraadkii, waxaa ka jira Puntland madaxweyne ka dhuumanaya wasiiradiisa oo u safra si qarsoodi iyo dhuumaaleysi ah, safarro aan lahayn maamuus dawladnimo, aan lahayn nidaam, oo muujinaya in maamulka hadda jira uu lumiyay sharafkii iyo miisaankii siyaasadeed.
Eedeyntu waa mid cad:
Hoggaanka maanta jira wuxuu Puntland ka dhigay maamul aan lahayn isku xirnaan, madax aan kalsooni ku qabin xukuumaddiisa, isla markaana ku fashilmay inuu ilaaliyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee heerka sare ahaa ee ay hormuudka ka ahaayeen hoggaamiyayaashii ka horreeyay.
Natiijadu waa:
Dawladdii shalay la ixtiraami jiray maanta waxay isu rogtay hoggaan dhuumaaleysi ku socda.
Codka Runta TV
11/14/2025
WAR DEG-DEG AH – CODKA RUNTA TV
Warar hoosaadyo oo ay heshay CODKA RUNTA TV ayaa xaqiijinaya in dhowr safaaradood oo shisheeye ay si cad u sheegeen in aysan adeegsan doonin nidaamka cusub ee E-VISA ee Soomaaliya. Arrintan ayaa timid iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga saaray in ka badan 60 khabiir shisheeye, intooda badan ahaa khubaro amni (Expert Security), sababo la xiriira cabsi xooggan oo ku saabsan xog dhan 35,000 oo qof oo la sheegay in la jabsaday lagana qaaday nidaamka.
Waxaa jira isku dhexyaac xooggan oo ka dhashay arrintan, iyadoo weli aanay jirin cid rasmi ah oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo beenisa ama qirata dhacdadan halista ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in cadaadis hoose lagu saarayo mas’uuliyiin in ay qaataan masuuliyadda dhacdadan.
Dhanka kale, khilaafka maamulka hawada dalka ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo diyaaradaha Soomaalidu ay weli ku shaqeynayaan, taas oo loo arko in loo eegayo dhaqaale kaliya halkii laga eegi lahaa dhinaca amniga iyo nidaamka duulista.
Wararka qaar waxay intaas ku darayaan in dhowr shirkadood oo duulimaadyo ah ay go’aansadeen in aysan dadka ku xirin nidaamka E-VISA, kadib markii ay arkeen sida aan isku xirnaanta lahayn ee hoggaaminta iyo maamulka amniga Soomaaliya.
Codka Runta TV ayaa weli ku howlan ururinta faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan arrintan.
11/14/2025
MAREYKANKA OO KA WALAACSAN IIBKA F-35 EE SACUUDIGA!
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Mareykanku ka baqayo in haddii uu Sacuudiga siiyo diyaaradaha F-35, ay suuragal tahay in Shiinuhu helo xog ama tiknoolajiyad ka mid ah farsamada sare ee diyaaraddan, maadaama xiriirka amniga ee u dhexeeya Riyaadh iyo Beijing uu si weyn u xoogeysanayo.
Tani waxay u muuqataa bilow cudurdaar loo adeegsanayo in dib loo dhigo bixinta F-35-yada ama cadaadis lagu saaro Boqortooyada Sacuudiga si loogu qasbo inay sameyso xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa la leh Israa’iil — xilli gudaha Mareykanka ay loobbiga Israa’iil si xooggan uga shaqeynayaan arrintan.
⸻
“MADAXWAYNE H**E FARMAAJO SABABTA DHABTA AH EE U UYIMID MUQDISHO…see more
⸻
📍 Muqdisho, Soomaaliya
🗓️ 13-ka Nofeembar, 2025
✍️ Codka Runta TV – Warbaahinta Madax-bannaan ee Runta Ka Hadasha
11/13/2025
🛑 :
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, Puntland, ayaa gacanta kusoo dhigay Hodan Maxamuud Diiriye, 34 jir ah, oo lagu eedeeyay dilka arxan darrada ah ee Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdile, 14 jir ah, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo saaka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in eedeysanaha ay falka geysatay si ula kac ah, taasoo dhalisay falcelin xoog leh oo ka timid bulshada deegaanka.
Booliska ayaa xaqiijiyay in Hodan Maxamuud Diiriye ay hadda ku jirto gacanta ciidamada, islamarkaana baaritaan hordhac ah uu socdo si loo caddeeyo duruufaha ku xeeran falkaasi naxdinta leh.
Taliska Booliska Mudug ayaa sheegay in eedeysanaha lasoo taagi doono Maxk**adda awoodda u leh marka baaritaanka la dhammeeyo, si cadaaladda loo horkeeno.
Meydka Marxuumad Saabiriin ayaa la sheegay in loo gudbiyay xarun caafimaad, halkaas oo baaritaan rasmi ah lagu sameeyay.
Bulshada Gaalkacyo ayaa cambaareysay falkaas, iyagoo dalbanaya in cadaalad degdeg ah la helo.
⸻
📍 Gaalkacyo, Puntland – 13 November 2025
📰 Codka Runta TV
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Address
Penn, PA
16503
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Beyruut Dental Clinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.